GARBADUUB Q19AAD W/Q: Cabdiraxiin H. Galayr

GARBADUUB Q19AAD

Guhaad qoyskoodu waxaa ku dhacay kala irdhoow, labadii gabdhood waa la kala guursaday, hooyadiina hantidii yareyd ee ay yagleeshay geeridii ninkeeda kaddib, waxaa dhacay oo la wareegay dumaashigeed oo ahaa nin ay walaalo ahaayeen saygeedi dhintey ee Samatar, oo aan markii horeba wax naxariis ah u fali jirey oo iska iibsaday, Hooyo dhudina waxa ay dani baday inay keligeed suuqyada magaalada Dooxaley ay ka ganacsato.

Ma jirin hanti iyo gunno ay dowladdu siin jirtey, markay dhawr jeer isaga daba noqotey siday ugu heli lahayd, hoyaad iyo bilgoosadkii odaygeedu u lahaa dhaxalka iyo dhigaalka ayay iskaga hadhay. Tiroba saddex jeer ayay xarunta dowladda u tagtay inay gunnadii odaygeeda iyo wiilkeeda hesho waase ku guuldaraysatay.

Ubaxna waa guursatay balse, maaha guur ay jacayl iyo rabitaan ku gashaye waa dani kugu qabatay, iyadoo weliba is leh “Buur ahoow ama buur ku tiirsanoow”.

Laba kala bariday kala war la’ waxaa loo sheegay Ubax in la daldalay oo uu dhintay Guhaad, iyada oo og in qof dhintaa uusan soo noqon haddana dhankeeda waa ka noolyahay, waxayna dugsataa oo ay weheshataa naftana ku sabaalisaa aragtida xasuustiisa iyo wiilkeeda Odawaa Guhaad.

Waa goor habeennimo ah, waxaana beri ah maalintii la wareejinayey qabiranayaasha, waana maalintii loo madlanaa, Guhaad wuu isla hadlayaa mana hurdo mana soo jeedo, tallan iyo werwer ayaa maankiisa dhex muquuranaya sida hirarka badweynta.

Waxaa uu is weydiinayaa waxa uu ku muteystay dhibkan maanta haysta iyo dhagarta loo geystay wuxuu ku cataabayaa,ciil badanaa iyo caloolyoow in dalkaaga dhexdiisa gumeysi aad ku mudato oo ciidankii aad u dhaaratay iyo calankii hoostiisa lagugu dibindaabyeeyo.

Arrinka meesha yaal waa awood sheegashada kala gaysay lammaanihii jacaylku mideeyey oo midna geed ku laba diblaysay Garbaduubna ugu xidhay.

Nin la xidhay oo marag lagu helay malasna loo dhigay iyo gabadh aabbaheed bixiyey oo meheriyey minnana nin kale u joogta? Labadaba laba waddo oo  muuq toosan baa loo maray balse qodxa qarsooni ku daadsan yihiin.

Taliye Caddaawe wuxuu diyaariyey ciidamo uu ku kalsoonaa inay baabuurta jidgooyo u galaan kalana degaan Guhaad iyo odayga kale, balse, aysan ciidanka ilaallada ah laynin, maxaa yeelay waa niman farid iyo hawlgal ciidan ku adeegaya mana jirto godob ay faleen.

Waxaa iyaguna dhankooda iska abaabulay, Bile Dheere iyo Huruuse oo ciidamo kale u direy qabirka “God nacab” iney kala soo baxaan Guhaad, kaddibna ay bannaanka intey geeyaan ka dhigaan in uu baxsanayo, si badheedh ahna dhabarka uga toogtaan.

Waa qorshaha ugu fudud ee lagu dili karayey, haddii uu dhintana in  hawshiisa halkaas ku soo Af jarmayso.

Laysma oga, qolo welibana waxay dejisay qorshaheeda warna laysuma hayo, ciidan waa la wada yahay waase la kala yahay markaan oo kala qaybsanaan weyn baa jirta.

Waagii baa beryey, waxaa dhammaan laga soo saaray raggii ku qornaa dhambaalka wareejinta qolalkoodi, waxaana la soo dhoobay daarada weyn ee qabirka, ciidankii ilaalin lahaa iyo gaadiidkii lagu qaadi lahaa ee shabaqlayaasha ahaana waa la diyaariyey.

Markay goorsheegtadu abbaareyso oo is dultaagtay lixdii aroornimo ayaa oodda laga qaaday, waxa ayna dhabbaha  sii ordaanba waxay u weecdeen dhanka waqooyi oo buuraley ah, halkaasoo ahayd marinkooda balse, loogu diyaariyey ciidankii jid gooyada ahaa.

Isla marka ay kadinka ka baxeenba qolo korjoogta ah oo meesha aan ka dheerayn ayaa taar diray.

Korjooge: Lo’dii waa aroor ee ceelalyada haloo sii diyaariyo

Jidgooyo: Waa diyaar ee waa immisa sac?

Korjoogto: Saddex sac oo irmaan ah, waxaana wada  dhawr kurey oo qaarkood inay dhar ku dhaqdaan ceelka loo soo raaciyey.

Waa hab ka duwan habka dadka u wada hadlaan oo ciidan wuxuuna tilmaamayaa,  in saddex baabuur iyo  waxooga ciidan ahi la socdaan ay jidka soo fuuleen, gaadiid hubeysana uusan la socon qori gacmeedyo maahine.

Qoladii jid gooyada ahayd ayaa baabuur dadweyne oo ay ka soo qaadeen hooso uu ku halaysnaa baabuurka ayaa ahaa jaadka loo yaqaan, Sabaaxa  ayay ku gooyey jidka, qaarkoodna waxa ay gashadeen dharka dadweynaha si aan loo garan kuwii hubeysnaa oo afku u duuban yahayna waxay isku taxeen hareeraha waddada.

Baabuurtii shabaqlayaasha ahaa ayaa  goobtii soo gaadhay, kaddibna waxaa laga codsaday inay kaalmeeyaan oo baabuurkoodii oo halaysan wareejiyaha candhaduna go’ay ay u jiidaan ama la riixaan si ay waddada uga weeciyaan.

Qoladii ilaallada ahayd waa ku gacan saydheen, haddana dood badan iyo yaqab kaddib waxa ay yeeleen codsigii maxaa yeelay  Gaadhiga ayaa waddada ayuu ku kala badhan meel laga dhaafaana ma jirto, oo dhinacyadu waa kayn iyo geedo hamash ah haddana qarar iyo buuro ku gedaaman yihiin ma jirto qaab kale ahayn in ay la riixaan ama baabuur ku xidhiidhiyaan.

Waa qorshe hore loo degaye, markay dhulka wada yimaadeen iyagoo aan burkaba bahal ka fileyn oo aan digtoonayn, ayaa mar qudha iyagoo war ma qabto ah hareeraha laga maray rasaasna lagu asqaysiiyey si loo argagax gelinayo, kaddibna gacmaha ayay wada taageen, mid ka mid ah ayaa isku dayey inuu dagaallamo, balse si fudud ayaa lug looga dhaawacay.

Qoladii jidgooyada ahayd waxa ay dhexgaleen gaadiidkii kaddibna waxay u yeedheen Guhaad, isna wuu gartay in ay yihiin ciidankii loo soo direy, qolyihii kalena waa kala firdhadeen oo nin weliba hortaa bannaan ayuu u cararay, Guhaad iyo Dirirna waxaa kaynta la dhex jibaaxay ciidankii loo soo direy.

Intii gaadiidku halkan ku soo maqna ayaa waddada dhanka kale koonfureed ay ka soo galeen ciidankii Bile dheere soo diray, balse, waxa ay u qaadan waayeen in Guhaad meesha laga saaray hortood.

Waxa ay la xidhiidheen taliye Bile dheere una sheegeen in Guhaad aroornimadii lagu daray dad loo wareejiyeym Haragshabeel, Bile dheere oo naxsan baqdin xooggana gashay ayaa yidhi weydii ilaallada yaa bixiyey farida in Guhaad meeshaas loo diro?

Ciidankii ayaa weydiiyey taliye Duubane isna wuxuu fart aka saaray dhambaalkii farida ahaa, balse, arrinta la yaabka leh ayaa noqotey, in markii  la aqriyey magacu yahay, Sareeye Guuto Malaaq Maadey oo geeriyooday saddex gu’ ka hor.

Bile dheere ayaa arkay in shax lala ciyaaray ka culus tiisa, duulaana uusan ogayna ku maqan yahay, wuxuu si cadho leh u canaantay Taliye Duubane. “Annaga ayaa kuu dhiibanay, markaasaad na leedahay hebelbaa sii yidhi hala wareejiyo!” 

Markiiba wuxuu faray ciidankii inay dhakhsiyo uga daba tagaan maxaa yeelay gaadiidka lagu qaaday oo mid waaweyn oo gaabinaya ahaa iyo kuwa ciidankiisu wataan oo ahaa, gaadiid fudu oo dheereeya waana baabuurta kuwa loo yaqaan Laankuruuser ee uu jabaanku sameeyo.

Kaddib markii ay in ku dhaw Laba goorood(Saacad) baacinayeen gaadiidkii ayay ku soo baxeen baabuurtii siday qabiranayaasha oo qalaalan dhammaantoodna madhan, lugahana laga  wada toogtay, iyo baabuur kale oo kuwa dadweynaha ah oo jidka ku go’an.

Arrinta kale ee ay la yaabeen ayaa ahayd nin dhaawac ah iyo ciidankii kale oo aan wax hub ah haysan, balse dhammaantood wada nool oo aan ciddina ka dhiman iyo raggii xidhxidhnaa oo wada maqan.

Sidii wax u dhaceen markay uga warrameen ayaa waxaa ay ogaadeen in hortood lala baxay Guhaad mase oga cidda la baxday, iyagoo si dhab ah markaan tilmaanta iyo qaabka la siiyey ugu haysta Jabhadi.

Haddana waxa ay is weydiiyeen haddiiba gebi ahaan qabiranayaashii ooda laga qaaday, maxay ciidanka oo nool uga tageen? Ileyn habdhaqanka Jabhadda ayaa ah inay ciidanka ay qabtaana ay dilaan, meesha ay soo weeraraana ay gubto gaadiid iyo agab wixii aysan qaadan karin?

Waxa ay la hadleen Bile dheere qaab la mid ah kii markii hore qolada korjoogtada ah iyo kuwii kale u wada hadleen.

Ciidankii: May maqashaa taliye

Bile Dheere: Si wanaagsan ayaan idiin maqlaa

Ciidankii: Martidii intii aanan gaadhin guriga martida ayaa qolo kale ka kaxaysey.

Bile Dheere: Oo miyaaney guriga martidaba joogin, yaase ka saaray?

Ciidanki: Qolo soo dhaweysay oo u waday dalxiisin ayaan hadda la joognaa, waxa ayna noo sheegeen in qolo kale oo aan la garanayn kala wareegtay.

Bile Dheere: Martidu waa lama huraan ee raadiya, si wanaagsana u marti soora, waana inaad war aan ku diirsado iiga keentaan, hawl wanaagsan.

La soco qaybaha kale…..

Cabdiraxiin Hilowle Galayr

SHEEKOOYIN