IGU SHEEGA NIN WAALAN
Sheeko Gaaban
Q.8AAD
Aroor Isniin ah sagaalkii subaxnimo oo daqiiqado dhimman baan soo istaagay laan bangi bangiyada Australia kuwa ugu waawayn ka mid ahi ku lahaa suuq gurigayga wax yar u jiray. Waa bangi si wacan ii garanaya, maxaayeelay intii aan Australia joogay oo dhanba bangi kale macmiil u ma noqon. Bangiga waxaa la furaa sagaalka aroornimo, sidaa awgeed, kolkii aan tagey tobaneeyo qof oo in bangiga la furo sugaya ayaa kiyuu ku jiray.
Waxa aan gashan ahay luungadheere kaaki madow khafiif ah, shaati caddays ah iyo jaakad buluug tiq ah, iyo ookiyaale kuwo qorraxda ah oo madow. Gacanta midig waxa aan iigu jira moobeelka gacanta tan bidixna buugga Viktor Frankl ee Man’s Search for Meaning.
Sagaalka subaxnimo markii saacadda garaacday baa irdihii bangiga la ballaqay. Dabadeed markii dhawrkii qofood ee iga horreeyay mid walba gabadh dariishad yar ka soo jeeddaa qaabbishay baa tu yar oo aan filayo in ay asal ahaan Shiinays ahayd inta i soo eegtay tiri: “next please.” Markii aan u tagey bay tiri: “how can I help you Sir?” Inta aan afka u dhaweeyay sidii qof ku sirqarsanaya ayaan ku iri: “give me all the money you have otherwise I will harm you.” Horay baan erayadaa u soo xifdiyay, gaar ahaan erayga “harm” si gooni ah ayaan u soo xushay waayo ma doonayn in aan adeegsado erayga “kill” maxaayeelay ma doonayn in la ii xabbiso “iskuday dil” ee wax aan doonayay in la ii xabbiso “iskuday dhac”.
Markii aan arkay in aysan warkayga dhab u qaadan ayna indhaha taagtaagayso ayaan mar labaad ugu celiyay aniga oo markan si xooggan oo caro ka muuqato u hadlaya indhahana ku gubaya: “yes I am serious, give me all the money you have otherwise I will harm you, I am f… serious!” Si halhaleel ah ayay lacag toban-toban kun isugu xiran miiska dariishadda u soo dhoobtay. Dabadeed dhawr tallaabo ayaan dib uga degay aniga oo indhahaygu ayada ku foogan yihiin si ay iigu malayso bangidhace inkaar qabe ah, laakiin aan doonayn in aan lacagta far saaro. Hal mar baan si feejignaan leh dhinacyada iyo gadaal u eegay mase dadkii bangiga ku jiray oo dhami illinka ayay isku sii buuranayaa oo naftooda la baxsanayaan. Waan dareemay in gabadha ii waabsani batoonka xaaladaha degdegga ah riixday.
Qiyaastii labo daqiiqo markii ay lacagtii soo qufaysay aniguna aan bartii liqdaaran ahay baan mar qur ah maqlay “ha isdhaqaajin, gacmaha kor u taag, xabadka dhulka dhig! Si dhakhso ah baan amarkii ku fuliyay. Waxaa xigay askari oo si naxariis darro ah qoorta jilib iiga saaray iyo mid kale oo si xoogsheegad ah ii garbaduubay dabadeedna ii jeebbeeyay.
“I am not a criminal! I kill nobody! I am not a murderer! Why are you torturing me?” aniga oo ku cataabaya ayay inta kor ii la boodeen oo shaatigaygi madaxa ii galiyeen oo i tukhaantukhiyeen shabaqle bannaanka bangiga u yiil igu tureen.
Qiyaastii saacad iyo bar baan aniga oo jeebbaysan shabaqlihii dhex aallay. Katiinadda tagoogaha iiga roorsan xanuunka ay igu haysay waxaa iiga darnaa xanuunka iyo kaarka aan ka dareemayay labada garab ee gacmaha la garbaduubay. Waxaanba moodayay in garbaha iyo cududuhu kala siibteen. Intii aan shabaqlaha dhex iil waxa keliya ee aan ka fekerayay waxa uu ahaa xanuunka garbaha iyo katiinadda igu roorsan.
Dabadeed shabaqlihii waa uu dhaqaaqay cabbaar dabadeedna waxaa iriddii shabaqlaha lagu ballaqay gudaha saldhig boliis, ka dib inta labo askari i dejiyeen oo qol nalal badan ka daaran yihiin i galiyeen bay garbaduubkii iga u fureen dabadeedna inta labadayda gacmood soo wareejiyeen bay katiinaddii si sidii hore ka naxariis roon iigu xireen. Dabadeed inta kursi igu fadhiisiyeen bay waraysi jirdil iyo maanxanuujis ah igu bilaabeen. Sooyaalkii noloshayda oo dhan bay fatasheen, maalintaan dhashay ilaa saacaddii aan bangiga tagey bay qodob-qodob u dul istaageen. “U ma baahnidiin in aad waxaa oo su’aalo ah waqti iyo tamar isaga lumisaan. U ma baahnidiin baaritaan iyo dabagal dheer. Waan qirsan ahay in aan dambile ahayd ee xabsiga i geeyay. Abidkay dambi kale ma gelin ma na soo helaysan ee waxba waqtiga ha iska luminina ee xabsiga i geeya. Xataa u ma baahnidiin in aad maxkamad i geysaan waayo anigaaba hortiinna ka qirsan dambiga aan galay ee xabsiga i geeyay,” ayaan aniguna ku celcelinayay.
Lix saacadood oo waraysi cadaab ah ka dib inta ay shabaqlihii igu celiyeen bay jeel i geeyay dabadeedna waxa ay igu tuureen qol aad ciriiri u ah oo aan dariishad laga naga neefsado lahayn. Qolku waa ku haawanaya oo aan waxba dhex oollin – sariir, kursi iyo buug midkoodna haba sheegin ‐ bay dusha iiga qufuleen. Neefta ayaa igu dhagtay, waan neeftuuray oo dhididay ka dib na wareeray. Moobeelkaygi iyo buuggii meel kuma sheego. Saacad ii ma xirna sidaa daraaddeed maalin iyo habeen mid ay tahay ma ogi. Harraadka dhuuntu i la qallashay baa iga ga daran. Waxaa xusuus iigu dambaysay aniga oo dhammaan dushayda dhididku qooyay oo sidii qof buurta Daalo orod ku fuulay u neeftuuraya. Aroortii xigtay baan soo baraarugay aniga oo labo askari i dul fadhiyaan oo midkood caag biyo ah igu qulaaminayo. Markii aan miyirsaday bay xoogaa maraq ah iyo jab rooti ah ii keeneen markii aan cunayna aniga oo jeebbaysan bay shabaqlihii igu tuureen.
Waxa ay i geeyeen maxkamadda degmada oo dad boqol ku dhow dhex fadhfadhiyaan. Markii Xeerilaaliyaha dawladdu dambiyadii la ii haystay oo tobaneeyo ah akhriyay baa nin cad oo suud madow iyo taay xirani inta uu istaagay dambayadii la igu oogay daadafeeyay, dabadeedna xaakimkii maxkamadda ayaa i faray in aan istaago ka dib na i waydiiyay in aan dambile ahay iyo in kale (guilty or not guilty). Mahadnaq maxkamadda sharafta leh ka dib waxa aan xaakimkii u sheegay in aanan garanayn weligayna filin ka daawan ninka cad ee difaacayga u istaagay, sidaa oo kalena uusan jirin qof aan u wakiishay in uu ii qareemo. Intaa ka dib waxa aan xaakimkii u sheegay in aan dambile ahay laakiin aanan gelin tobanka dambi ee Xeerilaaliyuhu taxay dambiga keliya ee aan galayna yahay iskuday dhac bangi. Ugu dambayn waxa xaakimkii aan ka codsaday in uu igu xukumo ciqaabta xeerku u jideeyay dambiga aan galay xabsigana ii diro. Dabadeed xaakimkii waxa uu xiray fadhigii maxkamadda asaga oo xeerilaalinta faray in ay muddo 72 saacadood ah ugu keenaan caddaymaha dambiyada ay igu soo oogeen. Intaa ka dib inta shabaqlihii la igu riday ayaa qolkii la igu celiyay.
Labo maalmood oo labo sannadood u dhiganta markii aan qolkii mugdiga ahaa ku xabbisnaa buugaagtii aan dartood dambiga u galay aan il saarin ayaa barqadii maalintii saddexaad waxaa ii timid Jane. Qolku waxa uu leeyahay labo albaab oo kan kore bir adag yahay halka kan hoose ee gudaha xigaa yahay biro shabaq ah. Askarigii waxa uu furay albaabkii kore markaa ayaa aniga iyo Jane oo shabaqii noo dhexeeyo iswaraysannay. Jane foolkeeda yaab iyo amakaag ayaa ka muuqday. Laakiin markii aan u sheegay sababta aan dambiga u falay bay qosol la dhacday ayay oo rumaysan la’ warkayga. Runtii markii hore qof waalan bay i moodday balse markii ay aragtay in ay dhab iga tahay bay si falsafadaysan ii la doodday. Waxa ay igu tiri “nacas baa tahay. Xorriyaddu waa darka ugu dambeeyay ee bini’aadanku geeddiga u yahay. Waan shaqaynaynnaa si aan xabsiga baahida uga baxsanno. Waan guursannaa si aan xabsiga waalidka iyo kelinimadana uga fakanno. Xabsiga keliya ee bini’aadanku ka fakan la’yahay waa xabsiga dabeecadda (nature) kaana dhimashada ayaa naga fakisa. Laakiin adiga sidee ayaa garaadkaagu kuugu qurxiyay in aad nin addoon u noqoto oo uu ku xabbiso? Wax kale ku ma tilmaami karo aan ka ahayn in aad waalatay.”
“Waxaas aad daldashay gebigooduba dabaacadda ayay ka mid yihiin sida aad qirtayna dhammaanteen dabeecadda ayaan addoomo u nahay,” baan Jane ugu jawaabay.
Dood dheer ka dib Jane waxa ay qashinqubka ku shubtay oo ii dacaraysay aragtidii aan iska dhaadhiciyay ee jeelka i keentay. “Adiga oo xor ah wax aad qabsan wayday iyo guul aad gaari wayday adiga oo maxbuus ah gaari maysid,” bay hadalkii iigu gunaanadday. Dabadeed waxa ay igu qancisay in ay qareen ii qabato dabadeedna damaanad lacageed ay maxkamadda iga dhigto si la ii sii daayo ka dib na aniga oo bannaanka jooga la ii maxkamadeeyo.
Markii Jane iga tagtay askarigiina albaabkii waynaa igu qufulay baan feker dheer galay. Feker iyo isla hadalka aan maalintaa naftayda la galay weligay asaga oo kale horay u ma arag. Waxa aan dareemay, markii aan fekerayay in aan dhammaan tuuray oo maankayga ka saaray wax alle waxii feker iyo xusuus horay maankayga ugu jiray keliyana aan diirradda saaray xaalka aan markaa ku sugnaa. Saacado badan oo khilaawayn ah ka dib waxa aan is arkay aniga oo far murugsatadayda sagxadda shamiintada ah ku xarxarriiqaya ku na qoraya hadalkii Carl Jung ee ahaa: “My soul! My soul! Where are you? Do you hear me? I speak, I call you, are you there?”
Maalintii xigtayba Jane boqol kun oo doollar bay damaanad u dhigtay isla galabkiina waa la i siidaayay. Maalintii xigtay markii aan maxkmadda tagnay baa xaakimkii na faray in dhakhtar saykoolojiiste ah la ii geeyo. Markii saykoolojiistihii aan uga warramay sababta aan dambiga u galay in ay ahayd keliya in aan helo kansho aan buugaag badan ku akhriyo waxna ku qoro aad buu marna u yaabay marna u qoslay. Ugu dambayn saykoolojiistihii waxa uu soo qoray warqad uu xaakimka ugu sheegayo in xanuunka qulubku i haleelay balse aysan xaaladdaydu halis ahayn.
Toban maalmood ka dib maxkmaddii ayaa la iiga yeeray. Caddaymaha ay xeerilaalintu keeneen keliya waxa ay noqdeen in aan gabadhii bangiga ku amray in ay lacag i siiso. Xeerilaalintu waa caddayn waayeen in aan lacagta qaadan rabay iyo in kale, maadaama aan anigu horay ugu dooday in ujeeddadaydu aysan ahayn in aan lacag dhaco ama qaato. Waxa kale oo xeerilaalintu ku fashilmeen keenista cid igu markhaati furta. Halka docda kale maxkamadda laga hor akhriyay tobannaan warqadood oo dad i yaqaannay soo qoreen ku na sheegayaan in ay la yaabeen dambiga loo sheegay in aan galay ayaga oo ku adkaystay aqoonta ay ii leeyihiin darteed in aanan ahayn nin fal-dambiyeed noocaas ahi ka suuroobo. Dadka warqadaha soo qoray waxaa ku jiray Muna, Jake iyo maamulayaashii shaqadayda. Jake waxa uu warqaddiisa maxkamadda ku yiri “inkasta oo Jaamac (aniga) saaxiibtay Jane iga boojeeyay oo saaxiib xun igu noqday haddana waxa aan qirayaa in qof ahaan iyo dabci ahaanba uusan ahayn ruux fal-dambiyeed dhac iyo burcadnimo ahi ka suuroobo.” “In uusan maskax ahaan fiyoobayn baan filayaa” ayuu sii dabadhigay.
Toban beri ka dib baan mar kale maxkamadda xaadiray aniga oo Jane i la socoto. Maalintan waxa keliya ee maxkamadda aan u tagnayd waa dhagaysiga go’aanka maxkamadda iyo xukunka ay igu ridday, in aan dambile ahay oo xabsiga la ii diro ama dambilaawe xor ah. Jane aad bay u walaacsanayd u na welwelaysay balse anigu inkasta oo aanan sidii hore xabsiga u rabin haddana wax welwel iyo walaac ah kama qabin in dhawr gu’ oo xabsi ah lagu rido.
Maalintan hoolka (hall) maxkamaddu waa buuxay oo boqollaal qof oo weriyayaal ku jiraan baa fadhfadhdiyay. Cabbaar markii aan fadhinnay baa xaakimkii soo galay, dabadeedna inta loo istaagay oo madaxyada la foorarshay baa fadhigii lagu noqday. Dabadeed xaakimkii waxa uu taxay dambiyadii xeerilaalintu igu soo oogtay. Intaa ka dib waxa uu akhriyay go’aankii maxkamadda. Markii xaakimku bilaabay akhrinta go’aanka maxkamadda ayaa Jane kolkoshayda midig wejiga gashatay halka labadeeda gacmood ay midna garabkayga bidix si xooggan ugu cantoobisay midda kalena bawdadayda midig ugu tuujisay si ay isu moogaysiiso go’aanka xaakimka oo aysan oddorosi karin midka uu noqon doono.
Xaakimkii waxa uu mid mid u daadafeeyay oo daaqadda uga tuuray dambiyadii xeerilaalintu igu soo oogtay ilaa ugu dambayn uu qodobkii ugu dambeeyay xeerilaalinta ku raacay kaa oo ahaa khalkhalgelin goob ganacsi iyo u hanjabid shaqaale. Qodobkaa ugu dambeeya ayaa wax dambi ah la igu helay waxaana maxkamaddu igu xukuntay saddex boqol oo saacadood oo shaqo bulsho (community work) iskaa wax u qabso ah iyo lacag shan kun oo doollar ah taa oo ah kharashkii fadhiyadii maxkamadda.
Markii xaakimku hadalkii dhammeeyay baa Jane inta alalaas ku dhufatay igu soo boodday oo isku kay duubtay. Ilaa hal daqiiqo ayay igu duubnayd ama aan iskuduubnay.
Waxa aan maxkamaddii ka soo baxnay aniga iyo Jane oo weli iskuduuban. Inkasta oo waxii dhacay iyo waxii aan sameeyay dartood aan dareemayay sidii oo aan tacsidaydi ka qayb galay haddana waxa aan maxkamadda ka soo baxay aniga oo ku kalsoon oo huba in aan ruuxdaydi helay.
Lix bilood ka dib waxaa bartamaha Gaalkacyo looga alalaasay meherka aniga iyo ruuxdayda, Jane Scott oo imminka ina-ayaheeda oo buuxaa yahay Jane Scott Guuleed.
Dhammaad
Waxaa qoray Cali M. Diini