XASIL OO ILA GARO. (XIKMADO KOOBAN) Qore: Mohamed Musa Sh. Noor

                       XASIL OO ILA GARO. (XIKMADO KOOBAN) Qore: Mohamed Musa Sh. Noor

Qaybtii 97aad

                                                 1-Garo naftaada
Marka aad kala garato waxa naftaada ay dhab u doonayso iyo waxa aysan doonayn waa marka aad si dhab ah isku garatay, marka aad si dhab ah isku garatidna ma jiro wax ku rujin kara oo waxaa tahay aof yaqaana halka uu eegayo iyo sababta uu u eegayo iyo waxa uu ka sugayo ama doonayo in uu ka helo.
Qofka sidiisaba ma lumo marka uu ku socdo Dariiq ii yaqaano, ogyahayna in uu dariiqaas geynayo meesha uu u socdo, balse marka uusan aqoon u lahayn halka uu ku socdo waxaa laga yaabaa in uu ag maro meesha uu u socday isaga oo haya dariiqii uu ku gaari lahaa sababtana waxay tahay isaga oo aan ogaal u lahayn halka ay cagtu u saarantahay.
Hadaba garashada waxa aad doonayso iyo ku dadaalidda hanashadooda waxay ka dhigantahay garashada naftaada.
Inta badan oo naftaada fahamsantahayna waa inta badan oo ay guushaadu badantahay, marnabana aadan ku lumayn dariiqyada faraha badan ee dunidan.
Mmusa 

                                         2-Xusuusta waa Quudka Maskaxda
Xusuusta waa Quud ay maskaxda quudato una gudbiso dareemada kale ee Jirka kuwaa ka fal celiya, falcelintaas oo noqon karta mid ay waaxyaha jirka oo dhan ku dagaan ama ku xanuunsadaan.
Marka ay ku dagaan ama ay farxad ku dareemaan waxaa falcelintaas qaabilsan Dibnaha oo dhoola caddayn kalinimko ku dhisan dhoola caddeeya.
Qofka marka uu dul saaran yahay sariirtiis oo uu waqtigiisa naftiisa la qaadanayo waa markaas marka sida badan falcelinta ka kooban farxadda iyo murugada ay labadiisa xubnood ee qaabilsan muujinta waxa uu goconayo qalbiga soo tufaan.
Labadaas xubnood waa Dibnaha iyo Indhaha.
Marka aad dib u goconayso xusuus wanaagsan oo aad la noolayd muudo waa marka ay xubnaha jirkaaga oo dhan farxad iyo daganaan iyo waqti qurux badan wada qaataan.
Waa marka ay dibnahaaga dhoola caddeeyaan, waa marka ay indhaha farxad la ilmeeyaan, waa marka uu qalbiga farriimihiisa farxadda ku dheehantahay u dirsado xubnaha muuqada ee dunida ay arki karto, waa markaas marka haddii xaalad adag aad ku jirtay ay naftaada nafisto.
Wax walba wax cakisgooda ah ayaa jira, qalbiga sidiisaba waa xubinta ugu muhiimsan qofka Aadanaha ah, maxaa yeelay, waa midka kaliya ee farriinta gudaha usoo gudbiyo dunida la macaamilkeeda xubnaha qaabilsan sida Afka Indhaha Dhagaha iyo Addimada.
Marka uu qalbigu xusuus xun dhex maquuro waa marka ay indhaha murugo muujiyaan mararka qaarna ilmeeyaan sankana uu diifka ka dur duriyo, waa marka uu qofku oynayo, sidoo kale waxaa jirto mar uusan qofku ooynayn balse laabtiisa ay murugo dabooshay, taas oo baddasha dhamaan muuqiisa qof walbana uu dareemo.
Waa la yaab sida xusuusaha dadka qaar ay saamayn ugu yeeshaan muuqeena, dadka qaar ayaa farxad na siiya qaarna waa na murjiyaan, sidaas darteed, aan ku dadaalno samaysashada xusuusta wanaagsan.
Mmusa 

                                       3-Nolosha waa wax siin iyo wax qaadasho

Nolosha sideedaba waa wax siin iyo wax qaadasho, qofka wax ku siiya ayaa wax laga qaataa, ma ahan in aad wax bixiso oo gacma marnaato. 
Qiimaha nolosha macaan waa farxad iyo laab dagan qofka intaas kula wadaagi karo ayaa mudan in lala qaato, kuma wanaagsan nolosha qof qalalaaso iyo qajajac galin kara in waqtigaada aad ku lumiso danta aad ka helayso nuuca ay rabataba ha noqotee.
Nolosha waa mid gaaban, waqtigaas gaaban aad haysatana waxaa wacan in aad wax badan gaarto oo uga tagtid dunida wax la xusuusan karo ama muujin kara jiritaanka in aad jirtay, balse haddiiba ay noloshaada la mid noqonayso Diqsi isaga oo buubaya Quudka uu quudan lahaa ku dhex dhacay oo ku harqaday sidaana ku naf waayay cid is waydiisaana jiritaankiisa aysan jirin, markaas macna uma lihid qiimaha nolosha, in aad dunida kusii jirtana macna ma lahan.
Dunidan waa goob tartan oo la doonayo in lagu gaaro Hadaf nolosha dambe ee aan dhamadka lahayn, taas oo la isku abaal mariyo, qof walbana halka uu qalmo uu Qoorta gadasho.
Sidaa darteed, naftaada kala dagaalan in ay hooy u noqoto qof qasaara iyo murug ma ahee aan farxad iyo ficil wanaagsan dareensiinayn.
Mmusa  

                                                    4-Waad waalantahay!!!
Marka aadan taada ku noolayn oo waligaa aad ku nooshahay talada ama qaab nololeed ay dadka kale noloshaada u dajiyeen mar walba waxaad ahaanaysaa qanaaco la’aan, maxaa yeelay mar walba waxaa kugu jira dareen ah in wax kaa maqan yihiin .
Qaraxa naftaada ay qaraxdo wuu dhacayaa mar ay noqotaba, markaasna waxaa lagaa aaminayaa in aad waalantahay oo waxba aadan qabsan karin una baahantahay caawin.
Waad waalantahay sida la moodo, adigana hanashada naftaada ayaad u halgamaysaa waa intaas farqiga idiin dhaxeeyo.
Mmusa 

                                                          5-Maxaad ka dhihi lahayd?
Marka kuwa loo sameeyay in dadka difaacaan ay ayaga dadka laayaan, isla markaana isla ayaga la dhaho baaritaan ku sameeya, baaritaankooduna uu noqdo in ay tilmaan aan xaqiiqdeeda la ogayn dadka u sheegaan, sidaasna lagu soo dhameeyo dhacdada dhibkii dhacay, maxaad ka dhihi lahayd?.
Mmusa 

                                                     6-Farxad, qalbi dagan, laab xulan
Farxadda waa dareenka wanaagsan ee naftu u baahantahay.
Sifada naftu u baahantahay waa Qalbi dagan, marka qalbi dagan uu jirana waxaa imaanaya raaxada damiirka qofka, marka damiirka qofka uu noolyahay raaxana ku sugan yahay waxaa imaanaya Laab xulan .
Mmusa

                                                      7-Xanuun, Xikmad, Tijaabo
Nolosha waa guul iyo guul darro, tijaabo iyo culays.
Xanuunkaaga oo bata waa xikmaddaada oo siyaada.
Guuldarradaada oo badatana waxay ka dhigantahay awooddaada oo siyaada.
Dhoola caddayntaada oo badataana waxay ka turjuntaa malada wanaagsan oo qalbigaada ka buuxda.
Mmusa 

                                                      8-Xaqiiqdaada
Naftaada ahow mar walba dadka waxba kaama galin, waxaa jira dad xumaantaada arkaya iyo kuwa aan arkayn, ma jirto qof arkaya xaqiiqdaada dhabta ah oo aan ka ahayn Alle, alle kaliyaa ayaa xaqiiqdaada haya, arkayana.
Maxamed Shacraawi

                                        9-Wax badan ogow 
In aad wax badan ogaato ayaa fiican inta aad neefsanaysid, Wax badana dareentid, Ma ahan in aad xabis ku noqoto dhibic yar oo dunida ka mid ah.
Ujeedada ayaa ah in marka aad socoto ama aad la kulanto dadka qaar aad ogaanayso in wax badan ay kaa maqan yihiin, Dareenkaagana uu siyaadayo, waliba dhanka wanaagsan ee hormarkaaga  ku jiro, taasise  waxay ku xirantahay  doorashadaada.
Mmusa 

                                                    10-Kordhi caqligaada.
Badi la kulanka iyo wax la qaybsiga dadka caqliga iyo garaadka u saaxiibka ah, inta aad la fadhiisato qof nolol ahaan kaa sareeyo caqli iyo garaad ba, waa inta badan aad wax faaiido.
Waxaan tijaabiyay labada nuuc ee dadka caqliga iyo garaadka u ehelka oo dhinac ah iyo kuwa aan garaadka iyo caqliga lahayn oo dhinac, waxaan dareemay in mar walba oo la fadhiisto kuwa aan caqliga iyo garaadka lahayn aan dareemo in uu caqligu iga nusqaamo.
Mmusa

                                         11-Dabaalnimada wax fasahaadisa
Dabaalnimada ma ahan wax dad gaar ah ay la kali yihiin ee waa wax si guud qof walba qayb uga haysto, taas waxaa garan kara oo kaliya Alle.
Xaqiiqda ayaa waxay tahay in dabaalnimada  jumlada ka kooban ay tahay midda wax fasahaadisa ee aysan ahayn dabaalnimada shaqsiga midda wax halaysa.
Bal u fiirso, maxay maskaxdeena iyo caqligeena u shaqayn la’yihiin muddo 30 Sano ku dhow oo aan u garan la’nahay waxa nolosha nabadda ah inoo diiday? Is waydiintaas jawaabta aan u hayo ayaa ah in ay nagu jirto Nacasnimo ama dabaalnimada wax fasahaadisa taas oo saamayn ku yeelata Bad iyo Barriba.
Mmusa 

W/Q: Mohamed Musa Noor

ekisyare@hotmail.com            

xabuu8@gmail.com

SHEEKOOYIN