Falanqeynta buug-sheekeedka Gaso,Ganuun iyo Gasiin W\Q. Xuseen M. Cabdulle ”WADAAD”

Falanqeynta Buug-sheekeedka Gaso,Ganuun iyo Gasiin

Gaso, Ganuun iyo Gasiin, waa buug-sheekeed u qoran hab caalamiya oo aan hore sidiisa oo kale loogu qorin afkeenna ama far-soomaaliba. Waa mid ku cusub inta wax ku aqrisa soomaaliga iyo luqado kaleba. Sheeko xariirtaan Gaso, waxaa qoray Prof.Cali Jimcaale Axmed oo ah aqoonyahan/Mufakir caalamiya oo Soomaaliyeed oo si weyn looga yaqaanno maxfalada aqooneed ee caalamka, si weyna looga aqristo buugaagtiisa ku qoran luqadda caalamigaa ee Englishka iyo luqadaha kale ee badan oo loo tarjumay. Sheekada, sida ka muuqato magaceeda iyo qofka qorayba markaad isku jamciso waxaa kuu soo baxaayo in ay gudbineyso farriin culus oo aragti mug-weyn sidata gudbineyso, waana middaas midda kugu riixeyso in aad aqriso sheekada.


Marka aad eegto sheekada Gaso, Ganuun iyo Gasiin, waxaadba is leedahay oo aad arkee in wax kastaa ay dhex yuururan gudaha sheekada ”Nolol, bulsho, dhaqan, luqad, suugaan, siyaasad, caddaalad, nabad, dammac, dhac, dil, garsoor, Diin iqkb”. Bal aan dhugto ereyga ugu horreeyo ee magaca sheekada ee ah Gaso, Gaso, sida aad taqaanaan waa mooro, xero, wareeg-oodan, waa xeyndaab xoolo lagu xereeyo. Magaca Gaso ee ku jira sheekadase waa ka dhummuc iyo micna fog-yahay midkaas dhaw aan kor ku soo tilmaamay ee ah xera xoolaadka. Gaso, waxay ii muujee inay tahay ”Globe ama Kurra ardiya ama xeyndaabka dunida”. Minaadse si fiican oo deggen oo dhuuxid leh u aqriso waxaad arkee sida uu Prof. Cali noogu soo war-wareejiyay dunida oo dhan ”qaarad ka qaarad”, isagoo naga siiyay casharro mug iyo micno weyn noo leh, waase minaan miir iyo xis u leennahay inaan ka faa’iidno talooyinka iyo tusaalooyinka ay bixineyso sheekada Gaso.


Sheekadu, waa mid furan oo haddana xiran. Waa hal-xiraalayaal furfurid u baahan, waxaana is leeyahay furfurka iyo fahamka waxaa uu u gaar noqonaa ciddii aqoon durugsan u leh dhaqanka, afka, suugaanta iyo aqrinka sheekooyinka iyo intii isku hawsha ama la tacaasha in ay ka biyo keento halka ay sheekadu hayaanka u tahay. Sheeka-qorista iyo sheeka-akhrintuba waxay wadaagaan ama isku xira dhuftin ama dhiftin; Ciddii hesha guntinta isku heysa labadaa qodob ayaa ahaaneysa mid ka gungaarta hawshii ka gashay dhuuxidda iyo u dhabar-adayga ta’wiilka sheekada.

Ganuun, waa ereyga labaad ee sheekada. Ganuun, waa ”aambur, dabool, af-xir dhiisha lagu daboolo”, marna waa weel lagu shubo dareere ama lagu cabo” biyo, caano, caano dhaay, caano-garoor, caano-suusac, caano-fadho, caano burbursan iwm”. Dareeruhu, waa midka nolosha aadmiga salka u ah, aanba si kale u dhigee, waxaan aragnaa in nolosha oo dhammiba ku xiran tahay dareeraha oo la’aantiis aaneyba jireyn nolol. Noloshu, waa biyo, biyuhuna waa dareere, dareeruhuna waxuu u baahan yahay weel xafido. Gaso, waxaan ka baraneynaa in hardanka ugu culus ee dunida uu yahay sidi loo sii jiri lahaa, ( Saciid Maxaad Raage: xaa looga kala guuray? Reer Jabaq maxay uga soo hayaameen kobtaas iyada ah? Kaawadii inteey ku dambeysay? Inteey ku dambeyndoontaa? Qawmiyaduhu masiirkoodu xow noqondoonaa? IWM). Sii jiritaankuna waxuu ku xiran yahay in la helo ama la heysto dareerahaas biyaha ah. Noloshu, waa ”biyo, biyo zamzam, biyo xareed, biyo macaan, biyo dhanaan, ceel biyood, war biyood, biyo biyo, ciyoow ”.


Kab aan biyo ama dareere oollin ,waa uun kab lagu kala haaday oon ku sii negaasho laheyn. Ciyoow biyaha keen ciddaa oomanee caweys iyo ciyaar dhaafee ceelka soo jiid. Waana tii Rabbi na yiri: ” Wa jacalnaa minal maa’i kulli shay’in xayyin”.Bal eeg Q.3aad, Bogga 17aad ee Sheekada.

Gasiin, waa ereyga saddexaad ee sheekada (Gaso,Ganuun iyo Gasiin), Gasiinku, waxuu noqonayaa wax dhuunta la mariyo, waa baad. Baadkuna waxaa uun u sal ah waa biyo, milaygii biyaha la helana waa in baad kale la helaa si loo sii jiro, salkiisuna waa uun nabaat, kaas oo ah waxa noolaha kaloo dhan nooleeyo. Waxa sheekada Gaso tilmaameyso kuma eka baad ka baxay goofkaaga ama beertaada, ishaada yaaneey qaban uun rabta dhaw ee kuu muuqata, waxa la yiraa ”Ishaan meel fog wax ka arageey dhac”. Maanku waa inuu u faalal tagaa meelo fogfog, lana yimaad riyooyin dhaxal gala oo sii suurageliya jiritaanka qof ahaaneed ama ummad ahaaneedba. Sheekada Gaso, waxaa ay na baree in adduunku weli ka suulin”Qaanuunal-qaaba”, oo waxay ku tusee oo mandiq noqonaayo ”In aad u dagaasho si aad u jirto”, Quraankuna, waa kii banneeyay xaaraanta mugga baahiyi timaad”, haddana ka rogoo laba saare, Gaso, naguma dhiiri gelin dulmi iyo isu xoog-sheegad ee waxay na bartay in caddaaladda lagu dedaalo, cid kastaaba waxay mudan tahay la marsiiyo, waxay ayidee Xadiiskii Rasuulkeenna suubban SCW ee aheyd ”Unsur akhaaka daaliman ow madluuman”. Gaso, waxay tusaale nooga dhigtay xikmadihii suugaanyahanaddii weyneyd ee Maymuun Biyoow oo aheyd ” Dilaaygii dilaay diloow/Dilaa kuu dambeeyo/Dad nool lee ku dilyaa/ama dool yaxaas ku qaadyaa”. Fiiri Bogga 15aad ee Sheekada Gaso.

Waxa kale oo tusaalooyina sheekada ku jira ” Wabarkii wabarrada” oo ay u sinnaayeen sabiga uu dhalay midka meel kale ka yimid, sheekadu, waxay na tuseysaa, in weberku uu dhalay wiil la yiraa Cali, oo caniid ah oo bulshada oo dhan xax ka siiyay, maalintii dambena Weberka loo soo sheegay in Cali, uu yaxaas la tegey, kolkaasna uu Weberku aad ugu farxay arrinkaas. Waa hee dhibkaas canug aad dhashay oodna maaro u helin, suuqna aadan geysan karin, axaa la yiraa ”Waxaad dhashay kuma dhalin” iyo madax muuqdo iyo middi saawira midna lagama sabro”, weberkase layr qaboow aa martay kolkuu ogaaday in muggaas wixii ka dambeeyo bulshadu ka nabadgeleyso nanugiisi.


Waxaa kaloo iyana sheekadu na tusee qiso kale oo uu qoraagu tusaaleyn noogu soo qaatay , waana Islaan Iiraaniyad ah oo canug ay dhashay oo gaaray derajada Generaal, balse dadka xax ka siiyay ay sun u qooshtay si ay bulshada uga qabato. Waxaad fiirisaa Boggaga sheekada ee kala ah 11-15. Runtii, sheekada Gaso ma ahan wax si fudud loo furfuri karo, waxay rabtaa maan kobocsan oo qibrad aqrin iyo garasho sare leh oo dedaal badan iyo fiiro dheer loo yeesho, qofka noocaas ah ee dedaal iyo waaya aragnimo la kaashado uun baa tiltilmaami karo sheekada Gaso. Qoraha sheekada Prof. Cali Jimcaale Axmed, wuxuu kor u qaaday hab-qoraalka soomaalida, wuxuuna qoray sheeko aan is leeyahay waa ka sarreysaa qormooyinka sheeko ee caalamka. Rabbi ha xafido qoraha.


W\Q. Xuseen M.Cabdulle ”WADAAD”
huswadad@hotmail.com

SHEEKOOYIN