Home Curis GARBADUUB Q28AAD W/Q: Cabdiraxiim H. Galayr

GARBADUUB Q28AAD W/Q: Cabdiraxiim H. Galayr

0
SHARE

GARBADUUB Q28AAD

Waxaa isa soo hortaagay guriga Huruuse oo baabuurkiisi laankuruuska ahaa wata ayna wehliyaan saddex ka mid ah madaxda widaayadiisa oo ciidanka ka tirsan.  Waa  galab Hakiseed(khamiis) oo berina Hakisbila (Jimce) soo gelayo, waxa ay xerada ciidanka ka soo qaateen Qaad badan oo ay aroornimadii soo qabteen saddex qof oo wadeyna ay ku dileen.

Qaadka dowladdu waa joojisay waxa uuna ka soo galaa dhinaca labada soohdimeed ee dalalka deriska la ah Soomaaliya ee  Itooboya iyo Kenya, dadweynaha haddii lagu qabto waa dil iyo in lala wareego guriga iyo gaadiidka lagu qabtp, sidoo kale marka uu soo gelayo waa ka reeban yahay dalka, qofka lagu dilaa malaha mag iyo gar toona.

Haddana iyadoo saas ah lama gubo lamana daadiyo qaadka la qabto, waxaa cuna oo ku  qayila madaxda iyo ciidanka, iyaga waxba bannaan yahay oo kama reebna ee waxaa laga joojiyey dadweynaha keliya“ Nin laga adag yahay  laga arrin roon”

Hubaal waa arrin qumaneyd in dalka laga wada joojiyo maandooriya jaadkuu doono ha noqdee, si loo badbaadiyo bulshada, balse arrinku sidaa ma ahayn dadweynahaa laga joojiyey dowladda ragga awoodda ku lehse kama reebanayn.

Maalinta uu dhiigu leeyahay ayey qaadka ugu jecelyihiin madaxdu, qofka dhintey ee la dilay, waxaa uu ka tegay carruur agoon  ah, waxaa goblantey hooyadii, waxaana asaay saartay haweenaydiisa,  intaasoo aafo rag bayba u tahay guul  arrinku waxa uu la mid yahay halkii ay murtida soomaaliyeed ka tidhi“ Mullac carruuri dileyso isna waa ku qudh gooyo, Iyana aa u cayaayir”

Carra edeg oo dhan waa lala dagaallamaa maandooriyaha waxaase jira xeerar iyo hannaan loo dejiyey.

Maanta wuu dabaaldegaya Huruuse waayo waxaa waaberigii u soo dhacay taar sheegaya in jabhaddii la jebiyey rag badana laga laayey kuwa dhaawac ahna nolosha lagu hayo, filashadiisa waxaa ku jirta in Guhaad labada midkood noqdo, mid dhintey ama mid la qabtey isaga oo dhaawac ah.

Ma hayo war sugan, waxaase ka muuqda nayaayir ka wanaagsan kii shalay, oo waxaadba moodaa inuu war sugan hayo.

Saddexda nin ee la socota midkood ayaa  la socda xaalka Guhaad oo ay isku xan qarsadaan Huruuse waa Caddaani waa nin ay ul iyo diir yihiin Huruuse aadna ugu dhaw.

Huruuse ayaa si dareen obsi leh ugu yidhi widaayadiisi la socday “Maanta waa maalin barkhadeed colkii iyo dhagarqabayaashii qaska  dalka ka waday waa la dhammeeyey ”Dheg dheer dhimatayoo dhulkii nabad”

Arrintii baa aad loo lafa gurey iyadoo warkii soo dhacay la wadaagayo, inta laga dilay jabhadda, sida ay u jabeen, ragga nolosha lagu hayo iyo gaadiidka laga qabsaday, sheeko ayaa bilaabatey sheeko marqaan ah, Caddaani qaad keliya kuma adkeysto ee markuu qayilayo maandooriyaha Calaqana waa cabaa.

Mar qudhaa waxaa soo galay Odawaa oo ordaya, markaasuu Jaahuur oo mid ah raggii la socday oo maalintaas ay guriga ugu horreysay ayaa weydiiyey Huruuse ma wiilkaagii baa ? 

Intaannu hadlin Huruuse ayaa waxaa weydiinta ka warceliyey Caddaani oo yidhi mayee waa wedkiisii oo uu korsanayo.

Qosol baa loo daatey Jaahuur ayaa la soo booday oo dumaashiday ma Garoob wiil wadata ayey ahayd? Markaasaa Caddaani arkey inuu hadal ka baxsaday oo Jaahuur u hiiliyey.

Odawaa oo aan ka dheerayn ayaa waxaa u yeedhay Jaahuur markaasuu weydiiyey, waryaa magacaa? 

Odawaa ayaa yidhi: Odawaa baa la yidhaahda? Jaahuur baa ku celiyey Odawaa Ayo? 

Odawaana ha yaraado balse, waa uu yaqaan abtirkiisa oo hooyadii ubaxbaa sida quraanka ugu meerisaye wuxuu yidhi: Odawaa Guhaad!

Jaahuur oo yaaban ayaa yidhi: Guhaad aa? Markaasuu intuu soo jeestay yidhi: Guhaadku ma kii aan hadda ka sheekaynaynee aad lahayd saakaa la dileybaa?

Huruusaa isku naxay oo wax uu ku warceliyey waayey, markaasuu wiilkii yaraa canaan ugu dhaqaaqey, orod waryaa hooyadaa u tag, maxaad dadka waaweyn ka dhex qabanaysaa?

Dabadeedna sheekadii waxa la af duubey oo Caddaani oo meel kale u duwey.

Odawaa markiiba waxaa u tegay hooyadii oo qol ku jirta dharka kala gureysa, waxa uuna wey weydiiyey isagoo xanaaqsan :Hooyo aabbahay ma saakaa la dilay?

Ubax ayaa intay joojisay hawshii ay haysay oo la booday tidhi: Maxaad ku keentay hooyo, Aabbahaa mar hore ayuu dhintaye.

Odawaa baa yidhi:  Nimanka Adeer la socdaa waxay igu yidhaahdeen Aabahaa saaka la diley, Adiguna waxaad igu tidhi, Aabbahay mar hore ayuu dhintey.

Ubax ayaa dareen galay, hadalkii ay maalintii ka maqlaysay isaga iyo adeerkii iyo weydiinta wiilka yar ayay isku dhufatey waxaa galay tuhun ah in wax laga qarinayo.

Kaddib intey si naxariis leh daamanka ugu dhunkatay ayey tidhi: Hooyo wiilkaygii aan jeclaayoow waa beentood aabbahaa ma yaqaanan kuwani ee qof u magac eg bay ka hadlayaan.

Haddana hadalkaasi waa ku socon waayey Odawaa oo wuxuu yidhi, Adigu ma Garoob baad tahay? 

Ubaxbaa intey yaabtey tidhi! Garoob aa war yaad waxaas ka maqashay, Odawaana wixii oodhan ayuu u dareeriyey uu maqlay, waa halkii maahmaahdu ka ahayd” Saddex jir hooyadi laguma ag xanto”

Ubax waa ay iska aamustey maxaa yeelay ma hayso wax ay la gole tagto, hadalka ilmaha yarna kama dhigan karto halkudheg, haddana dareenkeedu ma xasilna oo waxa ay is weydiinaysaa oo nabdigeena ka go’i waayay hadalladii wiilkeedu u sheegay oo waxaa ay is weydiinaysaa Garoob iyo Guhaad maxaa kulmiyey?

Iyadoo sidii ah welina dareenkaasi ku taagan yahay ayaa waxaa goor fiidnimo yimid wadaha baabuur Huruuse soo doonaya, sidaas ayayna ku baxeen isaga iyo nimankii kale, waxaanna laysku shubay xeradii, haddii qaybtii warlalis la tegay, waxaa loo sheegay in ninkii Guhaad aan raq iyo raadna midna laga haynin, lagana yaabo inuu badbaadey, Ciidanka intii dhimatey maahine intii kalena ay u gudubtey dhinaca soohdin beenaadka.

Huruuse dabaaldegi iyo riyaaqi waa isa soo gabay, waxaanna u soo muuqatey quus hor leh, waxa uu markaas go’aan ku qaatey in uu dalka isaga baxo oo taladii adeerkii qaato, si uu isu badbaadiyo xaaska uu dhacayna ula

badbaado ilmaha yarna ugu dhasho xasilooni. Baqdinta inta badan haysaa maaha Huruuse in uu dilayo Guhaad ee waa haddii ay oggaato Ubax waxaa dhici kara.

Huruuse wax walba waxaa uga daran Ubax oo ka dhaqaajisa ama diida, waa jecelyahay waxaa uuna dhibkaas oo dhan u marey jacaylkeeda, hase yeeshee waa laba qof oo been ku wada nool maalinta runtu timaadona lama oga waxa dhici doona.

Guhaad iyo kooxdiisi waxaa habeenkan ay dhex dabaasheen is xog wareysi, markii uu Caanonuug sheekadii dhammeeyey  Maslax Dabayarena uu farta ku fiiqay Dhuuhe ayaa Guhaad ka codsadey inuu uga sheekeeyo waxaa ku dhacay.

Maslax ayaa isaga oo aan rabin haddana ay ma huraan noqotey inuu la wadaago widaayadiisa arrinta ku jujuubtay inuu noqdo isagoo aan gaadhin da’ lagu jabhadeeyo, jabhad aan wax naxariisa lahayn Maslax ayaa ku bilaabay hadalkiisii : Nin kasta oo nool ifka hadduu joogo, maalin waxaa soo food saarta, wanaagga uu haysto sida derinta u laabta ama darxumada iyo diifta sida go’ ka fayda.

Waxa ay ahayd fiid cilciloow ah, riyo(Ari cad) baas oo aannu lahayn oo hooyo miyiga uga keentay maal ayaa waxaa ay ka lumeen guriga oo ma aysan imaanin.

Riyaha waxaa raaci jirtey islaan deriskeenna ahayd oo aan ubad lahayd, qoys walba waxaa u joogay laba ama saddex marka barqadii ayaa meel bannaan laysugu keeni jirey, halkaas ayayna Racwi ka dareerin jirtey oo kaynta iyo duurka u daaq geyn jirtay,marka cadceedu dhacdona waa soo celin jirtey.

Haddaba adhigaas waa laba jaad midna waa laga hortagaa oo haddaanu guriga aqoon dad baa ka doona, midna isagaa keligii yimaad oo waa Bara yaqaan.

Kuwayaga ri’wadaal ah ayaa ku jirtey, oo dhawr maalmood ayaa laga hortagay ugu dambayna habeennadii ugu dambeeyey waa ay bartay inay guriga timaado sida labada riyaad ee kale.

Habeenkan ma aysan imaanin, balse ma fogaanayso maxaa yeelay meel aan sidaa nooga dheerayn ayay keentaa Racwi, markii la waayey riyihii ayaa hooyadey waxa ay u dirtey laba gabdhood oo iga waaweynaa inay meelaha ka soo eeg eegaan oo guriga keenaan.

Gabdhihii waa gabdho yaryare waxa ay jidka isla taageen kuwa kale waana habeensadeen, kaddib Aabbe ayaa raadiyey, maxaa yeelay cabsi baa jirtey beryahaas in nabadgelyadu sii xumaaneysay ciidankana aad looga baqayey.

Marka uu  Maslax sheekaynayo waa la wada dhegaysanayaa intaas afkiisa ayaa la eegayaa, waxaadna moodaa, sidii wadaad codkar ah oo ka sheekaynayaa geerida iyo maalinta dambe wixii la mudan doono.

Waxaase dhinaciisa midig xiga Guhaad oo Gacantii dhaawaca ahayd maahine mida kale inta ku santeecsaday, si wanaagsan sheekada uga guraya.

Maslax ayaa wuxuu yidhi: Aabbe ayaa la kulmay gabdhihii oo ri’dii soo wada, markay is yidhaahdeen dhinaca guriga u soo dhaqaaqa ayaa waxaa ku soo baxay afar nin oo gashan direyska ciidanka oo hubeysan.

Waxa ay durtaba ilaaq kula dhaqaaqeen gabdhihii, Aabbehayna waxaa uu sheegay inay ka xishoodaan, gabdhihii ayaa soo tallaabo boobsiiyey waxa ayna soo galeen guriga, nimankiina dood adag baa dhex martay iyaga iyo Aabbe.

Markii labada gabdhood guriga soo aadeen ee kadinka ka soo galeen ayaa laba ka mid ahi waxa ay ka soo daba galeen guriga oo aan xidhnayn.Waxaan deganahay guri Jiingad ah oo Afar qol oo weegaar ah, meel gees ahna waxaa ka dhisan qol yar oo cunta karis ah.

Gurigayaga darbi iyo bir midna kuma wareegsana ee sarrab ama dhis laga soo gurey madheedh iyo dhuyac ayaa ku wareegsan, halka dhexda ku beeganna waxaa ku yaalla albaab ka samaysan foosto la kala fidiyey.

Aabbe waa soo tallaabo boobsiiyey nimankii oo daarada dhex taagan ayuu ka codsaday inay guriga ka baxaan, intii ay murmayeen ayaa labadii kalena yimaadeen,  markaasa hadalkii kululaaday, kaddibna Aabbe wuxuu isku horgudbay qolkii gabdhuhu galeen.

Gacan ayey gaadhay Aabbena waa laysugu tegay oo kaddibna mid ka mid ah ayaa  inta dib uga baxay aabbe oo dhulka yaal, xabbado badan la dhacay sidaasuuna ku qudh waayey oo nafba dhulka ulama dhicin.

Hooyo ayaa isku dayday markeeda inay  is hortaagto gabdhaha oo isku duubtey mid ka mid ah ciidankii, isaguna intuu qabtay ayuu kala tuurey, waxa ayna hooyo madaxa ku dhufatay dhagax dhismeed weyn oo meel gees ah guriga ka yaaley waana miyir doorsoontay.

Aniguna markuu hooyaday kala tuuray baan ku booday, balse, saddexdoodiiba waxa ay igala daaleen haraati iyo qori dabadiis.

Qof noo soo gurmaday ma jiro, cid aan garab ka sugeynaana ma jirto maxaa yeelay wax dhaqdhaqaaq ah ma jiro, qof weliba gurigiisa ayuu kula dhex jiraa cabsida iyo wadno kurkurka, ma nihin qoyskii koowaad ee dhibtu ku dhaco, caawase waa habeenkii ay dhiilada iyo obolosku na soo foodsaray.

Labadii gabdhood ee walaalahay duurka ayaa la geystay, halkaas ayaana noloshoodii iyo aayatiinkoodu lagu baa’biyey, waaberigii markii laga soo qaaday bannaanka magaaladana, laba maalmood kaddib iyagoo ka cararaya adduunka buyuurta taal iyo magac xumada intey qol xidheen ayay gaas isku bilbileen waana is gubeen, haqdii iyo naxdintii dambena hooyo waa dhaqaaqday oo sidaas ayay ku waalatay.

Aaska aabbahay iyo gabdha laba maalmood baa u dhaxeeyey , dadka oo dhami waa ay ka xumeeyaan balse, ciddina waxba kama aysan qaban karin.

Hooyo waxaa kaxayeeyey walaalaheed oo noo yimid markay maqleen arrinta, Balse aniga in abtiyaashay i kaxeeyaan waxaa diiday adeerkay oo u aaneynayey reerkoo hooyaday ka dhalatay inay yihiin kuwa dhibka noo geystay ee ciidanka ah.

Markaan imid deegaankan Dhoobaale ayaan ogaadey inay jiraan ciidamo gobonnimo u dirir  oo la dagaallama ciidanka dowaldda . Xerada Ayaan imid adeerkay iyo xoolihiisana waan iskaga tegay, ciidanka jabhaddu aad bay ii soo dhaweeyeen markii hore xaabbada ayaan u guri jirey biyahana waa u soo dhaamin jirey oo hawlaha kale ayaan ka kaalmeyn jirey.

Balse maalin ayaa tabbobar iyada oo uu socdo, ayuu i arkay taliye Gurxan sida aan uladhacsanahay, wuxuu i weydiiyey inaan rabo inaan ciidanka ku biiro, aniguna waan u sheegay in aad u rabo ciidan noqdo oo sida loo dagaallamo barto si aan uga aarsado ciidanka diley ee dhammeeyey qoyskayga noloshii wanaagsanaydna daboolka iga saaray.

Taliye Gurxan markaan uga sheekeeyey wuu ilmeeyey, maalintaas ayaanan ku biirey ciidankii tabbobarka ku jirey ee Jabhadda, ma aqaan midka uu yahay kii dhibaatada ii geystay, talo waxaan ku moosay ninkii direys ciidan wataba inaanan bixin, waana arrinta keentey inaan jebino waxaad na fartay oo aan layno ciidamadii aan qabanay.

La soco qaybaha kale.

W/Q: Cabdiraxiim H. Galayr

SHARE