Lagama maarmaanka xisbiyada iyo ujeedooyinka W/Q: Shaafici Macallin Axmed

Lagama maarmaanka xisbiyada iyo ujeedooyinka

1-Lagama maarmaanka Xisbiyada.

B-jiritaanka xisbiyo siyaasadeed oo kala aragti duwan kuna loolama hoggaanka si nabadgalyo ah waxa ay lagama maarmaan u tahay xasiloonida bulshada iyo dalka, maxaa yeelay xisbigu waa golaha kali ah oo ka soo haray golayaasha dawladda oo qofka  dhaladka ahi(mawaadinka) uu ku soo bandhigi karo kana heli karo aragtida siyaasadeed, wixii fikrad  iyo awood caqli ,karti  oo asaga ka guuxayana uu kusoo bandhigan karo.Haddii taas la waayana ay la mid tahay , in fagaariha siyaasadda uu xiran yahay, taasna waxay keeni kartaa caburis iyo cadaadis keeni kara qalalaaso iyo ismaandhaaf culus.

T-xisbiyadu waa goob waxbarasho oo uu qofka Dhaladka ah(Muwaadin) uu ka heli karo, aqoonta siyaasadda, waxa ayna  kansho u tahay soo saarista  aqoonyahan iyo hormuud siyaasadeed oo bulshada hoggaan wanaagsan u noqda.

J-Xisbiyadu waxa ay hagaajiyaan oo hannaaniyaan kala qaybsanaanta bulshada dhanka aragtida , jiritaanka xisbi siyaasadeed waxa uu soo aruurinayaa bulshada , kuna soo koobaa aragtidooda dhawr xisbi  oo uu qof kastoo Dhalad ah ka helo aragtidii asaga ka dhex guuxaysay  markaasna uu ka mid noqdo xubnihiisa ama taageerayaashiisa.Sidaas daraadeed aragtiyadii iyo kala qaybsanaantii dadweynaha waxa ay ku soo aruuraysaa dhawr xisbi oo  si habsami leh u qaabeeya siyaasadda dalka , sidaas ayaana bulshaddu waxa ay ku noqonaysaa mid meel laga hago iyo meel loogu soo hagaago  leh dhanka aragtiyada.

X-Xisbiyada gaar ahaan kuwa talada markaas bannaanka ah(Mucaarad) waxa xil ka saran yahay  dabagalka, xuuraansiga, kormeerka iyo ogaanshiyaha hawlaha xukuumadda.Waxa ay bulshada abbaan(Wakiil) oga yihiin soo bandhigidda gafka iyo god daloollada xukuumadda, iyagoo sidoo kale raacinaya  qaabkii loo toosin lahaa xal kama dambays ahna looga gaari lahaa.

KH-xisbiyo badan oo kala aragti duwan , oo ku tartama  xilka waxa ay dadweynaha usuurta galisaa in ay kala soocaan hoggaamiyaha wanaagsan iyo midka xun.

UJeeddooyinka xisbiyada:

Ujeeddo guud:

Ujeeddo guud oo ay midaysanyihiin  xisbiyada carra edge(adduunka) ka jiraa waa : 

Sida xisbi walbaa ku  gaari lahaa kuna hanan lahaa talada dalka iyo hogaanka madaxtinimada  si ay uhirgaliyaan aragtiyadooda iyo hiigsigooda siyaasadeed.

Hadii ay usuuroobi wayso hoggaanka in ay qabtaan waxa ay isbahaysi la sameeyaan xisbiyada ay isku aragti dhawyihiin , si ay ugu suurtagasho in ay hirgaliyaan qayb ka mid ah aragtidooda,

Waxaan dhawr qodob kasoo qaadanaynaa ujeeddooyinka guud ee xisbiyada oo ay dastuuradooda ay ku qeexaan,  waxaana kamid ah:

  1. In ay ka ilaaliyaan dalka col kasta oo dibadda uga yimaad iyo gudahaba. 
  2. Ka qayb qaadashada  xasilloonida gudaha dalka,
  3. U adeegidda bulshada dhanka waxbarshada, caafimaadka , dhaqaalaha ,iyo siyaasaddaba.
  4. La xisaabtanka iyo dhaliilidda xukuumadda iyo hay’ adaha dawladda, 
  5. Wacyi galinta iyo baridda xubnaha xisbiga iyo bulshadaba arrimaha siyaasadda, ayagoo u maraya ,qabashada shirar iyo kulamo siyaasadeed oo lagu baranayo arrimaha siyaasadda. Sidoo kale ayagoo qaban qaabinaya bannaanbaxyo ay ku soo gudbinayaan cabashadooda iyo dareenka bulshada iyo adeegsiga warbaahin ay leeyihiin iyo mida madaxa bannaan.
  6. Soo abaabulidda aRrimo ka baxsan siyaasadda, sida dalxiisyada, ciyaaraha nuucayadoosa kala duwan (kuwa dhaqanka , kubBadda cagta IWM).

Ujeeddooyin Gaar ah

Waxaa jirta ujeeddooyin gaar ah oo xisbi kasta loo aasaaso, waxayna kala yihiin:

Ujeeddo dal jacayl  ah.

Inta badan xisbiyada cara edge kajira waxa ay ubadanyihiin xisbiyo aragtidoodu ay ku kooban tahay soohdin dal gooni ah, hawlqabadkooda siyaasadeedna uu ku saleysan yahay xaaladda aha bulshada dalkaas degan.

Ujeeddo Bulsheed.

Waxaa jirta bulshooyin la kala irdheeysan kuna kala firirsan dhawr dal, sidaas daraadeed waxaa jira xisbiyo aragtidooda ku saleeya u adeegidda dalka kastaba ha joogaane, dastuuradoodana ku qeexa in ay u taaganyihiin arrimahada siyaasadeed iyo bulsho ee dadkaas.

Sida xisbigii ( SYL)oo utaagnaa  bulshada soomaali wayn uu gumaystuhu kala irdheeyay. Sidoo kale xisbiga AL BACATH ee ka jiri jiray ciraaq haddana kajira dalka suuriya ayaa asna u taagnaa u adeegidda bulshada carbeed, Waxaa kaloo ka mid xisbi bulsheedka  Kurdistaanoo ku kala firirsan dalalka Ciraaq ,Turki, Iraan, iyo  Suuriya

Ujeeddo Diini ah

Waxaa jira xisbiyo aragtidoodu ka duulayso arrimo diineed, sida xisbiyada aragtida islaamka ah aaminsan, una taagan hirgalinta shareecada islaamka, waxaa ka mid ah xisbiyada diiniga ah xisbiyada aragtiyada iyo magaca masiixiga wata ee ka jira dalka badan oo yurub ah.

Ujeedo caalami ah

Waxaa jira xisbiyo aragtidooda ku salaysan tahay arrimo caalami ah sida  ka shaqaynta xasilloonida iyo ammaanka dunida iyo in lagu saleeyo xiriirka dawladdaha dano la kala baddalasho iyo is tixgalin.

W/Q: Shaafici Macallin Axmed

SHEEKOOYIN