Wiil baa aabbihiis u kaxeeyey maqaaxi wax laga cuno. Aabbuhu waa da’ socodka ayaana dhibaya. Tabar badan ma leh taas oo ay u sii dheer tahay leelleemo. Markii ay maqaaxida galeen ayuu cunno jilicsan u dalbay. Cunnadii baa loo keenay. Aabbuhu ma awoodo in uu qaandada xajisto, laakiin wiilkiisa ayaa u haaya oo afka u galinaya raashiinka. Haddana markii afka loo galiyo qeyb baa soo daadaneysa oo ku hooreysa dhuunta illaa shaarkiisa. Fuuqsigiisa ayey maqlayaan dadka maqaaxida jooga aadna wey u dhibsadeen.
Dhammaantood waxaa ka soo hartay fiirmo iyo fajac, in oday noocaas ah meherad la geeyana waxay u arkaan wax laga yaqyaqsado. Laakiin wiilka lama aha ceeb mana qabo wax cabsi a oo howshiisa ayuu wataa. Odaygii, wuu dhammeeyey cunnadii, ka dibna wiilkiisii baa geeyey qeybta faraxalka. Wuxuu ka dhaqay cunnadii ku hoortay jirkiisa iyo dharkiisa. Markii uu soo hagaajiyey ka dib waxay isla tageen qeybta xisaabiyaha.
Isagoo lacagtii lagu soo dallacay bixinaya ayaa waxaa u tagay nin oday ah oo ka mid ahaa dadkii maqaaxida wax ka cunayey. Odaygii baa wiilka weydiiyey, “Ma u maleyneysaa in aad halkan wax uga tagtay?” “Maya adeer” ayuu ku jawaabay. Odaygii baa hadalka qaatay, wuxuuna yiri, “Wax waad ka tagtay Allaa i lehe. Wiil kasta oo halkan jooga cashar waano ah baad uga tagtay, aabbe kasta oo halkan fadhiyana rejo wanaagsan baad uga tagay.” Dadkii maqaaxida joogay waxaa ka soo haray af-kala-qaad.
Markii aan yaryareyn waxaa na daryeeli jirey waalidkeen, marka ay weynaadaanna annaga waxaa na saaran waajib ah in aan daryeelno. Waxay noo hureen noloshooda iyaga oo waqti, hanti iyo maskaxba ku bixiyey sidii aan isku-filnaansho u gaari laheyn. In la daryeelo oo baarri loo noqdo waa cibaado iyo wanaag lagu muteysto jannada-udug.
Turjume: Ibraahin-Nolosha