XASIL OO ILA GARO. (XIKMADO KOOBAN) Qore: Mohamed Musa Sh. Noor

                       XASIL OO ILA GARO. (XIKMADO KOOBAN) Qore: Mohamed Musa Sh. Noor

Qaybtii 100aad

                                            1-Fahan dantaada 
Waalidkaaga iyo adiga 
Ilmahaaga iyo adiga 
Walaalaha iyo adiga 
Dhamaan ehel iyo xigta kalaba 
Isku waddo ma tihiin
Qof walba rabitaankiisa iyo qanaacadiisa ayaa u daran, taas ayuu wax walba ka door bidayaa gaaritaankeeda .
Sidaa darteed, waa in qof walba fahma marka ay tahay in uu wax caawiyo iyo marka aysan ahayn.
Mmusa 

                                                        2-Noolaha 

In aad caddaalad ka heshaa noolaha nuuca uu doonaba ha noqde rajada aad ka qabto yaree, maxaa yeelay waxaan is yeelayn baahida uu nooluhu qabo oo dhamaad lahayn iyo caddaaladda oo dalbata mararka qaar Baahi.

Mmusa 

                                                          3-Daacadnimo.

Daacadnimada waa wax dhif ah in aad aragtana waa yartahay, sidaa darteed marka aad daacadnimo aragto qayb ka noqo ama xafid.

mmusa 

                                                            4-Walaalnimada 

Wada dhalashada micnaheeda maahan in wax walba la isku yahay waa albaabka aad dunidan kasoo wada gasheen, waa sida dariiq la wada marayo, inta iskaashata oo is fahanta waxay ka dhigan yihiin kuwa walaalnimada dhab u wada fahmay.

Mmusa 

                                                   5-Dulmiga Dadka

Dulmiga dadka la dulmiyo Alle marnaba raali kama noqdo, nimcada uu Eebe ku siiyay haddaad ku dulmiso dadka oo buruburkooda iyo isku dirkooda u adeegsato hubaal in ay kugu imaanayso adigana maalinkaaga waliba dhexdaada ay ka tafan doono.

Mmusa 

                                                    6-Mashquul

Ma jiro qof mashquul badan, arrinku waa sida arrimaha u kala muhiimsan yihiin, hebel ama hebalaayo haddii ay kugu dhahaan waan mashquulsanayn, ogow in ay ku mashquulsanaayeen wax kaa muhiimsan.

Mmusa 

                                                  7-Haweenta loo baahan yahay.

Haween midda loogu baahi badanyahay waa midda jacayl ku barta marka uu nacayb qalbigaada soo galo, waa midda kaa qoslisa marka aad ilmaynayso, waa midda ku barta kuguna dhiiri galisa qaabka xanuunka loogu adkaysto loogana guulaysto.

Mmusa

                                                   8-Nolosha laguma waaro

Nolosha farxad iyo murugaba waa leedahay, balse ma ahan mid lagu wada waarayo, qofka intaa fahamsan ayaa heli karaya farxadda iyo daganaanta qalbiga inta noloshiisu jirto.
Mmusa 

                                                 9-Hogaanka

Hogaanka marka uu ku jiro Dagaal dhan walba ah dagaalkaas oo ah dagaal gudaha ah oo Af iyo addinba uu umaddiisa inta aan ku fakarka ahayn kula dagaalamayo taas oo ay usii dheertahay u adeegsashada cadow dibadda ah, kaas oo wax uu ka naxayo aysan jirin, waxa kaliya uu u aqbalay codsiga hogaankaasna ay tahay in uu maslaxadiisa ka arkay, hogaanka nuucaas ah waa hogaan qasaara nagu ah runtii, waxaan u baahanahay Hogaan, keena xun iyo keena san isku soo jiidi kara oo dad dana gaar ah naga leh aan arrimaheena dhex keenayn.
Mmusa 

                                                      10-Nasiixada

Haddii ay tahay canaantaada mid nasiixa ah oo wax wanaagsan ina faraysa waa in aan qaadanaa, balse marka ay na farayso Xaasidnimo iyo xaqiraad qof la xaqirayo ama astaan xumaan muujinayso ay ka muuqato macna ma lahan markaas in xitaa la dhagaysto.

Mmusa 

                                                            11-Baaseesiga 
Baaseesiga waa cadow qarsoon oo si hoose u dilaya afartan noloshaada muhiimka u ah.
1 dulqaadkaaga.
2 rajadaada.
3 Shaqadaada
4 Noloshaada.
Ka fogow baaseesiga ama si xun u fakarka.
Mmusa

                                                     12-Dadka iyo barashadooda 
Dadka wanaagsan waxay ku siiyaan Farxad.
Dadka xun waxay ku siiyaan Khibrad.
Dadka kuwa ugu xuna waxaad ka barataa Cashar.
Dadka kuwa ugu wanaagsana waxaad ka dhaxashaa Xusuus wanaagsan.
Mmusa 

                                            13-Mansabka iyo waajibka 
Maamulka xafiiska ama iskoolka ama meelaha kale ee ay bulshadu ku kulanto hadduu maqan yahay Nadiifiyaha lama tabo ilaa inta uu rabo ha maqnaado, balse qofka nadiifiyaha ka ah meelahaas saacad hadduu maqnaado waa la tabaa.
Qiimaha qofka waa waajib gudashadiisa ee ma ahan mansabka iyo magaca noloshiisa.
Mmusa 

                                            14-Shahaadada Aqoonta

Shahaadada aqoontaada waxay caddaysaa in aad wax baratay oo aqoonyahana aad tahay, balse, caddayn uma ahan in aad howl kar tahay, fahamkaaga iyo khibraddaadana ay sarreeyaan.
Mmusa

                                                       15-Horseedka is fahamka 
Haddii qof xanaaqsan uu kuu soo galo isaga oo qaylo iyo daganaan la’aan ay ka muuqato waddada kaliya ee aad kula dhaqmi karto maahan in aad la muranto ama is daji aad ku dhahdo.
Waxaa wanaagsan in aad si dagan u dhagaysato qayladiisa kadib marka uu dhamaystana aad ku dhahdo xalka keen ama maxay kula tahay?
Markaas qofku wuu dagayaa wuuna nafisayaa wixii uu dhihi lahaa xumaan iyo wanagna gudihiisa ma gubayaan oo waa kasoo baxeen, marka daganaanta iyo dhagaysiga oo badiso waa horseedka is fahamka labada Qof.
Mmusa

                                                      16-Qanaaco darrada.
Qanaacad nolosha ayaa naga luntay, qofkeena Soomaaliga ah meesha uu doono dunida ha uga noolaado ma jirto qanaaco uu ku qabo meesha uu ku nool yahay.
Mar walba niyaddiisa waa kacsantahay, wax buu niyadda ku hayaa, waxa uu niyaddiisa ku hayana waxaa ugu weyn sida uu u baddali lahaa nolosha uu ku nool yahay iyo goobta uu uga nool yahay dunida.
Nolosha qaabka uu Eebe u sameeyay ayaa ah mid isku dheeli tiran, waxa aan dheeli tirnayn waligoodna dheeli tirmayn waa qalbigaada.
Ma qancaysid mana dagaysid ilaa noloshaada inta ka dhiman waad kacsanaanaysaa sidaas ayaana u fakaraysaa una dhibsanaysaa noloshaada iyo qaabkeedaba.
Xaqiiqda waxay tahay in qofka qanci karo uu yahay uu kaliya qofka ogolaado waxa mar walba nolosha uu kala kulmo, tan macnaheeda maahan haddii ay noloshaada fiicnayn aad sidaas ku aqbashaa, waa in aad ku dadaasahaa hagaajinteeda mar walba.
Qanaacada nolosha waxaad ku heli kartaa marka aad isku miisaanto noloshaada maanta iyo tii shalay.
Haddii tii shalay xumayd ku dadaal in aad tan maanta gacanta ku qabsato hagaajisana,ha ka fakarin mustaqbalka, maxaa yeelay ka fakarka mustaqbalka waa kan horseedka ka ah qanaaca xumada naftaada ku dhacda.
Haddii aad hagaajiso xaalkaaga hadda waa hubaal in uu qurux badnaanayo xaalkaaga barito, sidaa darteed, miisaankaa qanaaca raadinta noloshaada haku salaysnaado mar walba xaalkaagi shalay iyo kan maanta.
Mmusa

W/Q: Mohamed Musa Noor

ekisyare@hotmail.com                                            

xabuu8@gmail.com

SHEEKOOYIN