Home Qoraallo Dooddii dalbaha lahayd! W/Q: Cali Barre

Dooddii dalbaha lahayd! W/Q: Cali Barre

0
SHARE

Dooddii dalbaha lahayd!

Sidaa markii uu u fuuqsaday kabbashadii ugu dambaysay ee koobka Jabanaha ahaay, isaga oo sugayo wadaaygii Cabdi Caato oo ay ku ballansanaayeen in ay caawa isla lafaguraan aragtida uu aqoonta ka qabo faylasuufkii Jarmalka ahaay ee Imanuel Kant, baa waxaa jeebka midig ee surwaalka ka soo gariiray Mobile aan dherer iyo ballacba ka waynayn qaadka sacab ilmo toban jir ah oo aad mooddid in malag arxandaran uu bud kala daalay. Gariirku dabcan ma ahan dooq iyo doorasho isaga ka yimid ee waa cillad Mobile-ka dhankiisa ah oo aan wali loo raadin cid cillad bixisa. Ma wahsi bay ka tahay mise dhabcaalnimo mise danbuusan ka lahayn. Yaa garanayo! Waa nin aad isleedahay malaha waa labo ruux oo isku dhex nool. Sida ay aragtiyada uu nolosha ka qabo u cad cad yihiin iyo sida habdhaqankiisa loogu wareerayo, waa kaaf iyo kala dheeri.

Waxa uu ku faanaa, inuu yahay nin ilbaxnimada iyo heer fahamka nololeed asiga in looga daydaa uu mudan yahay, balse, habdhaqankiisa marka aad aragto ayaad laba tillaabo dib u baxeysaa. Inuu xaas leeyahay ayaa lagu xantaa, isaguna ma dafiro mana sugo. Ma quursi bay ka tahay mise danbaanu ka lahayn. Yaa garanayo! Xaaskaas lagu xanto, kuwa kalaa uga horreyay, balse weligii lama arag isaga oo naago badan mar qura u wada sheekeeyo. Naaguhu kuma raagaan, isaganu madaba ordo tii iska dhaqaadaa oo waayuhu waxay bareen in daba-orodka haweenku aanay ku soo noqon, ninna ay marada uun ka riddo.

Gariirkii docda ka yeeraya dan kamuu gelin ee sida caadada u ahayd buu ku foorarsaday baakadda Berinjiga ah iyo jantasiigarka miiska u saaran. Gacanta bidix oo mid sigaar ah sidda buu afka la aaday. Tan kalana dabkii bay shidaysaa. Qofka u fiirsadaa nayaayirada foolkiisa ka muuqato, malaha waxa uu moodayaa in Jabanadaba uu u cabo sigaarka dartii sida raysalwasaarihii hore ee Jarmalka H. Schmidt ee laga sheegay in uu yiri: “Cuntadaba waxaan u cunaa si aan sigaarka ugu raaxaysto”. Berinjigu waa sigaarka ay cabaan danyarta Suudaan intooda ugu dhaqaale roon. Isaga lafiisu Berinjiga uma cabo joogto oo itaalkaa dhaqaale ma laha. Afarta beri ee bisha ugu horreyso uun baa isaga iyo Cabdi Caato nin ba maalin iibiyaa. Inta kalana waxa ay feeraha isaga jabiyaan mid kaloo aad isleedahay malaha waxaa loo soo dhoofiyo kuwa salka ugu hooseysa ka degeen jaranjarada nolosha.

Neeftii ugu dambaysay sidaa markuu u jiiday, baa markale gariirkii dib u yeeray. Hadduuba qabtay, waa ba Cambaro oo ay ugu dambaysay bil ka hor mar uu sheekada “Maana-Faay” u geeyay. Cambaro, inkastoo ay safka hore uga jirto xaawaleyda fara kutiriska ah ee la oran karo waxbey aqriyaan, haddana waxa ugu badan oo ay aqrisaa waa wargeyska todobaadlaha ah oo ay si joogtaa ugu xiran tahay iyo sheekafaneedyada carbeed. Calaa Al-Aswani iyo Ahlaam bay ugu jeceshahay qoraayada carbeed. Af Soomaaliga waxba kuma aqriso oo waxay u aragtaa ba in qaadkiisu ka hooseeyo heer uu qaadi karo aqoon aqris u qalanto. Waxay ku iimaan qabtaa Carabiga oo ay u haysato in aanay jirin luqad la la barbardhigi karo. Maana-Faaydaa ay hadda la maqan tahay, haddaan lagu dirqin lahayn, malaha waligeed kala ma furteen.

“Aryaa, xaad iigu dhagaysehee” bay si yara kaftan ku jiro u tiri. “Waligaaba xilli xunbaad soo wactami jirtay” buu isaga oo mid kale sii shidayo ugu jawaabay. “Jabanada ka dib, miyaan ba miir kale aan sigaar ahayn leeyahayna wuu u raaciyay. “Sigaarkaas bay igu la soo dhacdaye, horta haddaad rag tihiin, maxaad dumarka ugu ceebaysaan wax rag ahaan faan idiin ah. Hadda ninkaadaan sigaarka ku faanayo, lagu ma tusi karayo inan intaad igu tiri leh oo iyadoon wali aan hadalkiiba dhamayn buu inta ka boobay yiri: “Ma dooddii Sahra ee dalbaha lahayd baad ii la timid?” Sahra, haddaan ku xasuusiyo aqristow, waa qof ka mid ah jilayaasha sheekada Maana-Faay oo sheekada ku matalayso Maana saaxiibteed.

Dooddii dhaqanka ku saabsaneyd ee iyada iyo walaalkeed Axmad dhex martayna, waa tii ku doodaysay in dumarka uun lagu ceebeeyaa galmada aan xalaasha ahayn inay tahay gardarro iyo dulun ay raggu soo maleegayn. Waa tii lahayd; haddii galmada nuucaa ahi ceeb tahay, maxaa dumarka uun ceebta ku koobay oo aan ragga loogu ceebayn. Bal eeg! Oo hadda ma dooddaas baad leedahay way dalban tahay!. “Haayoo, waxaad isku qaldaysaan adiga iyo Sahraba falka ceebaynta iyo waxa la isu ceebaynayo. Hadda bal u fiirso, qof walbaa inuu shaqaysato oo uu naftiisa iyo inta kale ee xil ka saaranyihiin quudiyaa waa sharaf iyo karaamo, haddana saas oo ay tahay shaqa-la’aantu ceeb ku ma ahan dumarka sida ay ragga ceeb ugu tahay. Adigaan hadda waxbartay ee isu haysta inaad dhaqamadii duugga ahaay ka xorowday baa ceeb u arka inuu kuu soo geed fadhiisto mid jeebkiisu maran yahay. Ku darsoo, sida ay ragga iyo dumarku u kala duwan yihiin bay bulshaduna xilal kala duwan u kala saartay. Mid walbaana waxa lagu ammaanaa ama lugu ceebeeyaa waa sida uu uga soo dhalaalo ama uga dheelliyo masuuliyadda saaran. In ragga iyo dumarka miisaan waadix ah la saaraana, waxa ka horrayso in marka hore ay isku xilal yihiin. Xay u kala xilal duwan yihiin waa dood kale, balse maxaa loo kala ceeb duwan yahay, waa dood dalab leh.

Isaga oo wali hadalkii sii wado baa Cabdi Caato oo xiimaya baalkana ku sida “Cririque of Pure Reason” baa goobta yimid, markaasuu Cambaro ku yiri: “Ninkii Cabdi Caato ahaay oo aan ballansanayn baa hadda ii yimid ee mar kale ayaan doodaha raqiista ah kaa kala daadin doonaaye, nabadeey”.

W/Q: Cali Barre

NAGA LA SOO XIRIIR: laashin77@gmail.com

SHARE