Home Curis GARBADUUB Q27AAD W/Q: Cabdiraxiim H. Galayr

GARBADUUB Q27AAD W/Q: Cabdiraxiim H. Galayr

0
SHARE

GARBADUUB Q27AAD

Ciidankii Jabhadda badankoodi habeenkii ayay  gurdan raaceen oo ciyaar gud aadeen, abbaar meel u jirta geeldaaq ayaa waxaa deganaa reer guuraa aad u badan,   dhallintii deegaanka oo ciyaar tumanaysa ayay kala qayb galeen, ragga ciyaar guday ayaa tiro ahaan gaarayey ugu labaatameeyo ciidanka jabhadda ka mid ahaa.Waxaa raggan hoggaamiyey Dhicis oo aad u jecel ciyaaraha hiddaha iyo dhaqanka a ahna hal abuur gole ka fuul ah.

Ciyaartii oo isu dheelitiran oo gabdhaha iyo wiilashu isla jiib iyo jaaminayaan ayaa waxaa mar qudha dhinaca ka soo galay, kooxdii hubeysnayd waa laga naxay markii hore, balse, waa lays gartay markii dambe si wanaagsana waa loogu goleeyey, kaddib gabadh baa qabsatoo tidhi:

  • Nin halyeey ah oon biqin
  • Halgamaa dalkii jecel
  • Hamigeygu weeyaane
  • Hanadoow ma helayaa?

Dhicis baa soo booday  oo yidhi:

  • Anigaa halyeeynimo
  • Halgamaa ah caan baxay
  • Ee habboon cuddoonoo
  • Hal abuurka maansada
  • Iyo Heella curinteed
  • Habla dheer ma helayaa?

Gabadhii ayaa soo noqotey iyadoo qawadsan ninkan jinka yare e gaaban haddana caatada ah  ee raggii kale ka soo hormay , waxay tidhi:

Haddii nirig yari dunuunuco

Duqda uun u godol mooyee

Dawo kale ma leeyahay?

Dhicis oo gartay in la quudhsanayo, gabadhuna si cad u diiday weliba liidayso ayaa yidhi:

  • Haddii dherer waxtari karo
  • Ama dhumuci walax tahay
  • Haweenkiina dhaadheerbaan
  • Dhaxalkii adoogood
  • Dharaar lagu hor qadiyeen
  • Haddii dherer waxtari karo
  • Haweenkiina dhaadheerba
  • Geel dhicin lahaa dhacan

Habeenkii halkaasaa lagu caweysimay, si wanaagsana ilaa waaberigii batar iyo ciyaar loogu tumanayey,  markii ciyaartii lagu kala dareerayna qof weliba halkuu ka yimid ayuu afka saaray.

Ciidankii ciyaar guday xalay iyagoo dhafarsan oo dhacsaal ah ayay halkii xeradu ka jirtay afka saareen, haddii in cabbaar ah soo socdeen ayey ka soo ciidankii dowladda oo hareereeyey xeradii Bali Xagar.

Waagii ayaa si wanaagsan u dilaacay kaahiina dhulka ayuu ku baahay, oo markaan waa la kala garanayaa nin iyo geed, durtadiiba Dhalac ayaa baaqii jabhadda kala hormaray, ciidankii dowladduna waa bargagaxeen oo dhaqso ugama warcelin, waa rag aan gaban oo dhaarsane maba aysan sugine waxa durtadiiba  huwiyeen rasaas iyo bombo gacmeedyo farqaha u sudhnaa, Rasaasta dhacday waxa ay digniin u noqotey jabhadda intii kale oo durtadiiba dagaal isu diyaariyey, waxaa huguntay isu rasaasta waxaana dhan walba hilaacday xabbada ifisada gadgaduudan oo aad mooddo xidiggo dhulka usoo dalxiis tegay.

Gugaca iyo reenka qoryaha kala duwan iyo qiiqa iyo uuraada gantaallada lays weydaarsanayey ayaa isu yeedhay oo qof walba  dhego barjeeyey, waxaase ammin  door ah markay jilibka dhigeen kaddib lala kacay jabhaddii oo waxaa durtaba ay u babac dhigi waayeen ciidanka tirade badan ee dhinac walba ka yimid, waxaa kale oo argagax ku riday dhallintii yaryareyd, Kaaraha aan joogsanayne ee gantaalka tuuraya, Boobahana dusha ka ridaya, dhufeyskana soo gelaya.

Guhaad baa la dhex ordaya ab Abxad ay ku Bombo taangi iyo Naabaallo una qaybinaya qolo walba oo dhufeys ku jirta, si loogu gubo kaarayaasha soo maqiiqan, Judhiiba Caananuug iyo dabayaraa  ku orday iyaga oo aan libiqsanayn waxa ay  Birtaxadii(silsilad) ka gooyeen Kaarihii ugu horreeyey kaddibna gudaha ayaa Bombooyin ugu gureen waana gubtay,  Baabuur kale oo Beebe ahna Qolaa kalaa Baasuuke ku dhufatay, Dhamac oo saarnaa baabuur shilka ah oo lugaha ka banjarsan ayaa siduu ula raacraacayey ay ciidankii dowladdu fooda qaadi waayeen, ilaa ay rasaastii ka dhammaatey.

Markii ilaa barqadii dagaalku hadba dhinac u dilaamayey,waxaa joogsaday  dagaalkii foolka foolka ahaa, waxaana la dhalanrogey qorshihii inta ay ciidankii lugta ee dowladdu dib u baxeen ayaa lagu bilaabay, gantaalo iyo hoobiyayaal, waxaana sida roobka looga dhigay hubka culus, taasoo ciidankii ka dhigtay wax dhintey iyo wax dhaawaca, qoladii firxatana waxaa lagu eryaday Kaare iyo Beebbe oo lugtaa la mariyey.

Guhaad oo gacan ka dhaawacan iyo koox dhallinyaro ah ayaa si geesinimo leh u dagaallamay, mase aha ciidan ay dhammeyn karaan ama waxa ay ka dilaan dhib u keenayo waa kun askari oo hubeysan, haddii raac jabboba kuwa kale oo gurmadaa kaalintooda buuxinaya.

Ciidankii Jabhada waxaa ku dhacay jab culus, waxaa laga qabsaday saddex baabuur oo dagaalka ah, waxaa la qabsaday guud ahaan Bali Xagar xeradii ahayd, waxaana fiidhay oo dhanka hawd koonfureed oo ahayd xadka u baqo diriray Guhaad iyo ciidan soddomeeyo ah. 

Waxaa Guhaad isku gadaamay ciidamadii Dhuuhe watay ee xagjirka ahaa ee laayey raggii sagaashanka ahaa, kuwaasoo si hagar la’aan ah ula diriray, Guhaadna intey isku hareereeyeen dhaawaciisii qaatay oo badbaadsaday.

Guhaad ayaa la yaabay sida nafhurnimada iyo geesinnimada leh ee aysan mar qudha u gabanayn dareen cabsiyeedna ugu jirin dhallinyaradan Dhuuhe hoggaaminayo.

Cadceedi ayaa foorarsatay oo godkeeda u hoyatay, Bile dheere iyo Dhuxulow inkastoo ay ciidankii Jebiyeen, haddana ma hubana guushoodu waayo ma aysan helin, raqdii iyo noloshii guhaad midna.

Waxa  ay  u dhaqaaqeen saareen inay baadhaan oo raadinayaan dhaawaca ama dhimashada Guhaad waase waayeen, ciidankii dhaawaca ahaa  intooda badan waa la laayey oo mid walba meeshuu laga helay ee uu yaalay baa lagu dhammeystirey, waxa ay soo reebeen kuwo dhaawac fudud ah si ay u wareystaan xogna uga helaan.

Jabhaddu waa aaseen oo duugeen ciidankii ay laayeen iyagoo deegaanka u tudhaya, in cuduro ka dhashaan maydka haddii roob da’o, kuwase dowladdu inay furtaan maahine wax naxariis ah uma falin.

Habeenkii ayaa dumey ciidankiina waxa ay saldhigteen halkoodi iyagoo libin geeraaraya, oo ay u shidan tahay heesihii lagu soo dagaal geliyey ee gubaabada ahaa.

Guhaad oo dhaawac fudud baa gacanta ka gaadhay balse, xabbadu kama gudbin muruqa cududa, markii in cabbaar ah ay socdeen, ayna arkeen cid daba socotaa in aysan jirin, ayaa ragga qaarna dhirta la saaray si ay korjoogta u qabtaan iyaguna jeex geed cadaadku jiq yahay ayay huluusheen. 

Kaddibna  Caananuug ayaa Guhaad ku yidhi : Xabbada kugu dhacday ma aysan gudbin meeshuna waa Muruq ee aan kaa soo saaro, si xanuunkeedu kuu daayo!

Guhaad baa intuu qoslay yidhi: Weligaa xabbad ka soo saartay?

Caanonuug ayaa ugu halceliyey: Maya balse waan qaatay tabbobarkagurmadka degdega ah, tolida dhaawaca iyo dhiig joojinta, sidoo kale soo saarida xabbada ee ii oggoloow.

Guhaad ayaa ka oggolaaday: Waxaa dabka la geliyey Ableey hilaacaysa oo Af badan, kaddibna waxaa ay la soo baxeen manqasyadii iyo agabkii caafimaadka tolista booga dhayista, oo qaarkoodna qoryaha ugu jiro kuwana ay farqaha ku wataan, waxaana Guhaad afka loo geliyey maro, Caananuug ayaa halkii xabbadu ku dhacday  inta uu afka u dilaaciyey ka soo dhuftay gumucii oo aan meel sidaa dheer u jirin.

Mindidii dabka ku jirtayna waa lagu gubay si aysan u caabuqin oo u fashsfashin, Guhaad markaasuu xanuunkii ka damey, waana yara seexday,  isagoo geed salkiis ku tiirsan, wax badanba indhaha iskuma hayn, wuxuu ku riyooday iyada oo la dul joogo, markaasuu isla booday iska jira iska jira leh.Waa la qabqabtay, kaddibna waa la sheegay in aysan cidna joogine uu is dejiyo.

Dhuuhe ayaa u sheekeeyey oo yidhi: Taliye dhawr jeer baan gaade galnay, waxaan hubaa ninkaa geesisan weligay hoggaan iima noqon, labadii maalmood ee aan dagaalka galnay, adigoo xabbada ridaya ayaad haddana unug walba godkeeda ugu tegaysay, dhimasho iyo dhaawacna ciidankaagu kuu tirsanaa, kugumana arag sida ragga qaar intay baabuur fuulaan gadaal fadhiista oo halkaas halow halow ka soo dira.

Guhaad baa yidhi: Adiga iyo anigu isku naf baan nahay, nolohaada iyo badbaadaada ayay noloshaydu ku jirtaa, sidee baan kaaga naf jeclaystaa oo anigu xabbada uga foggaada adigana kuugu dirnaa.

Dhuuhe ayaa haddana weydiiyey, inkastoo aan maqlay in lagu xidhay lagaana been abuurtay, haddana ma garan ujeedka laga lahaa ee maxaa lagugu maagay?

Guhaad ayaa yidhi: Arrinka ugu weyn waa inaan ahay in aaneynayey rag jabhadda ka mid ah inaan ku reer ahay iyo in rag ii diidanaayeen in aan ka soo dhex muuqdo taliska ciidanka guushayduna ay dhibeysay.

Dhuuhe ayaa yidhi: Waxba haddaa kuguma dhicin!

Guhaad ayaa la yaabay arrinkan oo yidhi: Maxaad ula jeedaa waxba kuguma dhicin, ninkayga gardarada iyo garsoor xumada lagu xidhay ee intaas oo dhib ah soo maray.

Dhuuhe ayaa yidhi: Caanonuugoow maxaad jabhadda uga mid noqotey’

Caanonuug oo helay kanshadii uu raadinayey doonayana inuu tuso falkii uu sameeyey ee ciidanka ku laayey Guhaadna ka cadhaysiiyey inuu u muujiyo waxaa heerkaa gaadhsiiyey ayaa yidhi: 

Waxa ay ahayd goor habeennimo ah, magaaladana waxaa laga hirgeliyey Bandoow  iyo dhaqdhaqaaq la’aan haddii la gaadho shanta galabnimo, waxaan dhiganayey dugsiga dhexe fasalka 8aad, aniga ayaa ugu weynaa carruurtayada, markii aannu cashaynay ee kala seexanay ayaa waxaa aannu maqalnay sanqadh xoogan. Haddii qof weliba ka soo booday sariirtiisa waxa aannu isugu nimid barxada dhexe ee guriga, guriga aan deganayn waxa uu ahaa guri weyn oo gambis ah kana kooban lix qol, Laba qol waxaa seexan jiray aniga iyo walaalahay, qolna waxa u ahaa qolka hurdada waalidiinta, qolka kalena martida, laba qol oo  isku furana waxa ay ahaayeen qolna fadhi iyo cunto.

Markaannu barxada nimid ayaa toosh indhaha nalagaga qabtay, waxaanna nalagu bilaabay garaacid iyo qaylo, carruurta aan walaalaha nahay qaarkoodbaa shan jir  iyo ka yar ahaa,  waxaa dhulka naloo dhigay beerka, si siman kaddib ayaa askari boqol kiiloo ahi nagu dul socday isagoo kabihiisa waaweyn sita.

Hooyo waa iska ooyeysey marna ilaahay bay baryeysaa waayo ma jirin awood intaa dhaafsiisan oo ay lahayd.

Ragga noo soo galay  waa Afar askari oo xidhan dharka meleteriga ee tuutaha ah, waxa ay baadheen qol walba, waxa ay qaateen dahab iyo lacag wixii guriga yaallay, iyagoo cid ay ka waraysanayaan jirin.

Markii wixii yaalay ay qaateen, annaguna aan filanayno inay naga baxayaan, waayo habeen walba xaafadda qaylo ayaa ka baxda oo marba reer baa la baadhaa, annaguun bay habeenkaa nagu cusbayd ee waa arrin magaalada si weyn looga ogyahay.

Markay meel walba baadheen oo xitaa raashin hadhaa ah oo jikadda yaalay cuneen, ayey hooyo oo uur leh maalmo yarina u dhiman yihiin u yimaadeen, waxa ay yidhaahdeen fur goorsheegto(Saacad) dhudhunka ugu xidhnay oo jaadka loo yaqaan “Seiko 5” hooyo ayaa ku tidhi askari Ilko dhaadheeraa oo ag taagnaa war aan carruurta beri quraac ugu iibshee maad ii daysaan wixii guriga yaalay waad qaadateene.

Mid kale oo madaxweyn oo gaaban ayaa si naxariis daro u yidhi: War naga aamusi habarta mahbarka ah! Kaddib kiibaa intuu Baynaada ama soodhka qoriga afkiisa ku xidhan toosistay, annagoo wada arkayna  caloosha ka geliyey hooyaday, ilmihii yaraana ka soo dooxay.

Aniga iyo walaalahay  aan waxba u qaban karin, ayaa hooyaday horteyda lagu dooxay, wax ay galabsatayna ma jirin, aan ahayn in laga awood badnaa,habeenkii oodhan baannu ka dul ooyeynay, mana jirin cid noo soo gurmatay oo qofna gurigiisa kama soo bixi karayn, ileyn waa Bandowe.

Waagii markuu baryaa deriska  iyo xigaalku noo yimaadeen iyadoo carruurta qaarkeed Argagax iyo baygag qaadeen(Shoog) maalintaasaan ka dhaaqaaqay magaaladii iyo dugsigii waxbarasho, waxaan raacay abtigey oo qaadwale ah, maalin maalmaha ka mid aha yaan nimid Ceelmaajeenmarkaan arkay ciidanka ayaan u maleeyey kuwii oo kale inay yihiin, balse abtigay Khadar ayaa ii sheegay in kuwani yihiin kuwo ka soo horjeeda ciidanka dowladda oo jabhadda.

Ma aqoon jabhadda waxaanse maqli jirey mararka qaarkood iyadoo dadka waaweyni dhegaystaan warlalisyada jabhadda, oo lala dhuuman jirey.

Maalintaas ayaa xerada imid waxa aanan go’aansaday inaan ka mid noqdo, ilaa laga waayo nin ciidan ah ama aan dhintona inaanan dagaalkaas ka bixin.

Guhaad ayaa jidhku dubaaxiyey oo garoowsaday inaysan waxba ku dhicin, marka loo eego ilmo yar oo aan qaangaadhin oo godob intaas le’eg tirsanaya wax uu ku galabsadayna aan la aqoon.

Caanonuug wuu aamusay, markaasuu yidhi: aniga waxaa iga daran Dabayare!

Guhaad ayaa eegay dhanka Dabayare, balse Dabayare ayaa intuu neef weyn neefsaday yidhi: Iga daa hay soo xasuusine geeridaa dhaanta taas xasuusteeda!

Guhaad ayaa isagoo aad u daneynaya waxaa dhallinyaradan tabanayaan inuu wada ogaado, hadalkii taliye Gurxana dhegihiisa ka guuxayo, bal ragga is wareysta ayaa yidhi: Maslaxoow sheeg, kolay rag wax weliba waa soo maraanaa.

La soco qaybaha kale…….

W/Q: Cabdiraxiim H. Galayr

SHARE