Home Qoraallo Siday USA Soomaaliya u burburisay. Qore: Danjire Dr. Xasanwali Sheekh Xuseen Cismaan,...

Siday USA Soomaaliya u burburisay. Qore: Danjire Dr. Xasanwali Sheekh Xuseen Cismaan, DVM

0
SHARE

Siday USA Soomaaliya u burburisay.

Qaybta Koowaad

Madaxweynaha Soomaaliya Maxammad Siyaad Barre wuxuu booqasho shaqo ku yimid bisha Febraayo kun iyo sagaal boqol iyo labo iyo sideetanka Washington DC , magaalo madaxda dalka mareykanka. Markuu kasoo gaddoomay wuxuu soo maray magaalada Bonn ee ahayd caasimadda dalka Jarmanka Galbeed, halkaasoo uu kula kulmay madaxda Dawladda Jarmanka iyo mucaaradkaba. Aniguna markaas waxaan joogaa Bonn, anigoo ah Danjiraha Soomaaliya ee dalkaas Jarmanka, iyo ergayga Madaxweyne Maxammad Siyaad Barre. Madaxda Jarmanka ah oo uu la kulmay waxaa ka mid ahaa ninka la yiraahdo Rudolf Decker, kuna jiray markaas Baarlamaanka gobolka Baden Wuettenberg oo ay Stuuttgart caasimadda u tahay, lana socday Guddoomiye ku Xigeenka Xizbiga Krishtaanaka ee CDU oo uu Helmut Kohl madax u ahaa, isla markaasna ahaa Wasiirka koowaad ee gobolka Baden Wuettenberg, magaciisuna ahaa Lothar Spaeth. Markaas CDU waa xizbi mucaarad ah, xukuumaddana waxaa madax ka ahaa Kanzler Helmut Schimdt. Rudolf Decker iyo saaxiibkiis oo madaxwayne Maxammad Siyaad Barre ugu yimid guriga martida dawladda Jarmanka ee la dejiyay annagoo la fadhina, afarteennaas uusan axad shanaad na wehlin, ayuu wuxuu Madaxweyne Maxaammad Siyaad Barre uga warramay siday u fiicnayd booqashadiisa uu ku tegey Washington DC iyo siduu u fiicnaa kulankuu la yeeshay Douglas E. Coe iyo asxaabtiisa, gaar ahaan marakay ku wada casheeyeen gurigooda ku yaalla North Virginia. Annagoo sidaas Madaxweynaha kula fadhinna ayuu wuxuu soo jeediyey inaan anigu sanadka kaas ku xigah aan booqasho shaqo ku tago Washington DC, si aan ula kulmo Madaxweynaha Mareykanka Ronald Reagan iyo Guddoomiyaha ururkooda, oo la yiraahdo “The fellowship”, Douglas E. Coe. Madaxweynuhuna wuu ka oggolaaday wuxuuse ku xiray inaan u sheego Wasiirkayga Arrimaha Dibadda oo uu isaguna oggolaado. Sidaas ayaan bisha Janaayo ee sanadka kaas ku xiga ee kun iyo sagaal boqol iyo saddex iyo sideetanka booqasho shaqo waxaan ku imid Washington DC, caasimadda dalka Maraykanaka. Markaan Washington imid waxaan la kulmay Madaxweynaha mareykanka Ronald Reagan, kulana kulmay hoteelka Hilton Washington. Waxaa la i geeyey kaddibna White House, Aqalka Cad. Waxaan la kulmay madax sare ee Senate-ka, sida Senator Sam Nunn oo markaas ahaa Madaxa Guddiga Ciidammada Qalabka Sida ee Senatka, iyo Senator Charles Graaasley, oo dhawr bilood kaddib Muqdisho yimid isagoo Madaxweyne Maxammad Siyaad Barre marti u ah, laguna dejiyay guriga Madaxtooyada. 2 Senator Charles Grassley wuxuu qado igu siiyay makhaayadda Senatka, waxaanna la yaabay inuu isaguna nagu soo biiray danjiraha Jarmanka u fadhiya Muqdisho. Markaan hore usoo dhegeystay warka labada nin oo Jarmanka ah oo kor ku xusan iyo kasoo qaybgalka danjirohooda qadaduu Grassley iigu qaaday Congresska USA,waxaan gartay inuu arrinkaanu yahay mid ay Maraykanka iyo Jarmanku wadaagaan, kuna heshiiyeen inay Soomaaliya burburiyaan, Qodobkaanna waxaan uga hadli doonaa hadduu Alleh idmo qabybta labaad ee qoraalkaan. Senator Charles Grassley hadda waa Guddoomiyaha Guddiga Maaliyadda ee Senatka. Waxaan kaloo la kulmay xildhibaanno Aqalka hoose ee House of Representative-ka ayna ka mid yihiin Don Bonker, kana tirsanaa Guddiga Xiriirka Dibadda ee aqalkaas. Waxaan khudbo Soomaaliya ka warbixinaysa u jeediyay dhallinyaro laga keenay kontonka gobol ee dalkaan maraykanku ka kooban yahay, uguna jeediyay Congress-ka dhexdiisa. Waxaana la ii sheegay inay aniga horaty ay Corazon Aquino, oo muddo gaaban markaas kaddib noqotay madaxwaynaha dalka Filippine ay shirkaas ayaduna khudbo ka jeedisay. Waxaan kaloo la kulmay taliyeyaasha saddex ka mid ah afarta laamood ee Ciidammada qalabka sida ee Maraykanka, lana ii sheegay inuu kan ciidanka cirku dalka ka maqan yahay. Waxaan saddexdaas taliye iyo anigu ku wada cashaynnay isla gurigay Madaxweyne Maxammad Siyaad Barre cashada ku siiyeen oo ku yaalla Northern Virginia, oo dhawr mayl aqalka cad u jira. Sidoo kale waxaan la kulmay qaalli Maxkamada Sare, iyo madax kale ee Dawlado kale ka yimid, sida Kanada, Ingiriiska, Australia, Koofurta Afrika, Jarmanka Bari. Waxaa la i geeyey Wall Street oo aan burriska ku dhuftay marka suuqa la xiray. Waxaa la i geeyey Xarunta TV-ga CNN ee Atlanta Georgia oo aan wali markaas la furin wax walbase ay diyaar yihiin lana ii sharxay siduu u shaqaynayo. Yurub waxaa la ila kulansiiyay jananka taliyaha u ah ciidammad USA ee Yurub iyo madaxda Baarlamaanka Yurub iyo madax badan oo kale oo dawlado badan ka socda. Markay booqashadu ii dhammaatay waxaan ku laabtay Jarman. Markaasuu ninka waxaas oo qorshe sameeyey ayaa Jarmanka iigu yimid, ahna Douglas E. Coe wuxuu i yiri: “Waxaan dooneynaa inaan Madaxweynaha Soomaaliya kaa dhigno.” Waxaan ugu jawaabay: “Anigu kartida Madaxweyne lagu noqdo ma lihi.” Wuxuu yiri: “Kuwa sidaas oo kale yiraahda ayaaba ugu habboon oo noqon kara.” Waxaan ku iri: “Madaxweyne Maxammad Siyaad Barre xidid ayaan nahay oo walaalkiis ayaa walaashey u dhaxdaa oo sideed cunug u dhashay, dhiigga ayaana biyaha ka culus (Biyo waa la daadin karaa, dhiigse xaq darro laguma daadin karo) “Blood is thicker than water!”!. 3 Waxaan sidaas u iri ayadoo uusan xal kale jirin in Madaxweynaha Maxammad Siyaad Barre la dilo mooyee, aniguna aan taas diidanahay. Haddii taas la falo, xaqdarrada iyo khayaanada ka sokow, waxaa dhici lahayd wax la mid ah waxa dhacay marka Madaxweynaha Ruwaanda la dilay, oo uu halkaas dagaal sokeeye ka dhacay, shacbigii dalkaasna ay ku hoobteen, dalkiina ku burburay. Aniguna run ahaan maba doonayn inaan madaxweyne iyo wax la mid ah toona noqdo. Waxaan aad uga carooday inuu igula dhaco inuu warkaas i yiraahdo anigoo Dawlad dhan Danjire u ah, uuna ii soo jeedinayo inaan Madaxweyneheyga iyo dalkeyga khayaano. Markaasaan waxaan ku iri, anigoo caradeyda qarsaday: “Maxaad aniga ii doorateen?” Wuxuu yiri: “Dadka sida loo hadlo ayaad taqaannaa.” Mr. Coe wuxuu ii sheegay inay iiga dhisayaan Muqdisho makhaayadda McDonalds, iyo beerta qamadigu ka baxo iyo foornada rootiga lagu sameeyo, iyo beerta lo’da caanaha iyo beerta khudaarta, intaasoo makhaayaddaas looga baahan yahay. Wuxuu kaloo ii sheegay inay ogyihiin inay safaaraddu sabool tahay oo ayan lacag haysan, wuxuuna i weydiiyay intaan lacag u baahanahay iyo intaan doonayaba, ayna i siinayaan. Anna waxaan u sheegay inaanan intaasoo idil u baahnayn. Sidaas ayaan taladooda iyo waxay doonayeen ugu gacan sayray, booqashadaas iyo waxaan la kulmayna Madaxweyne Maxammad Siyaad Barre uga warbixiyay, anigoo u mariyay Wasiirka Arrimaha Dibadda Dr. Cabdu Al Raxmaan Jaamac Barre, Allaha labadoodaba u naxariistee. Markaan intaas oo idil ka diiday ayuu wuxuu ii soo jeediyay inuu aniga iyo caruurtayda na siinayo “Green Card” uu Amerika na dejinayo uuna ii magacaabayo Agaasimaha Afrika u qaabilsan ururkiisa. Aniguna waxaan u sheegay inaanan doonayn inaan Amerika ku noolaado isagana aan u shaqeeyo. Anigoo dal dhan danjire u ah ayuu doonayaa inaan dalkayga khayaano oo aan dhaafsado inaan dal kale ku noolaado urur shesheeyana u shaqeeyo! Douglas E. Coe saaxiibkiis Rudolf Decker, siyaasiga Jarmanka ahna wuxuu ii sheegay inay sidaas oo kale ay u dhisayaan labada nin oo kala ah hadda Madweynayaalka Ethiopia M. Zanaawi iyo midka Uganda Jawari Museveni inay labadaas dal madaxweynayaal ka noqdaan. Wuxuu kaloo ku daray oo yiri: “Maraykanku waxay goosteen inay Eritrea ka go’do Ethiopia, oo ay dawlad iskeed u taagan noqoto, ayna madaxweyne uga dhigaan ninka magaciisu yahay Isaias Afewerki (waana midka tan iyo intay dawlad noqdeen u madaxweynaha ah), ninkaanoo ay ilmo habreed yihiin Zanawii oo Ethiopia loo dhibayo. 4 Mar ayuuba wuxuu igu yiri, annagoo Baarlamaanka Jarmanka dhexdiisa fadhinna: “Kursigaan aad ku fadhidid waxaa mar dhaw ka kacay Museveni”, oo inta noqday hadda wali ah Madaxweynaha Uganda. Waxaan kaloo la yaabay khayaanada Dawladdaas Maraykanka, oo qorsheyneysa dilidda Madaxweyne haddeer Madaxweynohooda la kulmay oo ay wada xiriireen. Meeye heshisyada labada Dawladood dhexmaray? Meeye heshiisyada Qarammada Midoobay? Qorshohoodu intaas waa ka balaarnaa, heshiis kasta oo lala galana way khayaanayaan. Douglas E. Coe waxyaaluhu i waydiiyay waxaa ka mid ahaa: “Babuurka Madaxwayne Maxammad Siyaad Barre xabbaddu ma kartaa?” Waxaan ugu jawaabay: “Ma ogi.” Waana ogaa oo waa la raacay, oo xabbaddu ma Karin. Wuxuu yiri: “Baabuurka madaxwaynuhu markuu yimaado nalka gaadiidka kala haga oo guduudan ma istaagaa?” Waxaan iri: “Ma ogi.” Anigaaba arkay baabuurka madaxwaynaha oo isagoo ku dhex jira taagan nalka gaadiidka kala haga oo Daljiraha Dahsoon iyo Baarlankii hore taagan isagoo nalku guduudnaa. Waxay ii waydiiyeen: “Sideebuu madaxwaynuhu go’aanka ku gaaraa?” “Waa kuwee dadka madaxwaynaha ugu dhow oo go’aanka la gaara? Waxaan ku iri: “Golaha Dhexe ee Xisbiga Hantiwadaagga Kacaanka Soomaaliyeed iyo Guddigiisa Siyaasadda, Golaha Wasiirrada iyo Baarlamaanka.” Ujeedada su’aashoodu waxay ahayd inay doonayaan inay silsiladda dawladnimada kala gooyaan, ayagoo gadanaya kuwa maangaabta ah oo taagta daran oo silsiladdaas ku jira. Taasna wayba dhacday oo waxaan aragnay wasiirka oo madaxwaynaha amarkiisa diidaya, cornaylka oo jananka amarkiisa diidaya, guddoomiyaha bangiga oo wasiirka maa,iyadda amarkiisa diidaya. Kuwaas maan gaabta ah ayaa dalka lagu dumiyay oo calooshooda u shaqaystayaalka ah oo ilaa manta jooga. Waana kuwa cadawga amxaarada “Walaaleheen” yiraahda, Ingiriiska iyo Maraykankana midiinta u ah. Intii Madaxwayne Maxammad Siyaad Barre ka dambaysaba kuwaas ayaa wadanka burburiyay oo gaalada raacay, oo qaxooti naga wada dhigay. Waana isla kuwa “Beesha Caalamka” afkoodu ka buuxo. Soomaaliduna waa dad wada gob ah, oo wadaniyiin ah, iyo muslimiin dhab ah. Abuu Jahalba wuxuu ahaa Nabi Muxammad Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam ina adeerkiis, oo ummad walba kuwaasoo kale ayaa ku jira. Warkaas dawladdaydaan gaarsiiyay waxaanna u malaynayaa inuu sababay in madaxtooyada lagu wareejiyay waxay soomaalidu u bixisay “Askari Jiifa” oo ah taagagga dariiqa ku yaalla oo socodka baabuurta yaraysa. 5 Waxaan goobjoog ahaa markuu Madaxweyne Maxammad Siyaad Barre, Allaha u naxariistee, waraaqaha aqoonsiga ka qabanayey Danjirihii u dambeeyey ee mareykanka, magaciisuna ahaa Bishop. Markaas anigu waxaan ahay Agaasimaha Guud ee Agaasinka Guud ee Yurub iyo Ameerika ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya. Waxaa kaloo goob joog ahaa Danjire Axmad Maxammad Aadan “Qaybe”, oo dhulbahante u dhashay, oo markaas ah Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya. Waxaa kaloo ayaguna goob joog ahaa Xoghayaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya Al Xaajji Doktoor Cabdu Allaahi Xaaji Cabdu Al Rraxmaan oo uu awoowe u yahay Sayyid Maxammad Cabdulle Xasan, kaddibna noqday Wasiirka Arrimaha Dibadda. Waxaa kaloo ayaguna goob joog ahaa wiil uu Madaxweynuhu dhalay oo isaga xoghaye u ahaa, iyo nin ka socday Waaxda Arrimaha Dibadda ee Madaxtooyada iyo nin ka socday Waaxda Habmaamuuska ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya. Intaan danjirahaas Madaxweynaha loo soo gelin, ayuu wuxuu Madaxweynuhu annaga nagu yiri: “Waan ogahay sababta midkaan loo soo diraye soo geliya.” Danjirahaas iyo gargaarayaalkiisaba, sida ninka wakiilka uga ah Soomaaliya Wasaaradda Gaashaandhigga mareykanka ee Pentagon, ninka u qaabilsan nabadgelyada safaaraddooda, ninka u qaabilsan USAID oo yiraahda gargaar ayaan bixinnaa, iyo midka u qaabilsan USIS oo wardoonka ku leg leh, intaasba isla mar ayaa laga soo beddelay Safaraadda mareykanka ee Liberia. Shaqaalahaas middoodd waxayba ahayd haweenta Danjire Bishop. Warbaahinta adduunkuna iyo dibloomaasiyada addunkuba waxay sheegeen in dagaalka sokeeyey ee lagu hoobtay ee ka dhacay dalkaas Liberia uu ka dambeeyey Danjirahaas maraykanka Bishop iyo ciidankiisa. Dadka dalkaas oo qaxootiga noqday waxay qayb wayn ahaayeen muslimiin. Markaasuu marka loo soo geliyay ayuu Madaxweynuhu wuxuu ilaa labaatan daqiiqo ka wareysanayey, xaaladda Liberia, iyo madaxdooda oo uu mid mid u magacaabay. Markaas waxay ahayd bisha Oktoobar ee kun iyo sagaal boqol sagaal iyo sideetan. Xarbiga Soomaaliyana wuxuu bilowday saddex bilood kaddib, bisha Janaayo ee kun iyo sagaal boqol iyo sagaashanka . Kuwa kuwaas gargaar iyo hiil weydiisanaya way sirmeen waxayna la mid yihiin kuwa Naarta Jahannama ku jira oo markay yiraahdaan ha nala waraabiyo, biyo kulul oo karkaraya oo xiidmaha jara la cabsiiyo, wajigana ka shiila.

Danjire Dr. Xasanwali Sheekh Xuseen Cismaan, DVM

SHARE