Home Curis GARBADUUB Q18AAD W/Q: Cabdiraxiin H. Galayr

GARBADUUB Q18AAD W/Q: Cabdiraxiin H. Galayr

0
SHARE

GARBADUUB Q17AAD

Waxaa dhacday maalinnimo goor gadiid ah iyada oo aan la filayn in iridka ay ka soo galeen,Taliye Caddaawe iyo laba baabuut ciidan u saran yahay  yimaadeen iridka kaddibna is xog warsi  kaddib uu tusay dhambaal caddeynaya inay kormeer yihiin oo Cadaawe watay uu tusay ilaalladii iridka ayna soo galeen.

Taliye Caddaawe wuxuu faray labadii ugu dhaweyd inay galaan qaybaha xogta iyo dhaqdhaaqa Qabirka si ay u ogaadeen maalinta ugu horreysa ee la wareejinayo qabiranayaasha kuwo ka mid ah.

Isna wuxuu u dhaqaaqay wareysi iyo xog raadis madaxda iyo maamulka Qabirka ah, kaddib ayaa loo sheegay si guud tirade xidhan iyo eedaymaha ay ku kala xidhan yihiin.

Wuxuu codsaday inuu qol walba galo, wuxuu soo wareegoba, waxaa markii dambe la soo gaaray qolkii uu ku xidhnaayeen Guhaad iyo Dirir.

Guhaad ayaa obsi dilaaci gaadhay markii arkay Caddaawe, balse qaab farsamaysan ayaa loogu baaqay, kaddibna wuxuu dhegaystay waxaa lagu soo xidhay, markaasuu inta xaashiyihiisi ku qabsaday gacanta ayuu yidhi, waan u baahanahay ee qolka baadhista ha lay geeyo.

Taliye Caddaawe wuxuu iska sii watay hawshii booqashada iyo qolalka si uusan dareen u gelin maamulka iyo ilaallada, kaddibna wuxuu ugu dambayn u yimid Guhaad oo qolka baadhista jooga, waana loo baneeyey maxaa yeelay wuxuu yidhi “Xog qarsoon oo gaar ah ayaan ka wareysanayaa ee hanna loo banneeyo qolka”

Taliye Caddaawe waxba kama diimoona wax walba wuu ogyahay ee isaga noloshiisa iyo meesha uu ku jiro iyo dareenkiisa ayuu rabay inuu ogaado, wuxuuna u sheegay in hooyadii iyo labadii gabdhood caafimaad qabaan, markuu weydiiyey xaaskiisiina wuu ka meermeeray.

Kaddib markii uu dhawr jeer ku soo celcelshay ayuu ku yidhi “Ma arag lamana kulmin, waxaase lay sheegay inay magaalada ka maqan tahay”

Guhaad ayaa weydiiyey maxaad iigu soo kaxayn weyday arageeda ayaan u buseelay, balse, waa u laab qaboojiyey, wuxuuna u sheegay inuu  hawl ka culus u yimid, inta uu ka soo kacay halkuu fadhiyey una soo dhawaaday  ayuu yidhi dhegayso “ Dadka ugu horreeya ee halkan laga saarayo ayaan kugu soo darayaa, kaddibna waxaan ka shaqeyn doonaa baxsigaaga, waa inaad diyaar noqotaa, qaab aan kaas ahayn oo aan kugu badbaadin karo ma jiro, waayo arrinkaagu sursuur iyo meel adag ayuu ku jiraa.

Guhaad ayaa argagaxay, hadalkii hore loo yidhi ee ahaa “ Qof walba oo halkan ku jiraa, wuxuu sugayaa dil iyo hadalka taliyaha ayaa is biirsaday.”

Taliye Caddaawe ayaa si degdeg ah ugu sheegay shaxda lagu fakinayo, waxa uuna u sheegay inuu wax walba diyaar u noqdo.

Guhaad ayaa ka baryey in oday Dirirna aan laga reebin, waa ka biyo diiday markii hore Caddaawe, haddana markuu arkay sida uu ugu dhegan yahay ayuu yidhi “ Maaha nin ciidan ah mana dagaallami karo, haddii arrinku xumaado, in qorshaheennu burburana waa keeni karaa maad naga dayside”.

Guhaad waa ku adkeystay, taliye Caddaawena waa ka oggolaaday, isaga oo meel uu ka maro waayey.

Markii uu ka tegay ayuu taliye Caddaawe la kulmay labadii uu u direy xog raadinta waxa ayna u soo sheegeen, in laba maalmood kaddib ay jiraan dad la wareejinayo, magacyadooduna tuseen iyo meesha loo wada oo ah, Haragshabeel,waa meel dhagax lagu qoddo dadka Qabiran, si weyna loogu jidh dilo, ugu dambeyna ay u dhintaan macluul iyo taagdaro, taasoo meesha ka saarta in la dilay, balse ah qaab laysla ogyahay oo wax loo dilo.

Taliye Caddaawe ayaa ka codsaday in maamulka in ninkaan lagu daro, kooxda la wareejinayo, arrintaasina  tahay xog qarsoon oo iyaga maahine aysan cid kale la wadaagi karin.

Waa laysku af gartay,  balse Guhaad arrinkii ayaa werwer iyo walaahoow ku beeray, maalinnimadii dambe goor barqo ayaa Cawaale oo aad foolkiisa ka naxaysaa u yimid bannaanka ayuu u soo saaray waxa uuna u sheegay in loo wada Haragshabeel oo ah xarunta sida dadban loogu silic dilo dadka, noloshiisuna gabaabsi ah, haddaanu guulluhu badbaadin isaga iyo weliba widaaygiisa.

Cawaale waxa kale oo u sheegay in isaga iyo saddex ciidanka ka mid ahi ay  ilaalin doonaan, haddii uu heli lahaa qof kale oo ku aragti ahna, uu la baxsan lahaa oo badbaadin lahaa.

Ma jiro qaab uu Guhaad ula wadaagi karo xogta uu siiyey Taliye Caddaawe, haddana waa kansho kale in Cawaale la wado hawsha oo ay sidaas ku noqdaan saddex nin.

Markuu bannaanka ka soo noqday ayaa isaga oo foolkiisa dhidid ka duxayo, maankiisuna arrimo is diidani ku legdamayaan ayuu u soo noqday Oday Dirir.

Oday Dirir oo aannu hore xogta ula wadaagin ayaa doocdoocin iyo wareysi ku bilaabey, kaddib ayuu u sheegay labadii arrin ee ku soo kordhay iyo qaabka loo maareyn karo.

Dirir ayaa yidhi “ Taliye Caddaawe saw maaha ninkaad iiga sheekayn jirtay aabbaha widaaygiisa ahaa, adigana tabbobarkaaga ciidan iyo kaalintaada ciidanba  talada ku lahaa?”

Guhaad ayaa yidhi “ Haa waa sida aabbahay oo kale waana nin aan aad ugu kalsoonahay”

Dirir: Haddaba taladiisa qaaddo, laba geeriyood baan u dhaxaynaa tan dhaw baan doorbidaynaa oo ah in ay dhacdo inaan baxsano oo gobbonimo iyo madax bannaani ku noolaano ama aan dhimano oo aan madax bannaani iyo gobonnimo ku dhimano.

Guhaad: Aniga dhibaato iguma aha wax kasta oo isoo maraa  ee adiga ayaan kuu baqayaa.

Dirir: Kalsooni baan isku qabaa, eebbena waa talo saaranaynaa ee goorma ayuu kuu sheegay inaan baxayno Cawaale?

Guhaad: Beri maahine saadambe inaan goor ay tahayse ma aqaano.

Dirir: Arrinkan ka laba labayn  mayne ee aan u diyaar garoowno, berina aan meesha tima xiirka tagno si aan isu sii diyaarino oo haddaan baxsano aan dadka laynooga dhex soocin.

Guhaad habeenkaas nabad iyo yididiilo wanaagsan oo filasho nololeed gelisay ayuu ku seexday wuxuuna ilaaway dhammaan wixii uu soo maray wuxuu hillaadinayey isaga oo xaaskiisa iyo ubadkiisa dhex jooga iskiisna isaga xoogsanaya. Haddana weydiinta ayaa ahayd adiga oo ciidan ka baxsaday sidee baad nabad ugu dhex ledi kartaa dalka, inaad meel kale u sii baxsato maahine?.

Habeenkani waa uga duwanaa habeenno badan oo meesha ku soo dhexmaray, waxa uuna maankiisu dhex dabbaalanayaa, xasuustii gacalisadiisa Ubax iyo qoyskiisa, maalmo badan oo wanaagsanaa.

Markuu cabbaar arrinkaa ku dhex jiro ayaa haddana yididiiladu ka dhammaata oo baxsi iyo xakaarka qof DHAGARQABE ah uu leeyahay buu ogyahay oo ah, aragtida halagu toogto.

La soco qaybaha kale

W/Q: Cabdiraxiin H. Galayr

SHARE