Home Qoraallo Gorfeynta buugga GASO, GANUUN IYO GASIIN W/Q: Cabdikariin Shardi

Gorfeynta buugga GASO, GANUUN IYO GASIIN W/Q: Cabdikariin Shardi

0
SHARE

Gorfaynta buugga GASO, GANUUN IYO GASIIN

GOGOLDHIG

Hor iyo dambeedba, waxa ay mahad oo idil u sugnaatay Eebbaha awoodda leh ee innagu galladay awoodda akhriska, qoraalka iyo fahamka. Eebbaha inoo hadiyadeeyay nimcooyinkiisa ciiddaa ka faraha badan. Raacis iyo dabagal waxaa mutay suubbanihii Maxamed nabadgelyo iyo naxariis dushiisa ha ahatee. Intaas ka dib;

Dadka ha ka sinnadaan ama qaarkood ha u gaar ahatee, waxa ay marmar wayaan wax ay jeclayeen. Waxa ay kari wayaan shey ka tagistiisa horay loogu kari waayay. Wax ay ku mamnayeen ayey baryo ka maagaan. Qorayaayada barbaa muddo qalinka haleeli waayo. Muddo bay kala ambadaan qalinka iyo qoraalka. Sidoo kale, suugaanleydu barkood bay mararka qaar ka haaddaa awoodda curintu. Maskaxda baa u godlan weyso, kolkaas bay muddo aan yareyn laba isa saari waayaan. Sidoo kale, akhristayaasha marar buu cudurkaas oo kale halelaa. Mar bay buugga isa segaan. Marar aan yareyn bay muddo ismogadaan. Kolkaas baa marka ay buugga soo qabtaan caajis lagu soo turaa. Hawlo kale baa ku furma, kolkaas bay maleyaan in awood qarsoon akhriska u diideyso. Si kastaba ha ahatee, inkasta oo aan akhriska jeclaa, haddana muddo bilooyin ah baan buug kala furin. Hawlo kale baa iga xigsaday oo akhriskii oo idil iga qariyay, kolkaas baa marka ay hawshi ii idlaatay, wahsi daran wax la akhrin waayay. Balse, buugga GASO, GANUUN IYO GASIIN waxa uu ahaa buugga mar kale ii ballaqay albaabbada akhriska. Waxa uuna igu soo celiyay xiisihii aan weligeyba u hayay baalasha buugga.

Buugga waxa uu u qoran yahay qaab sheeka-faneed ah. Kolka hibeybta, mahadnaqa iyo xuquuq dhowrka laga reebo, waxa uu ka kooban yahay: 219 bog. Waxaa daabacday Laashin. Waxaana qoray baresare: Cali Jimcaale Axmed.

“[…Cali waa barofaysar wax ka dhiga Queens College ee jaamacadda magaalada New York ee dalka Maraykanka. Waa madaxa qaybta isbarbardhigga suugaanaha dunida (Comparative Literature): waxa uuna dhigaa suugaanta Afrika, Yurub, Mareykanka, Aasiya iyo tan Caalamka Islaamka. Waxa uu shahaaddada Ph.D ka qaatay jaamacadda UCLA, Kalofoornia. Waxa uuna ku takhasusay, buugaag badanna ka qoray, halka ay iska qabtaan suugaanta, dhaqanka, bulshada iyo siyaasadda…….” [ fiiri b. i]

Sidoo kale borofaysarka waxa uu qoray buugaag dhawr ah, balse kani waa midkiisa ugu horreeyay ee uu afkeenna hooyo ku qoray.

Ogaalkeyga, sheekadaan waxa ay ka duwan tahay guud ahaan sheeka-faneedda Soomaalida oo tiro ahaan tirsama, waxabanna isaga eg. Waa doorka aqoonyahanka laga filayaye, barofaysar Cali waxa uu sheeka-faneedda Soomalida ee tabaryarida isla ciileyso u jeexay dhabbo cusub. Waxa uu ka duway dhabbo aynu muddo kusoo dhexjirnay. Jihada cusub, inkastoo faallo, falaqeyn iyo falkin u baahan tahay, haddana Borofaysarka waxa uu lasoo golejoogsaday hal-abuurkiisa gunta ballaaran iyo aqoontiisa ku aaddan falkinta sheeka-faneedda.

Gondaddeg

Horraantiiba, waxaa fasiraad iyo fahan qofka kaga baahan kara magaca buugga. Waxa uu ka koobadan yahay saddex eray. Saddexda eray waxay ka siman yihiin xarafka G oo ay ka wada billowdaan. Sidoo kale saddexdoodaba waxa ay ka siman yihiin xarafka labaad oo A ah. Kolka miyiga la joogo, saddexdoodaba waxa ay soo galayaan waxyaabo muhiim u ah reerka miyiga ku dhaqan. Fahamkeyga Gaso waa xeerada xoolaha, Ganuunna waa huruub yar oo xoolaha lagu maalo sidoo kale waa afsaarka ama daboolka dhiisha halka uu Gasiinku yahay jadiin, dheef ama dhuuni middaad doonto ku sheeg. Judhiiba ka duwanaashaha sheekada Bare Cali waxa aynu ka dheehan karnaa ciwaanka. Sida qaayibka ah, sheeka-faneedda Soomaalida inta badan waxaa loogu magacdaraa jilaaga ama qofka ugu firfircoon sheekada. Tobaneeyo sheeko oo nocaas ah ayaa jira. Ma ahan dhabbo xun, balse mar walba waxaa habboon in la dhiirrageliyo kala duwanaasha qaababka sheekooyinka, maddaama qoraayada fekerkooda, caqligooda iyo cilmigooda kala duwan yahay.

Sheekadu waa safar miyi ilaa magaalo. Waa safar macaan oo aadan ku caajiseyn. Sheekadu waxa ay ku saabsan tahay reer Jabaq. Waa qoys ka kooban, hooyo, aabbe, Jabaq, kuray ka yar iyo laba gabdhood. Qaybaha hore ee sheekada oo dhan, waxa aynu qoyska ka garaneynaa waa Jabaq oo kaliya. Qoraaga inooma sheegayo jilaayaasha kale ee qoyska ka tirsan. Qofka saddex summad ayuu yeshaa. In uu magaca dheer oo geyiga laga yaqaan leeyahay oo hebel marka loogu simo la garanayo. Ama in uu qoys magac leh ka dhashay oo reer hebel kolka la yiraah la isweydineen. Ama in uu aabbihii magaca geyiga ku leeyahay oo ina hebel marka la yiraah cid kastaba garato. Sheekada hadda, wiilka reerka ugu weyn ayaa u summad ah. Waa Jabaq. Reer jabaq. Jabaq aabbihii. Jabaq hooyadii. Jabaq walashii. Jabaq walaalkii. Sidaas ayey ku soconeysaa. Kolka aabbaha iyo hooyada laga reebo oo aynu magacyadooda qaybaha dambe ku arki doono, dadka kale ee qoyska ka tirsani in ay Jabaq walaalo yihiin moyee, waxkale ka garan mayno. Waa jidbixiyeen iyo dhabbo xaaris kale oo iyana cajiib ah. Waa waxybaabo aan yareyn oo sheekada Buuni Cali kaga geddisan tahay sheekooyinka kale ee Soomaalida.

Sheekada waxaa dhex ceegaaga erayo badan oo eraykoobka Soomaalida beri hore ka baxay ama ka sii baxaya. Marar badan ayaadan ka maarmeeyn in aad qaamuuska eegto. Marar badanna waxa aad arkeysaa eray aadan waayo badan arag oo aad afka uun ka maqli jirtay, balse, ay qoraalkiisa kuugu horreyso. Waa hawl loo baahnaa, qoraagase isku xilqaamay. Inta aad sheekada waddo waxa aad oganeysaa tabartaada af Soomaaliga. Haddii aad awood badan iyo aqoon badan isku tuhmeyso waxa ay u badan tahay in marar aan yareyn lagu lagdi doono oo dhinacaada dhulka lasoo taabsiin doono.

Waxa uu qoraaga adeegsanayaa suugaan dhaadhi ah oo hadba xiriir qotodheer la leh dhacdada uu warinayo. Murti iyo maahmaah hadba ku qotonta waxa uu tabinayo ayuu isticmalayaa. Hees-ciyaareed badan oo badankood koonfurta Soomaalya laga cayaaro ayaa ku badan buugga. Kolka aad aragto heesahaas oo aad iskaa u xifdisay, ayada oo aysan jirin cid kugu qasabtay iyo cid kaa dhegeysatay toona, xasuuso hore oo maskaxdaada keyd ku ahaa ayaad milicsaneysaa. Qaabka loo cayaarayay ayaad yara jileysaa adiga oo buugga aqrinaya. Goobta iyo goorta aad dheeli jirtay ayaad isdultageysaa. Sidoo kale sheekadu marar aan yareyn waxa ay ka shekeyneysaa dhaqanka miyiga iyo kan magaalada ee Soomaalida. Dhaqamo gabaabsi ku ah geyiga oo aysan dhallintu badankooda garaneyn ayuu soo tabinayaa. Habka xoolaha loo dhaqdo. Sahanka iyo hayaanka. Daris iyo ood wadaagga. Kaallinta odayga. Kaallinta kurayga. Kaallinta hooyada. Midka foodleyda. Habka suubban ee sooryeynta. Magacyada dhirta. Kuwaa iyo kuwa kale oo la mid ah yaad meelo badan kaga bogoneysaa. Ka sokow quruxda iyo qaabsamidooda, waxaa cajiib ah sida farshaxanka leh ee uu qoraagu usoo gudbinayo. Halkaana waxa aad ka oganeysaa in sheekadu ay tahay dhaqan, suugaan iyo sooyaal side.

Sheekadu waxa ay ku qoran tahay afguri badankiisa laga adeegsado koonfurta Soomaaliya gaar ahaan Banaadir iyo labada Shabeelle. Lahjadda Maayga ayaa iyana meelo badan ku jirta. Suugaan ka duwan midda badankeedu Soomaalida xifdisan tahay iyo abwaanno ka duwan kuwa yar ee aynu naqaan ayaa ku jira. Malahayga qoraaga xasuusin ayuu ka waday. Haddii shalay kas ama kam midday tahayba looga tagay oo suugaantooda dhegjalaq loo siin, maanta in aysan xeer iyo xaq toona ahayn in hal-abuurrada la kala darajeeyo oo kuwa suugaantooda la dafiro kuwana sare loo qaado ayuu ka digayaa.

Maadaama sheekadu miyi iyo magaalaba mareyso, halka ay labada qayb iska galaan ayaan ku arkenaa isfan waa aynu filaynay. Maddaama dadku kala dhaqan iyo dhul duwanaa oo qofba si nolosha u tababbartay waxa ay isku fahmi wayayaan waxyaabo aan yareyn. Waxa aynu ka xusi karnaa, marka Jabaq aabbihii magaalka yimid. Odayga waxa uu igaar u dhawaa weydinayaa waxa dadku safka ugu jiraan. Wiilkana waxa uu u shegayaa in Maana-Faay safka loogu jiro. Odayga fajac iyo amakaag ayaa kasoo haraya. Wax uu isweydinayaa waxa ay raggaan oo idil gabadhaas ka donayaan. Dhaqanxumo baahday ayuu u fahmayaa. Wixii Maana-Faay dhalay ee falfal xumadaan u oggolaaday ayuunna isweydinayaa. Labada kala bariday kala war la’! Ninna xiisaha ay sheekada Maana-Faay ku heyso ayuu usoo baxay, ninna dhaqanxumo ayey ka jogtaa.

Sheekada inta ay socoto waxaa ku hardamaya Aw Qoraa iyo Aw Sheekoole. Inyar haddii ay socotaba iyaga ayaa soo dhexgalaya. Murankooda ayaa baxaya. Waxa aadna hadalkooda kaga nasaneysaa haddii aad sheekada ku caajistay. Aw Qoraa waxa uu iska shegayaa ninka sheekada qoraya, halka Aw Sheekoolana yahay midka warinaya ee laga qorayo. Diriritooda ma joogsato. Qaabka sheekada loo dhiteynayo ayey ka murmayaan. Midba midka kale ayuu eedeynaa, dacwana ka yahay.

Buugga waxyaabaha cajiibka ah ee ku jira waxaa ka mid ah, sheekooyin ka baxsan sheekada buugga. Si aadan u caajisin, waxa aad arkayasaa marka aad inyar socotaba sheeko kale oo hor leh. Ilaa heer aad tii hore in aad hilmaamto ku dhawaato ayaad gareysaa. Sheekooyinka uu qoraagu kusoo dhextuuranayo waa ay noocya badan yihiin. Qaarkood waxa ay fasirayaan sagaradda ka horreeya, faahfaahin ayey u yihiin. Qaar kale dood ayey ka keenayaan waxa uu qoraagu qoray. Qaar waa madaddaalo lagaaga meyrayo haddii aad sheekada ku daasho. Qaar kalena waa tixraac. Waxa uu qoraagu kuu tilmamayaa buug, maqaallo iyo meelo aad ugu hagaagi karto dhacdo ama fikrad uu sagarada hore kaga soo hadlay. Marar kalena waa dhambaallo uu qoraagu ku sheegayo in ay akhristayaasha buugga xaggooda ka yimideen, kuwaas oo wax ku daraya, ka dhimaya, dood ka keenaya mararka qaarkoodna diidaya fekradaha sheekada ku jira. Waxa ay ka mid yihiin waxyaabo aan yareyn ee uu Barofaysar Cali kusoo kordhinayo falkinta sheeka-faneedda Soomaalida.

GABAGGABO

Waa wax lagu farxo, inta dhigaalka af Soomaaliga daneysana dhambaal farxadeed u ah in Barofaysar Soomaaliyeed oo jaamcadaha adduunka kuwooda ugu madaxa fiiqan wax ka dhiga, dalkana ka maqan uu sidaa af Soomaali wax ugu qoro. Maktabadaha af Soomaaliga, muddo aan yareyn waxa ay u gar dhiganayeen Barofaysarada Soomaaliyeed oo wax ay kusoo kordhiyaan ha jogtee, magacyada ay baraha bulshada ku adeegsadaan hab aan hagaagsaneen u qoro.

Inkasta oo aan juuq loo oran, wax la garnaqsadana ay waysay, haddana buugga Barofaysar Cali waxa uu u muuqan karaa qayb aad u yar inta laga sugayay aqoonyahanka Soomaalida oo aad mooddo in ay badawnimo u arkaan in af Soomali wax lagu qoro. Sida in ay cid kale la hadlayaanna, farriinta ay Soonaalida u sidaan ku qoro afaf qalaad.

Kolka la eego darajada aqooneed ee uu qoraagu wato iyo sida ay dadka darajadaas xambaarsan u gabeen kaallintooda ku aaddaneed kobcinta afka Hooyo, Cali waxa uu mudan yahay mahadcelin iyo bogaadin.

W/Q: Cabdikariin Shardi

shardi424@gmail.com
Muqdisho-Soomaaliya

SHARE