Home Curis GARBADUUB Q21AAD W/Q: Cabdiraxiim H. Galayr

GARBADUUB Q21AAD W/Q: Cabdiraxiim H. Galayr

0
SHARE

GARBADUUB Q21AAD

Ciidankii raacdada ahaa waxa ay la xidhiidheen Bile Dheere, waxa ayna u sheegeen oo ku wargeliyeen inay qabteen qaarna dileen raggii baxsaday, balse ay Afar ka mid ah waayeen.Markii loo sheegay magacyada ragga la hayo, Bilena ogaaday in uusan Guhaad ku jirin ayuu jiif iyo joogba diiday,  waxaa uu la xidhiidhay Kadiye oo ah madaxa kooxda gaashaanbuurta ah, isaga oo si toos ah ugu qaadaa dhigay sida wax u jiraan.

Kadiye hore ayuu u maqlay xogta oo aan dhammeystirnayn, waxaa uuna ogaa in nin ay xidheen uu Caddaawe hawshiisa ku jiro, waa uuna ka digay in ninkaasi aannu sii noolaan, balse Kediye ayaa aad u cannaantay Bile Dheere waxa uuna ku yidhi “Niyow nin jileec baad tahay, haddaad hawl gasho lama qabyeeyo, waa maxay ninka ilaa hadda nool ee aad leedahay wuu baxsaday, saw ma ogid in duulaanka ugu horreeya uu adiga kugu soo qaadi doono”.

Bile Dheere: oo arka in laga gar joogo ayaa ku calaacalay Kadiyoow niyaw waa dhab arrinkaad ka dhawaajisay, maxaa yeelay waan hawlyareystay, waxaanan is lahaa  si dadban u dil oo badheedhka ayaan ka baqay inuu wax inoo dhimo,haddase aragtida lagu toogan doona waxa aanan u direy oo ciidan badan oo ilaa hadda ku raad jooga.

Kadiye: Hawlgalkaasi yaannu dhicisoobin oo inagana dhaawac inoo geysane naga soo afjar, Kadiye waxa uuna faray in ninka Caddaawe ah uu aad uga digtoonaado, hadda wixii ka dambeeya, lagana hawlgalo sidii ugu suurtagalsan ee la isu dhaafinkaro, waayo? Madaxweynuhu aad buu u tixgeliyaa waxa uuna ka mid yahay ragga uu wax ka dhegaysto,  haddii hawshan iyo tii hore gaadhona  far baa inagu godmaysa.

Bile Dheere: Madaxweynahaa tixgeliyaa oo ma meel bay wax isaga yihiin anigu?

Kadiye: Maya waa raggii ay isla soo jabeen waana nin uu aad ugu kalsoonyahay oo aan aragtidiisa iyo hadalkiisa  la gaban, marka fiiro dheer u yeelo.

Bile Dheere: Hawraarsan waa dedaalayaa inaan wax buyuur ah dhankayga ka imaan mudane.

Bile dheere ayaa markuu ka baxay qolka warlaliska wuxuu toos u abbaaray, Huruuse gurigiisa. Markuu soo galay guriga ayaa Huruuse foolka adeerkii ka gartay in dhib jiro.

Huruuse: Adeer side wax u jiraan?

Bile dheere: Xaaskaagi miyey joogtaa?

Huruuse: Maya ee kii yaraa ay talaal u kaxaysay iyada iyo gabadhii adeegtada ahayd?

Bile dheere: Ninkii gacan laguma hayo, waxaana suurtagal ah inuu ogyahay in aad xaaskiisi la wareegtay kana dhaadhicisay in ninkeedii dhintey.

Huruuse: Oo sidee waxaas oo ciidan ah uga badbaaday, haddiise kuwii kale la helay, maxaa isaga loo waayey?

Bile dheere: Ninkaas waad ogtahay waa nin dhul yaqaan ah oo dagaalka dhulkana aad u bartay weeyaan(Inventory) marka cid qaban kartaa ma jirto.

Huruuse: Anigaa soo qabanaya ee adigu i oggoloow, haddaanan madaxiisa ama isagoo nool kuu keenin ninba maahiye.

Bile dheere : Anigoo 22 gu’ ciidan ahaa ayaan u badheedhi karin, waabase adigoon maalin qudha tabbobar u dhaqaaqin,  ma ogtahay in aad heerka aad taagan tahay ku timid jacaylka adeerkaa, isaguna uu ku yimid awood iyo karti uu la yimid.

Huruuse: Ayaa aamusay isaga oo aan warcelina waxaa kadinka ka soo galay Ubax oo xambaarsan Odawaa Guhaad iyo gabadhii adeegtada ahayd oo bac adeeg ah sida, kaddibna  inta lays nabdaadiyey ayuu Bile dheerena daba maray oo iridka ka baxay.

Huruuse oo markii horeba ammaanta xaaskiisa ee Guhaad iyo sheekooyinkiisa ku nacay oo ay dhawr jeer isku qabteen, mar ay uga sheekaysay ardaynimadoodi iyo heerka is afgarad ee ka dhaxeeyey. Dhawr jeerna hinaase dartiis arrinkoodu halis gaadhay  ilaa ay Ubax ku tidhaahdo, ma ninkaad i lahayd kaalintiisaan buuxinayaa oo dartii waan u dhiman lahaa ayaad ka hinaasaysaa? Isaguna marka sidaa loola garnaqsado odhan jirey, hadba ninka jooga ayaa leh jacaylkaaga marka xasuustaas inaga daa oo aayaheena ka sheekee.

Isagoo nacaybka Guhaad ee buux dhaafiyey laabtiisa uu maankiisa daboolay, ayaa maantana adeerkii ugu daray heerka uu gaadhay isagaa is keenay adna anigaa ku keenay.

Ciilbaa dhuuntu la go’day waxa uuna naftiisa leeyahay “Caku iyo way! Maxaan  u xidhay oo aanan u dilin, dhegahayguba warkaan may maqleenne, naftayduba dhibkaan may marteene.

Guhaad iyo Dirir waxaa soo foodsaartay cabsi iyo dareen naxdin leh, markay maqleen gurxanka iyo guuxii soo dhawaanaya kaabigana u soo saaran yahay,  dhulkay isku nabeen waa dhabacdeen, “Dirir baa yidhi Waa baabuur  raadkeenna ku jooga”

Kaddib ayuu Guhaad u sheegay inuu dhanka waqooyi ka soo socdo baabuurku iyaguna bari ka yimaadeen, sidaas awgeed uusan baabuur raadkooda arkayn, haddii uu raadkooda ku joogana ciidanku ay ka degi lahaayeen, dhulka iyo buuraha ay soo jibaaxeenna, qof lug ah maahine inuusan baabuur mari karayn.

Guhaad baa yidhi: Halkaaga sii joog anigaa soo eegaya waxa uu yahayba, ee aan geedka kuugu soo noqdo, haddaad iy weydona habeen maahine maalin haka bixin.

Dirir ayaa alla bari bilaabay aadna u werweray, haddana intuu is dejiyey ayuu yidhi: Tan Alle ayey noqone, orod waa ku sugayaa, Eebbena wax dhiba kuma tusi doone.

Guhaad ayaa dhankii guuxa u dhaqaaqay, balse waxooga yar kaddib guuxii baa joogsaday, wuxuu koray dudumo, kaddibna wuxuu arkay baabuurku muuqaalkiisa inuu yahay baabuur dadweyne oo uma jeedin ciidan iyo wax hub ah, dadkii la socday oo dhulka taagan meel jeex aan ka fogeyn.

Wuu u soo dhawaaday, Baabuurka waxaa la socda Afar nin oo mid wadahi baabuurka yahay, waa baabuur ka yimid tuulo aan ka dheerayn oo xaabbo iyo qoryo u doonaya, waa nooca loo yaqaan Siisoowga oo iska rogga ah.

Guhaad wuxuu qaatay go’aan ah inuu nimankaas u tago oo wareysto, meesha ay joogaan iyo meesha ay u socdaan si uu xog buuxda uga helo, sidoo kalena haddii ay suurtagal tahay oo ay ciidanka kaga badbaadayaan in ay raacaan, isaga oo weliba baqanaya.Guhaad wuxuu u yimid nimankii, markay arkeenba waa dareemeen inuu nin diifaysan yahay oo daal badani ka muuqdo.

Guhaad baa nabdaadiyey, nabdaado kaddibna si hufan oo dareen leh ayay usoo dhaweeyeen, waxa ayna siiyeen biyo uu cabo, roodhi iyo shaah aay tuulada hore uga soo qaateen. 

Guhaad baa u mahadceliyey, waxaase la xumaatey inuu keligii wax cuno, markaasuu weydiin ugu dhaqaaqey, war nin dayeysan baan ahaye, meeshani waa meelma, xageed ka timaadeen iyo ma dhulkii soomaaliya ayaan weli joogaa mise soohdintii waa ka soo gudbay?

Nimankii baa tuhun galay oo haddana baqday, midbaa si dhuukis ah baabuurka u fuuley waxa uuna kala soo degay qori ay wateen, kaddib ayuu intuu meel aan sidaa uga dheerayn istaagay qorigiina ku soo janjeedhshay xabbad ka dul riday  oo ku yidhi: Waryaa isa sheeg ninkaad tahay?

Guhaad talaa ku caddaatay oo wuxuu u gartay in ciidankii raadinayey uu gacanta u soo galay dabinkoodiina ku dhacay, marna wuxuu u qaatey inuu jabhadii yihiin, meel alaale meel uu ku hagaago ayuu garan waayey iyo wax uu sheego?.

Ninka qoriga ku hayaa waa nin reer miyi ah oo aano iyo anafo reereed ka baqaya waxa uuna rabaa inuu haybsado, halka uu Guhaadna u arko inuu rabo inuu qofka uu yahay sheego, waa kaaf iyo kala dheeri.

Guhaad baa yidhi: Nin socota oo diifeysan inaan ahay waad aragtaaye, maxaad xabbada iigu rideysaa, maxaanse kaa galabsaday? 

Ninkiina waa ku adkaysay isagoo oo sheega cidda uu yahay maahine inuusan dhaafayn, wuxuuse guhaad dulucda helay markuu ninkii yidhi: Sheeg qoladaada, annaga nooma soo dhuunto nin reer dambarle ahiye?

Wadihii baabuurka ayaa ku booday oo qorigii ka qaaday, kaddibna intuu u yimid, u sheegay inaysan ciidan iyo jabhad midna ahayn ee ay yihiin dadkii deegaanka, balse meesha colaado ka jiraan oo qolo weliba is ilaaliso, iyadoon dhib jirin inuu u xog warramo oo ka balanqaaday in cid waxyeelaysaa aysan jirin.

Guhaad oo nimankii la hadlaya una sheegay inuu yahay nin soo lumay oo ka yimid dhinaca badda iyo Duud barwaaqo oo ahayd meeshii ciidankii soo fakiyey magaceeda ugu sheegeen, ayaa waxaa mar qudha ka soo dul dhacay,Dirir oo maqlay xabbada dhawaqeedi naftuna ku hayn weyday inuu meeshii sii joogo,waxa uuna nabdiga iska yidhi Guhaadna  waa la dilay adigana waa laguu soo socdaa.

Dirir isaga oo aan hareeraha eegin raad iyo raqna fiirin ayuu inta geedkii isku dhoonka ahaa ka soo hoos baxay,  hortiisa u orday, waa isla doonasho eebbe isagoo xiimaya oo aan war iyo wacaal hayn ayuu Afka uga soo galay, nimankii jeexa joogay oo Guhaad wareysanaya.

Dirir waa qaboobey Guhaadna waa ka naxay, kaddib isagiina waa la soo fadhiisiiyey, labadoodiiba waxaa loo xidhay Garduub iyo Laba dible waxaana la saaray baabuurka korkiisa.

Raggii baabuurka watay laftooda dareen cabsi leh baa galay oo iyagoon xaabbo ku filan guran ayay dhanki tuulada Afka la saareen, si ay u ogaadeen nimankani cidda ay yihiin iyo meesha ay ka yimaadeen.

Baabuurkii tuuladii lama dhex keenin ee waxaa la geeyey gurigii wadaha meel u dhaw oo tuulada geeskeeda ah,  geed weyn oo ku yaal, waxaana la diray wiilashii laba ka mid ah inay odayaasha tuulada iyo rag hubeysan u yeedhaan.

Qaylodhaantii ayaa gaadhay tuuladi waxaana isku soo baxay dadkii waxgaradka ahaa ee tuulada deganaa, kaddibna waxaa ay yimaadeen labadii nin oo geed Gob ah oo weyn salkiisa fadhiya lugaha iyo gacmahana ka xidhan.

Oday Faarax dhiin oo ah nin nabbadoon ah ayaa yidhi, war nimanka bal xadhiga ka fura aan wareysanee, meelna aadi maayaane.

Waxaa lagu bilaabay haybsi qolada ay yihiin, Oday Dirir waa dhaqan yaqaan dadkana si weyn u kala yaqaane isagaa hadalkii bilaabay oo gartay inaysan dowlad ahayn, wuxuuna u sheegay inay yihiin niman baxsi ah oo soo fakaday in badana xidhnaa, reerkiisa ayuu sheegay, waxa kale uu sheegay abtirsiimada Guhaad intuu ka yaqaanay.

Oday Faarax waa garwaaqsaday, waxaa uuna yidhi: Shalay baa ciidan guurayaa na dulmaray idinka ayayna idin baadi goobayeen, gacan nabdoon ayaad ku jirtaan, dadkanina maaha dowlad, halkan aad joogtaa waa soohdin beeneedkii kala badhayey labada ciidan ee xabashida iyo soomaalida.

Dadka deegaanka halkan ka arrimiya, marmarbaa nimankaasoo duulaan ahi yimaadaan, markay yimaadaana, xoolaha waa naga dhacaan oo tuulooyinka waa boobaan, oo wixii ay rabaan bay sameeyaan, markaan u babac dhigi karnana waa iska dhicinaa markay fara badan yihiina duurkaan ku yaacna. waxbase nagama dhaxeeyaan, waxaad yeelaysaan, kashiina samo u sheega, ha cabsanina, eebbena talo saarta.

Dirir iyo Guhaad neef weyn baa ka soo go’day, waxaana loo kaxeeyey dhankii tuulada waxaana loo marti sooray si gobonnimo leh, guri weyn oo mutul ah ayaa loo goglay, ilaalo ilaa toboneeyo ahna waa la dul dhigay oo haddii ciidan yimaad ka jira.

Dirir iyo Guhaad waa soo nabad galeen, mid walba waxaa la siiyey dhar iyo hu’ cusub, si wanaagsana waa loo baantey, waa loo sheekeeyey, waxaana ay heleen nolol obsi iyo riyaaq leh.

Nin ka mid ah dadka deegaanka oo ciidamada dowladda la shaqeeya ayaa dhawr maalmood kaddib warkii helay,kaddibna wuxuu is tusay in halkaas kansho ku jirto, waayo? Haddii uu u sheego xog ciidamada waxa ay siin jireen, raashin iyo waxooga agab ah, weysooyin, mindiyo iwm. Ninkii ayaa talo ku kuu goostay inuu tago ciidanka soohdinta jooga ee tuulada Raxanreeb oo aan sidaa uga dheereyn meesha una jirta jiidaal dhan ilaa 40 km. Markii uu u tegay taliye dhuxuloow oo ahaa hoggaanka ururka meesha degan ayaa  waxaa uu u sheegay in niman soo baxsaday lagu hayo tuulada haddana dhinaca itoobiya la doonayo in loo gudbiyo. Ciidankiina markay heleen warbixintii waxay isu diyaariyeen inay weerar ku qaadaan tuulada Bali xagar oo ahayd meesha ay ku sugnaayeen Dirir iyo Guhaad.

Taliye Dhuxuloow Waxa uu taar u direy Bile Dheere markii tilmaantii iyo magacyadi u sheegayna Bille dheere waa obsiyey, waxa uuna si hoose ugu sheegay taliyihii Ururka halkaa fadhiyey haystay hadduu nimankaas nolol iyo geeri u keeno, inuu heer ka sarreeya kan hadda oo ah Dhamme gaarsiin doono, kana dhigi doono, Sarreeyo Guuto( oo awooddiisu ka sarreyso mid urur loona dhiibi doono Guuto dhammeystiran.

Taasina waxay Dhuxulow ku jujuubtey inuu siduu ku gaari lahaa heerkaas oo dhan magac, milge iyo hantiba ka badan kan hadda inuu sameeyo nimankaasna gacanta ku soo dhigo.

La soco qaybaha kale……

W/Q: Cabdiraxiim H. Galayr

SHARE