Home Buuggaagta MAHADCELIN W/D: Xasan Cabdulle Calasow “Shiribmaal”

MAHADCELIN W/D: Xasan Cabdulle Calasow “Shiribmaal”

0
SHARE

MAHADCELIN

Dhiganaha GARDAADIYE

Soo geeddigalka dhiganaha GARDAADIYE, waxaa gacan lama illaawaan ah ka geystay af aqoolayaal, farshaxaneystayaal tirobadan, kana kooban: shan qoraa iyo seddax farsamo yaqaan, ku waas oo garab iyo gergerba u noqday in meelo badan laga dul istaago isla markaana si togan looga doodo dhigaalka bulshada loo soo bandhigayo. Halkaasna dhiganaha GARDAADIYE waxa Eebbe ku galladeystay kansho (fursad) aysan helin dhiganayaal badan oo asiga ka horreeyay kuwa badan oo ka dambeyn doonana aaney heli doonin. Haddaba haddii dhiganaha GARDAADIYE sidaas loo soo garab istaagay, anna waxa igu waajib ah inaan si mug iyo milgo leh ugu mahadceliyo culimadaas galladda ku yeeshay qoranaha GARDAADIYE.

Marka hore, Mawlihii i abuuray ayaa mahad oo idil iska leh, ka dibna igu toosiyey inaan dhiganahaan maan gardaadiyaha ah dhaxal ahaan ugu reebo dhallaanka soomaaliyeed meel iyo waa ay joogaanba.“Qof aan dadka u mahadcelin, Eebbana uma mahadceliyo”. “Xaddiis saxiix ah ayaa sidaasi ahaa”.Haddaba arrin kasta ee ruux tilmaamo ama toosiyo waxa la qabtay kalkaaliyayaaal kala duwan oo maskax, maan, miidaamin, mu’allifid iyo meel marinba la garab taagnaa. Soomaalidu waxa ay ku mahmaahdaa amaba ay tiraahdaa: “Far kaligeed fool ma dhaqdo” sidaasi awgeed, waxa aan si mug leh ugu mahadcelinayaa: 5-ta qoraa ee dhigaalka dhuuxay, ka dibna aragti iyo aqoonba ku nuday/kordhiyey.

Shanta qoraa ee dhigaalka GARDAADIYE soo daarbixiyey, waxay kala yihiin:

1) Abwaan, qoraa, Dr: Xuseen M. Cabdulle (Xuseen Wadaad).

Buuni Wadaad, waa guddoomiyaha guud ee madasha Aslidda (madbacadda) dhiganayaasha ee LAASHIN, isla markaana waa wakiilka guud ee madasha: “Akadeemiye-gobaleedka Af-soomaaliga” ee waddamada waqooyiga Yurub iyo Iskaandanafiyeenka. Waa qoraa waana macallin isla aniguba aan ardayda uu wax baro ka mid ahay oo galaaska uu wax ku dhigo xaadira, welibana af aan keennii hooyo aheyn wax igu bara. Macallin gergerka aad GARDAADIYE ka geysatay ku mahadsanid, sidoo kalena cilmiga aan dugsigaaga maaddiga iyo macnaawiga ah ka bartana ku mahadsanid.

2) Abwaan, qoraa, dhaqanbile: Cabdiraxiim H. Galayr

Abwaan Galayr, waa dhaqan yaqaan haddana dad yaqaan ah, sidoo kale waa sheeko yaqaan gole ka fuul ah. Waa macallinkii indhaha ii kala furay, sidoo kalena inbadan sabab u ahaa inaan saaxada qoraalka qeyb ka noqdo. Si kasta oo aad qoraalka iyo aqriska u jeceshay haddii aadan helin cid tubta kugu soo ridda, waa ay kugu adkaaneysaa inaad aragtidaada toolmoon iyo curiskaaga cuddoon bulshada kale aad gaarsiiso. Haddaba abwaan Galayr waa ninkaas dariiqa ii bixiyey isla markaana haloosiga igu soo riday. Macallin Galayr ku mahadsanid garabka aad u noqotay GARDAADIYE.

3) Barbaariye, qoraa: Bashiir Cali Xuseen

Barbaariye, Bashiir Cali Xuseen miyaad u baahan tahay inaan ku baro ama aan kuu sharrraxo? Maya! Xaashaaye! Waa buuniga aad ogtahay inta uu yahay iyo heerka milgeed ee uu bulshada soomaaliyeed ka joogo, aniguna waxaan nasiib u yeeshay inaan saaxib dhaw oo jaal iyo gacalba ah la noqdo. Qofka la jooga ama la rafiiqa qof iibiya agabka udugga ee la isku carfiyo, wixii ka soo gaaraa waa uun caraf iyo udgoon, sidoo kalena qofkii barbaariye Bashiir la joogaa wuxuu ka dheefo waa aqoon afeed, dhigaaleed, dhihideed, dhureed iyo cilmiyeed. Barbaariye Bashiir ku mahadsanid daarbixinta aad ku daaddihisay dhigaalka GARDAADIYE.

4) Qoraa sare hal-abuur: Caliqeyr M. Nuur

Qoraa Caliqeyr, waa dhige xubin muhiim ah ka ah bahda LAASHIN, isla markaana waa qoraa in ka badan ama ku dhaw toban dhigane qoray. Waa afyaqaan Eebbe hibo u siiyey inuu kala dhilqiyo isla markaana uu bannaanka u soo saaro eray walba oo afkeenna ka mid ah xigmadda ku aasan iyo halka uu asal ahaan ka soo jeedo. Waa qoraaga dhigaaliyey buugga la magac baxay: “Abtirsiinta erayga af-soomaaliga”. Kaas oo ay cajabtiisa ka mid tahay inuu afkeennii oo idilba toban xeer ku soo koobay!. Haddaba afyaqaan Caliqeyr dhigaalka GARDAADIYE wuxuu ku naasnuujiyey nudid iyo naaxin aan naqfiif (gaabis) aheyn. Buuni Caliqeyr ku mahadsanid naasnuujintaada hagar la’aaneed.

5) Af-naqe sare, ahna qoraa dhaqan yaqaan ah: Bodhari Warsame

Af-naqe Boodhari, waa tifaftire aad ugu heellan tayeynta iyo turxaan bixinta afka, isla markaana dhiganayaasha himada gaarka ah leh afkeenna noogu afceliya, sidoo kalena, kuwa afkeenna ku qoran u roga afafka kale ee qalaad, gaar ahaan ingiriisiga. Inaan jaalnahay oo aan haddana waddan wada degganahay ka sokow wax badan ayaan wadaagnaa xagga aragti is dhaafsiga. Dhigaalka GARDAADIYANA wuxuu ku ergaday abaal aanan ogeyn goorta aan gudi doono, balse, sida uu gudaha GARDAADIYE ugu xusan yahay ayuu maankeygana ugu xusan yahay. Saaxiibkeey Bodhaari si gaar ah u mahadsanid.

Farshaxanka iyo farsameynta:

  1. Habeynta galka buugga: Ibraahim Cismaan Afrax (Ibraahim Nolosha)

Ibraahim yare waa xoghaayaha guud ee LAASHIN. Waana tiir ka mid ah tiirarka ay madasha LAASHIN ku rogogto ama ay ku taagan tahay. Waa abwaan erayo cuddoon abuura, waana qoraa qalinmaal ah, sidoo kale, waa farshaxameyste aan loo bixi karin. Waa farsamo yaqaan cabbiraadda iyo qaabdhismeedka dhiganayaasha Ilaaheey hibo u siiyey. Haddaba haddii aan qeyb ka mid ah dhiganaha GARDAADIYE bah wadaag qof kula noqon lahaa waa uun Ibraahim yare. Waana shaqada iyo tamarta uu u huray darteed. Garbadka aad arkeyso ee indha daraandarka ah waa ninka hal-abuuray ee intuu dhisay haddana dhilay ka dibna dheellitiray. Laashin Ibraahim si mudan oo milgeysan u mahadsanid.

2. Farshaxanka sawirrada: Naasir A. M. Rooble

Dhiganaha GARDAADIYE waxa uu wataa oo sheekada ku lammaanan ilaa (80) siddeetan hummaag ama sawir oo gacan ku sameys ah. Waa hummaagyo aad u tayo sarreeya. Marka hore gacanta ayaa lagu sawiray ka dibna kumbuyuutarka ayaa lagu medebbeeyay (Animation). Haddaba hummaagyadaas oo ah kuwa aan sheekada ka dhicin ayaa waxaa gacantiisa ku sawiray farshaxameystaha da’da yar ee Naasir A. M. Rooble. Naasir yare inta qof loo mahadceliyo mahadsanid.

3. Talo bixinta sawirrada: Maxamed Cumar Ugaas

Farshaxameyste ugaas Maxamed wuxuu isna gacan lama illaawaan ah ka geystay tala bixinta sawirrada iyo is qabadsiiska/waafajinta sheekada. Waana uga mahadcelinayaa si mug iyo miisaan leh.

Intaasi ka dib, waxaan si guud iyo si gaar ahba ugu mahadcelinayaa, bahda LAASHIN meel iyo waa’ ay joogaanba. Sida Buuni Cali Jimcaale Axmed, Bashiir M. Xersi oo laftirkiisu talo mug leh ku lahaa gardaadiye, Cabdalla Qaasim Damey, Xasan Cumar Axmed (Xasan Mudane), Dr Farax Sh. Cabdirisaaq (Zedra), Cabdixafiid M. Xersi (Wasiirka), Cabdullaahi Macallin Maxamuud (Siyaasi), Cabdulle Cabdikariim, Dr Shaafici Macallin, xildhibaan: Cali M Diini, Mohamed Muuse Sh. Nuur, Bashiir Cali Barre, Shukri Calasow, Iyo guud ahaan bahda LAASHIN.

Sidoo kale, waxaan iyagana, si guud ahaaneed ugu mahad naqayaa, intii gacan, af, addiin iyo aqoolba ka geysatay inuu dhiganahaanu bannaanka u soo boxo taabba galna uu noqdo. Qofkii qalinku gaari waayo ama xasuustu ay soo qaban weydo qalbiga, ayaan uga mahadcelinayaa, maxaa yeelay; “Qalinku ma koobo haldoorka.” Adigaan qoraalka aqrinayana waad mahadsan tahay.

Intaas mudane oo gacan ka geysatay dhigaalka GARDAADIYE iyo aniga oo dhambashii aan ku wada fadhiisannay falkiyey ayuu na dhex maray dhiganaha GARDAADIYE. Waa dhigane si deggan oo degdegsiimo la’aan ah looga fikiray baahintiisa ka hor. Haddaba wixii wanaagsan hal qof ma sammeyn ee qofafyaal badan ayaa isugu tegay. Dhiganaha GARDAADIYANA wuxuu ka mid ku noqday; kuwa nasiibka u helay dadkii afka iyo qoraalkiisa ehelka u ahaa. Soomaalida ayaa tiraahda: “Gacmo wada jirbeey wax ku gooyaan”. Ina Gacal Xaayowna wuxuu yiri:

  • Tiirkaa aqalka celiyee ninkii, Kor ugu taakeeya
  • Iyo kii talluumada u qoda, Godadka teel-teela
  • Iyo udubka kii tooxayee, Tab isu waydaashay
  • Iyo xarigga lays kula tiq-tiqo, Kii tirjiyey fiidki
  • Ninba meesha uga toosan buu, Turuqa saaraaye
  • Asigoon culayskana tebeyn, Tiisi oofsadaye.

Mahadsanidiin dhammaantiin.

W/D: Xasan Cabdulle Calasow “Shiribmaal”

  • cuute23@hotmail.com
  • laashin77@gmail.com
SHARE