Home Qoraallo Dooddii buugga Garoob iyo Godob rageed W/Q: Cabdulle Cabdi kariim (Abka Xaaji)

Dooddii buugga Garoob iyo Godob rageed W/Q: Cabdulle Cabdi kariim (Abka Xaaji)

0
SHARE

Waxaa si habsami ah noogu soo idlaaday, kulankii gorfeynta buugga Garoob iyo Godob raggeed ee ay qortay: Nimco Nuur Waxaa isku soo duba-riday oo soo gudbinayay si toos ah, xarunta suugaanta iyo dhaqanka Shuuriye. Inkasta oo buuggu uusan weli i soo gaarin haddana waxaa igu filneyd intii caawa aan dhago dhageeyay. Qoraaga buuggu waxa ay diiradda ku saartay eed laga galay dumarka Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa qurbaha ku nool, qaar ka mid ah.

Waxaa sidoo kale goobta joogay: Dr Xuseen M. Cabdulle Wadaad iyo Dr Jawaahir Daahir oo naga dhigayba buuggii inuu na hor yaallo sida faahfaahsan ay ugu dul kufeen, taasoo dadka intiisa badan u sahashay in ay su’aalo ka weydiiyaan kana talo bixiyaan qof walba sida ay la tahay. Caa’isha oo aheyd iyana xariiriyaha caawa waxa ay ka qaadatay kaallin mug leh iyo marti sharafta kasoo qeyb gashay gaar ahaan Reer Abkoow iyo asxaabta daaha gadaashiisa wax ka maamuleysay.

Buugga si guud iyo si gaar ahba waxa uu  uga hadlayaa, hagardaamooyinka dumarka loo geysto, sida in lagu jajuubo nin aysan rabin deedna inta dhowr cunug ka dhalo kaga tago weliba ayagoo joogo dal shisheeya ay gabartii la daalaa dhacdo keligeed, ayadoo qaxarkii hore ku jirto mid kale haddana uu u seex seexdo oo ay iska aaminto haddana dhulka la jaro. Gabadhii dhibbanaha aheyd, magac bixinta garoob loo arko in ayada uun garoob tahay ninkiina uu hadduu tobaneeyo soo furo uu wax eed ah ku laheyn oo tii la furaaba ay tahay baali aan naf laheyn, taasoo u eg amaba ah faquuq dumarka loo geysanayo.

Arrimaha guurka ku xeeran sida buuggu uu qaadaa dhigayo waa dhacdooyin dhab ah oo bulshada ka dhex aloosan qofka miskiinka ah ee la liidayo oo intaa loogama harin oo waxa la leeyahay waa tii garoobka aheyd hoostey ka waalan tahay iyo erayo bahdil ah oo qofka dhaawacaya sababna u noqon kara in ay gasho marxalad waallida dhaqanta ah. Aaway damiirkii iyo dadnimadii iyo karaamadii Soomaaliyeed aaway dhaqankeennii iyo diinteennii suubbaneyd. Waxyaabaha is diiddooyinka is diiddan waa annagoo islaamnimo sheeganeyno haddana aan  u toob heyn.

Arrimaha buugga ku xeeran iyo fariinta uu gudbinayo:

Marka hore aan ka billaabo si aan isku xasuusinno wax walba oo la sameeyo ammaantooda iyo dhaliishooda waa wataan, xaqiiqdana waxa ay tahay, inta uurku uu buki lahaa carrabku ha buko, taas oo ka dhigan inaad sheegto wixii gudahaaga ku jira si aad nefis iyo nasiino u hesho. Waxaan aad u bogaadinayaa sida hufan ee su’aalaha iyo jawaabaha la is kula helay, oo qof walba aragtidiisa iyo sida ay la tahay uu toos u abbaaray, Nimco oo ah qoraaga buuggana  ay iska caabbin badan muujisay iyo weliba is barbardhig. Anigana waxaan dhihi karaa: waa guul u soo hoyatay dhallinyarada, taasoo aan u sababeynaayo guushaas ugubka ah oo marba marka ka sii danbeyso kor u sii kaceyso iyo bahasha la yiraa munaafaqadda oo laga sii guuraayo, inta badan Soomaali haddaan nahay waxaa aad noogu yar is fahamka iyo armuu qofkaan hadalkaaga si kale u qaataa, maya saa ma aha wax is weydiin ma xumo wax is weydaaris baa daran,  weydii wax kaa lumaayo ma jiraan.

Soo jeedintii barbaariye: Bashiir Cali Xuseen  oo aheyd sidaan:

Maaddaama buuggu uu xambaarsan yahay magaca Godob waxaa ila habboon in ubaxa guduudan oo ka dhigan jaceyl iyo naxariis, barwaaqo ah meeshaas lagu beddelo wax kale oo ka tarjumaaya baahida godob.

Sida buugga jaldigiisa ka muuqata waxaad aragtaan ubax guduudan oo geedo baraf qallijiyay ka dhex muuqda Nimco oo noo fasireysa  waxa ay ku tilmaantay Ubaxa inuu u taagan yahay hablihii soomaaliyeed ee soo hayaamay nolol cusubna ka sameystay qurbaha qaxarka iyo qabowga dhexdiisa. Sidaas ayey uga warcelisay jawaabtii barbaariyaha qoraagu.


Abwaan: Cabdiraxiim H. Galayr ayaa weydiiyay buugga inuu dhan ka raran yahay oo rag badan oo soomaaliyeed ay hablahu dhibaato badan u geysteen sababna ay u ahaayeen reerkaasi inuu burburo taas maxaad ka leedahay?

Jawaab:

Waa jirtaa, dhibku inuu labada dhinac taabtay, balse, godobta nimanka qaar ayaa galay intii wanaagsaneydna kama ay falcelin aamusnaantuna oggolaanshaha ayey ka mid tahay, waxaan xoogga u saaray inaan ifiyo in aanan dhaweyn.

Qoraa: Cali M Diini oo su’aashiisu aheyd mid guud oo talo soo jeedin u eg ayaa weydiiyay kuwa u ololeeya xuquuqda dumarka ee adduunka waayahaan uu diiradda ku haayo  ma la oran karaa xuquuqdii hooyanimo ayaa meesha laga tuurayaa?

Isku soo wada duub ee buugga waxa uu ka tarjumayaa  sidii dhaqanka gurracan loo suulin lahaa hoosaasintana dumarka looga deyn lahaa, si taas loo hirgaliyo waa in la helaa qorshayaal iftiimiya halka boogtu inooga taal oo ah mid kasoo unkantay barbaarinta, Dhankaad doonto iska taag  aayaddii Alif ka hallowdo albaqra kama toosto iyo meesha ugu daran ee ah; in aan ka feejignaano is dhex gelinta dhaqanka reer galbeedka iyo keenna.

W/Q: Cabdulle Cabdi kariim (Abka Xaaji)

Naga la soo xariir: laashin77@gmail.com

SHARE