XASIL OO ILA GARO. (XIKMADO KOOBAN) Qore: Mohamed Musa Sh. Noor






                       XASIL OO ILA GARO. (XIKMADO KOOBAN) Qore: Mohamed Musa Sh. Noor
Qaybtii 102aad
                                                   1-Maxaa lagaa ba’shay?
Haddii lagu yiri mustaqbalka yuusan ku fakar galin maxaa yeelay mustaqbalka wuxuu ku jiraa gacanta Eebe isaga ayaana ku cilmi roon adiga waqtiga aad dhex joogto wax u qabso maxaa lagaa ba’shay?
Haddii lagu yiri ha isku cuslayn hammiga irsaaqadda maxaa yeelay irsaaqadda Alle ayaa kafaala qaaday maxaa lagaa ba’shay, maxaad se u wal washaa?
Mmusa 
                                  2-Hammi adduunyo ha isku mashquulin.
Haddii lagu yiri hammi adduunyo ha isku mashquulin culaysna ha isku saarin, dunidana Alle ayaa leh oo u tashanaya maxaa lagaa ba’shay?
Qaarkood!
Qaarkood waxay baxaan ama muuqooda la waayaa marka aad u baahato.
Qaarkoodna waxaa la waayaa marka ay danahooda kaa gaaraan.
Qaarna marka ay baddalkaaga helaan lama arko.
Qaarna marka ay fahmaan halka qalbigaadu taagan yahay ayey dhaqaajiyaan.
Qaarna tii Alle ayaaba kaa wadato.
Waddooyinka lagaaga tago waa badan yihiin wayna xanuun badan yihiin runtii.
Waxaad ogaataa in cimrigaagu gaabahanyahay, qabrigaaduna yaryahay, marka aad dunidan ka tagtana waxa aad qof uga baahantahay ayaa ah ducada oo kaliya.
Sidaa darteed, ha xadin hana dhaawicin dareenka ama farxadda qof, sidoo kale qofna ha xaqirin.
Naftaada ku abaal mari in aad dhimato adiga oo ixtiraamaya dadka, dhowrayana sharaftooda Baniaadanimo.
Mmusa 
                                                3-Caqliga quruxdiisa
Caqliga quruxdiisa waa fakarka wanaagsan
Carabka quruxdiisuna waa aamusnaan
Xaalad walba quruxdeedana waa daganaan
Hadal quruxdiisuna waa run.
Mmusa 
                                           4-Waxa lagu waydiinayo mar walba
Waxa mar walba wax lagaa waydiinaya saamayna ku yeelanaya noloshaada waa naftaada iyo qaab dhaqankeeda, sidaa darteed, adiga oo eegayn kuna mashquulayn raadadka dadka, naftaada dib u eeg, maxaa yeelay, iyada ayaa naftaada su’aal ugu filan hadhowna lagu su’aalayaa.
Mmusa  
                                            5-Naftaada qurux kula noolow
Quruxdu waa in aad naftaada sida ay tahay kula noolaataa waliba si farxadaysan adiga oo aan u aaba yeelayn waxa ay dadku kaa maleynayaan ama kaa aminsanyihiin, mar walba waxa macnaha sameeya ayaa ah sida aad naftaada iyo noloshaada ugu qanacdo.
Mmusa 
                                          6-Duqnimo, daahid, xumaan.
 
1-Duqnimada uma wanaagsan nolosha .
2-Xumaantana uma wanaagsana naftaada iyo dadka 
3-Soo daahitaankana uma wanaagsan naftaada iyo sawirkaaga dibadda u baxaya.
Hadaba laba waad maamuli kartaa midna ma maamuli kartid balse, ugu yaraan waad sii maaweelin kartaa.
Duqnimo waxba kama qaban kartid balse muuqaalkaaga waad hagaajin karaysaa ilaa xad si aysan kaaga muuqan Da’da .
Soo daahitaankaga iyo xumaantaada adiga ayaa xallin kara ee xalli fadlan.
Mmus 
                                            7-Garashada iyo garaadka.
Mararka qaar waa in aad gudaha ka dhimataa si aad u noolayso dad badan oo wax ma garata ah.
Qof walba maalin ayuu wax gartaa, sida badan garashadeena waa soo daahdaa oo gadaal dambe ayaan wax ka garanaa.
Qof walba gacan adag iyo af adag haddaad kula dhaqanto ayaga waxba ma dhaantid, waa in garashada aad qofkaas dheertahay ay sabab u noqotaa in uu barito gartaa in loo dulqaatay, wax badan uusan mudnayna la siiyay, sidaasna ma samayn kartid haddaadan mararka qaar iska dhigin qof dhintay, micnaha dulqaad muuji, garashadaada iyo garaadkaagana ha shaqeeyaan .
Mmusa 
                                              8-Kaamirada nolosha.
Wax walba oo dunidan yaala iyo wax walba oo la samaeeyay ama samaysan iyo kuwa la samayn doonaba xikmad ayaa ku jirto.
Xikmaddu waa mid la socoto waqtiga iyo xaaladaha ayaga ayeyna ka dhex beerantaa adiga ayaasa lagaa doonayaa in aad taa kala soo dhex baxdo fahamtana.
Nolosha waa sida kaamirada aad isku sawirayso oo marba muuqaal ku siinaysa.
Sawirka kaamirada ay sawirayso waa isal adigii oo wax kaa baddalamaya ma jiraan, balse muuqaalka ay kaamirada ku siinayso ayaa kala duwan, waxa kala duwana waa xaaladaha aad ku kala sugantahay oo sawirkaaga marba muuqaal siinaya.
Mmusa  
                                          9-Saaxiib i saameeyay 
Hadda ka hor ayaa meel aniga oo fadhiya waxaan la kulmay qof cajiib ah, runtii isma garanayn qofkaas sheeko dhinacya badan ayaa ina dhex martay oo labadeena dhinacba kala taabanaysay.
Aad ayey qalbiyadeena isku taabteen runtii oo qof walba qofka kale isaga oo u xiisoon ayuu waqtiga naga dhamaaday.
Runtii waan dareemi karay in aan kala faaiidaysanay oo qof walba isaga oo faraxsan uu meesha ka dhaqaaqi karay balse waxaa jiray eray uu qofjaas igu maca salaameeyay oo ahaa “Maxamed waxaad ogaataa in inta aad nooshahay wax kasta oo nafta kaa qaadin ay yihiin wax kusii adkeeyo”.
Runtii eraygaas meel ayuu iga taabtay oo waxaan ogaaday in wax walba oo i xanuujiya ama i farax galin ay yihiin wax la doonayo in aan khibrad iyo adayg kasii qaado.
Wixii ku dila waaba ku dileen oo meeshaas ayaad ku dhamaatay, balse wax aan ku dilin oo mar kusoo maray kaana tagi doona maxay nolosha kuugu ciriirinayaan? wax ka baro horayna uga soco.
Dadka qaar la kulankooda waa Mucjiso iyo nimco Alle kula doonay, mahadsanid saaxiibkaas i saameeyay.
Mmusa 
                                                        10-Geesinimo
Garashada aad ku adkaysatid waxa aad u taagantahay waa guusha noloshaada.
In aad fahamta waxa aad doonayso iyo xilliga haboon ee aad doonaysana waa kuu caqli.
In aad waydiiso marka uu wax fahamkoodu kugu yaryahayna waa kuu Geesinimo.
Mmusa 
                                                      11-Filasho wanaagsan
n aad ahaataa qof adkaysi samir iyo dulqaad badan micnaheeda waa in aad fahamsantahay in ugu dambaynta wax walba sidii loogu tala galay oo qaddartu ahayd ay noqonayaan.
Taas garashadeedana waa mid kuu sahasha in uu kaa yaraado walwalka iyo walbahaarka aad wax ka walbahaartid.
Nabar kugu yaal iyo mid aad filayso in uu kugu dhacayaba laxaw kuguma qabtaan oo kama walwalshid, waxa ku walwaliya waa wax aadan filanayn ogayna xilliga ay kugu dhacayaan ama in ay kugu dhacayaan aadan filayn.
Filashadaada ah in nolosha wax walba aad kala kulmi kartid ayaaba ah karti aad dadka dheertahay dhaxal wanaagsan oo noloshaada aad la noolaatana kuu ah .
Mmusa 
                                                          12-waan ku ogahay
Waan ogahay waana hubaa in aad tahay qof adag adiga qoraalkan aqrinaya wax walbana u adkaysan kara kana gudbi kara darbiyo badan oo dhibaatada ku haysata ah, waxa kaliya ee aan kaa codsanayo ayaa in aad aaminto in furaha aad arrintaas ku gaari karto uu yahay dulqaad, adakaysi, iyo isku kalsoonaan.
Mmus
                                                             13-Dumarka.
Dumarku waa kuwa adkaysi badan ayagase ma fahamsana, qof meel ka hadlaya oo dhagtaydu soo qabatay hadalkiisa ayaa mar uu sifeenayay adkaysiga dumarka wuuxuu yiri ” dumarka waa sida caleenta shaaha oo kale, caleentu saamaynta ay leedahay ma dareemi karto ilaa ay biya kulul dhex gasho.
Caleenta shaaha marka biya kulul la dhex dhigo meeshii la rabay in ay dhimato nolol ayey ka qaaddaa oo waxaa is baddala midabka biyaha oo dhan, shaah ma noqdo shaah caleen la’aan sidaas si la mid ah dumarka waa sida caleenta oo kale meesha ay galaan waa ku milmaan oo midabkooda ayaa kasoo baxa ayagase ma dareemaan ilaa ay dhex galaan dhibka.
Mmusa 
                                                         14-Daganaan iyo adkaysi
Wax walba sida aad rabtid uma dhici karaan sidaa darteed, adkaysi iyo daganaan muuji marka aad aragto in wax walba aysan sida aad rabto u socon.
Daganaantaada iyo adkaysigaada oo is raaca waa guushaada oo badata.
Mmusa 
W/Q: Mohamed Musa Noor
ekisyare@hotmail.com                                            
xabuu8@gmail.com

SHEEKOOYIN