Xataa xeeldheerayaasha sooyaallada iyo kuwa diimaha qaarkood waxa ay sheegaan in qolyihii Dulqarnayn darbiga ku awday (Yuuj iyo Ma’juuj) ay xoolaraacato ahaayeen.
Qoraaga Soomaaliyeed ee Nuuraddiin Faarax oo ka murugaysan dibadjoognimadii iyo burburkii dalkiisa Soomaaliya ayaa laga hayaa “The country died inside me, and I carried it, for a long time, like a woman with a dead baby.” Aniga oo tixraacaya Nuuraddiin Faarax, ilaa maanta waxa aan dareemayaa in riyadii duuliyanimadu ay calooshayda ku saqiirtay weli na aan meydkeedi walwaalayo.
GARO UJEEDDADA NOLOSHAADA
“Labada maalmood ee ugu mudan noloshaadu waa maalinta aad dhalatay iyo maalinta aad garatid sababta aad u dhalatay” (The two most important days of your life: the...
NOOFALKU MA AHAN MAALAAYACNI
Ayaan dhawayd waa tii ay taagnayd dood kulul oo ka dhalatay buugga: QAB iyo QUURSI, dooddaas oo aan filayo in dadka dhaliyay ay ahaayeen dad aan...
ANIGA IYO MUQDISHO (Q2AAD)
Ha yeeshee, muddo yar ka dib waxa aan ku baraarugay xaqiiqda dhabta ah iyo waayaha runta ah ee ay Muqdisho iyo dadkeedu dhexjibaaxayaan. Bartay oo arkay...