Home Qoraallo Barbaarita ardayga W/D: Jamaal cabdinaasir & Yuusuf Cabdi fataax

Barbaarita ardayga W/D: Jamaal cabdinaasir & Yuusuf Cabdi fataax

0
SHARE

Ardayahow; horumari naftaada

“Horumarinta naftu waa habka ugu weyn ee amminka ilaaliya, mar waliba ee aad nafsaddaada horumariso waa mar waliba oo ay ammin yar kugu qaato gaarista yoolkaaga.”
~Brian tracy.

Horumarinta naftu waxay ku lug-leedahay aqbalaadda masuuliyadda noloshaada iyo inaad u kuurgasho ficiladda-ogaal ee horumarinaya noloshaada. Horumarinta qofeed ma ahan farsamo ama aalad loo adeegsado in wax lagu hagaajiyo ee waa hab nololeed joogto ah. Horumarinta naftu waa hannaan iyo geeddi-nololeed soconaya ma ahan keliya tubta aad ku xallin lahayd dhibaatooyinka kaa haysta noloshaada ee sidoo kale waa wadada korriimadaada, waa dhabbaha aad ku heli lahayd nolol sarraysa, waa haloosiga nafsaddaada aad kaga dhigi lahayd mid waaqica iyo wadcigaba la socota. Horumarinta naftu waa ay qaabab badantahay. Waxa ay noqon kartaa waxbaridda naftaada si aad u horumariso aqoontaada. Waxa ay noqon kartaa in aad hore u kacdo oo aad wajahdo waxyaabaha ku cabsi geliya si aad sare ugu qaaddo kartidaada.

Horumarinta nafta waxa ka mid ah waxqabadyada, kuwaas oo horumariya iska warqabka qofka iyo aqoonsigiisa (identity), kobciyan kartida iyo tayada qofka sarena u qaadda heerka nolosha iyo ka qeybqaadashada gaarista riyooyinka iyo hiigsiga qofka ee fog. Kanshada ama fursadahu waa meerto si toos ah u abbaarto nolosha, dadaal iyo filasho rajo ku saleysan baa lagu helaa. Qaabeynta nafta waa udub-dhaxaadka kanshada aad kala kulanto nolosha. Milicso naftaada oo su’aalo weydii, maxaa fursad u ah horumarka noloshaada? Ardayda usoo kicitameysa heerka jaamacadda waxaa shardi ku ah inay darsaan ama ay qaabeeyaan heerka naftooda. Mudnaanta iyo baarista ugu horreysa waxaa ah qaabeynta nafta iyo isla xisaabtankeeda.

Nafta aadamaha waxaa bandhig u ah walax kasta oo dareen gooni ah u hayo, walaxdaasi laba umuuroodba waa lagu arkaa. Umuurahaasi kuwa si toos ah loo qasdo iyo kuwa aan si toos ah loo qasdin intaba waa lagu arki nolosha. Sheegashada bini’aadannimada kaliya ma’aha, qaab dhismeedka lab iyo dheddig, balse, waxaa asal ahaan ay tahayba in qofku uu la falgalo macluumaad kasta oo uu noloshiisa ku qurxin karo inuu sameeyo.

Abaarowga is darsidda shaqsiyadeed ee lagu arko ardayga heerka jaamacadeed, waxaa kow ka ah inuusan tanaasul u sameyn karin daruufihiisa u gaarka ah. sidoo kale inuusan baadi-goob u gali karin caalamka fikirka iyo mandiqadda aqriska. Sidoo kale ardayga wuxuusan odoroosi karin waxa uu baranayo. Hagaag, arrinka dhaleecayn ma taagna kaliya iftiimin lagu laray isbaddal wacyi baan dooneynaa. Halbeegga ardayga waxaa kordhin kara inuu hab-dhismeedkiisa garaad hormariyo. Qaabkee buu ku hormarin karaa? Waa su’aal feejignaan iyo xeerarba u sugnaatay. Inta badan aqoonyahanada horumarinta aadanaha ku fooggan waxay abla-ableyaan tayada qofka iyo farxaddiisa nolol. Tayada qofkana waa mucda iyo tiirka shaqsiga hab-dhaqanka uu la hor imaanayo bulshadiisa.

DHEEFTA LAGA HELO HORMARINTANARTA

Horumarinta nafta waxaa laga helaa qaab-dhismeed, kaas oo qofka ka dhigaya in uu caddeeyo halka uu ka xoogGanyahay iyO halka uu ka daciifsanyahay, sidoo kalena waxa ay ku hagtaa qofka in uu ka DHEEFSADO awoodihi iyo xirfadihii uu hore u lahaa. Faaidooyinka laga helo horumarinta nafta waxaa ka mid ah ;

1 Waxa ay qofka kansho u siisa in uu ahaado mid iska warqaba; iska warqabku waa tillaabada ugu horreysa ee horumarinta nafta waxa ayna keenta qofku in uu si dhab ah u ogaado cidda uu yahay, muunaddiisa qofeed, waxyaabaha uu aaminsanyahay iyo weliba waxyaabaha u doonayo in uu gaaro.

2 Waxa ay qofka siisaa caddeyn dhab ah oo ku saabsan yoolkiisa; waxa ay qofka ka kaalmeysaa in uu ogaado yoolka iyo hiigsigiisa nolosha, taas oo u fududeeneyso in uu samaysto qorshe uu ku gaarayo hadafyadiisa.

3 Waxa ay soofeysaa (horumarisaa) xirfadihii qofku uu hore u lahaa; waxa ay qofka ka dhigtaa mid ka faaidaysta tagtadiisa hore, kana qaata qibrad aad u sarreysa si uusan ugu dagmin timaadada.

4 Waxa ay qofka siisaa karti uu ku helo dhiirrigelin iyo qanacsanaan buuxda, marka aad ogtahay wax aad rabto in aad hiigsato, waxaa fudud in aad ogaato dheefta aad ka heleyso waxaas aad samaynays, xitaa haddii aadan shaqada aad qabanayso aadan u riyaaqin, haddii aad ka heleyso faaido dhab ah waxa aad noqonaysaa mid ku dhiirran in aad qabato howshaas muhiimka ah.

-5 Waxa ay qofka ka horumarisaa in uu wanaagsanaado xiriirka dadka kale kala dhaxeeya, xiriirradu waa seef laba afle ah oo hoos ayey kuu dhigaan ama kor ayey kuu qaadaan. Marka aad horumariso shaqsiyaddaada waxa aad awood u leedahay inaad garato xiriirradee qiimo weyn kugu fadhiya oo lagaa doonayaa inaad horumariso iyo kuwa aad u baahantahay gebi ahaanba in aad iska joojiso.

Muhiimadda ay leedahay is-hormarintu

Ugu horeyn, wax kasta isbadal dabiici ah ayaa ku dhacaya, walax meesheeda taagnaaneysa ma jirto sida uu kownku u guurayo ayey walaxduna u guureysaa. Waxaase muhiim ah in loo nuglaado macluumaadyada iyo xirfadaha dheeriga ah ee nolosha iyo suuqyadeeda loogu xamaasho. Ardayda waxbarashada ku jirta waxaa muhiim u ah inay kordhiyaan xirfadahooda aqoon iyo mid shaqsi si ay u kaxeeyaan tareenka nolosha.

Ardayda, waxaa aas-aas u ah inay la jaanqaadaan adduunkan uu xurguftankiisa isbadal socdo, ayna fahmaan hannaankii ay ula falgali lahaayeen. Ardayahay, silsallad weeye nolosha iyo sunnankeeda, waxaa ka dillaaca nolosha qilaaf, waxaa daba yaalla xal. Sidoo kale waxaa oogada casrigan idinkaga muuqda iyo macluumaadyada aad aragtaan waxay dood u sidaan furaha aqoonta iyo ilbaxnimada. Macluumaadka ayaa ka xawaaro iyo ka saameyn badan, waxyaalaha sheedda inoogu muuqda oo inta badan aan la macaamilno. Hase yeeshee, waxaa dowrka iyo tubta tusaalaha ardayga uu ku kordhin karaa habkii uu ugu kuurgali lahaa is-diiddooyinka iyo isu imaatinka ku saabsan horumarinta naftiisa.

-Isdiidooyinka waxaa ah in ruuxu uu garan waayo sababta uu u nool yahay. ardayahay waxaan tanaasul laga heleyn waa in aad is aqoon weydo, fahmina weydo mandiqadda aad ka taagan tahay nolosha, Fahmina weydo hadafyada aad ka leedahay noloshaada.

-Isu imaatinka (oggolaanshiyaha) qofka inta uu nool yahay waxaa hareertiisa dhex imaanaya dhacdooyin jeero uu u waayo xalal fikir iyo mid sahminba. Si juujuubna uma qasdi karo dhacdadaas oo waxaa lama huraan u ah inuu fisho ama uu hormariyo xeerarka (conflict) qilaafka. Oggolaanshaha waxaa loo tiirin karaa in la rumeeyo ama caado laga dhigto shil kasta oo qofka dhiniciisa ka dhaca inuu xal u helo oo uu mowqif ka gaari karo. Ardayda badankoodu waxay ka soo toosaan guryahooda oo dhaca deegaan ama goob bulshadeed. Goobahaas waxaa ka dhici karo khilaafyo hor leh, waxaa asal ah marka uu ruuxa yahay (academic) waa in uu tillaab cad ka sameeyaa mowjadahan (Qilaafka) hirarka sita uuna ka guul gaaraa habkii uu u xallin lahaa. Ogow, qofka way anfaceysaa inuu barto xallinta khilaafyada oo khilaafka meel kasta wuu ka jiraa, sina u garo, khilaafku waa sunno kowni ah oo waa loo qasday nolosha inay kuf iyo kac ku koobnaato oo aan walax seddexaad loo helin. Inuu khilaafku kowni yahayna waxa noo caddeynaya QURAANKA oo EEBBE ayaa yiri…….

وَلَوْ شَاءَ رَبُّكَ لَجَعَلَ النَّاسَ أُمَّةً وَاحِدَةً ۖ وَلَا يَزَالُونَ مُخْتَلِفِينَ﴿١١٨

EEBBE haddii uu idinla dooni lahaa ummd kaliya waa uu awoodaa, balse, kama suuleysaan inaad is-khilaaftaan. Suuratul-huud, aayadda 18AAD.

Tiirarka ay ku taagan tahay is-hormarinta

Raadinta cidda aad-tahay

“Qof kastaa waa in uu raadiyo cidda uu yahay, balse, yaanu raadin cidda ay fiicnaan lahayd in uu noqdo”. Albert Einstein

Ugu horreyn raadinta cidda aad-tahay ayaa mudnaanta iyo shardiga ugu weyn leh. Qofka bini’aadanka inuu isagu is darso oo isku mashquuliyo qofka uu yahay iyo halka uu ka wajihi karo nolosha iyana waa nisbo ka mid ah is ogaansho qofeed. Waa inaad istaqaanno oo aad ogtahay qofka aad-tahay? waa in aad is weydiisaa kumaa tahay? Maxeyse tahay awooddaada iyo xirfadda aad leedahay? Hadii aadan su’aalahaas jawaab rasmi ah u helin, waxaa kugu adkaan doonta inaad Is-hormariso. Ardayga bartaha oo u badheedhay hillinka wax-barashada waa inuu gowracaa garaadkiisa oo aadna u sifeeyaa ceyriinka dhex tuban maankiisa si duulimaad hufan oo garowshiyo ku xeendaabsan ula yimaadaa qofnimadiisa.

2: Ardayahow waa in ay kuu caddahay wax aad ka damacsan tahay noloshaada.

Ardayahow qodobkan waxaa loola jeedaa; qofku waa in uu leeyahay qoraal cad oo caddeynaya hadafka uu leeyahay kuwo dhow (Short term goals) iyo kuwo fogba (Long term goals). Hadafyada fogi waa kuwa lagu higsado gaaritankooda muddo ka badan sannad sida in uu qaato degree jaamacadeed iwm. Hadafyada dhawise waa kuwa lagu higsado gaaritaankooda muddo sannad ama ka yar ah, waxeeyna u adeegaan sidii lagu gaari lahaa hadafyada fog sida barasho luuqadeed iwm. Taasi macnaheedu waa in qofku leeyahay meel uu ka duulayo, ogyahayna meesha uu u socdo, balse, hadii uusan ogeyn meesha uu u socdo iyo meesha uu hadda joogo waxaa cad in uu ku fashilmayo is-hormarintiisa.

3: Wax akhriska iyo kobaca ardayga

Wax akhrisku waa sahmin, sahankaas wuxuu sitaa yool iyo jiho. Wax akhrisku waa mudnaan itaalka garaadka lagu kordhiyo, xeesha laga dheefaana waa u noolaanshiyaha si dabiici ah. Wax akhrisku waa heegan aad ka gali karto xogaha falaadka ah ee ay soo daayaan dheecaannada dadka kale. In xeerarka akhriska aad toobiyaheeda fuusho waa guul, waxaase ka guul weyn in aad ku laasinta waaqicaaga. Akhrisku waa raaxo, farxad iyo ogaal garaad.

Adeegsiga garaadka bisleysan waxaa ay suurtoobi kartaa marka aad abaabul u gasho sunnanka akhriska. Akhrisku wuxuu kaa meydhayaa xodxodasho kasta oo garaadkaaga sameyn karo, wuxuu kuu furayaa tub xasilnaan ah iyo u fikirka si maan furan. Maan furka waa riwaayad culus oo ay adag tahay in ruux kastaahi uu qeyb ka ahaado. Waxaase ka qeyb ahaan karo qofka rajo iyo xirfad ka dhigta akhriska itaalka leh.

Ardayda u badheedhay xeerka jaamacadda, waxaa lama huraan u ah inay duuduubaan garaadkooda aqoon, ayna laban-laabaan akhrinta. Akhrin ay ka madhan tahay jiho maskax shiilnimo, waa akhrin daal iyo dayac garaad uu liqay. Ardayda, waa inay lafaqaan darsiga ay soo qaataan oo ay qaabeyn jadwal ah u sameystaan.

Ahmiyadda akhriska

Ardaygu ma’aha weel ay tahay in la buuxiyo, balse, waa iftiin ay tahay in la shidayo. Albert Einstein

Horumarinta akhriska iyo qoraalku waa wax aad muhiim ugu ah nolosha. Xilligan aan hadda ku noolnahay oo loogu yeero “casriga aqoonta” ama waxa afka qalaad lagu yiraahdo “ınformation age” ayaa wuxuu lagama maarmaan ka dhigayaa in qofku kobciyo xirfaddiisa akhrinta iyo qoraalka si uu ula jaanqaado mawjadaha xogta ee dhinac walba kaga imaanaya.

Ahmiyadda ay akhrintu leedahay iyo guud ahaan aqoontaba, waxaa inoo muujinaya aayaddii ugu horraysay ee soo dagata waxay amraysay akhrinta. Markii akhrinta laba jeer lagu celiyey, ayaa haddana waxaa la tilmaamay ahmiyadda aaladda wax lagu qoro ee qallinka uu leeyahay. Abwaan Soomaaliyeed oo ka hadlaaya aqoonta ahmiyadda ay leedahay yaa ku gabyay:

Ragga dunida maamulay cilmay, dayax ku gaareene!

  1. Ardayahow samee kobac shaqsiyadeed.

Kobcinta shaqsiyadeed marka aynu leennahay waxay koobsaneysaa dhinacyo badan oo ku lifaaqan .

Ugu horreyn ka qaybqaadashada is dhaxgalka bulshada iyo inaad sameyso isku xirka bulshada adigoo u maraya ardayda wax kula barata, waxa ay kaa caawinaysaa inaad ballaariso aragtiyadaada shaqsiyaded iyo in aad hormariso xirfadahaaga wada shaqayn. Guulddareyso, isku day haddana qalad, guusha waad gaari. dib u milicsiga ka warhaynta naftaada waa agab kaa caawin kara inaad sameyso korriin maskaxeed/shaqsiyadeed. Kobaca shaqsiyadeed ardayahow, waxa ay kaa caawinaysaa inaad noqoto mid ka warhaya naftiisa, waxa aad ogaaneysaa ruuxa aad tahay, Qiima aad leedahay iyo ujeeddada waxa aad aaminsan tahay. Waxa aad noqonaysaa mid leh jiho u kala caddeynaysa heerka uu doonayo in uu hiigsado iyo in ay u fududaato habka go’aan qaadashadiisa. Waxa aad ahaaneysaa mid ay wax waliba u kala cad yihiin. hadii aad tahay ardayahow mid leh jiho cayiman, hadana waxaa ku soo wajahi kara shaqooyin aad u kala duwan oo la rabo inaad u yeelato dareen dhow. shaqsiyaddaada oo kobac ku yimaada, waxay kuu cadeynaysaa inaad howlahaaga u sameyso sida ay u kala horreeyaan. Haddii shaqsiyaddaadu kobac samayso waxa aad u adkaysaneysaa amminka adag ee ku soo wajaha, waxa aad yeelanaysaa ardyahow kalsooni iyo adkaysi xad leh.

5. Dhisidda xiriirka kaala dhaxeeya ardayda aad wax isla barataan

Xariirku waa mid aad u muhiim ah marka aad doonayso in aad ahaato mid guuleysta oo noloshiisa farxad ku qaata. Dhisidda xiriirka kaala dhaxeeya bahwadaagtaada tacliin, waa mid ka duwan kana muuqaal wanaagsan xiriirrada kale. Sababtoo ah billowga mashruuca la doonayo in la fuliyo waxa uu ka muhiimsan yahay mid shaqadiisu ay goor hore tisqaadday.

Ardaynimadu waa marxalad billow ah oo shaqsiga la doonayo uu lahaado xiriirro kala duwan, si uu u kasbado xog ka caawinaysa in uu ahaado mid qibrad u leh nolosha dhinacyadeeda kala duwan . Aad bay muhiim u tahay in aad ka mid ahaato shabakad ay ku kulmaan arday iyo aqoonyahanno, waana xagasha kaa caawinaysa in aad kasbato tacliin wajiyo kala duwan leh.

Dhismaha xiriir aad la yeelato dadka kale waa muhiim, sababtoo ah mid ka mid ah dadkaas ayaa suurtagal ah in uu noloshaada isbadal ku sameeyo.

  1. Baro inaad ahaato mid wax hogaamin kara

Goobtaada waxbarasho ee jaamacadda waa halka aad ku baran karto tayada xirfadda hoggaaminta. Tayada hoggaamineed waxaad ku baran kartaa adigoo sameeyo ficillo lagu diirsado haba ugu horreeyso hoggaaminta fasalka aad wax ku barato. Inaad isku daydo hoggaaminta goobtaada wax barasho, waxa ay kaa caawinaysaa inaad barato dabeecadaha kala duwan ee aadmiga.

Si aad ugu guuleysato ardayahow shaqsi ahaan iyo xirfad ahaanba dadaalkaaga waa in aad barataa” xirfadda jilicsan” sida xalinta qilaafaadka, hadii adiga iyo arday aad is qilaaftaan waa in aad isku daydaa ugu horreyn in aad dajiso oo aad fahamsiiso dariiqa habboon oo xalka idiin ah labadiinna. waa in aad naftaada ka soo qaaddaa in aad tahay, hoggaamiye inuu wax dhiso ah oo aan dumin. Sidoo kale xirfadda jilicsan, waxaa ka mid ah iskaashiga, in aad naftaada barto howl wadareed waa xirfad aad u muhiimsan oo noloshaada ardaynimo iyo hab-nololeedkaada ah ku anfacaysa. Waa xirfad kuu siyaadinaysa dabeecad wanaag iyo adkaysiga badan.

Howl wadareedka (collaboration) waxa ay aas-aas u tahay in aad ku tabbabarato koox dad ah oo mid waliba shaqada si gaar ah u sameynaya, kala duwananta sida shaqadaas ay u sameynayaan ardaydu waa aqoon aad kororsaneyso adiga. Hadalka iyo xiriirka qoraallada waa mid ka mid ah xirfadaha jilicsan. Marka tijaabo aqlaaqeed la saarayo ardayga, ugu horreyn waxaa la dhageystaa sida uu u hadlayo iyo hadallada uu adeegsanayo. Ardayga in uu barto hadalka daraftiisa sammaanta huwan aad bay muhiim ugu tahay. Kuwada xiriirka qoraallada gacanta waa xirfad la doonayo in uu barto ardayga, sababtoo ah waa nidaam la raaco mar kastaa oo aad tahay ruux la shaqaynaya koox dad ah. Adeegsiga xiriirka qoraallada waxa ay suurta galinaysaa inaad ammin yar ay kaa qaadato xiriirka aad la leedahay kooxdaada. Xirfadaha jilicsan gabi ahaanba waa kuu muhiim ardayahow.

Waxaan idin sheegeynaa ardayahay “Xirfadihiinna farsamo waxa ay idinka caawinayaan inaad shaqo heshaan, balse, xirfadaha jilicsan baa ah kuwa idinka caawin doona inaad shaqadiinna ku sii waartaan” ~author and instructor Beverly Amer notes.

—Ardayahow garo shaxda loo yaqaanno (SWOT analysis) iyo sida hab nololeedkaaga sawir ugu tahay.

Ardayahow ugu horreyn waa in aad ogaataa halka aad ku wanaagsan tahay (Strengths). inaad ogaato dabiici ahaan meelaha aad ku wanaagsan tahay ama ku xooggan tahay shaqsi ahaan waa qodob aad u muhiim ah. Qofka dhinaca uu ku wanaagsan yahay waa haybadda uu kaga duwan yahay dadka kale oo Eebbe sarreeye ayaa qof waliba u abuuray kala duwanaansho (unique). In uu ardayga ka faa’ideysto meelaha uu ku xooggan yahay aad bay muhiim u tahay. Tusaale dhig; haddii aad tahay arday ku wacan maadada (sooyaalka) waa inaad hormarisaa baarista sooyaalka carra edeg soo maray oo aad u yeeshaa micno aad u wayn bal si aad naftaada uga dhaadhiciso inaad tahay ruux leh baaris qoto-dheer, maaddadaasna looga haray.

Qodobka labaad (Weaknesses), ardayahow waa in aad garataa meelaha aad ku liidato . Qiimayn ku sameey ficillada aad maalin laha u qabato, isku day inaad kala shaadhayn ku samayso xaglaha taban iyo kuwo togan ee aad leedahay. Halkee baan ka dheellin? Waa su’aal kuu horseedi karta inaad noqoto mid noloshiisa ka adag oo aan laga adkaan, mar kastaahina degganaan ku qaata goortiisa. sababtoo ah ma aha ruux jahwarersan oo wuu ogaal ogyahay meelaha uu ka dheellinayo. Nolosha sideedaba ma aha haddiyad loo koryeelay sammaanta oo kaliya, qofkuna ma aha mid fiicnaan oo kaliya loo shaandheeyay, balse, lurka iyo tabnaantu daris bay la yihiin.

Qodobka saddaxaad (Opportunity), Ardayahow, waxa aad heystaa fursado badan oo aad noloshaada isbaddal kaga sameyn karto. waxa aad heystaa fursado ah inaad barato cilmi kasta oo aad doonayso in aad ku taqasusto xirfadaha la xiriira. sidoo kale luqadaha markaas manhajka aad wax ku baranayso quseeyo wadna ka faa’ideysan kartaa fursad kasta aad kobcin ku sameyn karto. Waxaan la hadlayaa waa ardayda soomaaliyeed, Waxaa jirta baahi ah in sidii loo baahnaa aysan u jirin dugsiyo lagu barto xirfadaha ka hor ardayga inta uusan xaadirin jaamacad, lana doonayo in uu soo barto xitaa hal xirfad uu ku kaabi karo waxa uu soo bartay, maxaa yeelay, waxaad sameyn kartaan isku tashi iyo naf waliba iyada ayaa is hor marisa.

Qodobka afaraad (Threats), caqabadaha waa kuwo mar waliba soo laalaabta haddii aan xal loo helin. Caqabad marka la qeexayo waxaa lagu tilmaamaa in ay tahay inaad dhibaato la kulanto. Ardayga billaabaya darajada heerka jaamacadeed, waa kan ugu nugul, dhibaato iyo jahwareer badan uu kala kulmo marxaladaas ugu horreysa haddii uu marka horeba u diyaarsanayn nidaam jaamacadeed (Academic). Caqabaduhu waxa ay ardayga caqliga tolmoon lihi baraan, waddada guusha oo waxa uu garanayaa meelaha dhibtu ay kaga imaan karto, qibrad ayuuna ka siyaadsadaa. Si uu ardayga uga badbaado caqabadaha ka soo waajihi kara dhanka billowga jaamacadda, waa in uu in badan daalacdaa qormooyinka isaga ka caawin kara in uu tab hagaagsan u maro marxaladdiisa billowga jaamacadda. waana in uu marar badan isku dayaa in uu talo iyo qibrad badan ka qaato Articles (maqaalada) iyo dadka ku habboon talo soo jeedinta isaga ka caawin kara oo ku saabsan (pre-university preparation consultant) oo iminkaba casharadeenna taxanaha ah ay ka mid yihiin. Inshaallah waxaan gunaanadka taxanaha casharradeenan ku sharrixi -doonnaa mowduuc faah-faahsan oo idinka caawin doona sida loo xalliyo mushkiladaha ( Problem solving).

W/D: Jamaal cabdinaasir & Yuusuf Cabdi fataax

Raadraac:

https://www.google.com/amp/s/suubbansuugaan.wordpress.com/2016/01/30/64/amp/

http://sirtanolosha.weebly.com/horumarinta-nafta
http://hassanabdih.blogspot.com/2016/04/horumarinta-xirfadaha-akhriska-iyo.html?m=1
https://wealthygorilla.com/author/kellyray/.
https://www.tandfonline.com/doi/full/10.11120/plan.2011.00240010?src=recsys

https://www.google.com/amp/s/suubbansuugaan.wordpress.com/2016/01/30/64/a

SHARE