Agoonkii Hooyadii Illaaway Q4AAD W/Q: C/fitaax Maxamed Xaambe

IMG_3559E2-264EEF-F588B1-3014B1-C3C857-F408ED

Agoonkii Hooyadii Illaaway Q4AAD.

Odawaa goortii Alifka loo billaabey ayaamana uu joogey dugsi qur’aanka, wuxuu la soo baxay firfircooni dheeri ah, maadaama uu noloshada miyiga ku soo qaatey leyli iyo u adkeysiga duruufihii kala duwanaa ee ka jirey deegaankii ay ku noolaayeen, waxaana ka muuqata garasho dheeri ah iyo inuu u dhug leeyahay xarafkii loo dhigaba diyaarna u yahay in loogu daro dheeri. Sida badan macaliintu waa jecelyihiin ardada dhiirran kuna fiican fahmada qabashada qur’aanka, aad buu ula dhacay macalinkii dugsiga, wuxuuna ugu bishaareeyey Abyan in wiilkeedu leeyahay mustaqbal ifaya, uuna yahay fariid ficiisa in dheer, hammuuna u qabo barashada qowlka Eebbe.

Intaas markii dhagaheeda ku dhaceen Abyan, rayn rayn iyo riyaaq ayaa waxaa saaqay qalbigeeda, sidii dad iyo duunyo oomay oo duhooda ku hoortey daruur aan la sugeyn iyo hogol aan joogin xili looga bartey, ilbiriqsiyo gudaheed ayey nafteedu tustey wax aan halkaan lagu soo koobi karin, hadalladii ay nafta hoos ugu sheegtayna waxaa laga xusi kara “ Odawaa wuxuu noqon doonaa shiikh loo soo cilmo doonto” macalinkii oo arkey in Abyan nafta la showrtey ayaa yiri” hadduu Guulle idmo halkaad jeceshahay wuu gaari doonaa” Abyan oo qof hurdo lagu naxshay oo kale ah ayaa ku war celisay “ Alla macalin alle hakaa abaal mariyo, waxaan magaaladaan u imid inuu wiilku wax ii barto”.

Abyan waxay la daalaa dhacdaba nolol maalmeedka iyo bixinta ujrada iyo xushmada macalinka dugsiga, Odawaa wuu dhammeeyey Qur’aankii. Waxaana la gaarey qeyb ka mid ah himilooyinkii ay Abyan hiigsaneysey. Waa madal farxadeed, waa maalin ay maanka ku haysay, waa meel ay lahayd mar uun gaar, waa martabo miisaankeeda leh, waa muhashadii nafteedu maaganeed, waa madal u leh maamuus gooniya, waa mid lala meel dhigi karo markuu u dhashay Odawaa. Hambalyo iyo dabbaal deg ka dib waxey macalinkii ka codsatey, in Odawaa gelinna dugsiga tago siina wato barashada diinta iyo naqdiiminta Qur’aanka, gelinka kalana la geeyo iskuul, si uu, u noqdo mid dhan walba ka dhisan.

Macalinka oo aad ula dhacsanaa Odawaa iyo hooyadii oo dadaalayey qalinka ayuu ku duugey dalabkeedii, wuxuuna ugu darey dardaaran kooban asagoo leh “ Diinta gacanta midig ku hayso, maadigana(Cilmiga iyo aqoonta adduun) midda bidix.”

Inkastoo Abyan dan yar ahayd, dhaqaale buurana uusan soo galin, hadana waxay go’aan ku gaartey in wiilkeeda ay gayso mid ka mid ah iskuullada magaalada  dowladda ayaa gacanta ku haysa oo waa billaash, hase yeeshee  waxaa waalidka  laga doonayaa, waa qalabeynta iyo agabka iskuulka,  dhar iyo dhigaalba, waxay  geeystay iskool loo ammaanay macalimiintiisa   looguna jecelyahay dhanka waxbarista ubadka.Odawaa ma dadaal yara qudhiisu, cabasho iyo colaadin midna lagama soo sheegto intuu joogo goobaha waxbarashada ama meela kale ee ilmuhu ku kulmaan. Wuxuuna noqdey mid iskuulka ku fiican darajooyin waanaagsanna ka keena imtixaanada.

Adduun howli kama dhamaatee, waxaa isbadaley Jawigii Soomaaliya guud ahaan, waxaana curtey roobab colaadeed kuwaas oo maasheeyey guud ahaan dhulka loo yaqaaney jamhuuriyadda Soomaaliya. Waxaa la galay xaalad ka duwan tii hore, taasoo saameysay nolosha inta badan Soomaalida ama gebi ahaantoodba, waxaa laga takhallusey dowladdii kacaanka. Maahmaah ayaa ahayd “naftu orad ayey kugu aamintaa” Qofba halkii uu islahaa waad ku badbaadi kartaa ayuu abbaarey, arrintuna waa adkaatey, loosa kala nugul oo Abyan iyo Odawaa waa danyar, oo horey ayaa loo yiri “ adoo xumaa, xoon ma ku qaniiney”Inkastoo Abyan tahay waayo arag, wax badan u soo joogtey, Colaado, kaliil, Saboolnimo iyo culaysyo nololeed, haddana mid sahlan maaha arrinta soo korortey.

Abyan inkastoo wiilkeedu ku dhowyahay gu’ 20 aad, hadana gacanteeda kama baxo oo waxay hadba ula carartaa meeshii xoogaa daganaasho ka jirto. Dalka kama aysan bixin laakin meelo badan oo gudaha ah ayey u qaxeen Abyan iyo Odawaa. Meel walba oo ay saasaan colaadeed ka dareentana durbadiiba waa ay kala dhaqaaji jirtey. In door ah wixii ay saas ku jiraanba, waxaa yara qaboobey gulufkii dagaal iyo gurdankii rasaasta guud ahaan dalka gaar ahaan magaaladii ay daganaayeen colaadaha ka hor.Dib ayey u soo guryo noqdeen, waxayna boorka, ka jafteen aqalkoodii.

Magaaladu sidii hore maaha oo laguma soo wada laaban, in yar oo dani ku soo celisay maahee sida Abyan. Sharci ma jiro, meel looga dacwoodo qof haddii aad is qoontaanna ha sheegin, qoriga ayaa lagu kala baxaa, in qof la dilana maaha wax sidaa loogu diimo.

Abyan meel ay wax ka bixiso ayey ka fakareysaa, tabar dhaqaalana ma jirto, meeshaana maaha meel wiil dhalinyaro ah oo hooyo ku madi ah lagu hayn karo.Muddo waxay welwel ku jirtaba waxay ku fakartey in ay ODAWAA meeshaan dhaafiso, maadaama dhibkii daba dheeraadey, dalkuna uusan u muuqaan mid dhawanahaaan soo hagaagaya. Dhaqaalo haddii aad hayso mar hore ayaad 2 diinaba dhoofi laheydeen ayey maanka ka tiri.

Geed dheer iyo mid gaabanba waxay u fuushey sidii ay dalka uga diri lahayd ODAWA, maadama aysan suurtagal ahayn in la helo qarash labadooda ay ku wada dhoofaan. Abyan waxay isku martey ehel iyo asxaab waxayna raadisey deyn iyo deeq intaba. Ugu dambeyn waxay iib geysay booskii/jakadii aqalku uga dhisnaa oo hore uu ugu wareejiyey milkiyadiisa ninkii ay ilma abtiga ahaayeen ee Hanad. Lacag fiica suuqa kama joogo dhulka sababa badan oo laga xusi karo; in uu faras magaalada aad uga fogyahay iyo in qiimaha dhulku hadba la socdo inta amniga goobta uu ku yaallo la egyahay ama gaarsiisanyahay.

Inbadan wax la beecshaaba waxay ku soo heleen dalaaliintii ay Abyan u dirtey lacag aan saas u badneyn, waana siisatey. waayo Abyan danbaa haysa wax walbana waxaa kala weynaa in ay mar uun maarayso si wiilkeedu ku tago meel nabdoon oo negaadi ah.

Abyan hididiillo ayaa soo gashay, waxayna u dhaqaaqdey meel ay ku ogeyd nin muqalas ah oo dadka yurub u soo dhoofiya. Ayadoo saluug ka qabta in lacag ka badan inta ay hayso uu sheegto ayey albaabka gurigiisa soo garaacdey. Waxaa lagu yiri “ waayo,”. Cod dheer ayey ku tiri “ waa Abyan gabar la dhaho, waxaan muraad ka leeyahay jaamac” ayadoo magaciisa oo ay horey u haysay sii raacisey. Waa laga furey, waxaana loo raacshey “Soo dhawoow”waxaa la fadhiisyey qolka fadhiga, halkaas oo jaamac(muqalaska” ugu yimi Waxayna isla gorfeeyeen xaajadii ay ugu timid, is jiid jiid ka dib waa la heshiiyey, waxaana lagu ballamey goortii iyo goobtii la fuli lahaa howsha, Odawaa na la kaxayn lahaa.

 

La soco qaybaha dambe.

W/Q C/fitaax Maxamed Xaambe

xaanbe@hotmail.com

 

SHEEKOOYIN