Falanqeynta buugga Keymadoow W\Q. Cabdikariin Cabdulle Culusow

Falanqeynta buugga Keymadoow

FALANQEYN

DHIGANAHAAN KAYMDOOW waxaa qoray Cabdullaahi Macalin Maxamuud (siyaasi) Waa buug sheeko sooyaaleed ah, balse, inta aanan dul tegin aan marka hore is dul taago erayga Kaymadoow! Waa maxey Kaymadoow? Kaymadoow waa magac ka mid ah magacyada loogu yeero qofka dhiddiga ah ee la shareysto taa soo loo la jeedo haweentaasu in ay tahay nasiib-daran, gurigii ay gashana uu hoog iyo halaag ku danbeeyo. Runtii waa wax caado dhaqameed ah, Alle swt qof walba oo bini’aadam ah waxa uu ka fisho ayuu ku irsaaqaa haddaba Alle wax san ka filo oo cidna ha shareysan illeen dhibna kuuma keeni karaan kaamana qaadi karaan. QURAAFAADKA FAALIYUHUNA MA AHAN QOWL ILLAAHEEY oo waa been la dhoob dhoobay oo uu sheyddaan u qurxiyay ee adigu ha ku kadsoomin.

Haddaba buugga waxa uu ka hadlayaa sida quraafaadka ay dadkii hore u aaminsanaayeen ilaa iyo haddana ay qaar ka mid ahi u aaminsan yihiin Buugga waxa uu soo koobayaa noloshii hore tan dhexe iyo tan maanta jirta si gaar ah buuggu waxa uu xusayaa abaartii dabadheer ee dad iyo duunyo badan galaafatay iyo sidii dadka ay dowladdii markaa jirtay ugu gurmatay iyo kala duwanaanshaha dabeecadda dadka xumaan iyo wanaaggoora. Buuggu waxa uu ku socdaa gabar Maryan la dhaho oo reerkoodii uu ku dhammaaday abaartii iyo sidii ay ku badbaadday iyo ciddii soo gacan qabatay ee ayadoo naftu ku daba yar tahay jidka kasoo qaadday iyo ninkii nolosheeda danbe Alle ka sokow ballan qaaday ilaa guur galkeedii oo ahaa Dhame Cusmaan. Buugga waxa uu si gaar ah noo barayaa oo ilaa hadda jira Soomaalida in ay go’aan qaadashada ay ku degdegto, kuna xugmiso waxa ay ayaga la tahay ayagoon is weyddiin sida ay wax u jiraan. Tusaale gabarta Maryan markii ay magaalada muqdisho timid ayadoo ku cusub ee ayada iyo sahro waa walaasheed ay dhareer wadaag yihiin oo la dhalatay ninka soo korshay ee ay kala lumeen/Dhumaan.

Maryan waxa ay ku dhaceysaa dabin oo gabar kuwa habaaran ah ku jirta ayaa gargaareysa si bohol ay ugu riddo kuna qancineyso iney gurigii ay ka luntay geyn doonto. Kaddib maxaa dhacaya eeg labada nin ee gaariga wata waa labo fataal ujeedkooduna yahay gabdhaha yar yar iney ganaca jabshaan. Maryan waa ay fahmeysaa oo Dhame Cusmaan baa kala dardaarmay in ay jiraan rag ku gummaada dumarka oo aayahooda dhaafiya gaarigii bay ka tuurayaan markey qeyladeeda ka cabsadeen in askar loogu yeero. Dadkii kusoo xoomay waxa ay ku shabeynayaan macsileey Alle iyo Rasuul ka furatay dila ayey leeyihiin. Maryan waa qof lunsan oo dabin ku dhacday haddana dadkii ay miciinka bidday oo ay gargaar ka filaneysay ayagoon weyddiin waxa helay ay ku xukmeen in ay tahay qof xun oo jirkeeda iibsata.

Si kastaba arrinku ha ahaadee buugga waxa uu taabanayaa dhinacyo badan oo nolosha Soomaalida iyo hab dhaqankooda togan iyo kan taban ba ah, dadkuna ay wanaagsan tahay in ay wax hubsadaan. Waxaa la yiri, haddii nin calooshiisa gacanta ku sita uu kuu yimaado oo dhiiggiisu baxayo fiiri gadaashiisa waxa laga yaabaa in uu kii dhaawaca u geystay ee toorriyeeyay uu qoorta kasoo gooyay.

GUNAANAD

Guntii iyo gabagabadii waxaan halkaan bogaadin iyo mahad celinba uga dirayaa Alle ka sokoow waayo mahad oo dhan Alle ayey u sugnaatay qoraha buugga mudane Cabdullaahi Siyaasi iyo qoraa Xasan Cabdulle Calasow (Shiribmaal) oo ah ninka i soo gaarsiiyay iyo aqristayaasha sharafta leh ee ku xiran boggeena laashin. Buuggaan qofkii aqrista waxaa hubaal ah inuu wax badan ka ogaan doono 1970 kii ilaa hadda Aqris wacan.

W\Q. Cabdikariin Cabdulle Culusow

SHEEKOOYIN