Iftiiminta KAYMADOOW W/Q:- Xuseen M. Cabdulle Wadaad

Iftiiminta KAYMADOOW

Keymadoow, waa buug mug-weyn oo tilmaamaya waaya la soo maray, waa buug sheeko-faneed ah oo si hufan uga hadlaaya mid ka mid ah waayihii murugada iyo xanuunka lahaa ee inna soo maray. Buugga Kaymadoow, Waa mid waxbarasho oo jiilka cusub ee aan ka warqabin wacaalladii la soo maray u ifinaayo mid ka mida musiibooyinka sooyaalka galay ee Dalkeenna. 

Qoraagu, waa aqoonyahan waaya joog ah, kana warqabay waxbadan oo xilliyadaas dhacay, amminka uu qoruhu tilmaamayo waa xilligii abaartii Daba-dheer ee saameynta xooggani ku yeelatay bulshadeena beled iyo baaddiyaba, waxayna ku beegneyd 1974-1975 tii sida ku xusan dhiganaha Kaymadoow. Mudane Cabdullaahi Macallin, waxuu dhacdooyinkii xanuunka badnaa ee abaarta innooga sameeyay qiso bulsho oo si weyn u muujineyso kacaakufkii ay keentay abaartu, taas oo ahayd murugo, geeri, gaajo, harraad, xoolo iyo hanti le’day iyo intii ka badbaadday dhibaha iyo taakulada ay heleen ayuu buuggu si aan miliqsaneyn inoo tusayaa.

Aniga shakhsi ahaan, kolkaan aqriyay waxuu dib iigu celshay xasuus iga sii gureysay 44-45 sano ka hor. Waxaana filaa ciddii ila mid ah oo arrimahaas murugada iyo xanuunka leh ee la soo maray xasuusata inay sidayda oo kale illimi ka soo daadan doonto kolkeey aqriyaan Qisadaan. Qisada, waxaad ka dhex heleysaa, saameeyntii ay yeelatay musiibadaas iyo gurmadkii dawladnimo ee ay dadku heleen xilligaas iyo arrimihii kale ee bulsho ee ku daabnaa arrimahaas.

Aqoon yahan/Qoraa: Xuseen M. Cabdulle ”WADAAD”

huswadad@hotmail.com

SHEEKOOYIN