GARBADUUB Q31AAD W/Q: Cabdiraxiim H. Galayr

GARBADUUB Q31AAD

Huruuse arrinku waa ku sii adkaaday markii ay si dhab ah u ogaadeen in Guhaad noolyahay, waxaa arrintan laga hubiyey oo si dhab ah loo garowsaday markii raggii  dagaalkii Balixagar lagu qabtay  ay sheegeen inuu isagu ciidanka hoggaaminayey nin dhallinyaro ah oo dhawaan ka soo baxsaday dowladda markii horena ahaa Kabtan ciidanka xoogga ah.

Markii arrinkan soo gaadhay waxaa sii kordhay werwerka saameynta ay ku yeelan karto, Huruuse iyo qoyskiisa marka la ogaado in Guhaad noolyahay, waa tii murtida soomaaliyeed tidhi “ Guur iyo geeri midna ma qarsoomo” Bile dheere waxaa uu talo ahaan mar kale usoo jeediyey in isaga iyo xaaskiisu dalka ka baxaan oo ay carabaha tagaan, si anafada iyo aanada ninkaas uu uga fogaado, halkaas ay ugu nabad galaan.

Huruuse si aan dood lahayn ayuu taladii adeerkii u qaatay waxaa uuna ula tegay Ubax oo u sheegay inay carabaha u guurayaan oo ay halkaas shaqo loogu direy isaga isaguna uu go’aansaday in xaaskiisa iyo carruurtiisu raacaan.

Ubax arrinkan waa ka biyo diiday waxa ayna ku tidhi: Haddaba shaqo wanaagsan baad haysataa, nolosheenuna waa heer sare wax dhibaato ahna ma qabno, hore ayaad aniga shaqadaydii iiga reebtay haddana  waxaad keentay dal shisheeye iyo dhul carbeed oo aan dad iyo xigaal ii joogin Ayaan kuu rarayaa, haddaan talada reerka wax ku leeyahay anigu dhinacna dhulkayga u dhaafi mayo.Sidaa awgeed haddaadan ka maarmayn shaqadaas adigu tag,annaguna dalka ayaan joogaynaa.

Ubax oo hadalkeeda sii wadata adkaynaysana go’aankeeda ayaa tidhi: Reeraha deriska ah oo dhan kala badh ayaa raggii dibadda ku maqan yahay, markay kansho iyo fara bannaani helaana waa yimaadaan, marka waxba kuma jilna inaad noo timaad markaad kansho hesho.

Huruuse ayaa yidhi: Waxaad tahay xaaskaygi aan jeclaa, calooshana waxa aad ku sidaa curadkayga waxaa aanan rabaa in maalinta uu dhasho aan la joogo, sidaa awgeed anigu nolol kelinnimo ah waa hore ayaan ka baxay, dowladdana waa u sheegay inaan reerkayga waddanayo, waana lagama maarmaan ninka Danjiraha ah ee Ergay noqonayaa inuu ilmihiisa iyo xaaskiisa wato.

Ubax waxa ay ku adkaysatay in aysan marnaba dalka ka tegayn, Huruusena waxaa uu ku dhegay meeshiisa isaga oo ku adkaysanaya inuu reerka oday ka yahay sida uu rabana ay tahay lagama maarmaan.

Huruuse waa ka tegi lahaa sida ay Ubax sheegtay ee ragga kale, waxaase u muuqdo  wax aysan Ubax ogeyn, oo ah in Guhaad yimaad oo xaaskiisa iyo labada  carruuraba kala wareego, taasaana kaga daran  geeri ku timaad iyo  godka oo loo hooyo.

Dooddaa la fogaatay ilaa ay gaadhay gacan ka hadal oo uu dhirbaaxo labada indhood ku gooyey iyadoo wiilkeediina arkayo oo ag taagan yahay.

Ubax waa Uureey toddoba bilood iyo dheeraad ah, jugtii ku dhacday ayay la diiday oo wareertay waxa ayna ku dhacday dhulka, kaddib waxaa yimid oo soo kala dhex galay gabdho ay xigaal yihiin Huruuse oo guriga joogay.

Arrintii waa cakirantay  isagiina waa uu naxay, Ubaxna markay yara roonaatay ayay carartey oo qol isku soo xidhay, isagiina naxdin iyo anfariir baa ku dhacay oo sida wax ka noqdeen ayuu garan waayey.

Wuu iska baxay waxaa uuna u tegay adeerkiis si uu uga warramo sida wax u dhaceen, Bile Dheere dhib weyn uma yaqaan haweenay la canaantay oo la dhirbaaxay, tan uu qabo tiroba ka saddex jeer ayuu gacmaha ka jejebiyey dhawr meeloodna daqaro ayuu ka gaadhsiiyey.

Bile waa nin miyi ku koray noloshiisa oodhana ku qaatay iska dhici iyo yaan lagaa adkaan, haddana sidaasay tahay waa nin ciilan oo dagaal miyi laba beelood ku dhex maray ayaa lagu dilay aabbihiis, waana mida keentay in uu ciil iyo colaad u qaaddo beelaha qaar, waana arrinka uu ugu biirey gaashaanbuurta ugaadhsiga beelaha qaar.

Markuu arkay inuu ka xun yahay ayuu ku yidhi: Adeer haweenka waa layska canaantaa maaha inay kugu warceliso, miyaadan maqal maahmaahda ah “Naago ninkii xariir u gogla xanan bay u goglaan, ninkii xanan u goglana xariir” Maanta ayay ogaanaysaa ninka aad tahay dib oo u dambeysana kugu soo warcelin mayso.

Huruuse waa iska yara degay balse hadalkaa adeerkii kuma dareensamayn oo gacalisadii uu jeclaa ee dumar oo dhan ka calmaday oo uur leh daankuna bararsan hig yahay bushmimahana dhiig ka socdo, ilna dhinac madoobaatey, oo ilmeynaysa ayuu kaga yimid gurigii.

Ubax markuu baxay ayay iyaduna hilhilatay oo waxa ay gacanta qabsaday Odawaa, waxii gacantu u gaadhayay agabkeedi u gaarka ah, ayay hore u qaadatay, waxa ayna aaday gurigii reerkooda oo waa duday.

Hadhkii markuu soo doontay hadhiimada ayaa waxaa uu arkay gabdhihii adeegtada ahayd iyo labada gabdhood oo ay xigaal yihiin oo guriga jooga, lama uusan hadli jirin markii hore, maantase dantaa is baday oo waxa uu durtadiiba weydiiyey, aaway Ubax iyo wiilkii yaraa?

Ladan oo ay ilmaadeer yihiin lana dhacsan waxa meesha ka dhacay ayaa tidhi: Dee waa duday oo ilmaheediina way kaxaystay?

Huruuse ayaa yidhi: Yaah! Dudayaa? Waannu aamusay.

Ladan oo si jeesjees ah u hadlaysa ayaa tidhi:  Gallada iyo barwaaqada qofka haysta ee aan garanayn sidaasu hadhuub caano ka buuxaan isaga daadiyaa, inay reerkeeda dhaqataa u wanaagsanayd, dhaqan wanaagsan maaha gabadh ninkeeda markay is qabtaan ordaysa.

Inkastoo aannu ku diirsan hadalkaas, haddana nabdiga waa ka rabay oo isaga ayay gar siinaysay, mana aysan sheegin inuu ku gefsanaa gacanqaadkiisa.

Ubax reerkoodi ayay u tagtay, waxa ayna u sheegtay sidii wax u dhaceen, balse, Hooyadeed iyo Aabbaheed Carraaleba waxa ay isa soo taageen, waa foolxumo iyo buyuur inaad gurigaaga ka soo cadhooto ee waa inaad noqotaa, waxa dhacayna waa la wada hadlayaa.

Huruuse markuu hadhiimadii gabdhuhu u karsheen cunay ayuu ku noqday adeerkii Bile dheere si uu ula wadaago arrinta cusub ee soo korodhay iyo in gabadhii ka tagtay guriga.

Bile dheere waxa uu u dejiyey nabdiga waxaa uu dhahay, waxba maaha anigaa u tegaya Oday Carraale caawana gurigeeda lagu soo celinayaa, adiguna waad i raacaysaa si aan Soddoga iyo Soddohda aad ugu madaxweynayso.

Durtadiiba Bile dheere waddaha baabuurkiisa ayuu u direy inuu u sheego, in ay galabta imanayaan isaga iyo ergo kale si ay uga wada hadlaan arrinta dhacday.

Bile dheere, Huruuse iyo laba nin oo kale oo ay tol ahaayeen ayaa gurigii reer Carraale tegay iyadoo la sugayo oo diyaar loo yahay marti soor iyo is wareysi dheer iyo waayo warran kaddib waxaa la furay ujeedkii hadalka.

Bile dheere ayaa qaatay oo yidhi: Carraaloow rag waa kuwii wax walba dhaqa ee saaka dhabaqo yar baa dhacday, wiilkii iyo gabadhiina waa is gaadheen, haddee odhan mayno maxaa dhexmaray oo kolay carrab iyo ilkaba waa is qaniinaane, arrinkaas ayaan daba soconey, waxii dhacayna lama wada laha ee wiilka aan adeerka u ahay ayaa leh.

Carraale oo hadal waayeel oo xidid lagula hadlayna wuxuu yidhi: Waa dhallinyaro waa iska dhacaan waxyaalahani, mar hore ayaanba rabay in aan soo celiyo, balse waxaa ii timid farriintaada, markaasaan go’aansaday in aan idinka war dhawro.

Gabadhu waa noqonaysaa, wixii dhib ah ee gaadhayna isagaa ayay xaaskiisa tahay oo booga dhayanaya, annagana ma jirto dhib iyo diidmo xaggayaga ah. Balse Huruuse waa nin xilside ah oo xilasaamed ah waa inuu ilaashadaa reerkiisa oo arrinku uusan noqon mindi mindi ku taag iyo canka mud.

Cabbaar markii la sheekaystay waxaa u tegay Ubax oo qol ku jirta Bile dheere oo la hadlay, si degana wax ugu sheegay isaga oo aan wixii dhexyaalay gelin.

Kaddibna waxaa u tegay Huruuse, waana raaligeliyey, waxaa uunna u balanqaaday wax allaale wixii ay danaynayso in uu u samayn doono, arrinkii keenay dagaalkana in laga wada hadlayo, wixii laga maarmi waayona laga yeelayo.

Ubax iyo Huruuse madmadoowga soo kala dhex galay ee kalsoonidii shalay yareeyey waxaa ugu badan cabsida iyo werwerka haysta ee nolosha Guhaad iyo ogaanshiyaha Ubax.

Guhaad waxaa u yimid Dirir iyo dhallinyaro kale oo ciidanka ka mid ah oo in cabbaar ah goobayeen, waxa ayna u yimaadeen isagoo geedkiisa hoostiisa jiifa, waana laga soo kaxeeyey.

Guhaad maskaxdiisa iyo dareenkiisa waxaa ka dhex guuxaya weydiimo badan oo uusan heli karayn ilaa uu arko Ubax maahine.

La soco qaybaha kale…..

Cabdiraxiin Hilowle Galayr

SHEEKOOYIN