Qormooyinkii U Danbeeyay

Faalkii Sheekhul-kulli. WQ Cabdulqaadir Cusmaan “Aroma”

Faalkii Sheekhul-kulli. WQ Cabdulqaadir Cusmaan “Aroma”

  Faalkii Sheekhul Kulli: (Felegow run sheeg – Fooxow run sheeg – Faalow run sheeg). Cali iyo cambaro ayaa labaatan jir isku guursaday waxaa jirkooda ku duxay caashaq dhiigga iyo dhuuxa ku milmay. Waxay noqdeen qoys maal adduun, mood iyo noolba Alle ku galladay, waxaa Alle dhacaankooda ka beeray oo ay isu dhaleen 10 wiil

Afka ha la Oontiro

Afka ha la oon tiro!   Waxaan doonayaa inaan isweydiinno su’aalo dhawr ah, oo ku saabsan afkeena,       af Soomaaligu ma cid gaaraa leh? Mise waa hanti qaranbaa iyo dowladeed? Aqristoow is weydii yaa xil ka saaran yahay Afka Soomaaliga?. Aan ku billaabee, Soomaalidu waxay si toos ah u dareemaan baahida afka, markay qurbaha iyo waddamada

HAYB-WAAYID! W/Q; Mahad Xaashi Maxamed

HAYB-WAAYID! Hayb-tu waa tilmaamaha qof, walax ama bulsho ay kaga duwanyihiin inta kale ee la midka ah, waana lahaanshaha astaamo gaar ahaaneed oo la xiriira muuqaal, dhaqan, iyo il-baxnimo qeexi kara ahaanshaha cidda ama waxa xambaarsan astaamahaa. Marka aynu ka hadlayno bulshooyinka, mid kastaahi waxay leedahay dhaqan, hadde, iyo arrimo u gooni oo hayb-teeda sees

Gabay: Lacag la’aaneey ba’! W/T: Maxamed Cilmi Dhicisow

Gabay: Lacag la’aaneey ba’! Gabaygan “Lacag la’aaney ba’!” waxaa tiriyey: Maxamed Cilmi Dhicisow. Waa mid is-turjumaya, ifinaya, qeexaya, sheegayana ujeedka iyo ula-kaca maanso ee uu huwan yahey, oo uma baahna arar iyo eray loo goglo, ee akhris wanaagsan. Lacag la’aaney ba’ (Gabay) La’dii gabay ka harey laamahaan, liilin jiray waaye Afka waxayga laambiyey, ayey laba

Gabayga:Hadafsame Curiye; Cabdiraxiin H Galayr

Gabayga:Hadafsame Gabaygan Curiyey 23 Oktoober 2011 waxaana Gabaygan waxuu ka mid yahay gabayada ama suugaanta aan kaga qayb qaadanayo dib u dejinta iyo baraarujinta umada soomaaliyeed ee dhibaatada baaxada leh ee maalin walba sii fidaysaa haysato. Ma habayn beryahan ina Shiroow, Hogaggii maansoode Hannaankeda waa taan dhigayoon, Hilay warkoodiiye Ha’deediyo ma helin waayadan, Gabay hilaaddiise

Maansada:Dardaaran Curiye; Cabdiraxiin H. Galayr

Maansada:Dardaaran Maanshiil / December 11, 2013 Maansada Dardaaran Maansadan Dardaaran waa Maanso waano iyo waayosheeg ah, waa maanso farriin ah oo la hadlaysa guud ahaan dadka Soomaaliyeed oo dhan, Madax iyo shacab, Mudane iyo Marwo, Waa maanso aan is idhi waxay waxtar iyo talo u noqon doontaa dhallinyarada, waxay xusuus iyo caqlicelin u noqondoontaa waayeelka,

MASKAX KALE AYEY KU SOCDAALAAN W/Q; Mahad Xaashi Maxamed

MASKAX KALE AYEY KU SOCDAALAAN Dhawaanahanba waxaa aad usii badanayey wararka sheegaya in caruur Soomaaliyeed oo qurbaha ka tagtay ay ku biireen kooxaha ka dagaalama qaybo ka mid ah Bariga dhexe, iyadoo qaar ka mid ah war-baahinta dunida iyo baraha aaladda Internetka ee Soomaalidu ku kala war-qaadato ay hareeyeen muuqaallo la soo xigtay oo caddaynaya

Top