Home Gabay GARBADUUB Q26AAD W/Q: Cabdiraxiim H. Galayr

GARBADUUB Q26AAD W/Q: Cabdiraxiim H. Galayr

1
SHARE

GARBADUUB Q26AAD

Goor barqo ah ayaa Ubax oo guriga ka maqan adeegna u doonatay magaalada, waxaa yimid guriga Huruuse adeerkiis Bile dheere oo aan laba indhood isu geynin teer iyo markii loo sheegay inuu noolyahay Guhaad.

Huruuse ayaa soo dhaweeyey adeerkii, gabdhihii guriga joogay kuwa ay xigaal yihiin iyo kuwa guriga ka adeegaba ka codsaday in quraac loo keeno isaga iyo adeerkiis.

Adeerkiis quraac kama degayso waxaana maankiisu la baaxaadegayaa, waxaa dhici kara, ninkii oo ogaada in xaaskiisi nin kale qabo, arrinta lagu xidhayna ka war hela in isaga oo aan dheg la qabto lahayn uu habeen iyo maalin mid ay noqotoba iman doono, xaaskiisana kaxaysan doono.

Bile dheere wuxuu Huruuse uga warramay warka soo gaadhay ee ah inuu Guhaad noolyahay weliba yahay ninka hoggaaminaya ciidanka Bali Xagar qabsaday, arrinku meel halis ah marayo, intaas markii loo sheegay Huruuse ayaa cirka iyo dhulkuba la wareegeen, dilkiisa waxaa uga daran in xaaska ninkii qabay yimaado oo ay cidlo uga dhaqaaqeyso, sidaasna  noloshiisu mugdi ku gelayso.

Huruuse iyo Bile dheere oo is horfadhiyaa loo keenay quraac si wanaagsan loo diyaariyey oo jaadba jaad ah,  balse, cunto iyo hungurigeed ma jiro.

Ubax waxa ay leedahay Uur oo markaan waxaa uu is lahaa waad hantiday, haddase arrinku ka duwan sidii hore, Bile dheere wuxuu u soo jeediyey Huruuse iyo xaaskiisa inay dalka ka baxaan oo tagaan dalalka carabta meelahaasna uu hawl safaaradeed uga raadiyo uu carruurtiisa iyo reerkiisa uga helo nolol, sidaas oo keliyana uga badbaadi karo Guhaad.

Huruuse arrinkaas waa galay waana yeelay, balse waxa ay tahay sidee loogau sheegi doonaa loogana dhaadhacsiinayaa Ubax oo halkan reerkoodi degan yahay, markeeda horena aanba jeclayn dibadda inay dalka uga baxdo.

Iyadoo doodi socoto ayaa si kedis ayaa waxaa kadinka uga soo gashay Ubax, inta aysan Ubax soo gaadhin ayay maqashay hadal dhaadheer  Huruuse oo  adeerkiis ku leh “ Anigu diyaar baan ahay balse gabadhani inaysan yeelayn baan filayaa, aniguna kama maarmee maxaa xal ah?

Markuu hadalkaa yidhi ayaa adeerkiisna ugu warceliyey: Nin jileec baad tahay naagta ma adiga ayaa qaba mise iyadaa ku qabta waa maxay yeeli mayso iyo waxaad ka hadlayso?

Intaanu warcelin Huruuse ayaa Ubax oo iska dhigaysa inaysan waxba maqlin soo gashay, si wanaagsanna u bariidisay Bile dheere: Adeer iska warran, maanta goor hore ayaad na soo booqataye ma lug bannaaneyd’ reerihiise ka warran?.

Bile dheere oo isaguna naxdin isugu timid dareensana inay wax maqashay ayaa yidhi: Haa adeer arrin baan ugu imid Huruuse oo hawlo culus aan rabay in dalka dibaddiisa ugu diro, isaguna wuxuu leeyahay waa inaan reerkayga kaxaystaa, marka arrintaas baan ka wada hadlaynay, aniguna waxaanba idhi aniga jooga ee hayska joogaan, adiguna hawshaas laguu igmaday soo dhammee.

Ubax oo run u qaadatay ayaa tidhi: Maya adeer  annagu dhib ma qabno, weligeed baa nin inta baxo, reerkuna sugayeene, wax dhib ah ma jiraan.

Arrintan ma uusan garan ujeedka iyo dulucda Huruuse, waayo Bile dheere wuxuu rabay in uu iska dhigo ninka diidan inay xaaskiisu raacdo, si Ubax iyadoo ku xumeynaysa u raacdo ninkeeda, isna tidhaahdo odaygan baa idin kala dheeraynaya.

Cabbaar markii ay quraacda dul fadhiyeen waxoogaana ka cuneen ayay is raaceen si abaabulkii duulaanka u sii dardar geliyaan meeshana uga sii wadaan.

Qoladii Jabhada ahayd, arrinkii dhacay kaddib waxa ay talo ku mooseen in ay is diyaariyaan oo ay duulaan qaadaan. Balse taliska ayaa ka diiday arrinkaas in duulaan kale oo degdeg ah uu wiiqayo awoodooda ciidan ay u baahan yihiin inay cag dhigaan, ciidana ay meesha ay joogaan ka uruursadaan, dadka deegaankana ay ku abuuraan aragtida halganka.

Taladan waa laysla qaatey, waxaanna  laysku af gartay in aan duulaan dhakhsiya ah la qaadin, laysmase weydiin in duulaan ku imanayo iyo in kale.

Ciidanka qayb ka mid ah ayaa loo direy meel kale, isku halayn badana waa gashay, cabsidii iyo digtoonidii horena waa ka yaraatay, waxaanna taageero badan ay ka heleen, dadkii reer miyiga oo xoolo badan iyo raashinba la garab is taagay, iyaguna qoryo iyo rasaas ayay siiyeen dhallinyaradii iyagoo u sheegay inay yihiin kaydka halganka oo markii loo baahdo la siin doono tabbobaro.

Bile dheere waxaa uu soo kaxaystay ciidan aad u tiro badan oo hub iyo sahayba aan loo babac dhigi karin, inta ciidan dhul ahi ku duulaan tagona wato, gaadiid gaashaman, qoryo culus iyo ciidan tiro badan oo guuto  ah tiradooduna gaadhayso 1000 ciidan ah.

Ciidanka ayaa wata qayb walba oo ciidan looga baahnaa, waxaanna hoggaamiyayaashii ciidanka iyo Bile dheere isku dhaarsadaan inaan midh ka bixin nimanka Jabhadda ah, wixii la qabtona aan la dilin si loo wareysto oo xogtooda loo helo. Waxaa kale oo la dejiyey qorshe dagaal oo aad u halis ah,  waxaa lagu ballamay in dhammaan marka hore jidadka ay ku bixi karaan oo dhan la soo xidho, kuwa aan la joogi karina miinooyin loogu xidho.

Waxaa la dejiyey in marka hore ciidanku galo, hadday u babac dhigaana toban kaare oo ciidanku wato cagta mariso oo kaaraha iyo beebaha lagu laayo lugtooda. Waxaa la dejiyey qorshe ciidan oo dhan walba ah aysana jirin wax jixinjix iyo naxariis ah.

Bile dheere uma dagaallamayo dal iyo dad jiridooda iyo ilaalintooda ee waxaa uu la dagaallamayaa waa Guhaad oo uu lafihiisa uga baqayo, ciidankana waa joogay, Jabhadduna waa joogtay ee dagaalka wuxuu salka ku hayaa baqdinta uu ka qabo ninka ay godobta ka galeen.

Dadka dhimanayaa iyo dhaqaalaha ciidan ee baxayaa maaha mid ku baxaya  dal  iyo dad badbaadintooda ee waa mid ku baxayaa nin iyo koox danteeda ka dhex aragtay dagaalkaas.

Ciidanka dowladdu waa qolo wax og  kuna baraarugsan kala qaybsanaanta ballaadhan ee ciidanka dhexdiisa ah iyo heerka kalsoonida dadweynaha iyo ciidanku mareyso,hawshooda ciidana wata qaabka wax u socdaana ka dheregsan, qolada kalena waa kuwo og sida wax yihiin balse, aan dan iyo heelo ka lahayn waana koox  la dhacsan , gumaadka, dilka, dhaca, boobka iyo hurinta colaada, waxa ayna ka dhex arkaan dantooda  gaar ahaaneed.

Qolyo ciidanka ka mid ah oo waxaa jira tabanaya godobo iyo aanooyin la kala galay, kuwo lagu dilay dagaal beeloodyo dad xigaalkooda ah sida: aabbayaashood iyo awoowayaashood ama walaalahood oo doonaya inay xilka iyo awoodda ciidan ee ay hayaan  kaga aarsadaan qof walba ka soo jeeda beesha godobtu uga maqnayd.

Dhanka kale ciidanka Jabhaddu waa saddex qaybood oo kala aragti duwan, Qolo waa kuwo gabboodfalyo iyo gurrac ay faleen uga soo cararay dowladda si aan loo qaban, qaarbaa wax is daba maris iyo dhac hanti qaran lagu eedeeyey, qaarbaa gefaf kale falay iyagoo ka dhuumanaya waxa ay faleenna gabaad iyo dhufeys ka dhigtay jabhadda.

Qolada labaad waa qolyo dhibaatooyin iyo gadaafo weyni ka soo gaadhay dowladda, tirsanaya, duudsi, awood sheegasho iyo cadaadis ba’an oo uga yimid dowladda, kuwana noloshaa adag waxa ay ka doorbideen inay la diriraan lana dagaallamaan dowladda iyo ciidankeeda.

Qolada saddexaad waa qolo jaantaa rogan ah oo qaylodhaanta iska raacay, waxyaabaha dhacayana ku quusqaatay sidaa darted u arka in ciidanka dowladda iyo hoggaanka dalka in laga tuuro meesha inay tahay halgan kama dambays ah oo gobonnimo doon ah naftana loo huri karo.

Arrinkan ayaa ahaa midka mar walba keenayey xagjirnimada iyo naca fogaaday ee aysan jirin isu soo dhawaansho iyo afgarad in loo helo gulufkii dhiiga badan ku daatay ee jabhada.

Aqriste yaanan kugu daalin warka ee xaalka dalku wuxuu maalintan marayaa meel ciirciir ah, gobol walba oo dalka ka mid ahna waxaa ka oogan  dirir sokeeye, labadii beelood ee daaq iyo deris wadaag ahina waxay isu soofeysteen birta, sidaasoo kale ayaa ciidanka dowladduna midna ula jiraa midna uga jiraa, Jabhaduna hadba midda uu ciidanka dowladdu la jiro maahine midda kale ayay la jirtay.

Ciidankii Bile dheere hoggaaminayey waxa ay u qalab qaateen dhankii deegaanka Bali Xagar iyagoo ku heesaya, heesa lagu dhiirigelinayo ciidanka oo cod baahiyayaal waaweyn ku xidhan, waxaa ka mid ah  heesaha lagu gubaabinayo heesta ay wada qaadaan  Maxamed Saleebaan (Tubeec) iyo Hiba Maxamed (Hiba nuura)

              M.S.Tubeec

  • Godatada dhulkeenow
  • Habeenkeey gilgilatee
  • Gudidii hishiisee
  • Golaha tooradii saree
  • Taladeey ku gooyeen
  • Ama geeri aakhiro
  • Ama guusha nolaleed
  • Wixii u geeyay
  • Wixii u geeyey
  • Gabaryahay bal ii sheeg
  • Gabaryahay bal ii sheeg

Hibo Nuura

  • Markii ay gabeenee
  • Gaajada la hoyatee
  • Godol qaadi waydee
  • Guja loogu daraayee
  • Gobannimadu  u ooyday
  • Ilmo gabax ka siisay
  • Hubka so gurteenoo
  • Ciilkii gaboobiyo
  • Cadhadii u gaysoo
  • Cadawgii qabteenee 2x

Tubeec

  • Geeesiga dhulkiisa
  • Guusha u horseedaa
  • Geeridaa dishaaay
  • Geedkaay ha ba’02x

Hiba Nuura.

  • U gabraaratada
  • Gumaysigu kuu dhuunte
  • Galabsadaa xumaantaay
  • Geedkaay  ha ba’o 2x

Jiibta Hobollada

  • Gobonnimada  
  • Waa loo go’aa
  • Godka akhiraa iyo
  • Iilkaa loo galaa
  • Gowracatadaan
  • Wali garaninee
  • Geedkaa ha ba’o

Ciidamadii oo jidbaysan oo aad moodo mid weliba in iridka jannada uu ka xigo dagaalku si weyna loo abaabuley ayaa waddada lagu dhigay.

Waxa ay guuraan oo hadba meel degaanba oo laysa sugo, lana wada hadlo, waxaa la tegay  Tuulladii Raxanreeb iyo ciidankii hore u joogay oo heegan ah ileyn ninkii Dhuxuloow wuxuu rabaa wixii laga balanqaadey inuu helo, kanshadanina aysan dhaafin.

Waxaa la galay Balbalo Guryo u dhisnaa ciidanka oo ka samaysnaa Jaajuur laga sameeyey dhoobo gaduud oo dushana looga xardhay dhagxaan aad u qurux badan geedo waaweyn oo miri miri ahina ka hor dhisan yihiin,  dhinaca kalena waxaa teedsan balbalooyin ka samaysan shiraac midabkiisu doogyahay oo waaweyn, waxaa xerada ku dhextaal Barkad weyn, gaadiid badana waa dhex joogaa, markase arki maysid gaadiidka qaarkiis oo ilaa shalay baa dhoobo la marinayey si aan dhalaalka midabkiisa meel fog looga arag, waa qaab ka mid ah hannaanka ciidanka  raadgadasha iyo is qarintu.

Waxaa Dhuxuloow uu la wadaagay xogtii uu helay in ciidanka qaarkiis baxeen kuwo ilaa 150 gaadhayaana ay ku hadheen meesha, gaadiidka dagaalka ee ay qabsadeena uusan meesha oolin  hal Beebe maahine, ciidanka meesha ka dagaalamayaana ay yihiin carruur dhallinyaro ah oo aan ruug caddaa ahayn.

Dhuxuloow wuxuu intaas ku daray in dhinaca waqooyi oo ay hadda joogaan iyo galbeedka laga galo, si ay bari ugu firxadaan, Barina ciidan dhabarjebin ah loo dhigo halka jid ee u bannaana waa hawdka, kaasna ciidanka dowladdu Bali Xagar kor uma dhaafi karo, maxaa yeelay waa soohdin beenaadka gudaheeda ilaa 30 km intaas ka badana waxa ay ka dhigantahay inay itoobiya galeen.

Bile wuxuu ka codsaday in uu isagu xerada joogo halkaas ka hoggaamiyo uusan afka hore tegin, sidoo kale inuu hawsha duulaanka isaga u dhaafo maxaa yeelay waa nin si weyn deegaanka u kala bartay intuu joogay, geed geedna u yaqaan.

Bile dheerena waa soo dhaweeyey oo markii horeba uma socon, haddana nin halis ah ayuu helay, xogtii ayaa lala wadaagay hoggaankii ciidamada kale, waana laysku af gartay in Kaarayaasha iyo beebayaasha lagu duulo gaadiidka ciidanka dhulka qaadaya keliya, Hubka iyo sahaydana la badsado, labada dhinacna la dhigo dhabarjebin, Galbeedka iyo Bariga, Waqooyina duulaan foolka fool ah looga qaado.

Habeenkii sidaas ayaa lagu kala hoyday, waxaana loo balamay in waagu markuu guduuto la qaado duulaanka.

La soco qabaha kale……

W/Q: Cabdiraxiin Hilowle Galayr

SHARE

1 COMMENT

Comments are closed.