Home Qoraallo Go’aan maangal ah ka gaadh masiirkaaga wax-barasho WQ. Jamaal Cabdinaasir

Go’aan maangal ah ka gaadh masiirkaaga wax-barasho W\Q. Jamaal Cabdinaasir

0
SHARE

Ardayahow; Go’aan maangal ah ka gaadh masiirkaaga wax-barasho.


Socodka iyo jamashadu waa laba albaab oo ku fooggan dadaal iyo is hormarin, qofkeedana ku beegeysa tilmaamo sugan. Xiisaha iyo deg-degga gooraha qaar ma keenaan natiijo xambaarsan fahan guul, isu keenisteedana way sahlanaataa marka lagu duulayo maskax kale. Ayaamaha nolosha, roobkuna uu sii ifinayo, cadceedduna ay heegan u tahay shaqo maalmeedkeeda, noolahana uu shaxaad iyo shuuro been ah meelaha kula meer-meereysanayo. Durba waayaha waa laga diday, maxay? Waayaha nolosha waa is fitaaxa aadamaha, qolo baraaro loo shiday, qolo laga wareeriyay jihadii saxneyd, qolo afmaal ah oo faaqidaad lagu shaqaaleysiiyay iyo qolo aan sugnayn daruuftooda iyo halbeegga garashadooda.


Ii kaalay, aragtiyaha is riix-riixa ee noloshana muunad u lahaayeen iyagu ma’aheen dad is goosta oo miciyaha isku sifeysta kaliya maanka iyo toggiisa garasho bay shideen. Dowrka (rational choice) doorashada maangalka waxay qaabeyn ku sameeyaan dabeecadda bini’aadanka mid maskaxeed iyagoo kala qaadaya maxaa macquul ah? Maxaase caadifad ah oo deg-deg? Anshaxa artiyaalka ku qotoma (theoretical logic) sidoodaba waxay handadaan caadifadda, waxay sarreysiiyaan caqliga. Anshaxa doorashada maangalka, waxay dhacdaa daruuf kasta oo bini’aadanka la kulmo, waxay u baahan tahay ka fiirsasho fog, kana baxsan caadifad iyo is tusid qof kale. 
Bini’aadanka qaar nolosha ay ku noolaanayaan way doortaan, fursad iyo abla’ableyn hormarineedba way u galaan sidii ay u dhacsan lahaayeen farxad hagaagsan. Kuwa kalane, badankood nolosha ayaa jiheyso oo furayaashooda way lumiyeen kaddib nolosha ayaa u garatay inay shaqaalo u noqdaan. Waxaad arki dad itaalkooda uu yahay dhagarta, kuwa kalana ay la safan yihiin balwadda, kuwa kalana waxaad arki iyagoo qorsheysanaya sidii umadda ay been iyo huuhaa ugu gadi lahaayeen. Intaba nolosha ayaa iibsatay oo riyo aan la jaanqaadi karin waayaha la nool yahay markaas iyo badqabka ku habboon horkeenta.


Daruufaha waa kala ceyn, dad garta halbeeggooda iyo dad aan la socon salkooda iyo itaalkoodaba. Dadkoo dhan ma wada cuddoona oo garashadaba lama wada cuskado, waa lagu kala tagsan yahay farriimaha iyo jawaab-celintooda. Xeelad ahaanta lagu maro xifaaltanka ka oogan nolosha iyadana waa lagu kala duwan yahay. Dad cambaareeya nolosha iyo daruufaha markaa la horkeenay way ku jiraan, dad la dhaca xaaladda markaa la horkeenay, qorsheysteen sidii ay ugu gudbi lahaayeen xaaladda hortaallo. Iyaguna way jiraan iyo kuwa aan xaalad la soo hordhigin oo iyagu xaalad isku ah oo itaalba aan laheyn noloshana aan ka qorneynba way jiraan. 
Maxaan ugu gol-leeyahay arrimahaas? Waa su’aal badankiin ay isweydiin karaan. Danta aan ka leeyahay waxaa weeyaan in baraarug lag a dheefo oo lala jaanqaado xilka nolosha iyo hannaanka ay u gudaneyso. Aan u dhaadhaco qoraalka iyo biyo dhaciisa, qoraalkan waxaan ugu talagalay inaan ku jiheeyo dhallinta ardayda oo ku soo qulquleysa heerarka jaamacadaha. Waxaan isku dayi doonaa inaan isku xir ku sameeyo ruuxa doonta jaamacadda fuulaya iyo waaqica uu ku nool yahay hannaanka uu yahay. Qodobbo dhaxtaal u ah kobaca garaadka iyo la socodka nidaamka heerka jaamacadeed baan soo qaadan doonaa. Rabbi galladiis.


1: Fahanka horumarka


Qodobkan waxaan u gartay in ardayga uu u yahay ibo-fur aad muhiim u ah. Inaad fahanto horumarka iyo waxa adduunkan ka aloosan, waa sifo ka mid ah ka warheynta guulaha laga gaaro iyo waddooyinka loo maro nolosha. Horumar waxaa la yidhaa ” bar-kulanka hagaajiya waxa ay dooneyso nafta”. naftaada doorashooyin badan bay jaar la tahay, balse, qodobkan waa u asaasi socodka noloshaada. Haddaan si kale u dhigo “horumarka waa maskaxda tilmaamta (jihada) halka rabitaanka uu ku jiro iyo sida lagu gaari karo?”
Ardayga barbaarta ah waa inuu gartaa albaabka ugu horreeyo, su’aalaha ku kordhaya maankiisa iyo habkii uu ugu jawaabi lahaa. Waa talo xumo inaadan dareensaneyn in maankaaga uu kuu sheegeyn in aad qeyb ka tahay dadka loollanka kula jiro nolosha. Waa in dareenkaaga uu kugu xambaaraa filasho, dadaal, fiyoobi dareen, horumar dhinac kastaba. Qasab bay ku tahay naftaada in aad ka dhaadhiciso, ugu horeyn inta aadan jaamacadda billaabin; maxay horumar ka sameyn kartaa? Maxay ka baari kartaa nolosha?


2: Doorashada sugan


Xaalad waliba doorasho ayey dhacdaa, taasna ogaal u lahoow. Haddii xaalad waliba ay noqoto kala dooro, waxaad mooddaa inay adag tahay waxa saxda ee baraaraha uu ku jiro sidii loo dooran lahaa. Su’aal kama taagna in bini’aadanku uu daneeyo wixii nafci iyo miisaan leh, dhibku wuxuu ka jiraa habkee loo abbaari karaa wax kasta oo wacan. Ugu horreyn.

1: Ardayahow naftaada la waran oo la sheeko billow.

2: Marka aad la sheekeysaneysid waxaad raadsataa goob xasilan oo sugnaan leh, dareenkana uu kuu oggolaanayo inuu kula warramo.

3: Waxaad feyddaa oo aad shaaca ka qaadaa, wax allaale iyo wixii aad jamaneysay.

4: Wixii aad shaaca ka qaadday, ku qor buuggaaga oo goortaas ku horyaalla.

5: Waxaad eegtaa amaba aad qiimeysaa goortaadii dugsiga dhexe, cilmiga ama maaddada aad ku fiicneyd.

6: Qiimeyntaadii dugsiga dhexe, natiijada kaaga soo baxda ku qor buugga.

7: U laabo dugsigaaga sare, is weydii maxaad ku wacneyd? Maxaad ku hormarsaneyd oo aqoon baaxad leh aad u laheyd? Asxaabtaadana aad ugu wacneyd?

8: Maaddada amaba maaddooyinka aad ku wacneyd soo tix, kuna qor buugga ku horyaallo.

Kadib maxaad sameyn? Waxaad sameyneysaa iskaga tag goobtaas oo goob kale raadso si kalkaan ama (stage two) wareegga labaad aad u sameyso nidaamyo hagaagsan. Goobtan labaad, ama wareegga labaad waxaa muhiim ah inay kuu wada qoran yihiin su’aalihii iyo waxa aad ku fiicneyd lama doonayo hadal iyo niyaddeyda ayey ku jiraan ee arrinku qoraal buu ku mudan yahay. Waxaa lagaa doonayaa inaad ku laabato (stage one) wareeggii koowaad, indho-indheey. Kaddib isu diyaari inaad la warranto maskaxdaada. Ogow waxaad soo ogaatay, waxa aad ku wacneyd hadday hal, labo, seddex maaddo aad ku wacneyd waad qortay. Imika ama (stage two) wareegga labaad waan cilmiyeyn doonnaa si arrinta aan ugu guurinno (models). Maaddooyinka aad ku wacneyd way kuu qoran yihiin. Hagaag, waxaad sameyneysaa maaddooyinkaas meel gooni ah ku qor oo kala durji. Markaa, waxaad abbaareysaa, wax la yidhaah (priority) kala hormarin. Waxaa loola jeedaa maaddooyinkaas baad (section) kala jibineysaa oo waxaa la doonayaa, maxaa muhiim kuu ah oo kugu horreeyo, jaceyl fogna aad u qabtaa? Waad ka jawaabeysaa su’aashan ogow iyadaa wax kala socodsiisa hana isku dayin xiiso iyo caaddifad inaad ku doorato. Waad qortay oo midda kugu muhiimsan, waxaan filayaa kolkii hore seddex maaddo inaad qoratay sidaas ayaana wacan oo waxaa la doonayaa doorashooyinka in tartan la geliyo si doorasho saxan oo caqlabiyad leh ay usoo baxdo. Mid baad dooratay oo jaceyl aad u heysaa, hagaag. Midda aad dooratay meel gooni ah ku qor. Haddana usoo laabo, doorashada labaad maxay kuu tahay oo aad daneyn laheyd inaad doorato?Waad ka jawaabeysaa. Halkaa waxaa ku soo baxay labo doorasho oo aad is leedahay haddii middan iyo middan aad baran laheyd waad ka guul gaari laheyd. 


Hagaag, arrinka imika ayey sii qurux badnaatay, loollanka imika wuu muuqdaa. (Stage three) wareegga seddexaad kaalay oo bog cusub noo fur. Labadii aad dooratay ku qor oo kala durji. Imika waxaan qaadan doonnaa labo aragti oo biyadhacooda aan kuu tilmaami doono. (rational decision making and irrational decision making). Maxaa loola jeedaa? Rational decision making, Waxaa loo jeedaa sameynta go’aanka maangalka(macquulka) ah oo natiijada ka timaada aad ogsoon tahay, haddii aad tahay ruux sameeya go’aan maangal ah. Inaad sameyso go’aan macquul oo wax ku ool ah, inta badan aad bay u adag tahay oo weydiimo dhowr ah baa dhex tuban. Sidoo kale waxa loogu yeedho (Irrational decision making) waa sameynta go’aan aan macquul ahayn oo fashil uu horkacayo waa haddii aan laga feejignaan. Labadan aragti (theory) baa lagu dhisaa marka go’aan la sameynayo maxaa macquul ah, maxaase macquul ahayn? 


Imika labadaa aragtiyood baan asal ugu dhigeynaa. Labadii aad dooratay, oo aad ku qanacsaneyd hadda kala qaadis baan ku sameyneynaa. Innagoo adeegsaneyno aragtida ugu horreyso oo ah (rationality). Eeg, ama talo weydii dareenkaaga adigoo dabacsan waxa kugu horreeyo ee aad jeceshahay guul ka keenistooda. Kolka aad soo ogaato, maadada kugu horreyso (priority) kuuna ah fure, haddii aad billowdo. Tani waa kuu muhiim inaad jawaab maangal ah u hesho, mana sahlana inaad isticmaasho lex-jeclo ee isticmaal dhab ahaanta dareenkaaga gudeed. Ha iska qarribin dareenkaaga saxda, si fog u baar. Waad soo ogaatay waxa kugu horreeyo tusaale. History, geo-graphy, physics, Arabic, Islamic, mathematics, Somali, biology, chemistry. Dhowrkan maaddo baa manhaj u ah waddanka soomaaliya. Adigan doorashada dhexda ugu jira waxaa suuragal ah inaad kolkii hore aad tartan wada gelisay, biology iyo geo-graphy. Waa tusaale uun. Imika geo-graphy baad dooratay inuu kuu matalo aqoonta caalamiga ee aad dooneyso inaad guul ka keento. Ogow darashadaas geo-graphy waa tusaale jeebkeyga ah, balse, maaddadan meel bay hoos tagtaa markaa la baranayo history, geography waa taqasus gooni ah oo jaamacadaha dalka laga helo. 


Adiga doorashadaada hal maaddo bay noqotay, hagaag. Goobtii aad joogtay ka tag oo goob kale raadso. Arrimahan hal maalin laguma qabto waxay u baahan yihiin maalmo in lagu qabto illeen arrin masiiri kuu ah baad go’aan ka sameyn rabtaa. Marka, waa qasab inaad is yara xasiliso oo aad feejignaan hor leh isticmaasho. Goobtan ugu dambeysa ee aad tageysay waxaa lagaa doonayaa inaad fur-furto, sababta kugu riixeysa inaad doorato maaddadan, adigoo adeegsanaya farriinta waaqicaaga iyo farriinta dareenkaaga gudeed. In aad garato waxa ka dhex socda xeendaabka aad ku nooshahay, waa adigoo maamusha ama horbooda daruufahaaga iyo walax kasta oo ku horkacaya. Hagaag.


Waad fur-furtay wax kasta oo saameyn ku yeelan karo doorashadaada. Rabbi baa mahad leh. Imika waxaa lagaa doonayaa inaad darsid ku sameyso, doorashadaada iyo booska ay kaga jirto culuumta kala duwan. Marka aad soo ogaato, qasnadda ay kaga jirto maadada aad dooratay, wax badan baa kuu baxaya. Kaddib waxaa lagaa rabaa inaad sii baarto cilmiga ama taqasuskan iyo aragtiyihiisa. Ogow wax aan aragti laga heleyn lama odhan karo waa cilmi. Cilmi kastana aragti baa lagu dhiraan-dhiriyay, kolkaas-baa tijaabo loo gudbiyay. Hadda waxaa lagaa doonayaa inaad u tabaabusho sidii aad qorsho labaad ama doorasho labaad u sameyn laheyd. Habkii baad mareysaa oo labadii maaddo aad ka soo tagtay baad tartan gelineysaa, kaddib halmaaddo oo doorasho labaad kuu buuxiya baad sameysaneysaa. Kolka aad sameysato labadaas doorasho oo middii ugu horreeyo, midka kale uu ku xigo baad ku qoraneysaa maskaxdaada iyo buuggaaga qaaska kuu ah. Imika isku diyaari inaad baarto waxa aad dooratay in laga helayo jaamacadaha, kolka aad soo ogaato in lagu barto taqasuskaas. Billow oo rabbi ammaan iyo naxariis ka tuug. Waa allaah mahaddii.


Tabbabarkeennu wuu inoo idlaaday, waxaana ku soo qaadannay labo qodob oo fure u ah u tillaabsiga heerka jaamacadeed. Insha-Allaah waa inoo tabbabarkeenna xiga. 


Qalinka: Jamaal Cabdinaasir

SHARE