Jawaab; Maxaa Dumarkii Qurbaha ee Soomaaliyeed “Single-Mothers” kawada dhigay?

Jawaab; Maxaa Dumarkii Qurbaha ee Soomaaliyeed “Single-Mothers” kawada dhigay?

JAWAAB_Haweenka_Dumarka_Soomaaliyeed_2_part_divorced_Singel-mothers_Muslim_Islam_Keydmedia_Online-Kopie-620x330

Canab Diriye — Marka u horraysa, inta aan loo galin nuxurka iyo farriinta ay xambaarsan thahay qormadadani, waxaa ila habboon in cinwaanka in si kale loo dhigo, waayo Dumarku ma wada ahan hooyo keligeed nool. 
Jawaatu waa Ninkii qabay baa ka dhigay hooyo keligeed nool, waayo, isagaa furay, si kasta ha ku timaadde.

Waan ognahay in waddankii laysku furi jiray, oo aysan sheekadu ku billaaban qurbaha, haddana, Xaaska waa la furi jiray iyadoo 5-6 Caruur ah haysata, intooda badan guriga wey ka saari jireen wax biil ahna laguma siin jirin nac iyo nuglaan awgeed.

Hooyadaa ayda iyo carruurteedii bannaanka la soo dhigay reerkii ay ka dhalataybay dib ugu laabataan si ay ilmaha nolol ugu hesho, qaarkood markay ninka isku dhacaan oo ay tiraahdo sidaan kugulama joogi karo, waxaa lagu xujeyn jiray haddaad rabto in lagu furo carruurta waad ka tagaysaa gurigana shey kama qaadan kartid, middii ay door biddo bayna qaadan jirtay, kuwo kale waa laga maseyrin, si mar walba aysan deganaan u helin.

Haddaan u soo laabto jawaabta su’aashii ahayd maxaa Dumarka Qurbaha ka wada dhigay Singal Mothers? Waxaa ka dhigay oo dayacay Ragga qaarkiis oo aan ka soo dhalaallin kaalintoodii.

1-KAALMA LA’AAN:  ka timaadda ninka xaggiisa; Haddii xaasku ku tiraahdo i caawi, howshu waa igu badan tahaye, markiiba wuxuu la soo boodaa oo uu cuskanaa isagoo isku jimcinaaya dumarka oo dhan markii aad waddanka joogteen howshiinna waad qabsan jirteen, laakiin, markii aad timaaddeen qurbaha waad kibirteen, oo dhaqankii baad ka tagteen, oo waad ilbaxdeen, isagoo kala jeeda meesha aad joogtaan baad la qabsateen.

Wuxuu kaloo sii raacinaa NAA BURJIKO baad wax ku karin jirteen, Baaf baad dharka ku dhaqi jirteen IWM, haddood heshay qalab casri ah iyo mshinna aadan ku daalayn, maxaad naga rabtaa?!

Ninkaas wuxuu iska indha tiray in hooyada soomaaliya joogto ay dhan walba ciidan u haysato, oo ay  ninka ciidan guriga uga baahneyn, sidii dhaqanku ahaa. Wuxuusan meesha ku darrin in markii qurbaha la yimid ay waxaas oo dhan daaqadda ka bexeen, oo uu isagu galay kaalintii; gabadha adeegtada ahayd, Ina adeertii ,Ina Abtidii, Qaraabadii iyo Deriskii xaaska kaalmeeyn jiray. 
Teeda kale, dhaqan dooriska iyo ilbaxnimada uu xaaska ku eedeeyey baa qeexis u baahan; intii aqrisata baa sharxi doonta.

2-HURDO: Waxaa kale oo uu guriga ku dumiyaa JIIF, aan waqtigiisii la joogin, oo maalaa yacni ah, oo uu maalin oo dhan jiifo habeenkiina wareego. Taas waxay keentay in aabbahaas isaga oo guriga ku dhexnool aysan carruurtiisa is arkin. Ragga sidaas ah iyaga oo raba inay qariyaan ceebtooda, waxay suuqageliyeen dacaayad ah dumarka soomaaliyeed markii ay heleen lacag ay u madax bannaan yihiin oo ay dowladdu CAYR siisay bay raggii naceen, oo haddii lala hadlo ama waxyar la soo daaho BACDA MADOOW bay bannaanka kuu dhigee ama boolis bay kuugu yeeree, oo qarashka la siiyo baa wax kasta kala weyn! Wadankii markii ay joogeen gacanteenna bay sugi jireen, haddase, sheekadu waa is bedeshay, oo waxaa loogu sheekeeyey idinkaa ragga ka sarreeya, ee saad rabtaan u maamusha (BEEN BADANA!).

-Haddaba yaa yiri ha shaqaysan oo reerkaaga CAYR ha qaataan?

-Ma dowladdaa tiri anakaa xilka kaala wareegney, ee adugu meeshaad rabto mar?

-Maa dowladdaa ku wergeliyo inuu shaqaysto oo aan xaaska wax lacag ah la siin karin?

-Siduu ku yeelay isagoo reerka la nool inay kala qornaadaan xaaska?

Ogoow, dhaqan iyo diin ba kuma fiicnee!
Haddii uu afartaas qodob mid sameeyey ama uu nin shaqaysta oo reerkii biila yahay dacaayaddiisa waa soo dhaweyn lahaa, laakiin, inta xooggisii la caray, oo uu fadhi ku diri tago, oo uu reerkii dayacay in uu naagta ceeb u soo jeediyo, oo uu ku caayo wax uu isagu biday, oo uu yiraahdo CAYR bay qaadataa waa gardaro cad, oo aan qaban gabadhaa xaaska u ah.
3-

MAS’UULIYADDII UU GEBAY: kaalintii Rabbi u dhiibay oo uu ka soo bixi waayo oo uu noqday maqane jooge, carruurta oo uusan ka warqabin, daryeel la’aan  dhinac walba ah, ciidan xumo, shaqo la’aan, naxariis la’aan, kalgacalkii oo meesha ka baxay, balwad iwm ayuu horseeday, isagoo lumiyey masuuliyaddii saarreed.

Ragga oo dhan ma ahan kuwo reerkooda dayaca, laakiin, kuwa aan kor ku soo xusay baa ka mas’uul ah inay in hooyada qurbaha joogtaa ay noqoto mid keligeed carruurta la nool oo cid la ah, ee ma ahan mid ay iyadu dooratay ama eed ku leed ku leedahay, laga yaabee inay qayb ka tahay ama sabab ku leedahay dhibka dhacay, balse, eedda xooggeeda raggaa aan xusya baa leh.
Guubaabo iyo gabagabo;

Waxaan kula talin lahaa inta guryahooda dumisay inaysan dhallinta guurdoonka ah uga sheekayn waxyaalaha xun oo ka fogeeynaaya guurka iyo inay qoys dhisteen, sida ma gabar la guursadaa qurbaha joogta, dhaqankii bay ka tageen, inay ilmaha kaaga tagato bay rabtaa, xaafaayadda ama bambarka ka bedel bay ku leedahay, cuntada ku tuur iyo waxyaabo kale oo iska daciif ah!

Canab Diriye
anabdiriye48@hotmail.com

SHEEKOOYIN