Maansada: BAHDA LAASHIN W/C:- Farax Sh. Cabdirisaaq

Maansadaan magaceeda waxa la yiraahdaa BAHDA LAASHIN. W/C: Farax Sh. Cabdirisaaq, waa maanso ka hadleysa waxtarka iyo milgaha bahda LAASHIN. Bahda Laashin waa bah u taagan haqab-tiridda iyo hagaajinta afka, dhaqanka iyo hidda soomaaliyeed. Waa bah si iskaa wax u qabso ah isu xilqaantay una istaagtay difaacidda afkeenna iyo turxaan-bixinta erayadiisa hummaaggu uu ku jiro. Maansada bahda LAASHIN waxay leedahay sidaan…

  • Bahda laashin waa
  • Baro lagu nastoo
  • Cilmi baaxad wayn
  • Dadka noo bartoo
  • Ilayskii baxee
  • La bidhaansaday
  • Bulshadaba u tahay.
  • Bahda laashin waa
  • Bud-dhigii afkiyo
  • Dhaqankii bilnaa
  • Burjigii hayeen
  • Laga baaqan karin.
  • Bahda laashin waa
  • Bidixdiyo gacmaha
  • Isu baahanoo
  • Dhalin iyo bar-baar
  • Intay baacisee
  • Badhi taartayee
  • Qalin beegsatee
  • Danta baylahdaa
  • Ku baraarugtee
  • Buugaag qortaa
  • Geedaha ka badan.
  • Bahda laashin waa
  • Birmadkii dalkoo
  • Hidde baydhayoo
  • Budul guurayoo
  • Boqol sano hortood
  • Bohol iyo xabaal
  • Booraan galeey
  • Batar iyo ciyaar
  • Sheekooyin bada
  • Ka bayaamiyeen.
  • Bahda laashin waa
  • Baladkaba ishii
  • Biyo maaxatoo
  • Barayaal xulaa
  • Baxsi iyo aqoon
  • Iyo maal ku baxay
  • Isku biiriyoo
  • Ballantoodu waa
  • Inay beegsadaan
  • Bulsho waynta kale.
  • Bahda laashin waa
  • Dhalashada bishiyo
  • Dayax soo baxoo
  • Hal abuur bustuhu
  • Boodh saarayoo
  • Bacadkiyo wakhtigu
  • Boqontiyo lugtiyo
  • Bawdyaha ka xidhay
  • Baalkiisa qoyay
  • Iyagaa beddela
  • Kana dhiga buruud
  • Buuraha ka culus.
  • Bini’aadamkii
  • Garashada biqlee
  • Bad qabee yidhaa
  • Curin baan is biday
  • Bahda laashin baa
  • Bilo raadisoo
  • Iyagaa bustaan
  • U balaadhiyoo
  • Baalaha ka jira.
  • Kuwa baaddidiyo
  • Boolida wadee
  • Fanka boobayaa
  • Budh cad weeye oo
  • Bahda laashin baa
  • Sharciyada birta ah
  • Ku budeeya oo
  • Buushaha ku dara.
  • Bahda laashin waa
  • Bino taaganoo
  • Waagii beryaba
  • Qabyo buuxiyoo
  • Bogcad weeye ruux
  • Ku badhaadha oo
  • Suugaan bishoo
  • Murti baahisoo
  • Gabay laga bogtiyo
  • Tartan laysu baxay
  • Lagu soo bandhigo.
  • Bahda laashin waa
  • Boqortooyo guud
  • Hadba ruux bukoo
  • Bogsan waayayoo
  • Beertii jahliga
  • Dhex bariinsadoo
  • Bayr yeeshay bay
  • Ku bar baariyaan
  • Inu baadhe sare
  • Beri noqon karoo
  • Waxay booriyaan
  • Ninka bayd qoroo
  • Waxay baajiyaan
  • Balwadaha qarsoon.
  • Bahda laaahin waa
  • Ban xariira oon
  • Siyaasadi barkannin
  • Qabiilkiyo buskiyo
  • Boholyoow xigtiyo
  • Ninka baanta reer
  • Ma bariidiyaan
  • Barna kuma kulmaan.
  • Bahda laashin waa
  • Badhtamaha dhulkiyo
  • Bu’da koonfurtiyo
  • Bad waqooyiyoo
  • Waxay baahsan yiin
  • Barigiyo galbeed.
  • Bahda laashin waa
  • Dad burhaan lahoo
  • Bisin iyo quraan
  • Diin lagu boqroon
  • Baga ruux dhahiyo
  • Bakhayl lagu ogayn.

W/C:- Farax Sh. Cabdirisaaq

SHEEKOOYIN