Home Qoraallo XOGTA DAHSOON EE AADAANKA SALAADDA W/Q: Xasan Cabdulle Calasow “Shiribmaal”

XOGTA DAHSOON EE AADAANKA SALAADDA W/Q: Xasan Cabdulle Calasow “Shiribmaal”

0
SHARE

XOGTA DAHSOON EE AADAANKA SALAADDA!

Waa maxay aadaanku?

Aadaanku, waa yeermo, ogeysiis iyo xusuusin dadka islaamka ah ee howlahooda nololeed ku jira lagu ogeysiinayo in la gaaray amminkii salaadda la dukan jiray. Qof walba oo aadaanka salaadda maqlaa wuxuu ogaanayaa in la gaaray waqtigii salaadda isla markaana wuxuu isu diyaarinayaa inuu salaaddaas dukado si uu amarka Eebbe ku waajibiyey u oogo.

Halkee ayuu ka yimid aadaanku?

Suubbanaha (SCW) markii Eebbe u soo diray aadanaha inuu ku xiro Eebbihii abuuray, isla markaana dige iyo waaniye looga dhigay aadanaha, waxaa Eebbe ku waajib yeelay aadanuhu inay qiraan kalinimada Eebbe iyo run ahaanta Rasuulka. Haddaba markii Suubbanaha (SCW) la dheelmiyay, waxaa Eebbe ku waajibyeelay inuu dukado dadkana uu baro shan salaadood, taas oo ajir ahaan u dhiganta (50) konton salaad, balse, shan salaadood oo kaliya qofka laga rabo 24-saac ama habeen iyo maalin.

Muslimiintu markii ay xoogeysteen oo ay caqiiddadii islaamka qaateen ayaa waxaa loo baahday inay muslimiintu helaan astaan ama calaamad iyaga u gaar ah, isla markaana asaxaabta qaar ka mid ah ayaa waxay Suubbanaha s.c.w. usoo jeediyeen inay sidii Yuhuudda iyo Kirishtaanka sammeystaan astaan u gaar ah. Ummadaha kale ee aan islaamka aheyn waxay leeyihiin calaamado ay aqoonsadaan. Kirishtaanku waxay lahaayeen: gambaleel ay yeeriyaan marka la gaaro xilliga ay cibaadeysanayaan. Yuhuudduna waxay lahaayeen; seeri ama firinbi ay yeeriyaan marka la gaaro waqtigooda cibaadada. Sidaas oo kale ayaa asaxaabtii Nabiga s.c.w. la nooleyd waxay usoo jeediyeen inay labadaas astaamood ay mid ka qaataan, balse, Suubbanaha s.c.w. waa ay cuntami wayday inuu sidaasi yeelo, waana ka biyo diiday arrintaas, isla mar ahaantaana waa uu iska aamusay.

Sidee ayuu ku yimid AADAANKU?

Sida aan wada ognahayba qur’aanka kariimka ah oo diinta islaamka saldhig u ah iyo sunnada Suubbanaha s.c.w. oo iyana tiirka labaad ee islaamka ah, waxay waxyi ahaan ugu soo degi jireen Suubbanaha s.c.w. Waxaana xagga Eebbe uga keeni jiray Jibriil c.s. balse, aadaanku kama mid ahan waxyiga Suubbanaha s.c.w. Ku soo degay. Aadaanka waxaa ku riyooday mid ka mid ah saxaabada Nabiga s.c.w. isla markaana markii uu riyadaas la kulmay saxaabigu wuxuu ula soo degdegay Suubbanaha s.c.w. si uu ugu sheego. Saxaabigu markii uu Nabiga s.c.w. uga sheekeeyay arrintaas riyada ah ee aadaanka, Nabigu s.c.w. waa uu ku qancay, isla markaana Bilaal ayuu amray inuu masaajidka dushiisa koro oo uu addimo. Sidaas ayuu addinku ku naqday mid astaan iyo calaamad u ah ummadaha Islaamka, isla markaana ay salaadda ku xasuustaan in la gaaray goortii la oogi lahaa ama la dukan lahaa.

Intii uu noolaa ma addimay NABIGU s.c.w ?

Suubbanuhu s.c.w. 63-sano ayuu noolaa oo uu adduunka joogay. 63-daas sano ee uu noolaa, 23 ka mid ah, wuxuu ahaa Rasuul iyo nabi. Sidaa darteed’ Suubbanuhu 23-kaas sano ee uu Imaamka ahaa hal salaad oo ka mid ah ma addimin. Taas macnaheedu waxay tahay: “Nabigu s.c.w. weligiis ma uusan addimin, hal salaad ba ha noqotee”.

Waa maxay sababtu?

Culimada Islaamka ee aadka u baartay sababtaas waxay ku macneeyeen dhowr sababood ku waas oo kala ah sidaan:

  1. Inuu yahay Imaam. Imaamku waa hoggaamiye, hoggaamiyana waxaa laga sugayaa howlo waaweyn oo aad u tira badan. Sidaa darteed, Suubbanhu s.c.w. wuxuu jaangoynayey arrimaha islaamka iyo guud ahaan kuwa aadanaha, taas oo aan u suutagelineyn inuu addimo. Isla xilligaan aynu noolnahayna weli waa sidaas oo imaamku ma addimo ee waxaa addima qof si gaar ah loogu xilsaaray ama qofkii kolkaas jooga oo kanshadaas (Fursaddaas) hela, balse, imaamku ma addimo. Ma jirto sabab ka reebeysa imaamku inuu addimo, balse, dhaqankii laga bartay Suubbanaha s.c.w. ayaa sidaas ahaa. Cumar binu Khiddaab R.C. ayaa yiri: xilligii uu khaliifka islaamka ahaa: “Haddii aanan ahaan laheyn amiir, aniga ayaa aaddimi lahaa”.
  2. Suubbanuhu s.c.w. inuu diiddanaa inuu isagu is ammaano ama uu is rumeeyo, taas oo iyana laga yaabo inay muslimiinta qaar ay shaki ku abuuri laheyd.
  3. In marka uu Nabigu s.c.w. addimo, qofkii imaan waaya uu noqonayo qof diintiisa tarar galay ama uuba gaaloobay, maxaa yeelay, aayad ayaa leh: “Haddii aad khilaaftaan ama aad diiddaan amarka Subbanaha s.c.w. waxaa idin asiibaya fidno, balaayo iyo cadaab daran oo aliim ah”. Suuradda al-Nuur, aayadda: 63-aad. Haddaba qofkii yeermada Suubbanaha ku imaan waaya, waxa gaaraya waan naqaannaa, sidaa darteed, naxariis iyo dhimrin uu islaamka iyo guud ahaan aadanaha u dhimrinayo ayuu u diiday inuu aaddimo. Suubbanuhu s.c.w. Inuu noolaha oo idil naxariis u ahaa waxa caddeeyay qur’aanka, isla markaana Eebbe ayaa yiri: “Suubbanaha ma aanan dejin/derin, illaa waa mid caalamka oo idil aan ugu naxariisanayo”. Suuradda al-Anbiyaa, aayadda: 107-AAD.

Xogta dahsoon ee aadaanka:

Aadaanka salaaddu ma ahan oo kaliya qaab iyo si lagu ogaysiinayo dadka in lagaaray amminkii Salaada ee waxa ku duugan ama ku aasan mucjisooyin iyo arrimo la yaab leh oo aan maanka aadanuhu keeni karin badidood, balse, culimo badan ayaa isku dayey inay wax uun ka ogaadaan, xogta dahsoon ee aadaanka. Haddaba, culimada islaamka qaar ka mid ah ayaa caddeeyay xisaabaadka seyniseed ee aadaanka, isla markaana, culimadaas waxaa ka mid ah: Sh. Abdidaa’im Al-kaheel. Marka la tiriyo, aadaanku waxa uu ka kooban yahay: 12-ba weerood ama 12-jumladood, ku waas oo iyana sii noqonaya: 50-eray ama 50-xaraf. Tusaale:

  1. الله أكبر الله أكبر
  2. الله أكبر الله أكبر
  3. أشهد أن لا إله إلا الله
  4. أشهد أن لا إله إلا الله
  5. أشهد أن محمداً رسول الله
  6. أشهد أن محمداً رسول الله
  7. حيَّ على الصلاة
  8. حيَّ على الصلاة
  9. حيَّ على الفلاح
  10. حيَّ على الفلاح
  11. الله أكبر الله أكبر
  12. لا إله إلا الله.

Sida aan soo tilmaamay, aadaanku wuxuu ka koobanyahay: 50-eray ama xaraf. Qur’aankuna wuxuu tilmaamay in eray walba ama halkii xasano uu u dhigmo 10-xasano. Eebbe wuxuu ku yiri: Suuradda al-ancaam, aayadda: 160-AAD: “Ruuxii la yimaad hal xasano, waxa loo qorayaa: 10-xasano”. Balse, xummaanta Eebbe ma labab laabo oo qofkii hal xummaan ah la yimaada waxaa loo dhigayaa hal xabbo. Isla ayaadda ayaana tilmaameysa. Haddaba, Eebbe wuxuu nagu waajib yeelay shan salaadood ku waas oo kala ah:

  1. Salaad subax.
  2. Salaad duhur.
  3. Salaad casir.
  4. Salaad maqrib.
  5. Salaad cishe.

Haddaba shantaas salaadood iyaga oo 5-kaliya ah ayey haddana u dhigmaan 50-salaadood. Hal salaad haddii aad dukato, waxaa laguu qorayaa 10-salaadood. Cajiib! Waa dhimrin Ilaaheey uu noo dhimrinayo. Suubbanaha c.s.w. markii la dheelmiyey ee salaadda lagu soo waajibyeelay ee intuu nabiyullaahi Muuse c.s. soo maray ku yiri: ‘U noqo Rabbigaa, ummaddaadu ma qaadi karto 50-salaadoode’. Nabigu wuxuu xaddiis ku yiri: ‘Waxaan dib ugu laabtay Rabbigeey’ wuxuuna yiri: “salaaduhu waa shan salaadood, waxayse u dhigmaan konton, lamana beddelayo qawlkayga”. Imaam Bukhaari ayaa weriyey. Haddaba, waxaa yaab leh! In ereyadii aadaanka oo sida aan soo xusay ah: (50) weerood ama kelimadood ka kooban in ay isku mid noqdeen kontonkii salaadood ee uu Ilaaheey ku qoray kitaabka: “Looxul Maxfuudka”.

Haddii aan tirinno xuruufta uu aadaanku ka koobanyahay waxaan ogaaneynaa inay yihiin: (17 xaraf) oo qaarkood ay soo noqnoqdaan. Shaxdaan ka fiiri:

ا ل هـ ك ب ر ش د ن م ح س و ي ع ص ف

Halkaan maxaad ka fahantay? Toban iyo toddobadaas xaraf ama eray AADAANKA salaadda ayaa ka kooban. Salaadduna waxay ka koobantahay shan salaadood. Shanta salaadoodna waxay ka kooban yihiin: 《17-rakco》. Cajiib! 2-ba rakco salaad subax, 4-rakco salaad duhur, 4-rakco salaad casir, 3-rakco salaad maqrib, 4-rakco salaad cishe. Isu geyn 17-rakco. Halkaas waxaan ka helnay: 17-da xaraf ee aadaanku ka koobnaa oo la mid ah: 17-dii rakco ee shanta salaadood ay ka koobney. Jaangoyn iyo dheellitir ayaa halkaas ku dhan. Annagana mucjiso iyo ku cibra qaadasho waa ay noogu filantahay!.

Sannadka iyo aadaanka:

Sannadku wuxuu ka kooban yahay: (12) toban iyo laba bilood. Toban iyo labadaas bilood waxaa laga addimaa masaajidda iyo guryaha Ilaaheey lagu caabudo. Horana waxaan usoo tilmaamay in aadaanku uu ka koobanyahay: (12) toban iyo laba weerood ama jumladood. Taas oo iyana mucjiso weli taagan ah. Cajiib!

Magaca ALLAAH iyo aadaanka:

Aadaanku wuxuu ka billaawdaa magaca Ilaaheey ee ah: (Allaah), wuxuuna ku dhammaadaa magaca Ilaaheey ee ah: (Allaah), sidoo kalena, ereyga ugu badan ee la adeegsaday waa magaca Ilaaheey ee ah: (Allaah), isla markaana magacaasi “Allaah” ah wuxuu ku jiraa aadaanka: (11-jeer). Cajiib!

Ereyga 《 Allaah 》oo ah magaca Ilaaheey wuxuu ka kooban yahay (3) seddax xaraf oo kala ah: ‘ALLAAH’

  1. ا
  2. ل
  3. هـ

Sidoo kalena ereyga towxiidka ee ‘Laa ilaaha Illaa’llaah’

لا إله إلا الله

Wuxuu ka kooban yahay isla seddaxdaas xaraf oo kaliya. Haddaba, Ilaaheey wuxuu adeegsaday xuruuftii seddaxda ahaa ee magiciisu uu ka koobnaa, ka dibna, naftiisa markii uu caddeynayana wuxuu adeegsaday isla seddaxdii eray ama xuruufood.

Tireynta erayga ‘Allaah’ [ A.L.H]

Hadii aan tirinno xuruufta magaca Allaah ka kooban yahay oo ah seddax xaraf oo kaliya sida aan hore u soo tilmaamay, ku waas oo kala ah:

  1. Alif- A’
  2. Laam- LA’
  3. HA’
  • Haddaba, aadaanka dhexdiisa alifku wuxuu ku jiraa ama uu ku soo arooray: (47-jeer).
  • Laamkuna wuxuu kusoo arooray aadaanka dhexdiisa; (45-jeer).
  • Ha’duna waxay ku soo aroortay aadaanka dhexdiisa: (20-jeer).

Haddii aan seddaxdaas xaraf wadartooda isu geyno waxaa noo soo baxaya: 47+45+20= 112. Boqol, toban iyo labo mar inay ku jiraan aadaanka dhexdiisa. Haddaba, tirada: (112) ma ogtahay waxa ay ka turjumayo? Haddii aad akhriso Qur’aanka waxa aad ka helaysaa in Ilaaheey magiciisa ah: الله uu ku soo arooray: 112-suuradood, laga soo billaabo suuradda Faatixa ilaa suurada ikhlaas, taas oo ayaduna ah suurada: (112-AAD) ee Qur’aanka Kariimka ah. Intaas oo isla ekaansho iyo jaangoyn ah waxay ka suurtoodaa Eebbe S.W.T. oo kaliya, mana jirto cid kale oo sidaas wax u jaangoyn karta. Intaas oo cilmi iyo ogaal ah ayaa aadaanka salaadda oo kaliya ku jira, inbadan oo aynaan ogeyna way ku qarsan yihiin. Halkaasna waxaan ka fahmeynaa muhiimadda uu aadaanku u leeyahay salaadaha iyo guud ahaan ummadaha Islaamka ee heysta diinta suubban.

Qaabkee ayaa loo addimaa?

Sida aan warbixinta sare ku bidhaamiyeyba addinku wuxuu ka koobmaa toban iyo laba jumladood. Toban iyo labadaas jumladood ayaa qaab yeermo ah loogu naadinayaa, taas oo loola jeedo ogeysiis in la gaaray amminkii la dukan jiray. Qofka mu’addinka ah waxa uu leeyahay sidaan, asiga oo ku billaabaya magaca Ilaaheey ee ah: ‘Allaah’ isla markaana wuxuu magacaas xusayaa laba goor, intaas dabadeed wuxuu ku xigsiinayaa towxiidka Eebbe s.w.t. iyo qiritaanka Suubbanaha s.c.w. taas oo ah: ‘Tiirka koobaad ee islaamka’ ama albaabka laga soo galo islaamnimada. Mu’addinku wuxuu leeyahay:

  1. Allaahu Akbar (4-jeer) 2-ba jeer oo hore iyo 2-ba jeer oo dambe. كبرأ الله
  2. Ash-hadu Allaa-ilaaha illa-llah (2-jeer oo isku xiga). شهدأن لا إله إلا الله أ
  3. Ash-hadu anna Muxamad ar-rasuulullah (2 jeer oo isku xiga). الله رسول محمدا ان اشهد
  4. Xaya’cala salaad (2 jeer oo isku xiga). حَيَّ عَلى الصَّلاةِ
  5. Xaya’ cala-falaah (2 jeer oo isku xiga). عَلى الفَلاحِ حَيًّ
  6. Allaahu-akbar (2-jeer oo hal mar ah). الله اکبر ,لله اکبرا
  7. Laa ilaaha illa-lah oo ( 1-hal mar ah). لا اله الله

Halkaas waxaa ku idil addinka qeybtiisa hore. Addinku waxa uu ka kooban yahay laba qeybood, taas oo la kala yiraahdo: “Addin iyo aqim”. Addinku waa midka aan ka soo sheekeeyay, aqinkuna waa la mid, balse, aqinku laba siba waa uu uga duwan yahay addinka.

  1. Aqinku haddii uu dhaco, ma jiraan wax ka dambeeya oo aan aheyn in salaaddaas la oogo ama la dukado. Aqinku waa ammarka ugu dambeeya ee la siiyo dadka safka salaadda ku jira iyo imaamka hoggaaminaya laftiisa.
  2. Aqinku waa uu kooban yahay, sida aan soo sheegay addinku waa uu laba dhacaa, erayada qaarna afar mar ayaaba lagu soo celiyaa, balse, aqinku sidaa maahan ee waa hal hal mar oo kaliya marka laga reebo hal jumlo oo iyadu laba dhacda, taas oo ah: الصلاة قامت قد

Haddaba aqinku wuxuu u dhacaa sidaan:

  1. Allaahu Akbar, Allaahu Akbar.
  2. Ash-haddu an-laa ilaaha Illallaah.
  3. Ash-hadu anna Muxammadan Rasuulu-laah.
  4. Xaya’ cala-salaad.
  5. Xaya’ calal-falaax.
  6. Qadqaamati-salaat, qadqaamati-salaat.
  7. Allaahu Akbar, Allaahu Akbar.
  8. Laa ilaaha Illaah.

Fiiro gaar:

Madaahibta qaarkood ayaa oggol in aqinka salaadda, sida addinka loo aqriyo, balse, ummadda Soomaaliyeed oo madhabta imaamu Shaafici heysata ama u badani sidaas ma yeesho. Qaabka aan soo tilmaamay ayeyna u addimmaan salaadda una aqimaan, balse, in isku si loo addimo loona aqimo ma jiro sharci diidaya oo waa ay bannaan tahay. Waxaa kale oo iyana jirta oo la oggolyahay in aadaanka salaadda subax lagu kordhiyo hal jumlo, taas oo ah: “Salaaddu waxay ka kheyr badan tahay hurdada”. (As-salaatu kheyrun mina nowm). Addinka iyo aqinka salaadda waajibka ahi waa intaas, balse, waxa jira xaalado kale oo jumlooyin gaar ah lagu sii kordhin karo, waxayse ku xiran tahay; dhibaatada iyo xaaladda gaarka ah ee markaas lagu jiro. Jumlooyinkaasi waxay noqon karaan; kuwa digniin ah si dadka loo ogeysiiyo in waqtigii salaadda la gaaray, sidoo kalena, ay guryahooda ku dukadaan dadku. Sida marka uu cudur halis ahi dillaaco. Sida haddaba dhacday ee xaaladda covid-19-ka (Arxan-goys) IWM.

Gunaanad:

Xogta dahsoon ee aadaanku, ma ahan mid ay soo koobi karto maskaxda iyo aqoonta aadanuhu, inta aan ka ogaan karnaana waa ay koban tahay, balse, Eebbe ayaa cid kasta uga ogaal badan. Cilmi baarista iyo raadinta uu aadanuhu sameeyo ayeyse inyar oo cilmigaas iyo xogaha dahsoon ee diinteenna suubban ku ogaadaan, qoraalkaan koobanina kama foga intaas. Wixii aan haleelay oo aan halkoodii dhigay Eebbe ayaa ku mahadsan oo sida saxda ah ii waafajiyey, wixii aan marinkooda seegayna dhimaalkooda anaa iska leh Eebbe ayaanna waydiisanayaa inuu iga cafiyo. Adiga laftaadu waad raadin kartaa, waana sii ballaarin kartaa xogta dahsoon ee aadaanka adiga oo qoraalkaan laftiisa u madax bannaan inaad horgale ka dhigato.

Cilmiga aad baratay oo Eebbe ku garansiiyey ammaano ayuu kugu yahay, inaad sii baahisana waa yeelmo lagaa doonayo ee taas maanka ku haay!. Suubbanaha (SCW) ayaa yiri: “Risaalada iga gaarsiiya ummadda hal aayadba ha ahaatee”. Xaddiiskaas saxiixa ah, isla markaana farriinta iyo faridda ah adigu is waydii sidee ayaad u gudatay ama uga jawaabtay!.

W/Q: Xasan Cabdulle Calasow “Shiribmaal”

  • Imeyl: cuute23@hotmail.com
  • Giimeyl: shiribmaal@gmail.com
  • Tel: +46 (0) 700345789
  • LAASHIN: laashin77@gmail.com
SHARE