Home Qoraallo Billowga xisbiyada Dunida Q2AAD W/Q: Shaafici M. Axmed

Billowga xisbiyada Dunida Q2AAD W/Q: Shaafici M. Axmed

0
SHARE

Billowga xisbiyada Dunida  Q2AAD     

Waxaan doodi ka taagnayn kala aragti duwanaashaha  in ay tahay arrin noolaha Eebbe ku abuuray. Sidoo kale waxaa kala jaad ah danaha bulshooyinka iyo baahidooda .

Haddaba noolaha oo aan kala maarmin darteed , waxaa laga maarmaan noqonaysa, in qof ama koox kasta ay raadiso qofka iyo kooxda ay isku aragti iyo dan yihiin,si ay u ilaaliyaan danahooda, aragtidoodana  u kobciyaan una tiigsadaan horumar taaba qaada.

Kala duwanaasha dhanka aragtida iyo danaha noolaha oo ay sii dheertahay kala maarmi la aanta noolaha joogtada ah ee is biirsaday , ayaa ku sandulleeyeyarrimahaas in ay bulshoweynta adduunka inay curtaan xisbiyo,  iyo ururo siyaasadeed oo is gaashaanbuureysi aragtiyeed iyo mid daneed gundhig u yahay.

Xisbiyada siyaasadeed ee dunidaan cusub , waxa ay soo ifbaxeen markii ugu horraysay, dalalka maraykanka iyo ingiriiska, qarnigikii 19aad, ee dhalashadii Nebi Ciise dabadii(cs). Wixii kadanbeeyay qarnigii 19 aad, xisbiyadii waxay noqdeen kuwo ku faafa dunida dacaladeeda.

Biloowga xisbiyada reer galbeedka.

Haddii aan dib u milicsanno bilowga xisbiyada dalalka reer galbeedka waxaan ogaanaynaa in ay ka dhex biloowdeen saddex meelood oo kala ah.

Baarlamaanada iyo guddiyada doorashada .

Guud ahaan xisbiyada reer galbeedka bilowgoodu waxa uu ku xirnaa, koboca iyo hormarka ay ku socotay dimoqraadiyada, sidoo kale kobaca ku yimid guddiyada doorashada.Hadaba markasta oo koboc ku yimaado hawlaha baarlamaanada, xubnihiisuna dareemaan madax bannaani , taasi waxay ay suurtagelisay in ay isu tagaan, xubanha baarlamaanku isna urursadaa hadba intii isku aragti iyo dan ah, oo ay samaystaan midoow iyo gaashaanbuur isu dhalanrogay ugu dambeyn ururo siyaasadeed oo magac iyo majiire leh.

Doodaha ku dhexmari jiray xubnaha baarlamaannada iyo isbahaysiyada ay sameeynayeen ayaa  saldhig u haaa in ay soo if baxaan in badan oo kamid ah xisbiyada siyaasadda reer yurub gaar ahaan dalalka ingiriiska iyo faransiiska. Sidoo kale waxaa koboc ku socday guddiyada doorashada ee xubnaha ka ah baarlamaannada, iyo bulashada wax dooranaysay. 

Xisbiyada dalka maraykanka , waxaa u saldhig u ahaa soo if bixidooda kororka guddiyada iyo bulashada wax doorata intii isku aragti ah guddiyadaas,  waxay samaysteen, xisbi iyo urur iyaga u taagan oo ay kalsooni siiyeen. Xisbiyadaas waxaa lagu tilmaamaa kuwo ka curtay kana soo unkumay baarlamaannada iyo guddiyada doorashada dhexdooda.

       Ururada bulshada

Ururada bulshada sida ururada shaqaalaha, ganacsatdaa , warbaahinta , garyaqaanada ayaa dhaqdhaqaaqooda waxa uu ku xiranyahay siyaasadda,  isbadalka ku yimaada dhanka hoggaanka iyo xeerarka cusub, waxa ay saameyn ku yeeshaan hadba is dhalanroga siyaasadeed ee cusubi, boqolaal qof oo bulshada ka mid ah nolashooda iyo aayahooda,.

Taasoo keenta in ay dhibaatooyin iyo cadaadis la kulmaan ururada bulshada arrintan ayaa waxa ay dhalisay in ay curtaan xisbiyo siyaasadeed oo ku  matala golayaasha dawladda, una taagan ka talinta aayahooda, waxaa ugu caansan xisbiyada ay bilaabeen, ururada shaqaalaha xisbiga shaqaalaha ee ingiriiska (Labour party). Waxaana la aasaasay sanadku markuu ahaa 1899.

Sidoo kale waxaa lamid ah xisbiyada ay bilaabeen ururada bulshada , inta badan xisbiyada hanti wadaagga ku dhisan .

Kaniisadaha iyo urur diimeedyada      

Kaniisadaha iyo urur diimeedyada, ayaguna waxay kaalin mug leh qaateen soo ifbaxa xisbiyo badan oo ka jira dalalka yurub, oo leh aragti diini ah waxaana ka mid ah , Xisbiga midawga iyo dimuqraadiyada kirishtanka ee jarmalka  (Christian democratic union of  garmany) ee hadda kan talada wadanka jarmalka haya, oo ayna hoggaamisoe haweynayda loo yaqaanno Angala merkal Waxaa kaloo ka mid ah xisbayada muxaafidka ah ee ka jira waddamada, Talyaaniga iyo Biljam.

Bilowga xisbiyada dunida saddexaad

Inta badan dawladihii gumeysiga soo maray xisbiyada ka jira, waxay ku biloowdeen ama loo aasaasay baahida lo oqabay in laga iska dulqaado heeryada gumeysiga, taasina waxa ay keentay in ay soo if baxaan xisbiyo siyaasdeed oo dadka ku hoggaamiya jidka iska caabbinta gumiysiga, ugu danbeynna xisbiyadaas waxa ay noqdeen kuwa hanta hoggaanka dalalkooda, waxaana ka mid ah xibiyadaas, xisbiga al wafdi ee dalka masar, xisbigii SYL ee soomaaliya, sidoo kale waxaa ka mid ah xibiga jabahadda xoraynta al jeeriya, iyo xisbiga waddaniga ah ee induniisiya   

La soco qaybaha kale…

W/Q: Shaafici M. Axmed

SHARE