Wakiilka AGA ee waddanka Sweden oo kala hadlay Soomaalida Norwey daryeelka Afka-soomaaliga

Wakiilka AGA ee waddanka Sweden oo kala hadlay Soomaalida Norwey daryeelka Afka-soomaaliga

Wakiilka Akadeemiye-Goboleedka Af-Soomaaliga (AGA) ee waddanka Sweden Dr. Xuseen Maxamed Cabdulle (Wadaad) oo magaalada Skien ee dalka Norway uga qeyb galay Daah-furka buugaagta Godob iyo Galad iyo Gaso, Garuun iyo Gasiin, ayaa Soomaalida ku dhaqan waddankaasi waxa uu kala hadlay sidii ay kaalin mug leh uga qaadan lahaayeen daryeelka afka-soomaaliga.

Munaasabaddaasi oo si wanaagsan loo soo agaasimay ayaa waxaa ka soo qeyb galay madax ka tirsan Golaha Deegaanka magaalada Skien, aqoonyahanno, qorayaal, abwaanno, saxafiyiin iyo marti sharf kale oo lagu casuumay xafladdaasi. Khudbad uu munaasabaddaasi ka soo jeediyay wakiilka AGA ee waddanka Sweden Dr. Xuseen Wadaad ahna qoraaga buugga GODOB iyo GALLAD ayaa ka hadlay macluumaadka uu xambaarsan yahay buuggaasi, waxaana uu si qoto dheer uga warbixiyay sida ay isugu dheellitiran tahay sheekada buuggaasi, isaga oo bulshada magaalada Skien la wadaagay xikmadda uu xambaarsan yahay buuggaasi.

Mar uu wakiilku ka hadlayay arrimaha af-soomaaliga ayaa halkaasi ku soo bandhigay dadaalka ay Akadeemiye-Goboleedku ugu jirto nooleynta afka hooyo, waxaana uu ka qeyb galayaashii munaasabaddaasi uga sheekeeyay sooyaalka iyo waxqabadka Akadeemiyada, isaga oo bulshada reer Skien ku guubaabiyay inay kaalin wax ku ool ah ka qaataan bad-baadinta afka hooyo. Sidoo kale waxaa munaasabaddaasi ka hadlay qoraa, fannaan iyo bar-baariye Bashiir Cali Xuseen oo wakiil ka ahaa qoraaga buugga Gaso, Garuun iyo Gasiin Prof. Cali Jimcaale, waxaana uu ka hadlay qeybaha uu ka kooban yahay buuggaasi, isaga oo xusay buuggaasi in uu ka mid yahay buuggaagta ugu qiimaha badan ee muddooyinkaan dambe la soo saarey.

Munaasabaddaasi waxaa iyana ka hadlay Xildhibaanad Saynab Maxamed Guuleed oo ka mid ah Golaha Deegaanka Skien, Maxamed Guuleed, Cabdi Shiin, Yuusuf Ina-hooyo iyo Aqoonyahan Cabdiraxmaan Xandulle, kuwaasi oo soo dhaweeyay dadaalka ay Akadeemiyada AGA ugu jirto hiilka afka hooyo. Masuuliyiintaasi ayaa dhinaca kale sheegay inay ku faraxsan yihiin in magaaladooda Daah-fur loogu sameeyo buuggaagta lagu soo bandhiggay, iyaga oo halkaasi ku qaatay nuqullo ka mid ah buuggaagtaasi, xafladdaasi oo ku dhacday jawi aad u wanaagsan ayaa waxaa daa-dihinayay Dr. Maxamed Macallin Cali Daa’uud (Calas).

Horey ayaa buugaagta Godob iyo Gallad iyo buugga Gaso, Garuun iyo Gasiin waxaa loogu soo bandhiggay magaalooyin kala duwan oo caalamka ka tirsan.

Akadeemiya-gobaleedka af-soomaaliga (AGA)

SHEEKOOYIN