Home Curis Baadi goob Baahi badan!!!. Qore: Maxamed Muuse Sh. Nuur

Baadi goob Baahi badan!!!. Qore: Maxamed Muuse Sh. Nuur

0
SHARE


       Baadi goob Baahi badan!!!
Qaybta 4aad
Dhinaca kale Qadar oo dhaawacya daran qaba kana baqaya Yaasiin ayaa usoo dhuumasha galay guriga Maryama halkaas oo uu aaminsanaa in uu xoogaa ku nabad galayo.
Nasiib wanaag guriga maryama ma uusan aqoon yaasin halka uu ku yaal, wuxuu ahaa guri ku yaal meel dadka aan ladnayn ay dagan yihiin , waa goob dhuumashada ku wanaagsanayd, aad ayuu kalsooni ugu qabay in inta uu dhaawaca ka bogsanayo uu halkaas ku amaan heli karo, dabcan dhinaca kalana maryan way ku baxnaanin karaysay meeshaas.
Waa tan maryan oo soo adeegatay labada gacmoodna ku sidata adeegeeda ayaa waxay kula kulantay meel u dhow gurigeeda C/ rashiid oo isna guriga uu ku koray halkaas ka dhwaa, isla markii ay aragtayna ku tiri “haye ma aabahay baa ii kaa soo diray”?
Aabahaa ima soo dirin ee waa halkan gurigayga aan kusoo koray ciyaalnimadayda, gurigan ayey labadeena aabe gacmahooda ku dhiseen.
Waa arrin aysan ogayn maryama, guriga ay hooyadeed iyo iyadaba daganaayeen waaxaa gacmahooda ku wada dhisay Xaashi iyo C/ Rashid aabhii waagii ay xalaal quudatada ahaayeen oo hooyo hibo  iyo xaashi wada jireen.
Maryama jaleecid fajac ka muuqato ayey usoo jaleecday xagiisa markaas ayey ku tiri “sheeko xariir qurxoon miyaa ii sheegaysaa”?
“Maya waa run waxa aan ka hadlayo, waan xasuustaa aniga oo yar ayey mararka qaar inta isoo kaxeeyaan ka caawin jiray dhismaha” ayuu c/ rashiid ugu jawaab celshay.
Meeshan maxaad ku tilmaami lahayd ayey ku tiri, jawaabta uu siiyay ayaa ahayd meeshan dadka masaakiinta ah ayaa ku nool.
Hadalkaas iyada oo fasiraysa ayey ku tiri dadkiina taajriinta ah waxaad aaminsantihiin in dadkeena masaakiinta a ah si u urayaan.
Xaqiiqda marka laga hadlo waxaa dhab u uraya naxariisna lahayn taajiriinta ayuu c/ rashiid ugu jawaab celshay.
Iyada oo la yaaban hadalkiisa ayey ku tiri aabahay bilaash kuuma maal gashan muxuu kaa doonayaa in aad u noqoto?
Sidaad mooday aabahaa maahan, anigana waxba uma ihi, xaqiiqdaasna waad ogaan doontaa ayuu ugu war celshay.
Iyada oo la yaaban hadalkiisa ayey ku tiri maca salaama waan sii baxayaa, markaas ayuu telkiisa warqad ay ku qorantahay mar kale siiyay, “waxaa tahay qofka aan jeclaa lahaa in aan waco marka dunida qof kale oo ku nool laga waayo.
Nacayb badan in uu ka muuqdo qarsoodi ma ahayn maryamo, isaga oo taa tixraacaya ayuu ku yiri ma garan karaysaa farqiga u dhaxeeyo Qareenka iyo Addoomada la addoonsado.
Qareenka wax ma doorto ee kuwa wax doorto ayuu doorashadooda sidii ay ku heli lahaayeen ugu dadaalaa.
Aniga qareen waan ku magacaabanayay balse aabahaa Addoomadiisa ayaan ahay, masxladdiisa in aan ilaaliyo ayaa la ii soo koriyaya, waxaad i waydiisay waxa uu aabahaa iga doonayo, wax kale ma ahan waxa uu iga doonayo waa difaacidda danihiisa iyo jiritaankiisa sidaas ayaana wax u soo bartay, laakin waqtiga wuu is baddali karaa sida aad hadda ii aragtid si ka duwana way dhici kartaa.
Hadalka C/ rashiid haddii maryama ay si dagan u dhagaysato wax badan ayey ka fahmi kartay, laakin nacayb iyo diidmo ayaa ka indha tiray halka uu ula socoday doonayayna in ay la fahamto, iyada oo waxba fahmin ayey kaga dhaqaajisay halka uu taagnaa.
C/ rashiid nin caqli badan aqoon iyo daganaana isku darsaday ayuu ahaa wax walba in ay waqti leeyihiin wuu ogaa, dag dag kuma jirin waqtigiisa in uu sugtana wuu u diyaarsanaa.
Maryan oo qolkeeda soo gashay ayaa aragtay in albaaka irid banaanka uu ballaqnaa, waxay is tiri Tuug ayaa kuu soo dhacay wixii ay gacanteeda haaban kartay ayey haabatay, ayada oo gaatamayaa ayey aragtay Qadar oo sartiita dulyaal dhiig fara badana ka baxay, lug iyo gacana ka dhaawacan.
Dhaqtar ayey ugu yeertay halkii ayaana lagu dabiibay Qadar, wax walbana sida ay tahay ayuu ugu sheegay in aabaheed iyo qolada Guuraba uu la wada shaqeynayay, markaas ayey tiri c/ rashiid ayaa jooga oo halkan ku arkay ma kuugu yeeraa? Maya ayuu yiri saacan la joogo labada dhinacba waa i ugaarsanayaan meel ii roon ma jirto.
Waxaa magaalada soo galay taliya Daacad oo baddal uu soo codsaday ku yimid magaalada, una yimid in uu cirib tiro xaashi iyo kooxdiisa, balse Haajir oo ka warqabay dhaqdhaaqa cusub  ee taliyaha ayaa mid ka mid ah ragiisa u diray in uu wax badan ka soo ogaado, waxaana loo keenay sirta ah in taliyuhu shaqada uu magaaladan ugu soo baddashayba ay tahay sida uu ayaga u ugaarsan lahaa.
Taliya daacad isla markiiba shaqa culus ayuu magaalada ka bilaabay oo wuxuu baaritaan ku sameeyay alaabtii laga dhacay Xaashi kooxdiisa iyo ragii laga dalay ee darwalka iyo kirishboyga ka midka ahaayeen, waxaa taliya daacad u muuqday wax aan u muuqan kooxda wax la baaraysa oo xooga saaraysay dhibka meesha ka dhacay balse taliye daacad ayaa is waydiiyay sababta ilaa shan maalin ay kooxda xaashi oo alaabta laga dhacay aysan usoo dacwoon, booliskana usoo war galin.
Mid ka mid ah ah askarta wax la baaraysay ayaa tiri “waxaan helnay tixraac noo sahli kara in aan ogaano cidda dilka geysatay, ” macna ma suubinayso ayuu taliye daacad ku yiri askirigii” wuuna kasii dhaqaaqay isaga oo dhahaya waa in aan arkaa Xaashi oo arrintan si shaqsiyan ah kala hadlaa, su’aalahayga oo dhanna isaga ayey ku wajahan yihiin.
Maxaa kala hadlaysaa, dambi lagu caddeeyo xaashi kuma haysid, mar haddii aadan caddayn haysana in uu kula kulmayo ayaa shaki iiga jiraa ayuu yiri askarigii isaga oo muujinaya aqoonta uu u leeyahay Xaashi oo uu dhowr mar sidan oo kale ula kulmay.
Taliya Daacad caro, ciil iyo cuqdad in uu u qabo ayaa wajigiisa laga dheeahan karay laakin waqtiga ayaa inoo sheegi doono halka uu kala qaaday xaashi iyo xertiisa.
Waa xilli habeen saq dhexe ah, xaashi oo soo daahay ayey siciido waydiisay halka uu waqtigan ka yimid? Waxaan ka imid guriga hibo iyo gabadhayda maryamo.
Waxay waydiisay sababta, wuxuuna ugu jawaabay in uu doonayay in uu gabadhiisa la hadlo laakin uusan helin.
Siciido oo cara ka muuqata ayaa tiri gabadhaas maxaa kala hadlaysaa?
Wuxuu yiri ma ku dhibaysa in aan gabadhayda la hadlo?
25 sano ayaadan aaba u ahayn, ma hadda ayaad u noqotay, go’aan ayaad qaadatay ilmahaaga waa ilhaan iyo Daahir, maxay tahay sababta gabar aan aabenimo kuu qaddarinayn aad uga daba socoto?
Ka bax afaarahaas adiga, iimana sheegi kartid cidda aan aabe u noqonayo, xaqna uma lihid in aad ilmahayga i kala dooransiiso, aniga ayaa go’aankaas leh.
Maryamo waa gabadhayda diid ama yeel, ma ahan wax la dafiri karo, adduunkana aniga kaliya ayaa u joogo, iyada waxa ay rabto ha aaminsanaato laakin waajibaadka i saaran waan ogahay waana gudanayaa.
Waajib waalidnimo wuxuu kaa saaran yahay ilhaan iyo daahir ayaga ayaa waalidnimo kuu ogol gabar ku dafirsan ma ahan in aad waqti isaga lumiso ayey inta tiri ka tagtay, habeen wanaagsan laguma kala seexan xaashi iyo siciido.
Saaka siciido qoyskeeda ayey quraac dareen leh u diyaarisay jawiga in uu kacsan yahay waa laga dareemi karay meesha, ilhaan iyo daahir ayey ku tiri waa in aad garataan booskiina qoyskan aad ku leedihiin aabihiina aad kala wareegtaan shaqada.
Iyada oo sidii ay u sheekaysanayaan ayuu xaashi fadhiga yimid isla markiiba daahir ayuu xagiisa jalleecay kuna yiri “qaybta suuq geynta ayaan kuu xil saaray waa jaaniskii  kuugu dambeeya ee aad ku kasban lahayd aaminaadayda haddaad doonayso in aad shaqadan iga dhaxasho, ilahaan adigana farshaxanka aad ka daba wareegayso kuma qanacsani shaqadan ayaad leedahay ee qabso.
Ilhaan oo ka xun in riyadeeda la carqaladeeyo ayaa tiri aabo aniga farshaxankan ayaan wax usoo bartay iyadan ayaana ku qancsanhay, fashaxankayga waan aaminsanahay in aan meel dheer ka gaarayo, fadlan ii dhaaf.
Xaashi oo koob shaah gacanta ku haysto  ayaa inta xanaaqay isla markiiba koobkii dhulka ku dhuftay kuna yiri “bal eeg waxa ay ka hadlayso, aniga waxaan kuu soo koriyay in aad aniga i garab istaagto ee in aad gooni iga noqoto kuuma soo korin”
La soco qaybta 5aad jimcaha
W/Q : Mohamed Musa Sh.Noor
Ekisyare@hotmail.com
Xabuu8@gmail.com
 
SHARE

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here