KUFSIGA WAA KURBADA HAWEENKA. Qore: Mohamed Musa Sh. Noor

KUFSIGA WAA KURBADA HAWEENKA.
Qaybta 1aad
Sida bahalnimada ah ee uu ula dhaqmay ayaa Caaisha ka fogaysay ehelkeeda qaasatan ilma adeeradeeda iyada oo cuqdad xun u wada qaaday, qof kale ma ahan qofka sidaa u galay waa adeerkeed aabaheed la dhashay, wuxuu kula kacay kufsi waxuushnima ah, kaas oo usan ku qaddarin xitaa xubinteeda hore ee taranka balse ugu daray xubinteeda dambe, wuxuu ahaa kii ay gurigiisa joogtay oo qoys ahaan ugu xigay dadka kadib shilkii ay ku dhinteen labadeeda waalid.

Caaisha falkan gurracan ee ay xitaa haddii ay sheegto qof ka aaminaya uusan jirin ayaa sabab u noqday in Rag oo dhan ay ka aamin baxdo, rag oo dhanna ka aaminto Yey waxuush ah oo wax ay u aaba yeelayaan aysan jirin.

Dabcan fakarka nuucaas ah way ku qaldanayd, balse marka loo eego xaaladda xanuunka badan ay martay waa loogu garaabi karay, inkastoo fakarka qof qura ka qabo Jinsi dhan uusan saamayn dhabeed ku yeelan karin inta kale.

Caaisha waxay hadda qayb ka tahay urur difaaca haweenka sideeda oo kale la kulmay Kufsiga , qaasatan kuwa kala kulma kuwa ay ahayd in ay difaacaan oo xaqeeda ilaaliyaan ( eheladooda).

Kufisiga waa kurbada haweenka oo dhan, wuxuu saamayn uga yeeshaa dhan walba oo noloshooda ah. Dadka badankooda marka ay cabirayaan kufsiga waxay sawiraan wax aan la suurayn karin, hadana waa hoos mugdi ah oo weeraraya dumarka wax difaacaa ama ay iska difaaci kartana aysan jirin.

Iyada oo taa laga cabir qaadanaya sida badan dumarka la kulma kufisga nuucyadiisa kala duwan wuxuu uga yimaada qof ay aqoon u leeyihiin amaba ay kalsooni ku qabeen sida badana uu qofkaas yahay qof ay hooskiisa harsadaan.

Waxaa jira dumar Geesiyaal ah oo ka hadla dhibka ku dhaca, ma ahan in ay caawin doonayaan ee waa in ay bulshada ku baraarujiyaan waxa ka dhacaya guryaha dadka wanaaga iyo daryeelka lagu tuhmayo balse, Yeyda waxba aan hambayn ka daran, micnaha naxariis laawayasha ku reeba dumarka masaakiinta ah Uurkutaalo murugo oo noloshooda inta ka dhiman ugaarsata.

Adeerkii isku baddalay Yeyda.

“ma xusuutso waqtiga saxda ah laakin waxaan qiyaasayaa in sagaashameeyadii ay ahayd, waxaan ahaa qof aad u Da’ yar oo shan sano qayaas ahaan jirtay, balse taas macnaheeda ma ahayn in aan ahaa qof yar oo waxba xasuusan karayn. Waxaa jiray wax badan oo aan xasuusto oo qalbigayga aan ka go’in, dabcan waa wax aan wanaagsanayn ayey tiri Caaisha”.

Caiisha waxay la noolayd qoyskeeda dad ahaan ugu xiga waa reer adeerkeed kadib musiibadu ku dhacday waalidkeed iyada iyo laba wiil oo la dhashay balse ka yar yar, waxay la noolaayeen oo ka faala qaaday adeerkood aabahood la dhashay.

“Waxaan xasuustaa in si joogta ah uu adeerkay ii kufsan jiray, waxaan ahaa qof aad u yar, arrintan argagax ayey igu noqotay, aamusnaan iyo murugo ayaan la bah ahaa, bilowga wax garashadayda ma jirin cid aan wax la wadaagi karo, maxaa yeelay cid i aamini kartay ma jirin, hanjabaad joogta ah oo dhanka adeer iiga imaanaysayna waa jirtay ku saabsan in aan afkayga haysto waxna ka diidi karin marka uu wax rabo.

Waxaan dhibsan jiray in aan maalintii seexdo guriga, maxaa yeelay waxaan ka fogaan jiray oo dhibsan jiray in uu igu qasbo falkiisa gurracan maadaama habeenkii sida badan ay xaafaddu cariiri badnayd, anigana aan ahaa gabadha guriga maalintii looga tago.

Eedada adeer qabo iyo ilmaheeda iyo kuwa ila dhashayba wax dugsi iyo iskool iyo shaqa u dareera ayey ahaayeen, gabar kale guriga ma joogin aan aniga ahayn.

Arrintan xanuunka badan waxay soo bilaabatay qayaas ahaantii xilli ay da’daydu aad u yarayd. Adeer guriga ayuu usoo qada doonan jiray, waana markaas marka uu damiciisa gurracan bilowday, marka uu rabo fulintii falkiisa gurracan ayuu xanaaq iyo garaacis iskugu key dari jiray si uu ii cabsi galiyo iigana fushado danihiisa foosha xun

Qadada markaan u geeyo oo faraxalka iyo saxanka aan kasoo qad is leeyahay ayey ahayd marka uu inta xoog igu soo qabto sariirta igu xoori jiray, gurigana qataarka hoos ka gashan jiray.

Xanaaq iyo gacan qaad ayuu marka hore igu bilaabi jiray si aan u cabsado isaga oo “us” i dhahaya suunka uu igu garaacana gacantiisa ku jiro ayuu dantiisa iga fushan jiray.

Waxaa la iga aaminsanaa in aan ahaa gabar dhib badan oo madax adag adeerna mar walba ka xanaajisa, sababtaasna waxay ahayd sababta uu adeer mar walba iigu taagnaa, laakin xaqiiqda sidaa ma ahayn.

Adeer ujeedadiisa waxay ahayd in uu si joogta ah ii cabsi galiyo si aanan ugu dhiirin in aan qof la hadlo ama falkiisa foosha xun aan la wadaago xaaskiisa oo ahayd qof runtii ilaa xad noo wanaagsanayd, balse ahayd qof shaqo u kallahda subixii hore cishahahan soo hoyato.

Waxaa jirtay in waqtiyada qaar in aan inta qadadiisa u diyaarsho aan ku dhuuman jiray qololka mid ka mid ah aniga oo iska dhigaya qof hurda, balse inta soo galo ayuu igu cabsi galin jiray shiinyeerka surweelkiisa furan, aniga oo indhaha isku qabsanayaa iskana dhigaya qof hurdo dheer hurdaysa ayaan dareemi jiray sida dushayda uu iskugu soo maqiiqi jiray, marka aan kacana dharbaaxo igu aamusin jiray.

Dhaqankan kufisiga ah wuxuu ahaa joogto, ma ahayn mid hakada mar walba uu dareemo in uu sameeyo wuu samayn jiray saa cid ka ceshata ma jirin, maalmaha xaafadda la wada joogo ayey ahayd maalmahaan ka nasan jirin xasuuqiisa.

Cadaawadda aan u qabo mar walba waa sii siyaadaysay, qof yar ayaan ahaa oo cabsi galin joogta ah ku nool, ma jirin jaanis ama fakar aan u helay in aan xal ka gaaro arrintan sida aan wax uga qaban karana uga qabto fakarkeeda ma hayn.

Waxaa intaas ii dheer in la iga xannibay waxbarasho oo dhan mid Diini ah iyo Maadiba, waxaan ahaa shaqaalaha jikada, islaantiisa ima warxumayn jirin wax aan ka tabanayana ma jirin, balse baraarug ah in xaqa aan u leeyahay waxbarashada xisaab uguma jirin.

Si aan uga fogaado dhibaataadaas joogtada ii ahayd ayaan waxaan bilaabay in xilliyada uu guriga yimaado aan ka tago inta qadadiisa iyo wixii kale ee uu u baahanyahay ugu diyaarsho qolkiisa inta uusan iman, waa tuma cidda iga rumaysanaysa Adeerkey aabahay la dhashay ina korinaya ayaa i kufsada?

Aad ayaan u baqayay runtii, ma jirin cid aan la wadaagay arrintan, xitaa kuwa ila dhashay ee dad iigu sokeeyay, ma garanayo inta noloshayda ka dhiman in aan heli karayo dhiiranaan aan ugu sheegi karo waxa uu adeer igu sameeyay.

Muddo markii aan sidaa ku dhaqmayay ayaan markii dambe go’aansaday in aan isaga tago xaafaddaas oo kaligey noloshayda aan dabarto maadaama aanan awood u lahayn wadashada walaalahay, wax ka hallaysana aysan jirin.

Sandakii 2009kii ayuu geeriyooday adeerkey, xiriika naga dhaxeeyey caruurtiisa ma wanaagsanayn, mar walba sida aan uga fogaannkaro ayaan samaynayay. Hadda rajadayda maadaama uusan dunidan ku noolayn ninka i nacsiiyay nolosha oo dhan, nin oo dhanna in aan aaminin igu kallifay waxaan rajaynayaa oo riyadayda tahay in aan xiriir walaalnimo la sameeyo ilmaha adeeraday oo waxba ii dhibin iyo in aan helo nin aan ku nasto xiriir wanaagsana la yeesho.
La soco qaybta 2aad sabtida.
Qore: Mohamed Musa Sh. Noor

SHEEKOOYIN