Garsoorkii gurracnaa | W.Q: Ibraahin-Nolosha

Garsoorkii gurracnaa

“Garsoorka marka muuqaal lagu muujinayo waa la indho-tirey, si  garsoor-darrada indho loogu yeelo. Markaas, garsoorku ma kala garanayp qofkii gar leh iyo kii gardaran; balse, garsoor-darradu qofkii ay doonto, siiba dhibanayaasha, ayey legeddaa oo ay ku riddaa ceel aan ciirsi laheyn.”

Marka la doonayo in garsoorka summadiisa la muujiyo, waxaa la adeegsadaa muuqaal qof indhoxiran oo miisaan gacanta ku haya ama ku haysa. Ujeeddo iyo aragti ahaan [ideal], indhaha xiran iyo halbeega ay na tusaysaana in aan qofna loo eexan mid kalena laga eexan, si sinnaan ahna wax loo garsooro. Balse,sida dhabta ayaa ah [actual], garsoorku waa mid aan u qaabeynay una diyaarinnay sida qof kasta u roon oo ka fog danguud, waxaana ka midha dhalkiisu noqdaa in ciddii la doono lagu tunto, siiba kuwa dhibanayaasha ah.

Indhahaas xiran baa lagu kala furaa hanti ama lacag, qofkaan awoodinna waxa uu dhibbane u noqonayaa go’aamo ka soo fulay dad ama qof jeebka loo buuxiyey.

Seynab waa gabar 16 jir ah.Waxaa barbaarisay hooyadeed oo ay la nooshahay. Nasiib uma yeelan in ay aabbeheed ifka ku aragto, iyada oo uurka ku jirta ayuuna geeriyooday. Quruxdeedu waa mid aad u soo jiidasho badana waana masciideed midab ahaan. Meesha ay ku nool yihiin aawadeed, guudkeeda garbaha iyo dhabarka sii dhaafay ee baridu ciyaarsiiso intey tidcato, marna dabato ayey guntiino xirataa, kolkaas ayey kalsooni ku laafyootaa iyada oo aan is dareensiineyn nolosha ay ku jirto oo ah mid aad u adag. Ma laha kalxamo muuqda iyo tafo miiqmiiq ah. Kubkeeda isku jooga boqon ilaa guud ayaa laafyeheeda bila . Waa gabar sidaas u qurxoon hase ahaatee  meertada iyo waayuhu ku goobteen.

Seynab waxaa la dhashay oo ka yar labo wiil oo aan hawl la’aan ah, waxna aan baran sida iyada oo kale. Hooyadood ayey kula nool yihiin xero dadka barakacayaasha ah lagu ururiyey oo magaalada aad uga fog, halkaas oo ay ku helaan kaalmo aan joogto aheyn. Wixii kale ee kaabid ahna, hooyadood baa miis yar xerada ka dhex furatay, waxaana ay ku iibisaa  cunnada cagaaran ,geed miroodyada iyo waxyaabo yaryar.

Maalin bey xaabo u doontay meel ka yara baxsan hoygooda. Seynab waxa ay soo gurtay xaabadii, ka dibna inta ay madaxa xarig gashatay ayey dhabarka soo saaratay qoryihii oo calallo lagu dhuujiyey. Iyadoo dhabbe cidlo ah mareysa oo xeradii ku  toosan ayaa waxaa ka soo hor baxay gaari nooca raaxada ah oo ay saarnaayeen wiilal saddex ah, oo da’ ahaan iyo xoog ahaanba iyada ka weyn.

Gaarigii ayey joojiyeen waxaana ay billaabeen iyaga oo gudaha ku jira in ay la hadlaan. Iyaduna wey ka aamustay oo juuq uma dhihin. Markaas ayey kurayadii u soo tafoxeyteen in ay gaariga ka soo degaan. Waxa ay ku billaabeen daandaansi iyo taataabasho, Seynabna waxa ay isku dayeysay iyada oo qoryihii xambaarsan in ay is dhiciso. Nafteeda in ay badbaadsato ayey isku dayday jeer ay iska filqeysay gacmaha wiilasha. Waa laga awood roonaaday, xitaa haddii ay qeylisay cid meesha ka dhaweyd ama maqashay, ama u soo gurmatay ma jirin. Sidaas bey Wiilashii hororrada ahaa hantideedii dihaneyd ku boobeen iyaduna ay ku miyirbeeshay.

Isla halkii baa isheedii xareedda laheyd dhiig looga qubay oo looga wabxay, laguna kaltamay. Nin walbana markiisa ayaa loo sugay.  Hunguri hammuungalmood baa wiilasha haysa halka Seynabna aysan dhaammin qof xabaal ku jirta. Markii ay ka bogteen bey isaga tageen iyadoo aan tabar iyo nuuxnuuxsi midna aan laheyn. Dhowr saacadood ka dib, xilli ay qorraxdu godkeedii gashay oo fiid ah baa waxaa soo maray dhallinyaro ay isku xero ahaayeen. Ma ogaan sababta ay gabadhu meesha u jiifto waayo hadal ma kareyn, haddii ay karootana ma sheegteen wixii lagu sameeyey oo wey xishooneysaa. Waxa ay iska dhaadhiciyeen in ay gaajo aawadeed iyo culeyska ay wadday la suuxday. Wey garbogaleen illaa ay ka geeyeen gurigoodii.

Seynab baa arrinta qarsan weysay oo si hoose ugu sheegtay hooyadeed. Isla habeenkaas, waxaa wiilashii xaafaddu qeylodhaan soo gaarsiiyeen reerka Seynab, oo ay ku wargeliyeen in baraha bulshada la soo galiyey muuqaalka Seynab oo la xoogayo. Arrintu markaas ayey faraha ka baxday waxaana leysla gaaray heer maxkamadeed oo looma kala harin. Wiilashii falka geystay oo markii hore ka yimid magaalo lagu tiriyo in ay hoostagto xerada barakacayaashu, ayaa gacanta lagu soo dhigay. Saldhigga magaaladaas ayaa loo taxaabay iyaga oo in muddo ah xirnaa. Markaas ka dib waxaa la soo jeediyey in dhibkii dhacay xeer dhaqammeed lagu xalliyo, xeerkaas oo dhigaya in wiilasha mid ka mid ah loo guuriyo gabadha Seynab ah.

Arrintaas waxaa si weyn uga soo horjeesatay Seynab hooyadeed. Qaab loo maareeyo ayaa la waayey hooyadan xaqa gabadheeda ku doodeysa ee u dirireysa. Si xun inta loo xooloobay ayaa damiirkii sida dharka loo dhigtay, arrintiina si kale ayaa loo dhigay, si loo soo afmeero muranka hadalhayntiisu bulshada ku dhex baahday. 

Gabadhii la kufsaday ee Seynab aheyd baa eedda dhinac laga saaray, taas oo ah in ay raalli ka aheyd falkaas isla markaana ay oggolaatay in la duubo oo ay wiilasha midba mar u galmooto, taas ay keentay markii ay wiilashaas lacag ka qaadatay.

 Halkaas baa kiiskii lagu soo xirey, iyada oo aan gorfeyn iyo dib-u-eegis xilkasnimo ah la sameyn, waxaana loogu sii daray cagajugleyn iyo in aysan arrintan dib dambe uga hadlin. Garsoorkaasi waxa uu ahaa mid dhibbanihii laga gardarnaa ku joogjoogsaday, oo  taageeray kuwii dhibka gaystay.

Muddo kooban ka dib ayaa la dareemay in Seynab ay uur leedahay. Hooyadeed baa talantey oo damqatay, dhan kastana arrinta ka eegtay. Waxa ay go’aamisay in ilmahaas caloosha gabadheeda ku jira aanan la waxyeelin oo haddii ay dhashaanna ay korsadaan. Sagaal bilood iyo suggood bey caloosha ku sidday intaasna waxaa leys lahaa ma mataano ayey siddaa? Ugu dambeyn wiil bey ku curatay aan haysan aabbe u dabaaldega oo xilkiisa qaada. Waxa ay u bixisay iyada oo ku faaneysa oo aan u dheg raaricin hadallada bulshada, Gallad. Magacaas ayaa loogu wanqalay. Gallad oo gallad Eebbe u ahaa Seynab, hadda waa labo sano jir.

W.Q: Ibraahin-Nolosha
Muqdisho, Soomaaliya

Facebook: @Ibraahinnolosha
Twitter: @Ibraahinnolosha

 

SHEEKOOYIN