GARBADUUB Q29AAD W/Q: Cabdiraxiim H. Galayr

GARBADUUB Q29AAD

Oday Dirir waxaa uu baadi goob iyo baafis u galay siduu ku heli lahaa reerkiisii iyo guhaad reerkoodi, ugu dambeyn waxa uu ogaaday in reerkiisi ay ka guureen dalka markii wax walba lagala wareegay oo hanti ahaa, dhibaato badana ay martay haweenaydiisi, kaddibna ay gacan qabteen dad xigaalkeeda ah iyo walaaladeed ayna degtay dalka Kuweyt, halkaasna nolol wanaagsan uga abuurantay.

Waa ay wada xidhiidheen waxaanna amakaag ku noqotey oday tacsidiisi la dhigay markii raqdiisa la waayey in isagoo nool uu soo hadlay.

Sidoo kale waxaa uu raacdo iyo baadigoob u galay Guhaad reerkoodi, waxaanna uu ugu dambeyn helay in gabdhihii mid ka mid ah uu qabo nin ka mid ah Jabhadda  balse aan ahayn qaybaha taliska Ceelmaajeen ee uu yahay dhanka Galbeed iyo Buurta, Dirir waxaa uu go’aan ku gaadhay inuu raadiyo gabadhaas oo inta uusan Guhaad soo noqon war obsi leh la wadaago, waxaa uu watay laba wiil oo dhul yaqaana iyo baabuur, waxaa uuna aaday dhanka buuraleyda.

Goor galab gaab ah ayay yimaadeen tuullada Dhamas marka uu dadkii tuulada weydiiyey una sheegay cidda ay rabeena waxaa farta loogu fiiqay maqaayad yar iyo dukaan geed weyni ku horyaal oo dhanka bidix ka xigta.

Dhankii maqaayada ayay soo aadeen, markay iridka yimaadeenna waa bariidiyeen oo la hadleen, inkastoo aan markaas maqaayada ciddina fadhiyin, haddana waxaa u warcelisay Quman oo dukaanka ku jirtey, una sheegtay inay soo galaan.

Markii Dirir iyo labadii wiil ee kale soo galeen gudaha maqaayada ayuu Dirir hadalkii ku bilaabay waxa aan  u soconay ina Samatar Digaale gabadh la yidhaahdo oo halkan naloogu soo sheegay.

Quman ayaa tidhi waa aniga ina Samatar Digaale ee idinkuna isu kay sheega?

Oday Dirir ayaa u sheegay in Dirir la yidhaahdo oo uu iyada xigaalkeeda yahay.

Markii intaas lays weydaarsaday ayay Quman tidhi: Bal fadhiista waynu is wareysane waxa ay u tilmaantey derin meel taalla inay fadhiistaan, markiibana waxa ay u keentay shaah iyo biyo maxaa yeelay waa dad socod ku yimid waana habdhaqanka bulshada soomaaliyeed in martida si wanaagsan loo sooro loona soo dhaweeyo.

Wax yar intay fadhiyeen ayaa waxa dhinaca dambe ee guriga maqaayada ka soo galay  Caseyr waa quman ninkeedi, si wanaagsan ayuu u bariidiyey derin kale oo hortooda taal ayuu doonyeystay(Digirin xidhay) is wareysi iyo xog guud dabadeed, Dirir ayaa waxaa uu u sheegay  inuu  Guhaad ka socday oo noolyahay, haddana Jabhadda ku jiro oo dagaal ku maqan yahay, isaguna uu raadinayey reerkiisa.

Caseyr ayaa cod dheer ugu yeedhay xaaskiisa oo uu ogaa werwerka iyo ciilka ay qabtay kuna yidhi: Qumaneey soo orod war barkhadeed ayaa martida timid kuu sidaaye.

Quman baa isa soo taagtay iridka maqaayada iyo dukaanka u dhaxeeya, markaasuu odaygeedii ku yidhi mar kale.

Qumaney walaalkaa Guhaad waa noolyahay waana nabad qabaa, haddana inagama dheera oo waxaa uu jiraa dhankaas bariga, Dirir ayaana ay wada xidhnaayeen mana dhiman.

Quman ayaa obsi iyo riyaaq dartiis la ooyday, kaddibna Dirir baa uga sheekeeyey dhibkay isla soo mareen iyo sidii loo shirqooley, dhibaatadii la markiyey iyo qaabkay usoo baxsadeen.

Qumana waxa ay uga warantay arrinkii reerkooda in Qadan iyo Hooyo Dhudi u dalaabeen dhankaas iyo  Jabuuti oo Hooyo walaalkeed in badan deganaa, halkaasna nolol ka sameysteen, Qadana aan weli la guursan.

Dirir ayaa weydiiyey  Quman: Xaaskii Guhaad ee Ubax, gabadhuu aadka u jeclaa, halkii ugu war dambeysay?

Quman waa ay yara aamustay, haddana waxa ay tidhi, Ubax Baarcad ayay degan tahay weli, waa ayna guursatay, waxa ayna guursatay nin ka mid ahaa ciidanka oo la yidhaahdo Huruuse!

Dirir ayaa af kala qaad ku dhacay, una qaadan waayey warka uu maqlay, haddana waxaa ku soo dhacay inuu Huruuse ahaa raggii soo xidhay isaga iyo adeerkii ee maraga beenta ah u adeegsaday.

Waxaa isu qaban weyday arrinta, kaddib waxaa ay u sheegtay in ay wiil u dhashay Guhaad la yidhaahdo Odawaa, markii hore inay wada xidhiidhi jireen, haddase la kala baaday oo iyaguna soohdinta ka tallaabeen, Baarcadna aysan tegi Karin oo ka baqayaan in la xidho.

Dirir ayaa haddana u riyaaqay in Guhaad wiil leeyahay oo arrinkaas labadooda midkoodna uusan ogeyn, waxase uu is weydiiyey ninkii dhibtaas soo maray, sidee looga dhaadhicin karaa, xaaskaagi ayaa guursatay ninkii waxaas oo dhib ah ku soo mariyey.

Habeenkii neef baa loo loogey, si weyna waa loo marti sooray, Quman waxa ay tidhi waan idin raacayaa oo Ceelmaajeen ayaan ku sugayaa, balse Dirir ayaa ka diiday oo yidhi,  reerka ha baylihinin anigaa kuu keenaya isagoo soconaya.

Waagii markuu baryey ayaa Dirir oo war sugan ka haya reerkii reer Guhaad ka soo dhaqaajiyey Dhammasley, waxaa uuna yimid Ceelmaajeen.

Kooxdii go’doontey waxa ay is heleen ciidan kale oo gurmad ku yimid oo dadkii deegaanka iyo Jabhadba leh, waxaa la geeyey halka oolinta beelaha reer guuraaga ahi u badnayd, waa la baantay oo la marti sooray lana samatabixiyey, waxaanna wadatashadi iyo wada hadal dheer kaddib, dhammaan laysku raacay inaan duulaan kale la qaadine la tago Ceelmaajeen.

Wixii gaadiid ay helayaan ayay raaceen, waxaanna laysku shubay taliskii Ceelmaajeen, oo si weyn loogu soo dhaweeyey.

Lama odhanayo waad guuldaraysateen waayo waa la helay xogta ciidanka soo weeraray iyo laxaadkiisa, sidaa awgeed haddiiba rag nooli ka soo noqdeen waa mahad eebbe ayay talisku arrinka ku gunaanadeen.

Guhaad waxaa dareen murugo iyo cadho ah  ku sii abuurey dhacdooyinkii ay dhallinyarada la wadaageen oo middiba mid ka xanuun badnayd, markana waxaa ka muuqda nacayb xagjir ah oo dhanka ciidanka ah, waxaa uuna eebbe ku mahadinayaa inuusan ciidankaas ka  ahayn maanta.

Dirirna waxaa uu la sugaya Guhaad, war obsi iyo riyaaq leh iyo mid naxdin iyo argagax leh.

La soco qaybaha kale

W/Q: Cabdiraxiim H. Galayr

SHEEKOOYIN