GARBADUUB Q17AAD W/Q: Cabdiraxiin H. Galayr

GARBADUUB Q17AAD

Ugu dambeynn Caddaawe waxaa u caddaatey wuxuu in Guhaad la shirqoolay, sidoo kalena arrinkiisu uusan ahayn mid si fudud ku dhammaanaya, maxaa yeelay waxaa isu kaashaday  dad madax ah oo leh awood ka badan tiisa iyo heshiis bulsheedkaba.

Wuxuu gaadhay go’aan ah inuusan arrintan cidna la wadaagin waayo isaga laftiisa ayay halis gelinaysaa, sidaa awgeed uu keeno xalkii uu Guhaad bannaanka ku keeni lahaa, isaguna uu runta u baadi goobi lahaa.

Waxaa uu isu diyaariyey inuu si toos ah ula kulmo Guhaad kaddibna uu wareysto xaalkiisa soo ogaadana nolol iyo geeri midda uu ku sugan yahay isaga oo ka digtoonaanaya in aan hortiis la la bixin, waayo hawshiisaba waxaa ku filan iyadoo dhambaal hawlfulineed laga soo gudbiyo madaxda sare ee ciidanka dharaar cadna tiirka la geeyo, dabagal iyo kuurgal iyadoon la marsiin.

Guhaad waxaa u warramay nin ka mid ah ilaaladii qabirka una sheegay in isaga iyo dhawr qofood oo kale meesha ku jirta arrinkoodu  yahay dil sugayaal, balse, laga rabo in laga helo xogta dadka la shaqeyn jirey, askariga ayaa u sheegay in ay isaga iyo Guhaad waxba is dhaamin oo isaguba hubka siin lahaa kooxaha hubeysan maxaa yeelay beeshooda ayaa u badan waxa la  beegsanayo ee sidaa loogu jidh dilayna inay tahay maxaa reer hebel kaa dhigay.

Askarigii ayaa si qarsoodi ah ugu tiriyey rag badan oo taliska guud ee ciidanka ka mid ah iyo midka qaybta 91aad raggaasoo isu urursaday siday u wax yeelayn lahaayeen dadka deegaankana ugana dhigi lahaayeen mid xidhan, mid la dilo iyo mid carara.

Guhaad oo aan kalsooni weyn ku qabin, balse, raba inuu ogaado ujeedka laga leeyahay ayaa yidhi “ Maxay ba’sheen beelaha aad carrab dhawday, maxaase  keenay in dadka la kala sooco, qof aan dhagar gelin, eedna falin la colaadiyo oo la gumeeyo?”

Ilaaliye Cawaale ayaa helay kansho uu ka dhaadhacsiin karo wax walba, wuxuu yidhi “Ilaa maalintii gobonnimada la qaatay, waxaa jiray dagaal ku socday  dadkan aan ka dhalanay, waxaanna markii hore arrinku ku koobnaa in nalaga ilaaliyo xilalka sare ee dalka iyo meelaha wanaagsan,  sinnaan la’aantaas iyo sedbursigii markaan iska oggolaanay ayaa haatan waxaa billowday in nolosha la inoo diido.

Waana mida keentay in ganacsatadeena lagu beegsado lana laayo dharaar cad, kuwana xadhig lala dhigo Qabir dadeedka, waxaa dalka iskaga cararay dhammaan hoggaanka ciidanka iyo gollaha sare wixii ku jiray, waxa aynna galeen duurka, halkaas ayay ka abuubuleen dadkii miyiga iyo dadkii kale ee ka soo horjeeday kelitaliska iyo hoggaanka saree e dalka.

Raggaas ayaa isu bahaystay siday dalka uga saari lahaayeen kooxahan gaashaanbuurta ah ee dhiigmiiratada ah, waana kuwa halkaas dal iyo dad dhigay.

Rag adiga oo kale ah ayaa loo baahan yahay oo nafta u hura sidii gobonnimadu u waari lahayd, dadkana looga celin lahaa dugaaga aan naxariista lahayn ee ku degay.

Guhaad ayaa weydiiyey “ Maxaa keenay in beel qudha la beegsado, sidoo kalena beeshu iyaduna bannaanka u baxdo oo dal shisheeye garab ka dhigato?”

Cawaale ayaa yidhi “ Nin wax og baan ku moodayey, waagii hore waxaa baxay hal beel, dagaal ba’an ayaa lagu qaaday, waana u suurageli weyday inay  talada kala wareegaan hoggaanka kacaanka, kaddib wey soo laabteen waana ka noqdeen aragtidii kacaan diidka ahayd, iminkase waxaa diidan waa rag  ruug caddaa ah, kuwaasina waa ka midho dhalin doonaan halganka.

Iyagoo wada hadlaya ayuu Ilaaliye Cawaale sheedda ka arkay taliye Duubane oo meel aan ka dheereyn maraya, waana ka dhaqaaqey.

Guhaad ayaa is weydiiyey waa side arrinku, ninkani ma adiga ayuu ku yool baadhayaa mise waa ka dhab, maxay tahay waxaa beeshaadu galabsatay, maxaase dad isku beel ah qudha ka dhigay kooxaha hubeysan ee ciidan isku aragti ah u diiday?

Isaga oo arrimahan is weydiinaya ayuu kula soo noqdey qolkii uu ku xidhnaa si uu wax uga weydiiyo Dirir Colaad, bal in arrinka Cawaale sheegay yahay mid jira iyo in kale! 

Inkastoo uu daryeel iyo taageero badan ka helay oo mararka qaarkood Cawaale u oggolaado inuu in badan dibadda joogo, haddana marnaba kuma kalsoonaan wararkii dhiillada lahaa ee uu la wadaagay.

Guhaad waxaa ku soo kordhay war dhiillo leh, kaasoo ah inuusan meeshan nolol uga baxsan doonin ee la dilayo, inta uu xogta uu hayo qarinayona uu noolaan doono, Guhaad wuxuu is weydiinayaa ninkan ilaalada ahi ma qof laguu soo diray oo baadhitaan wada isagana kaa dhigaya nin dowladda ka soo horjeeda mise waaba kooxaha lagugu wareeriyey.

Guhaad waa ogyahay inay jiraan kooxaha Jabhadaha ah oo ilaa 1977 duurka jiray qaarkood dib u soo noqdeen iyo kuwa  baxay  oo duurka galay gu’yaal ka hor, balse isagu maaha nin u arka in hayb iyo beel ahaan laysu ugaadhsanayo ee dad ka soo horjeeda hannaanka kacaanka iyo hoggaanka sare keliya ayuu u arkayey, taasina aysan saameyn ku lahayn ninka dowladda iyo dadweynahaba u adeegaya.

Isagoo weli weydiimo badan is weydiinaya aadna arrinkiisu isu dhalanrogey intii yareyd ee Cawaale bannaanka u saaray warka dhiillada lehna ku soo kordhiyey ayuu gudaha soo galay, wuxuuna usoo dhawaaday, Dirir Colaad oo uu weydiiyey “ Adeer Diiriyoow adigoon xumaan ii arkin ma waxaad tahay beelaha loo aanaynayo inay ka dhasheen hoggaanka kooxaha hubeysan?”

Dirir oo arkay inuusan waxba la socon Guhaad dhawr jeerna hore ugu sheegay si duurxula ayaa u bilaabay sheeko dheer oo  uga warramay xaalka dalka iyo is diidooyinka jira wuxuu yiri “Guhaadoow in dhawaale waxaa jirey is qabqabsi dhinaca ciidanka iyo madaxda dalka ah, ka soo noqoshadii dagaalkii xabashida waxaa ciidanka dhexdiisa ka unkamay kana billowday ismaandhaaf xooggan.Waxaa jira kooxo hubeysan oo dagaalkii kaddib aan  dib u soo noqon iyo kuwa ka daba tegay,  waxaa sidoo kale jira kuwa baxay oo dagaalkii foolka foolka ahaa ee ay kala soo horjeedeen hannaanka siyaasadda iyo hoggaanka dalka u rogay dhan kale oo dowladda ku biirey, weli halgankoodii ahaa in ay dowladda ridaan uusan is dhalanrogin ee dhinacyo kale u wada.”

Dirir oo hadalkiisa sii wataa yidhi “Waxaa arrintaasi garab u noqotey oo dheef iyo dhurba ka helay kooxihii hubeysnaa oo maalinba maalinta ka dambeysa sii badanaya, dadkiina iyaga naf bidayaan”

Guhaad baa ka dhex galay oo yidhi “Saw kooxaha hubeysan iyo halgankoodu maaha mid ka dhashay dad sida innaga oo kale inta dhibaato loo geystay, dalkoodi ka doorbiday inay dal shisheeye intey dabadda la galaan  gobonnimo ku diriraan  heeryada gumeysiga madoow ee soomaaliga ah, gardaradana isku bahaystey dadka ka dulqaadaan?

Dirir oo hadalkan u guuxay ogaanna inuu yahay ninkii mudnaa ee sidaa fali lahaa maxaa yeelay Guhaad waa nin ciidan ah oo tabbobaran, haddana dhaqan wanaagsan oo dalka iyo dadka wax u tari kara, haddana waxaa loola dhaqmay sida nin nacab ku ah dalka iyo dadka waana arrin garsoor xumo iyo gurrac ah oo layska kaashaday.

Wax badan ayaa u biniixay markan Guhaad, waxaadna mooda inuu haddii uu dilka ka badbaado haatan qorsheeyey waxaa uu falayo iyo halka uu hawsha ka bilaabayo.

La soco qaybaha kale ……

W/Q: Cabdiraxiin H. Galayr

SHEEKOOYIN