LIIBAAN WAA SOOMAALI! W/Q: Mohamed Musa Sheikh Noor

ddddd

LIIBAAN WAA SOOMAALI!

 

Waa iska maskiin iska xamaasha, mar walba waa mid ku fakara, in uu wax taro dadka iyo aduunyadiisa, xiliga salaadda la gaaro Masjidka ayuu xaadiraa, waajibaadkiisa Allah ayuu gutaa, shaqada uu hayo ma ahan shaqo sidaa u nafci badan, waa mid uun ku filan noloshiisa.

Ma lahan wax waalid ah ama qaraabo, wuxuu ka mid ahaa xiligii Dowladdii Maxamed Siyaad Barre Ciyaalka ubaxa, laga yaabee tan macnaheeda in aad u fasirato in uu ahaa, wecel ama ciyaalka lasoo dayacay, waxaana taas kaa dhihi lahaa, ha ku dag dagin xukmintiisa, hana ku xukmin, xukmin qaldan.

Xaqiiqda nolosha waa mid baahsan, mar walbana ah sida Albaab aad soo gashay, oo ka dhex heshay Duni baahsan oo aan lasoo koobi Karin qiimaheeda, waa Duni runtii leh dhinacyo badan, dhinac walbana isaga ayaa iskaa tusaya.

Liibaan, waa nin ku jira da’ dhaxaadka noloshiisa, wax uu yeeshay noloshiisa ma jirin, mana ku fakarin in uu wax yeesho, mar walba waxaa ku taagnaa, Nabar ku saabsan noloshiisa, kaas oo uu runtii Daawo uu u  waayay, nabarka maahan mid cudur ama mid jismi ahaan ugu yaala, ee waa mid Qalbi, marka runta laga hadlayo .

Noloshiisa oo dhan ayaa iska ahayd mid adag, macna badan ma suubinayso, in aan idinla wadaago halka uu kasoo askumay iyo cidda uu yahay, taa uu runtii isagaba diiday in uu ila wadaago markii aan la kulmay

Liibaan ma ahan mid tuugsada, waa mid ku shaqaysta xoogiisa, sida uu ii sheegay waligiis ma xadin waxba, waxna ma dhicin, kumana biirin koox dhibaataysa dadka, umana hiilin qof gardaran, wuxuu kaloo iisii taabtay in ay jiraan wax badan oo uu ku haminayo inta noloshiisa ka dhiman, kuwaas oo ay ka mid tahay in uu caawiyo inta uu caawin karo Dadka iyo deegaankaba, wuxuu ii sheegay in uu mar walba jecelyahay qabashada waxa uu awoodo oo kaliya, oo uusan jeclayn kalifka nafsaddiisa.

Wuxuu ii taabtay, in ay jiraan sheekooyin badan oo uu la kulmay mana uusan jeclayn runtii, in uu ila wadaago, laakin aniga ayaa ku qasbay oo ka keenay, muddo ayaan daba socday qaabka noloshiisa  daraasaynayayna, habka uu u noolyahay iyo waxa uu u taagan yahay.

1997 ayay ahayd markii iskugu keen horaysay ee aan kulano, waxaan ku kulanay garoon kubada cagta lagu ciyaaro oo ku yiil isbitaalka xooga ee magaalada Muqdisho, halkaas oo galabtaa aan kula ciyaarayay Kubad, koox uu liibaan ka tirsanaa.

Liibaan xaga kubadda aad ayuu xirfad ugu lahaa, markii ay dhamaatay kubadda ayaan si gooni ah isaga sheeko helnay, isbarasho gaaban kadib, waxaan u sheegay in aan dagnahay  cali kamiin isaguna wuxuu ii sheegay in uu daganaa mbc xaafadda albaraka ee waddada sodonka.

Wixii markaa ka dambeeyay waanu xiriiri jirnay, waligey ma waydiin cidda uu yahay iyo qaab ahaan sida uu u nool yahay, mar aan ku booqday meel uu daganaana waxaan kula kulmay Qol u kiraysnaa, oo irid banaan ahaa.

Liibaan sida runta ah, wuxuu ahaa nin naxariis badan aadna u sir badan, oo lama ogaan Karin waxa uu rabo iyo waxa uu dareemayo midna, balse, nin wanaagsana ayuu ahaa mar walba, oo ay jecelyihiin dhalinyarada ama dadka uu markaa la noolaa.

Waan ka xumahay in ay ila fogaato is barashada liibaan na dhex martay, aansa kusoo laabto muhiimadda sheekada, liibaan Suuqa Bakaaraha ayuu ka shaqayn jiray, gaar ahaan qaybta Daawada, mar marna wxuuu ka shaqayn jiray qaybta Qudaarta, marnaba ma ahayn nin fadhiya wuxuu ahaa nin waqtigiiisu u kala qaybsan yahay sida runta ah, kumana liidan xaga cibaadada.

wuxuu ahaa, mid mar kasta oo uu waddada marayo caawinaad siiyo, qofka u baahan caawinaadda, hadii ay ahayd Hooyooyinka Madaxa Dambiilada ku sita ee suuqa u socda ama kasoo baxaya, haddii ay ahaan lahayd Masaakiinta Suuqa Albaabkiisa fadhisa, ee leh Waayeelka iyo Caruurta.

Waxaa jirtay waddo aad u dhiiqo badan, oo  subax walba biyaha wasaqda dadka guryahooda kasoo baxda ay soo marto, taas oo dhib badan ku haysay runtiii  dadka waddada marayay, Liibaan dhowr jeer ayuu fakaray, wuxuuna ogaa in biyahan wasaqda ah si kale looga faaiidaysan karo, wuxuuna sameeyay isaga oo lacag ku bixinaya, in biyaha uu waddada kasoo leexsho una soo leex meel markaa iskool ahayd, oo cid wax ku barataa aysan jirin, halkaas oo uu ka talaalay, geedka la dhaho Geed Talaalka oo afar xabo camal ah, biyaha wasaqda ee guryaha kasoo baxa ayuu waraab uga dhigay, isaga oo aysan jirin cid uu dhibaateeyay.

Waxaa dhacday in Geedihii ay si dhaqsa ah ku koraan, kuwaas oo noqday kuwa marka waddada lasii marayo iyo marka laga soo baxaba lagu nasto.

Waxaa kaloo jirtay, Hooyo kasoo qaxday Baydhabo oo ninkeeda iyo laba caruur ah ay dhashay ay gaajo dishay, oo waddada subax walba soo fariisan jirtay, micanha dadka tuuksan jirtay, waxayna wadatay gabar yar oo 6 jir ahayd.

Liibaan aad ayuu uga murugoon jiray, marka uu arko subax walba hooyada iyo gabadheeda oo meesha fadhiyo, ma gudbi jirin waddda, isaga oo aan jeebka gacata galin, xaqiiqdii waxaa u darnayd subax subaxyada ka mid ah, in liibaan oo aan soo quraacan xitaa, jeebkana ay ugu jirtay lacag shan kun oo shilin soomaali ah, taas oo uu rabay in u ku quraacdo in uu wada siiyay hooyadii iyo gabadheeda, markii uu ka yaabay subaxaas, xaaladda daran ee ay ku sugnaayeen.

Liibaan waxaa kaloo jiray, oo uu subax walba caawin jiray inta uusan shaqada galin, hooyo kale oo ogoonley ahayd, oo ku lahayd suuqa meesha uu ka shaqeeyo, Gaari Gacan ay alaabo yar yar ku gadato isagoo ku caawin jiray, in uu u soo saaro gaari gacanka.

Dadku waxay ku xaman jireen, in uu liibaan yahay qof aan naftiisa ka fakarin, oo wax u qaban naftiisa balse, isaga hadafka uu lahaa wuu ka waynaa naftiisa, wuxuuna mar walba oran jiray waa allah mahadii, haddii dadka aanan ka tuugin, wax aan cuno iyo wax aan cabo iyo wax aan xirto, xaqiiqda nolosha aan rabana waa in aan intaa maaraystaa, inta kalana aan u maareeyaa dadka u baahan.

Wuxuu ahaa mid lacag ku siiyaa maqaayadaha, cuntada lasoo reeb reebo, si aysan uga daadin, isaga oo ka qaadan jiray, wuxuuna geeyn jiray, meel ay ku noolaayeen Eeyaha iyo Ariga aan cidna lahayn.

Liibaan hammiga noloshiisa ma ahayn, mid ku fakara in uu dhigto,  wax ka badan noloshiisa marka uu guriga kiradiisa  iyo cuntadiisa maaraysto, inta kale wxuuu ugu tala galay inta ka liidata xoolo iyo dadba.

Waxaa maalintii dambe dhacday, in allah u gar gaaray hooyadii gaar gacanka ku lahayd suuqa bakaaraha, oo uu caawin jiray liibaan, taas oo ka mid noqotay mid ka mid ah ganacsatada ugu wayn suuqa, waxayna mar walba ku bogaadin jirtay liibaan wanaaga uu umadda u galo, waxayna garatay in ay gabadheeda ku darsato taas oo uu runtii liibaan ka diiday, isaga oo ku oranaya “hooyo aniga axsaanka aan dadka u falo abaal gudkiisa cid aan Allah ahayn kama doonayo”!

Waxaa dhacday subax subaxyada ka mid ah, in isaga oo soo maraya waddadii ay fadhiisan jirtay hooyada iyo gabadheedi yarayd, uu subaxaa kula kulmay mesha, hooyadii kaliya oo fadhida, qaracan aad u daran ayuu subaxaa la dhici gaaray isaga oo u haystay, in gabadhii yarad ay dhimatay.

Sidii isaga oo u yaaban, inta uusan su’aal waydiin hooyadii, ayuu wuxu dhiniciisa ka arkay gabadhii yarayd oo ku labisan Dharka iskoolka kana timid wax barasho, aad ayuu u farxay runtii, hooyadii ayaa waxay u sheegtay, in lacagta uu siin jiray subax walba ay u keedisay gabadheeda, taas oo ay iskool ka gaysay, lacagta iyada ay tuugsiga ku heshana ay ku dabarto nolosha kale.

Liibaan aad ayuu u farxay, illin ayaa indhihiisa soo dhaaftay, mid ka mid ah riyooyinkiisa ayaa rumowday, wuxuuna aad ugu farxay, in uu qayb ka noqday mustaqbalka gabadhaas yar, oo iyada oo dhoola cadaynasay ku tiri” Adeer liiban waa mahadsantahay aabahay oo kale ayaa tahay”.

Subaxaas waxay u ahayd subax ay noloshiisa oo dhan kaamil noqotay,  wuxuu ku guulaystay in uu qayb ka noqdo baraaraha hooyada agoonlayda ahayd, wuxuu ku guulaystay in uu waddada ka leexsho, biyihii wasaqda ah ee dadka dhibaatayn jiray, una badalo geedo la harsado oo qof walba ku nasto, wuxuu qayb ka noqday nolosha gabar yar oo aan riyo lahayn oo uu riyo u suubiyay.

Dadkaas waa Dad waddankeena ku nool, waxaan daawanaa filimaanta ay soo dhigaan dadka dadka dhiiri galiya, iyada oo dhab ahna liibaan ayaa allah ku beeray, dad badan oo liibaan oo kala ah, ama dadkaas aan filimaanta ka daawano la heer ah ama ka sareeyo waanu leenahay, ee inaga ayaa mar walba wax ka eegno dhanka negativka ah, ee tilmaanta xun mar walba bixinaya.

Liibaan ma ahan xaasle wali waa kaligiis, wuxuu yiri” Dunida waxaan imid kaligay, waalidkey waxay ii waheshan waayeen ,dhibaato ka carar darteed, anigana waxaan usoo jeestay, in aan dhibaatada wajaho oo dadka dhibaataysan aan dhibka ka dul qaado idanka ilaahay.

Ma jirto nolosha wax iiga farax badan, in aan qayb ka noqdo, nolosha qof dhoola cadaynaya waana ii sharaf middaa, ma ahan sharafta aan doonayo in aan ciyaal iyo xaas yeesho, aniga oo naftayda qanaaco buuxdo lahayn, qanaacadayda waxay kaamil noqon kartaa marka dunida aan ku noolahay ee Soomaalia laga waayo qof dhibaataysan, taas oo runtii aan suura gal ahayn, balse, waxaan isku dayayaa inta karaanakyga ah in aan sii wado dadaalkayga, cajiib! Aqrista hammigaaga intaa ma gaarsiisan yahay ?

Dadku waxay is waydiin jireen, liibaan muxuu ka helayaa caawinta dadka

Wuxuu uga jawaabay waxaan marag u noqday, qaybna ka noqday faraxadda qof kale, farxadna waan ka helay naftayda ah, marka aad qof caawiso waxay la mid tahay adiga oo is caawisay, farxaddaydana waa caawinta dadkayga.

Dadku waxay dhaheen liibaan waligiis ma taajirayo!

Wuxuu yiri ma jirto taajirnimo ka fiican midda gudaha, taasna waan haystaa uma baahni mid kale, sida aan ahay waan ku qanacsanahay, maxaa yeelay Allaha I samaystay ayaa sidan ii doortay, aad ayaana ugu faraxsanahay maadaama aan dad badan ka nasiib badanahay.

Waxay dhaheen ficilkiisa in lagu jeclaado ayuu rabaa!

Wuxuu uga jawaabay, jacayl midka ugu fiican, ee aan laga helin Waalid ku dhalay, iyo  Walad aad dhashay toona, ayaan ka helay Dadkayga, waxaana haystaa jacayl midka ugu qiimaha badan dunida sidaas si la mid ah jacaylka Allah.

Waxay dhaheen  lacag ma haysto oo wixii uu shaqaysan jiray waxba kama kaydsan!

Wuxuu uga jawaabay, waxaan haystaa wax aysan lacag goynin, waana qanaacada qalbiga, ugu yaraan waxaan aaminsanahay in aan wax kusoo kordhiyay dunida, qof illintiisana aanan sabab u noqon, balse haa, dhoola cadayntiisa.

Waxay dhaheen quruxdiisa kama faaidaysan, oo waxba kuma qabsan, hadana wuu sii xoog yaraanayaa qof u adeegana ma haysto, xitaa hal cunug !

Wuxu taa uga jawaabay, hadafka noloshaydaba ma ahayn in aan taa ku fakaro, taana waxaan u daystay allaha dunida I keenay, inasoo bar baarshay waalid la’aan, iina baahin qof Bani aadam ah, isla isaga ayaan ka rajaynayaa, in uusan maalinta aan Daciifka ahay, ee xoog yarahay uusan ii baahin dadka, baahidaydu waa Allah oo kaliya, waalidkaygana dambi dhaaf Allaha siiyo, keenista ay dunidan I keeneen iyo inta yar ee ay isoo sideen ayaan lagu dhaafsan Karin dunidan oo dhan,Caymiska nolosha waa ficilkaaga oo uu Allah raali ka noqdo ayuu sii raacshay oo uu ula jeeday in waxa aad dhigato aad quudato barito isagana uusan raja xumayn.

Liibaan waan la kulmay sida dhabta ah, sheekadana isaga ayaan kasoo wariyay, dhab ahaana waa u dhacday runtii, hammigiisana mar walba kor ayuu ahaa, walina sidii aan ku ogaa ayuu ku nool yahay, liibaan waa midka aan ka qaadan dadka waxa ay ugu deeqaan.

Liibaan waa midka jecel dadka, in uu isaga wax ugu deeqo

Liibaan waa midka aan isla waynida aqoon, afkiisana aad ka nabad galayso

Liibaan waa midka qalbiga wanaagsan, ee aan calooshiisa wax cuqdad ah aysan ku jirin

Liibaan wuu iiga cudur daartay in aan sawir la galo, marka aan wada kulmaynayna waxaan ku kulanay xero dadka  barakacayaashaa ah ay ku noolaayeen, oo uu qayb ka qaadanayay in uu xoogiisa tabaruc ahaan ugu tabaruruco.

Liibaan waxaa isugu keen dambaysay 2004tii,  waxaana dib u kulanay 2014tii mar aan booqday Muqdisho,  kumanaan liibaan oo kale ah dadkeena waa ku dhex nool yihiin sida saxda ah, ee waysan muuqan, waxaan idinku baraarujin lahaa, in aad sheegtaan dhankeena wanaagsan ee nolosha, inta aad dhanka xun maalin walba noo soo sheegaysaan iyo wax aan macnaha lahayn.

Bulshada waa in mar walba loo soo tabiyaa dhanka wanaagsan, qofka mar walba waxa uu noqonayo waxaa qayb wayn ama saamayn wayn ku yeesha, waxa uu arko ama maqlo, hadaba, aan ku dadaalno in aan dhanka wanaagsan mar walba usoo tabino bulshadeena, si dhiiri galin ay ugu noqoto inta kale ee wax maqasha ama aqrisa.

W/Q: Mohamed Musa Sheikh Noor

ekisyare@hotmail.com

xabuu8@gmail.com

SHEEKOOYIN