Gabayga: “Waajib” Curiye: Maxamed Cilmi Dhicisow

Gabayga: “Waajib”
waa
Gabaygaan “Waajib” sida magaca laga garan karo, waxa uu wax ka oranayaa oo ka hadlayaa WAAJIBAADKA qof ama shaqsi laga doonayo inuu si gaar ah ugu heellanaado. In kastoon waajibaadka dadyowga laga doonayo la soo koobi karin. Haddana waa maanso gaaban oo xambaarsan murti kooban, talo iyo tusaalayn wacan Gabaygii waa kane akhris wanaagsan.

Gabayga: “Waajib”

Wawgiisa gabaygiyo haddaan, wariyo Suugaanta
Waa inaan wadiiqada habboon, wagac ku siiyaaye
Waa inaan wixii aan ogahay,waano mariyaaye
Warar culus oraah waqaf ahoo, waacid taladiisa
Waleecaad waxyeelliyo midaan, lagu arkayn waalli
Walanbiyo midaan wahab lahayn, baygu waajibaye
Wafdi iyo wakiil iyo haddaad, Waali noqonayso
Waddankiyo wakaalado haddaad, wicid u joogaydo
wanaag iyo wiqaayiyo dantiyo, waajib waa guda‘e
Adduunyada la joogaa walaalnimo, wax dheeftaaye
Walcan iyo waxmoog iyo wardoon, warasadoodoo dhan
Wacaalkeeda dunidiyo, ninkii culaya weelkeeda
Wahsi inaw ka dhawraa dadyahaw, waajibkiisa ahe
Aabbe waxa ku waajiba inaw, qoys waldaansado’e
Hooyo waxa ku waajiba inay, weledkeed dhawrtaaye
Ubad waxa ku waajiba inaw, waalidka addeeco
Wadaay waxa ku waajiba inaw, samaha kuu weecsho
Walaal waxa ku waajiba inaw, wahanti kaa dhawro
Weli waxa ku waajiba inaw, xaqa wakiishaaye
Addoon waxa ku waajiba inaw, Wayne Caabuda‘e
Wadaad waxa ku waajiba inaw, waafi wax u sheego
Oday waxa ku waajiba inaw, sugayo weedhiisa
Bare waxa ku waajiba inuu, ubad waxbarayaaye
Arday waxa ku waajiba inaw, qalin walwaalaaye
Ummad waxa ku waajiba inay, wadajir heemaasho
Wasiir waxa ku waajiba inuu yahay, wakiil sugane
Wargays waxa ku waajiba inaw, waasic wax u sheego
Wilgo waxa ku waajiba inay, wadar ciyaartaaye
Afartaa wanaag iyo waxsheeg, waano iyo weer dheh
Waxba gabaygu yaw ila tagine, waxan ku soo waabey
Qofba wixi ku waajiba inaw, wado ayaa roone.

Dhammaad.

Curiye: Maxamed Cilmi Dhicisow
elmi_0@hotmail.com

SHEEKOOYIN