XASIL OO ILA GARO. (XIKMADO KOOBAN) Qore: Mohamed Musa Sh. Noor

                       XASIL OO ILA GARO. (XIKMADO KOOBAN) Qore: Mohamed Musa Sh. Noor

Qaybtii 99aad

                                            1-Ka fogow xaaladaha 
Xaalad walba oo wal wal galinaysa naftaada iyo jismigaaga ka fogow, xaaladaha qaar dib waa loo hagaajin karaa balse naftaada mar haddii ay qarribanto xanuunkeeda iyo dib usoo noolaynteeda lama sixi karo, sidaa darteed, ka fogow xaaladaha aan naficga u lahayn naftaada.
Mmusa 

                                                  2-Ma is waydiisay?
Ceebtaada maxay tahay ma is waydiisay, dambigaada muxuu yahay ma is waydiisay, shaqadaada maxay tahay ma is waydiisay, maxaa  kula gudboon ma is waydiisay?

                                                  3-Xikmado kooban 

1. Dadka waxaa tustaa wanaagaaga balse waad is ogtahay xumaantaada iyo ficil shaydaan samayntaada marka aad kali noqotid!!!
Mmusa
2. Cibaadadaada way badantahay ,baryadaada Allena waa badantahay, hadana iimaankaaga waa daciif, macnaheeda waa in cibaadadaada aysan toosnayn.!!!
Mmusa
3. Dadka waa u naxariis badantahay si dagana waad ula hadashaa, laakin qoyskaaga iyo ehelkaaga waad u adagtahay una hadal xumayn badantahay.
Mmusa 
4.. Waad sharaftaa martidaada, si wanaagsana waad ula dhaqantaa, balse marka ay kaa tagaan ayaa xantooda gurtaa, yaa tahay bal is eeg!!?

5. Saddaqada waad la baxdaa, masaakiintana waad caawisaa, balse waa ku mannad sheegataa, waana dhaawacdaa, saddaqadaada maxay tahay is waydii?.
Mmusa 
6. Habeenkii ayaa tukataa, aqrinta quraankaaga way badantahay, waa soontaa, hadana xiriir lama lihid qoyskaaga.!!!!
Mmus 
7. Asxaabtaada waa la kaftantaa balse marka aad kala tagtaan ayaad caysaa, inkaartaa, daba marayna ku samaysaa.
Mmusa
8. Dadka caawintooda waxaad u samaysaa si aad wax uga heshid ama laguu sheeg sheego oo kaama ahan Alle dartiis!!!!
Mmusa
9. Dadka ayaad waanisaa, waddada wanaagsana waad u tilmaantaa, waxaas oo dhana waxaad u samaysaa halagaa sheego, inta aad sheegaysana ma samaysid, mana ku dhaqantid, taas macnaheedana waa naftaada in aad qayaantid!!
Mmusa 

                                                             4-Nolosha ilaali
Waad heli kartaa qof kuu shaqeeyo oo waxa aad rabto kuu qabto, waad samaysan kartaa nolosha qaabka aad u rabto marka aad awoodeeda leedahay, wax walba oo nolosha loo isticmaalo haddii ay lumaan dib ayaa loo heli karaa ama waa la meelayn karaa baddalkooda, balse nolosha marka ay lunto maxaa lagu meelayn karaa? waa waxba, nolosha ilaali waa muhiim.
Mmusa 

                                                        5-Gudcurka
Gudcurku wuu qarin karaa geedaha iyo ubaxyada qurxoon, balse waxba kama qarin karo qalbiga, gaar ahaan Jacaylka.
Mmusa 

                                                         6-Luuqadda Qalbiga 
Qalbiga wuxuu leeyahay luuqado u gaara ah wuxuuna garan karaa kumanaan qaab oo uu ugu hadli karo luuqaddo uu markaas doonayo!
Mmusa 

                                                      7-Jaahil vs Aqoonyahan.
Jaahilku wuxuu ka caroodaa hadalkiisa, aqoonyahnkana wuxuu ka caroodaa  ficilkiisa!!!.
Mmusa 

                                                8-Qalbiyada dumarka 
Waxaa jira rag fara badan oo ayaga oo u qalmin af duubtay quluubta dumar fara badan, ma ahan quruxda oo kaliya ee waa qaabka hadalka wanaagsan waxa lagu hanto qalbiyada dumarka qaaliga ah.
Mmusa 

                                                         9-Taariikhda

Taariikhda oo aadan aqrin micnaheda waxay ka dhigantahay in laabtaada ay wali caruurtahay, sidaa darteed, waa muhiim in aad taariikhda aqriso, taariikhda oo si fiican u baratid waa khibrad kuu siyaada, waxayna ka dhigantahay aqrinta ama saadaalinta mustaqbalka.

Mmusa 

                                                               10-Cabsida
Qofka marka uu Mar walba wax ka cabsanayo wuxuu taagnaanayaa meesha uu joogo,  sababtana waxay tahay in uusan awood u lahayn wajihidda xaqiiqda hortaalo.
Mmusa 

Kalsoonida iyo guusha
Kalsoonida waa dariiqa guushaada, laga yaabee in mararka qaar in aysan horseed u noqon guushaada, balse, waxay ku siisaa awood aad kaga hortagi karto caqabad kaste.
Mmusa 

                                                                 11-Fahan dantaada 
Waalidkaaga iyo adiga 
Ilmahaaga iyo adiga 
Walaalaha iyo adiga 
Dhamaan ehel iyo xigta kalaba 
Isku waddo ma tihiin
Qof walba rabitaankiisa iyo qanaacadiisa ayaa u daran, taas ayuu wax walba ka door bidayaa gaaritaankeeda .
Sidaa darteed, waa in qof walba fahma marka ay tahay in uu wax caawiyo iyo marka aysan ahayn.
Mmusa 

                                                         12-Waqtiyada

Waqtiyada ugu fiican noloshaada waa waqtiyada aad jeceshahay in qofna aadan la wadaagin oo kaligaa ay kugu ekaato ilaa maalinta Qiyaamaha, maxaa yeelay waa ku qaali noloshaada oo ma jeclid in aad qof la wadaagto.

Mmusa 

                                                             13-Noolaha 

In aad caddaalad ka heshaa noolaha nuuca uu doonaba ha noqde rajada aad ka qabto yaree, maxaa yeelay waxaan is yeelayn baahida uu nooluhu qabo oo dhamaad lahayn iyo caddaaladda oo dalbata mararka qaar Baahi.

Mmusa 

                                                                 14-Daacadnimo.

Daacadnimada waa wax dhif ah in aad aragtana waa yartahay, sidaa darteed marka aad daacadnimo aragto qayb ka noqo ama xafid.

mmusa 

                                                               15-Walaalnimada 

Wada dhalashada micnaheeda maahan in wax walba la isku yahay waa albaabka aad dunidan kasoo wada gasheen, waa sida dariiq la wada marayo, inta iskaashata oo is fahanta waxay ka dhigan yihiin kuwa walaalnimada dhab u wada fahmay.

Mmusa 

                                                     16-Dulmiga dadka la dulmiyo

Dulmiga dadka la dulmiyo Alle marnaba raali kama noqdo, nimcada uu Eebe ku siiyay haddaad ku dulmiso dadka oo buruburkooda iyo isku dirkooda u adeegsato hubaal in ay kugu imaanayso adigana maalinkaaga waliba dhexdaada ay ka tafan doono.

Mmusa 

                                                                   17-Mashquul

Ma jiro qof mashquul badan, arrinku waa sida arrimaha u kala muhiimsan yihiin, hebel ama hebalaayo haddii ay kugu dhahaan waan mashquulsanayn, ogow in ay ku mashquulsanaayeen wax kaa muhiimsan.

Mmusa 

                                                           18-Haweenta loo baahan yahay.

Haween midda loogu baahi badanyahay waa midda jacayl ku barta marka uu nacayb qalbigaada soo galo, waa midda kaa qoslisa marka aad ilmaynayso, waa midda ku barta kuguna dhiiri galisa qaabka xanuunka loogu adkaysto loogana guulaysto.

Mmusa

                                                               19-Nolosha

Nolosha farxad iyo murugaba waa leedahay, balse ma ahan mid lagu wada waarayo, qofka intaa fahamsan ayaa heli karaya farxadda iyo daganaanta qalbiga inta noloshiisu jirto.
Mmusa 

W/Q: Mohamed Musa Noor

ekisyare@hotmail.com                                            

xabuu8@gmail.com

SHEEKOOYIN