Baxsadkii haasaawaha W/Q: Cabdiraafic Yasac Macalin

Kulankeena hortiis hal maalin ayay i soo wacday waxay ii sheegtay in aan barri ugu marti ahay meel hebla.Waxay ahayd meel qurux badan aadna ugu fiican kaliyaysiga umaan baran meelaha nuucaana inaan waqti ku qaato, markaan salka dhulka la helnay waxay i fartay inaan damiyo telfoonkayga waan ka aqbalay ayana keeda ayay damisay .


Waxaan billownay sheeko tooxaysi ah oo qofba mar hadlayay, waxaan u muuqanay dad xushmadi buux dhaafisay oo qofba qofka kale u dhaga nuglaa, waxaa sheekadeena ku soo noqnoqonayay dhacdooyinkii carruurnimadeena iyo qofba waayihiisi ka warramayey, waxaan ahayn dad u garaabayay hadba sheekada bixinaysay dhib la soo maray annagoo ku muujinayna dareen foolkeena laga aqrin karo.

Ma jirin hadalo iska hor imaanaya ama dood in la xaliyo dhib jirta keenaysay, war kasta wuxuu ku idlaanayay mahadnaq Alle loo hayo iyo qab-wayni aan is bidaynay inaan gudubnay jabbad ku daadsanaa nolosheena markaan la kowsanay dunida iyo sida waalidkeena dhibka nooga soo maray oon uga duwanaanay asaageen.
Ugu dambayn qofba wuxuu qofka kale tusay meeshuu u socdo taaga uu rabo inuu gaaro dusimaha ka sokeeya iyo hadafyada cirdaloosha yeelan kara ee hubinta u baahan, waxa aan wadaagnay waxay ahaayeen is garabsi kalsooni ku jirto oon hummaag lahayn aana ku arkaynay indho daacadnimo leh oo u qalma is aaminaad gacan wayn wata.


Kaftanku ma badnayn waxaase saad noo ahaa filasha doogiyo cagaarkaa een saadaasha uga dhex jeednay se u baahanayay dedaalka iyo ruclaha aadka u dheeraa marka awoodaheenu ku kulmaan goobta dirirta nololeedi taalo, nasiino waxaa noogu filnaa xasuusta maalmihii adkaa een kartida iyo dhiiranaanta ku soo marnay taasoo naga dhigaysay dad ku qanacsan waxay haystaan lagana rabo inay maalaan xoogooda si ay kamminka uga wabxaan.
Waxaan ku kala tagnay anagoo iskaga mahad naqnay waqtiga aan isku hurnay kullamada xigana isku xujaynay in qofba tiisa ka soo baxo oo guul ka keeno shaqooyinka horyaalay habeenkaa si loo odoroso waxa xigi kara, sida ii muuqatay waxay kulanka u hurtay qarash badan kan xigana anaa layga sugayay inaan qabto.
Waxaan ka fakarayay maalmihii xigay sidaan kulankaa u qaban lahaa iyo ujeedka la gaari doono.Waxaan ugu yeeray gurigayga galab jimcaa is nabdaysi kaddib markii aan biyo cabnay cayaar ayaa bilownay waxay u badnayd mid lays eryanayo oo kalliftay in la dhidido la booroobo ilaa dharkii aan wadanay uu wasaqoobo waanse ku raali ahayn oo aad baan u faraxsanayn aadna waan qoslaynay markii cabaar la daalaba waxaan cabaynay koob biyaa ama Shaah qashaamirix ah oon gacantayda ku kariyay, cayaaruhu waxay u badnaayeen kuwii aan ciyaalnimada ku madadaalan jirnay oo or iyo qaylo watay ayadu moogay ka ahayd anaase ujeeddo ka lahaa oo ahayd in aanan qarash badan galin sida ayadu yeeshay habeenkay Hotelka i gaysay.
Gabbalku markuu dhacay ayay iska carrowday ayadoo aad moodo inay maanta dhan guri la dhisayay Sibirka u qasaysay wasaqda korkeeda saaran haddaa aragto wayse ku qanacsanayd oo waayahaanba wax sidaa uga farxiya may arag ana waan faraxsanaayoo lacagba igama bixin 

Waaba sababta an Muqdisho uga soo tagay si aanan kulanka kale ugu fashilmin lacagtuna iigu baaqato.


W/Q: Cabdiraafic Yasac Macalin

SHEEKOOYIN