Maxaa Dumarkii Qurbaha ee Soomaaliyeed “Single-Mothers” kawada dhigay?

Maxaa Dumarkii Qurbaha ee Soomaaliyeed “Single-Mothers” kawada dhigay?

JAWAAB_Haweenka_Dumarka_Soomaaliyeed_2_part_divorced_Singel-mothers_Muslim_Islam_Keydmedia_Online-Kopie-620x330

C/Qaadir Maxamed Cismaan “Cabdiboqor” — Salaanta Islaamka kabacdi, dalkii inta aanu inaga burburin, waxbadan ayaa inoo dhaqnaa, inoona asturnaa, waa caadadeed’e, dal markuu burburo ceebaalkiisaa bannaanka usoo baxa, dadkiisuna ceebaal aaneey hore ulaheyn beey yeeshaan, kuwaasoo bii’ada ama deegaanku keenay.

Qurbaha ayaase sii kala darane, marka laga hadlayo burburka qooysaska, Afrika iyo Eeshiya/Asia dhib sidaa u badan oo dhinaca burburka qoysaska ah,lana barbardhigikaro kan Galbeedka kama jiro, Xaqiiqdu waxeey tahay meesha dhibka xoogiisu uu ka jiro waa wadamada Galbeedka, gaar ahaan kuwa Ceyrta bixiya, waloow galbeedka kalaba aaneey waxbadan ka yareeysan.

Hadii aan usoo noqonno sababaha eey qoysaskaa tirada dhaafay ay ugu burburaan wadamadan Galbeedka, aad ayey utiro badanyihiin, sababtuna ragga iyo dumarkuba weey wada wadaagaan.Waxaan si gaar ah uga hadlidoonnaa sababkastaba, sidaa daraadeed qoraalkan wuxuu noqondoonaa mid tixane inoo noqondoona. Qeeybtan waxaan uga hadli doonnaa sadex arin. Waana tan qormadiiye kusoo dhawaada.

1- DUMARKII INKAARTA QABAY!

Soomaalida ayaa waxeey horey ugu maahmaahdey, “Mudul horuu gubtey, mid gubanaya kama naxo”. Galbeedka waxaa ku badan dumar qoyskoodii uu kala haaday sababtu waxeey ahaataba, sidaa daraadeedna aad ufikiray, oo isku buuqay,dibadeedna go’aansadey in iyana inta ay noolyihiin ay ka shaqeeyaan sidii eey ukala eryi lahaayeen ama ukala furi lahaayeen qoyskastoo nabad iyo naxariis ku wada nool, iyagoo dabcan kasoo galaya dhinaca hooyada reerka, waa hadii eey isheeda ka arkaan’e, iyadoo marka hore qaab kaftan ah sunta ugu dhiibaya, si ugu yaraan suntaa eey dareen iyo qaab ufikirid xun ay ugu beeraan.

Hadii dhiillo gaar ah iyo foojignaan aaneey ka dareemin kaftan-sumeedkaa kadib, waxay si dhab ah ugu jilbo-jabsadaan qorshahoodii ahaa kalafurida qoyskaa, iyagoo nasiibdarro! Udareensiinaya in ay wanaageeda ka shaqeeynayaan, iyo waxa danta qoyskeeda iyo sharafteedaba eey ku jirto.

Dumarka kartida, caqliga iyo hufnaanta Allaah udhaliyeyse, arinta marka eey kaftan kutuurid mareeyso ayeyba dumarkaa inkaarani meeshooda uga hortagaan.Waxaa xusid mudan in dumarkaa shaqada ka dhigtey kalageynta qoysaska aaneey ku ekeyn kuwa iyaga uu qoyska hore uga soo burburey, balse dhinaca kale waxaa jira kuwo reero leh, balse raba in eey iyagana kuwooda ku faraadeeygaan oo siwanaagsan udhaqdaan, iyagoo dihnaca kalana intii eey reerahooda ka burburinkaraanna ka burburinaya ama salfanaya.

2- LEEYMANKII SHIRARKA EE SHARTA IYO SHEEYDAANKA

Waxaa sidoo kale Qurbahan Galbeedka kajira Leeyman Taleefoonnada laga galo, kuwaasoo inta badan lagasoo galo wadamada Galbeedka. Waloow eey nuucyo badanyihiin, oo eey ku jiraan kuwo Culimo waaweeyn eey maamusho, oo kheyrka ummada lagu gaarsiiyo.

Hadana waxaa jira kuwo ugaar ah dumarka, kuwaasoo lagu sheego in dumarka ay isku waciyigaliyaan, talooyinna ku kala qaataan, balse xaqiiqdii waa meesha kalee dumarkaa inkaarani ee utafaxeeytey burburinta qoysaska dhaqmaya ay aadka uga qaraabtaan.

Maadaama aaneey cidi weeydiineeyn ineey sheegto bal in iyada reerka udhaqanyahay, iyo Qualification-keeda toona, intaaneey bal horta cid wax usheegin ama cidba talosiinin, ayaa waxeey meeshaas dumarka uga afuufaan sun garooso-garooso iyo dhiin-dhiin ah, oo Mariidka kadaran, maadaama dumarkaa meeshaa kuwadajira ee wada dhageeysanayana aaneey isku caqli, garasho, diin iyo dadnimo toona aheyna, in badan ayey qoyska meeshaa uga salfadaan oo uga burburiyaan.

Nasiibdarro! Marka xeero iyo fandhaal kala dhacaanna hade shallaay iyo cataaw waxba soo kordhinmeeyso.Ninbaa laga sheegay, “Shaloon tabar hayeyna talo maheyn, Maantoon talo hayana tabar mahayo!”

3- TALEEFANKA AAN DHAGTABA LAGA QAADIN

Meesha dalkeennii hooyo ee Soomaaliya iyo wadamo badaniba si qof aad u wacdo marka hore aad ugu qasbantahay in aad lacag ku shubato, ayaa wadamada Galbeedka inta badan waxaa Taleefannada (kuwa gacanta iyo kuwa guryahaba)labixiyaa lacag go’an bishii, sidaa daraadeed dumarka qaar taleefanka dhagta kama dhigaan intabadan.

Marka laga sootago Xanta iyo waxyaabaha la mid ka ah, ee dumarka saaxiibada ah eey taleefannadaa ku kala guraan, ayaa hadana kuwii ballaayo-helooyinka ahaa ee inkaarta qabayna, fursadaa iyana ka faa’ideeystaan, maadaama iyagoo guryahooda fadhiya ay maantoodhan marba qoys weerar halis ah ku qaadi karaan, iyagoo rajo weyn ka qaba in sidaa qoysas badan eey ku kala geyndoonaan.

GUNAANAD, AFEEF IYO CODSI

Sidaan horeyba ugusoo afeertey, ulajeedada qoraalku waa in aan Qoysaska Soomaaliyeed halisahan uga digno, si qoysaska ay inoogu dhaqmaan, oo aynu uwada bullaalno, si marka aad aragto sadexdaa arin ee aan soo xusnay, inta goorigoor tahay kahortag loosameeyo, wixiiba macquul ah.

Waxaan sidoo kale codsanayaa in fadlan wixii talo, toosin, fikrado, dhacdooyin, tusaaleeynba….IWM. la iigu soo hagaajiyo e-mailkeeygan hoos ku xusan. Mahadsanidiin.

Lasoco Qeybaha kale soo socda.

C/Qaadir Maxamed Cismaan, “Cabdiboqor”

SHEEKOOYIN