Billowga xisbiyada Dunida Q3AAD W/Q: Shaafici M. Axmed

Qaybaha xisbiyada

Xisbiyada siyaasadeed ee dunida ka jira sida ay ugu kala duwan yihiin  dhanka aragtida ayeey kala jaad u yihiin qaab dhismeed kooda, haddaba annagoo ka duulaynaya qoraalladii hore oo aan ku faahfaahiyay xisbayada iyo soo if baxoodii, ayaan qoraalkaan ku eegaynaa xisbiyadu waxa ay ku kala duwan yihiin , marka laga eego qaab dhismoodkooda.

1.  Xisbiyada dadka xulka ah

Xisbiyadaan ayaa ah kuwa ay aas aaseen dadka k adhex muuqda bulshada , awoodna k uleh siyaasadda iyo dalka, waxa ayna ku bilaawdeen dhismaha xisbiyada jaadkan ah , isu soo aruurinta dadka bulshada ugu madax muuqda sida hantiilayaasha, qoysaska madaxdii hore ee dalka soo maray, iyo dadka saamaynta ku leh awoodda siyaasadda, iyo dadka magaca ku leh bulshada dhexdeeda. 

Ka mid noqoshada xisbiyada qaabkan ah bulshada uma wada furna, waxayna raadiyaan oo xushaan qofka saamaynta leh, ha ahaatto dhanka siyaasadda iyo bulshadaba, iyo dadka hantiilayaasha ah, si ay u haqabtiraan xisbiga baahida dhaqaale ee dhanka olalaha doorashooyinka.

Qaabkaan waxaa ku dhisan xisbiyada leh aragtida muxaafidka (conservatisam)iyo aragtida lebaraaliga (liberalisam).

Waxaa ka mid ah xisbiyada qaabkaan ku dhisan, xisbiga jamhuuriga ee maraykanka iyo xisbiga muxaafidka (conservative) ka ee wadanka ingiriiska  iyo dalal badan badan oo ay ka mid yihiin Jabaan, Ustareeliya, Hindiya.

2.xisbiyada bulshada: (xisbiyada jamaahiiriga):

Nolasha siyaasaddaiyo hogaankeeda ayaa ah mid bulshadu u wada simantahay,waxa ayna sii korortay arintaasi, markii hannaanka dawladnimo ee dunida uu kor ukacay, lagana maarmaanna ay noqotay in bulshadu ka wada qayb qaadato.

Taas ayadoo laga duulayo, ayaa waxaa loo baahday hannaanka xisbiyadu in uu noqdo mid bulshada u wada furan kana qayb qaadan karaan xubinnimadiisa, aysan noqonin kuwa ku kooban dad ayagu isu arkay in ay xulyihiin bulshadana ugu sareeyaan.

Biloowgii qarnigii 20aad, waxaa dunida ku faafay aragtiyada kala ah (hanti wadaagga,shuuciyadda,iyo faashiga).

Xisbiyada ku dhismay aragtiyadaas waxa ay ahaayeen, xisbiyo bulsho, oo ku dadaala, sidii uu mid kasta aragtidiisa bulsho tirabadan u gaariisaan lahaa, si ay xisbiyadaas u helaan taageere dhanka dhaqaalaha, iyo mid cod ahba.

Sidaasi daraadeed xubinnimada xisbiyada jaadkan ah ayaa ah mid ay u wada simanyihiin bulshada qaybaheeda kala duwan, oo aan lagu kalas oocaynin aqoon, dhaqaale, iyo ,magac toona,

Sidoo kale xisbiyada aragtida islaamka ah leh ayaa ayagu u samaysan qaabka xibiyo bulsho, waxaaba ubadan xubinnimada xisbiyadaan dadka taagta daran, oo markii la eego dalalka muslimiinta ayagu ugu horreeya dhanka aqoonta, iyo dadaalka.

La soco qaybaha kale

W/Q: Shaafici M. Axmed

SHEEKOOYIN