GARBADUUB Q20AAD W/Q: Cabdiraxiin H. Galayr

GARBADUUB Q20AAD

Ciidankii uu soo diray Caddaawe markay meel ka dheer meeshii ay kala baxsadeen geeyeen ayay yidhaahdeen, intaas ka badan idin ma wadi karno ee  dhinaca buuralayda ahna aada, meesha aad joogtaana, waa Duud barwaaqo, Afar talis oo ciidan ayaad dhexda uga jirtaan, mar walba raad gata oo is jira, cidna haw sheegina arrinkiina, dadka reer miyiga ah ha martiyina, haddii ciidanku u yimaado way idiin tilmaami karaan.

Buuraleyda ayaa idiin roone dhankeeda aada waayo waad ku dhuumaaleysan kartaan, habeenkii socda, maalintiina dhuunta. Sahaydan yarna qaata ilaa laba maalmood idinku filane.

Guhaad iyo Dirirna waa u mahadceliyeen sidaa ayayna isku nabadgelyeeyeen, Dirir markiisii horena reer magaal buu ahaa, haddana muruqyadaa xidhmay oo ammin laba gu’ ku dhaw ayuu qabir ku jirey, in doora markay dhagax qalax ah ku raad gateen ayuu daalay, labadii weyso biyood ee la siiyeyna midiisi waa ka laacay.

Guhaad wuxuu adeegsanayaa aqoonta iyo tabtiisii ciidan waxay ka gudbeen meel biyo mareen ah durdur ah, toos uma goynayno ayuu yidhi waa dhex raaceen kaddibna meel dhagax leh ayay dhanka kale uga gudbeen, markuu arkay inuusan Dirir dirganayn oo dhaqaaqi la’ yahay cadceediina sii caweysanayso, ayuu meel qaw buureed  ah oo hoos u hulan, dhir badana leh u sheegay inay hoos uga degaan, Dirir ayaa la yaabay meel aysan meel la maro sida looga deganayo.

Guhaad ayaa yidhi: Salka dhig meeshan lugahana dhereri kaddibna isa sii daa dhulka ayaad si nabdoon ku degaysaa.

Dirir waxa uu nabdiga iska leeyahay waa dhimasho, dhimasho ku doorso, hadda bahal hoose iyo mid koreba waa u halis, maxay is dhaamaan ciidankaad ka soo carartey waa laba cole, haddaad buurtan ka siibatana waa ka sii daran.

Guhaad ayaa sidii uu uga degi lahaa tusay, cabbaar dood dheer kaddib oo midna hoos joogo midna kor waa ka degay Dirir si qurux badan, markaasuu yidhi “ Adeer anigu ciidan mayhi ee nin dadweyne ah ayaa ahay”.

Guhaad ayaa uga sheekaynayaa tabbobaradiisii ciidan iyo sidii loo carbiyey ee adkeyd, waxa uuna uga gol lahaa inuu baqdinta ka saaro kuna dhiirigeliyo inuu naftiisa badbaadiyo, wax walbana la baran karo lana samayn karo.

Halkii hogga ahayd ayay galeen oo xaadhxaadheen, nin weliba kabihiisa ayuu barkaday, waxoogaa kaddibna waa iska gataati dhaceen oo iyadoo qabowga dhagaxa aysan dhinacooda waxba ka xigin ayay iska seexdeen, waxayse sitaan oo la siiyey, Taraq iyo bidha sigaarka laga shito intii aysan seexan waxay shiteen dab, kaddibna sahay yarayd oo la siiyey ayay Afka ku dhufteen waa hilib shiilan oo muqumad ama oodkac ah iyo Kimis.

Ciidankii raacdada ahaana waxay meel walba dhigeen jidgooyo, waxaana la hawlgeliyey saldhig walba mid degmo ilaa mid tuulo, dhammaan baraha ciidanka ay wax ku baaran, waxaanna hawdkii iyo buuraleydii lagu sii daayey ciidan aad u tiro badan si ay uga daba tagaan raggii baxsaday iyo kuwii lahaa qorshaha ah in ay baxsadaan .

Taliye Caddaawe markii loo sheegay in ninkii nabadqab lagu fakiyey neef baa ka soo fuqday, waxa uuna naftiisa u sheegay inuu ka badbaadiyey dabinkii iyo shirqoolkii lala maagana, haddase hadduu bannaanka joogo waa isaga iyo ragganimadii meesha uu aado iyo sida uu isu badbaadiyo.

Bile dheere iyo Huruuse waxaa galay werwer weyn, waayo waxaa halis ah, haddii Guhaad nabadqab bannaanka ku yimaad inuu ugaadhsan doono, uuna yahay nin ciidan ah oo tabbobaran, haddii uu u galo kooxaha hubeysana, inuu si fudud ku soo weerari karo, maxaa yeelay xogta taliska oodhan ayuu hayaa, wayna u fududahay inuu weerar gaadmo ah ku soo qaado.

Huruuse isagu waxaaba dhulgariir ku ah haddii xaaskiisu ogaato in ninkeedi noolyahay inay ka carari doonto, waxaa dhibkaasoo dhami ugu dhacay Guhaadna waa Jacaylkii waalnaa ee Huruuse u qaaday Ubax.

Ubax iyadu waa warmoog ninkeedii ay jeclaydna wuxuu u yahay nin dhintey oo dhulka ka hooseeya, haddiise ay ogaan lahayd iska daa guure ma aysan nabdaadiseen ninka ninkeedii shirqooley.

Guhaad iyo Dirir waxa ay habeenkii oodhan meeshii ku jiraan oo Guhaad iyo Dirir hurdo qarow iyo sas ah marba soo boodaan oo cabsi iyo wadno kurkur leh, waagii baa beryey, kaddibna Dirir waa yara nastay waan socon karaa ayuu yidhi, waa nin weyn oo haddana aan noloshan adagee miyiga miley dheer arag.

Waxa ay markii tooseen ka tashadeen tashadeen inay hadda socdaan iyo inay meeshooda sii joogaan, balse Guhaad waa u cuntami weyday inay maalinnimo socod dhaameelaan oo laba arrimoodba waa uga maagay, waa mide in ciidamo raacdo ah ay helaan iyo in uu Dirir sidii shalay dhanqalmo oo dhaqaaqi waayo, maxaa yeelay waa dhul buuraley ah oo kulaale ah maalintii.

Waxa Guhaad soo jeediyey inay meel hul ah oo qaboow ka raadsadaan buurahan kuna gabadaan, Dirirna uu sii joogo, isaguna biyo raadiyo, maxaa yeelay weli waa haystaan sahay ku filan hal maalin.

Guhaad wuxuu aaday dhul jeexyo ah, wuxuu raadinayaa biyo galeen, dhulku maaha abaar ommos ah, mana aha ammin roobaad oo waxaa la galay xagaayo, waa suurtagal in meelaha qaarkood moqor biyood ama salax biyo galeen ah uu ka helo.

Maaha dhul uu yaqaan, balse aqoon ciidan iyo mid dhuleedba waa leeyahay ee wuxuu raacay jeexyada doogan oo uu dareemayo in meel uun biyo ka heli doono.

Isaga oo rucleynaya ayuu arkay ciidan ilaa dhawr iyo toban gaadhaya oo saaran gaadhi meel aan ka dheerayna maraya. Dhulka ayuu isku dhejiyey oo geed madaxa la galay, balse ayaansamidiisa ma aysan arag oo waa dhaafeen, ma oga inay ciidan isaga ku raad jooga yihiin iyo in ay hawlgal kale u socdaan      “ Nin dhiilo qaba dhulkaa udhaqdhaqaaqa” Werwerka ayaa ku sii batay, waanu dareensan yahay in la daba joogo.

Ciidankii raacdada ahaa raggii kale waa heleen badankooda baxsaday kuwana dhabarka ayay ka toogteen markay ka carareen, waxaa keliya oo maqan waa Afar ay laba yihiin  Guhaad iyo Dirir.

Waxaa uu Guhaad meel waxoogaa u jirtay ka arkay aqal soomaali meel ka dhisan waa reer jees ah oo meel yar oo dooxa ah jeexna u dhaw degan.

 Guhaad waa u dhakaday in cabbaar ah ayuuna sanqadh dhegaystay bal in la joogo iyo in kale, kaddibna intuu u soo dhawaaday ayuu hadlay: “War reerka yaa jooga” balse, cidna uma warcelin, markaan hubsay inaan ciddina joogin, waa uu ku dhiiraday oo gudaha intuu galay ayuu haantii biyaha biyo kaga soo shubtay labadii weyso midkood, middii kalena  Dhiil caano ahayd oo meesha taalayn, weysada ayuu ku shubtay, waa ogyahay inay tuugnimo tahay, balse waxaa uu sidaa u yeelayaa inuusan taqajarmin Dirir oo nin weyn ah, tabar badana aan hayn oo ammin dheer qabir ku jiray.

Wuxuu dib ugu soo noqday meeshii uu ka yimid oo uu hore u sii suntadeyna, waa nin ciidan ah oo sahan iyo korjoogto, gaadmo iyo mirba la soo baray ee siduu u socday ayuu ugu tegay meeshii Dirir oo quraankiisii aqrisanaya.

Dirir intii uu ka maqnaa ayuu go’aan gaadhay, markuu u yimid Guhaad ayuu ku yidhi: Guhaadoow nin weyn baan ahay, ammintan la joogana dhuumaaleysi ma geli karo, waxaa aan leeyahay qoys iyo ubad, waxaan doonayaa inaan dalka ka baxo oo dalalka deriska ah tago, dad iyo rag aan xigaal iyo widaay nahayna la xidhiidhi si aan u helo wax aan ku socdaalo ee waxaad inoo kaxaysaa dhankaas iyo dhinaca xabashidu naga xigto, dal kale inooma dhawee.

Guhaad: Adeer Diriroow waa runtaa oo dalka dhexdiisa kuma dhuumaaleysan karno, balse, haddaan xadka tagno oo aniga lay garto inaan ahay ninkii xabashida dagaalkii ugu dambeeyey ku jebiyey hub iyo agab badana ka furtay rag badana ka laayey, miyey suuragal tahay inay i daynayaan oo i badbaadinayaan?

Dirir: Weydiintan Dirir wey ku adkaatay waa laba daran mid dooro, haddii lays qabto qaabka qudha oo looga baxsan karaa xabashida waa in la helaa cid kaa badbaadisa oo af taqaan, ma yaqaanan Jabhad la sheegaa meel ay joogto, iyaga laftoodana kuma dareensama oo waa dad wax weliba ka suuroobaan, mana jiro cid gaar ah oo ay ka garanayaan.Maalintaas hulkaas iyo meesha ay isku qariyeen ayay ku badbaadeen.

Dhammaan soohdimihiina waxaa xidhay ciidankii dowladda, haddii ay maalinkaas hal tallaabo qaadi lahaayeena lama arkeen, maxaa yeelay ciidanku waa og yahay qofku intuu socon karo iyo inta uu gaadhi karo laba caanomaal.

Habeenkii markuu madoobaaday ayuu Guhaad yidhi: Saaka libdhadu halkaasay ka soo baxday oo waxaa inaga xiga bari iyo  iyo bad, halkaasna waa u dhacday oo waxaa inta badan dalkeena Galbeed ka xiga dhulkii soomaali galbeed ee xabashidu xoogga ku haysato, halkaasina waa waqooyi waa buuralayda aan joogno, badna waa naga dambaysaa ina soo oodaysa, dhinacaasina waa koonfur oo waa calooshii dalka oodhan.

Dirir: Dhankee ayaynu u dhaqaaqnaa, maxaadse ku talin lahayd?

Guhaad: Waxa aynu u dhaqaaqeynaa xagasha waqooyiga iyo galbeedka u dhaxaysa oo inoo fududeynaysa inaan helno meel aan uga bixi karno soohdin beenaadkana uga gudbi karno, lagana yaabo in aan ciidan xabashiyeedna joogin,dadka joogaana aysan la shaqeyn dowladda Soomaaliya oo halkaas ayaan ku badbaadaynaa.

Dirir waa talo wanaagsan ee ina socodsii, habeenkii oodhan iyaga oo aan wax iftiinsan ayay gudcurka naf bideen, waxa ay hadba qaw iyo gebi ka dhacaan, waxay ku soo baxeen, dhul dooxo ah oo geedo waaweyn leh, waxa ayna bannaanka uga baxeen buuraleydii, hadba tog  iyo qar weyn oo haadaan ah intay yimaadaan ayey dhan uga wareegaan ileyn ma sitaan, Toosiye(Jiheeye) markii xiddigii waaberigu bikaacay ayay raadsadeen meel ay ku gabadaan.

In door ah markay socdeen ayay ku soo baxeen geed isku dhoon ah, waa geed ballaadhan oo aad moodo inuu qaab guri u sameysan yahay, Duduna ka dul baxay oo laamihiisu dhulka gaadheen,  hoostana ka hulan,  ciid xalan oo batuuxina hoostiisa tahay.

Markuu madaxa geliyey Guhaad ayuu ka baqay Dirir, balse Guhaad baa ku dhiirigeliyey in ay halkaan ku nastaan oo iska seexdaan. Waxa ay cuneen labaddii midh ee ugu dambeeyey Kimistii la soo siiyey iyo hilibkii yaraa ee qalalaa, biyihiina intii u hadhay Afka ku shubteen waana seexdeen.Markii in waxoogaa ah hurdeen goortuna ay ku began tahay gadiid ay cadceedu isku kala badhay cirka ayna suudiga dhimbilo kulul oo fallaadha ah usoo direyso dhulka ayay guux maqleen.

La soco qaybaha kale…..

W/Q: Cabdiraxiin H. Galayr

SHEEKOOYIN