ARDAY QAB WAYN vs DAL SHUUCI AH by Cali M. Diini

ARDAY QAB WAYN vs DAL SHUUCI AH

Qormadii aan shalay ka qoray buugga “The Road to Zero: Somalia’s Self-Destruction” ayaa waxaa ku jirtay dhacdo dhexmartay ardaydii Soomaaliyeedna ee Shiinaha wax ka baran jirtay horraantii 1960aadkii taas oo ahayd markii dawladda Shiinuhu abaabushay bannaabax gumaysidiid ah oo ay dhigaan ardayda Afrikaanka ahayd ee dalkooda wax ka baranaysay ayaa ardaydii Soomaalidu go’aansadeen in gumaysiga lagu bannaanbaxayo lagu daro Itoobiya taas oo Shiinaha iyo ardaydii Afrikaanku diideen ugu dambaynna sababtay in ardaydii Soomaalidu bannaanbaxa ka baaqdaan. Waxaa kale oo qormada ku jiray kulan dhexmaray Danjire Maxamed Cusmaan Cumar oo Suudaan inoo joogay iyo danjirihii Soofiyeetka u joogay Suudaan kulankaas oo hadallo adag labada nin ku mareen Danjire Maxamed Cusmaanna uu ninkii Ruushka ahaa ugu sheegay in sheegay in uu yahay nin qab leh, waa Danjire Maxamed Cusmaan’e.

Arrintaan waxa ay i xasuusisay qormo qoraa Ruush ah oo lagu magacaabo Lyubov Ivanova ka qortay noloshii ardaydii Soomaaliyeed ee wax ka baran jirtay dalkii Midowga Soofiyeeti sannadkii 1960-1978 kaas oo magacdhawgiisu ahaa “Somali Students in the Soviet Union 1960-1978”. Qoraagu waxay qormadeeda uga sheekaysay dabeecadihii ardayda Soomaalida ee Soofiyeetka joogtay, ismaandhaafkii iyo isfahamdarradii dhexmartay ardayda Soomaalida iyo dawladda Soofiyeetka, iyo guud ahaan shacabka Soofiyeetka. Dhacdoonka qormada Ivanova warinayso iyo tan dhexmartay Shiinaha iyo ardaydii Soomaalida isu ekaansho ayaa ka dhexeeya taas oo igu dhalisay in aan mawduucaan wax ka iraahdo aniga oo inta badan soo xiganaya ama qormada Ivanova oo si faahfaahsan u faaqidday xiriirkii ardayda Soomaalida ee Soofiyeetka ku sugnayd iyo shacabka iyo dawladdii Soofiyeetka kaas oo ahaa xiriir kakan oo marmar gacan-ka-hadal gaaray, marmar kalana xiriirka labada dawladood (Soomaaliya iyo Soofiyeet) mugdi galin gaaray.

Sababaha xumaynayay ama adkaynayay xiriirka ardayda Soomaaliyeed iyo shacabka iyo dawladda Soofiyeetka Ivanova waxay u saarisay dhawr sababood oo ay ka mid ahaayeen: filashada ardayda Soomaalida oo ahayd mid aad u sarraysa iyo runta taallay dalka Midowga Soofiyeeti oo aad u kala duwanaa, cunsuriyad ama takoor ay shacabka Soofiyeetku ku hayeen dadka madow, xorriyad la’aan hadalka ah oo dalka Soofiyeetka ka jirtay iyo barashada aragtida iyo mabaadi’da shuucinimada oo ardayda qasab looga dhigay taas oo qaar ardayda Soomaalida ka mid ahi aad u necbaayeen, iyo gudashada waajibaadka Islaamka oo ardayda muslimiinta ku adkayd taas oo ardayda Soomaalidu aad uga cawdeen. Ardayda Soomaalidu waxay ahaayeen kuwa ugu cadcad ugu na firfircoon dhammaan ardayda Afrikaanka ee Soofiyeetka joogtay. Ardayda Soomaalidu ma ahayn kuwa u dulqaata oo yeela wax walba oo ay qalad u arkaan (Ivanova, 2019) taasina waxay foodda isku galisay ardaydii Soomaalida iyo maamulkii Soofiyeetka gaar ahaan maamulka goobaha ay ardaydu wax ka baranayeen.

Sannadkii 1960kii guddigii arayda madowga ee Soofiyeetka joogay waxay warqad cabasho ah u direen maamulka Soofiyeetka sidaa oo kalana boqollaal koobi (copy) ayaa lagu faafiyay jaamcadda Moscow State University. Ardaydu waxay farriinta warqaddooda uga cabanyeen takoor ka dhan ardayda Afrikaanka ah ayaga oo maamulka faray in ay arrintaas wax ka qabtaan. Sidaa oo kale ardaydu waxay farriintooda ku sheegeen in ardayda Afrikaanka aysan Soofiyeetka ku imaan qaxootinimo balse ay wax barasho u yimaadeen sidaas darteed waxay u mudan yihiin in loo muujiyo lagu la na dhaqmo xushmad. Arrinta warqaddaas darteed arday Soomaali ah ayaa maamulka jaamacadda looga yeeray. Gabbasho la’aanta iyo dhiirranaanta ardayda Soomaalida waxaa asguna buuggiisa “The Road to Zero” ku xusay danjire Maxamed Cusmaan Cumar berigii uu Shiinaha ardayga ka ahaa. Danjiruhu waxa uu sheegay in ardaydii Soomaalida ahayd ee uu asagu ka mid ka ahaa ay dawladda Shiinaha ka dalbadeen in ay siiso goobo ay salaadda ku tukadaan iyo in ay u kordhiso lacagaha gunnada ah ee ay siiso. Si taas la mid ah ardaydii Soomaalida ee Soofiyeetku waxa ay ka cawdeen la’aanta goobo ay ku cibaadaystaan. Sida Ivanova xustay mid ka mid ah ardaydii Soomaalidu waxa uu Soofiyeetka ku eedeeyay in ay masaajidyadii u beddaleen madxafyo xiran oo kaliya la furo marka ay yimaadaan musliinta dalxiis ah iyo madaxda dalalka muslimka. Diin jacaylka difaacidda caqiiddadooda Soomaalidu waligeedba caan bay ku ahayd xataa haddii Soomaaligu yahay jaahil aan diinta waxba ka aqoon ama yahay mid aan diinta ku dhaqmin oo waligiis salaad foodda dhigin laga ma yaabo in uu ka aamuso xadgudub ruux gaal ahi diinta Islaamka u la bareeray, laga ma na yaabo in qofka Soomaaliga ah diinta laga saaro ayada oo lacag ama shaqo lagu sasabayo, ama se cabsigalin darteed uu diintiisa uga baxo. Qoraagii Irish ka ahaa ee Gerald Hanley na waa tii uu buuggiisa “Worriors Life and Death Among Somalis” ku yiri: “waxaan aqaan baadari Talyaani oo 30 sannadood Soomaaliya joogay oo 2 qofood oo qur ah diinta Kirishtaanka soo galiyay. In uu labo qofood helay ayaanba la yaabay. Rasuulkii ma uusan lahayn jaahiliin mu’miniin ah oo uga daacadsan Soomaalida.”

Haddana ayaga oo sidaas diinta mitid ugu ah ayaa ardaydii Soomaalida ee Soofiyeetka wax ka baran jiray qaarkood lagu eedeeyay in khamriga cabbi jireen dagaallo iyo rabshado ayaga iyo muwaaddiniin Ruush ah na lagu sababeeyay in cabbidda khamriga oo ay ku sakhraameen. Rabsho door ah Soomaalida iyo Ruushka ku dhexmray goobo lagu caweeyo ayaa arday Soomaali ah loo xiray markii su’aalo boliisku waydiinna waxa ay ku doodeen in aysan xasuusan wixii dhacay. Sida qoraalka Ivanova warinayana caddaymo dawladda Soofiyeetku aruurisay intii u dhaxaysay 1960 ilaa 1975tii qaar ka mid ah ardaydii Soomaalida ayaa lagu eedeeyay kufsi ay kula keceen dumar Soofiyeet ah iyo xiriirro galmo oo ay la yeesheen.

Sannadkii1960kii arday oo Soomaaliyeed oo lagu magacaabi jiray Cabdixamiid Maxamed Xuseen oo goob caways jooga ayaa gabar Ruush ah oo ay wax isla baranayeen ka codsaday in ay la jaasto laakiin gabadhii waa ay ka diidday waxayna dooratay in ay la jaasto wiil Ruush ah. Cabdixamiid oo arrintaas ka carooday ayaa markii cawayskii dhammaaday inta gabadhii u tagay wajiga ka candhuufay ayaduna waa ay dharbaaxday. Ardaydii kale ayaa kala dhexgalay oo gabadhii ka codsaday in ay goobta ka tagto taas oo ay yeeshay. Balse wiil Ruush ah ayaa falka Cabdixamiid ku dhiiqsaday ka carooday dabadeedna Cabdixamiid ka dalbaday in uu raalligalin bixiyo laakiin Cabdixamiid wiilkii Ruushka ahaa ayuu inta kulleetiga qabtay feer ku daldalay taas oo sababtay in koox rag ah Ruush ahi Cabdixamiid isugu tagaan si xunna u garaacaan.

Sannadkii 1965tii saddex (3) Soomaali ah oo midkood ahaa sarkaal safaaradda Soomaalida ee Moosko ka tirsan ayaa lagu eedeeyay in ay kufsadeen gabar 18 jir Ruush ahayd taas oo markii dambe isdishay markii ay balakoonka dhismaha safaaradda iska tuurtay. Dawladda Soomaalidu qoyskii gabadha magdhow ayay siisay. Sannadkii 1970kii arday dhigan jiray Kuibyshev Military Academy oo magiciisu ahaa Xasan Maxamed Siyaad ahaana wiil uu dhalay madaxweynuhu Maxamed Siyaad Barre ayaa maqaayad loogu dabbaaldegayay sannadkii guuradii 1aad ee curashadii kacaankii Soomaaliya waxa uu ku jabiyay dhalo markii laga dalbaday in uu maqaayadda ka baxana waa uu diiday meddi ayuu na la soo baxay oo shaqaalihii ku handaday intii meddida laga qaadayayna gacan ayaa ka jabtay taas oo sababtay in boliiska loo waco. Markii boliisku su’aalo waydiiyeenna waxa uu ku dooday in uusan xasuusan waxii uu sameeyay. Isla 1970kii arday dhiganayay Kuban Medical University, Krasnodor ayaa waxbarashadii laga cayriyay kaddib markii lagu eedeeyay dhaqanxumo iyo aalkolaystanimo. Ardaygaas jidadka Moosko ayuu darbijiif ku noqday ugu dambaynna 5 sannadood oo xarig ah ayaa lagu xukumay markii uu gaystay falal amnidarro iyo waxyeelayn ah.

Gacan-ka-hadalkii iyo iska hor’imaadyadii dhexmaray ardaydii Soomaaliyeed iyo muwaaddiniintii Soofiyeetku waxa ay sababeen dhimashada dhawr arday oo Soomaali ah. Sannadkii 1972dii arday Soomaali u dhintay daaqad uu ka dhacay magaalada Leningrad (St. Petersburg), 1973diina arday o dhigayay Thorez Institute of Foreign Languages ayaa maydkiisa laamiga laga helay, 1975diina arday Soomaaliyeed oo wax ka baranayay magaalada Kharkov, Ukraine ayaa maydkiisa oo si xun loo jirday la helay. Sida Ivanova qoraalkeeda ku sheegtay dhammaan dhamashada ardaydaas boliisku waxay ku doodeen in ardaydaas sarkhaasanaayeen. Isla qoraalkeeda Lyubov Ivanova waxay ku xustay in ardayda Soomaalidu ka cawdeen cunsuriyad boliisku kula kaceen arday iyo in aysan waxba ka qaban oo iska indhatiraan dhibaatooyinka ardayda loo gaysto.

Ammuurta kale ee jaahwareerka ka dhex’abuurtay ardayda Soomaalida iyo Soofiyeetku waxay ahayd xorriyad la’aan Soofiyeetka ka jirtay taas oo aad uga duwanayd xorriyadda iyo madaxbannaanida qofeed ee Soomaaliya tiillay iyo Soomaalida oo ka biyadiiday kalatalisnimada maamulayaasha goobaha waxbarashada kuwaas oo ardayda ku qasbayay barashada aragtida shuuciyadda taas oo Soomaalidu aad u necbaayeen ayaga uu diin la’aan ka urinayay. Taasi ka ma dhigna in ardayda Soomaalidu aysan waxbarasho rabin oo Ivanova oo ka hadlaysa sida Soomaalidu waxbarada u jeclaayeen iyo sarraynta filashadoodi ama hammiga ardaydii Soomaalida ee Soofiyeetka joogtay waxay tiri “qaar ka mid ah ardayda Soomaalidu kolkii ay Soofiyeetka tageenba waxay rabeen in ay bartaan nuklayrka iyo in ay noqdaan cirbixiyeenno.” Gerald Hanley na waa kii lahaa “garaadkooda dabiiciga ahi waa mid aan mid kale soo labayn, maalinta albaabada warshadaha aqoontu u furmaanna waxay ka yaabin doonaan Afrika iyo ayaga qudhooda” (Hanley).

Diidmada barashada aragtida shuuciyadda ee qaar ka mid ah ardayda Soomaali waxaa caddaynayaa qoraal cabasho ah oo dawladdooda u direen kaas oo ku sheegeen in dawladda Soofiyeetku si gaar ahi u soo dhawaynayso u na taageerayso qayb ka mid ah ardayda kuwaas oo ahaa kuwa aadka u la dhacsan shuucinimada.

Sidii aan kor ku soo sheegnay Raashiyaanku takoor iyo quursi ayay ku hayeen ardayda Afrikaanka ah ee dalkooda ardayda Soomaalidu waxay ahaayeen kuwa ugu horreeya ee ka gilgishada cunsuriyadda Raashiyaanka waxa ayna hormuud u ahaayeen guddiga ardayda Afrikaanka ee cabashada u gudbin jiray maamulayaasha Soofiyeetka.
Sannadkii 1960kii arday Soomaaliyeed oo wax ka baranayay Moscow State University ayaa warqad ay kaga cabanayaan nolosha liidata ee Ruushka iyo takoorta u diray ra’isul wasaarahii Soomaaliya ayaga oo ka codsaday in uu dalkoodi dib ugu celiyo, iyo arrintooda uu u gudbiyo Qaramada Midoobay iyo hay’adaha xuquuda aadanaha. Waxaa kale oo Muqdisho iyo Moosko ba ku faafay qoraallo lagu dhaleecaynayo Soofiyeetka kuwaas oo arday Soomaali ahi qoreen taasina waxay sababtay in koox arday Soomaali ah maamulayaasha Soofiyeetku eryaan. Arday ka mid ahaa ardayda Soomaalida ah ayaa yiri “dalkayga ayaan u soo noqday waayo Soofiyeetku i ma cajabgalin oo waxayba i soo xasuusiyeen hadalkii Kwame Nkruma ee ahaa “haddii aad rabtid in dhallintaadu jeclaadaan hantigoosiga u Soofiyeetka, haddii se aad rabtid in ay hantiwadaagga jeclaadaan Maraykanka u dir.”

Sannadkii 1966dii qaar ka mid ah soddon (30) arday oo wax ka baranayay Kuban Agricultural Institute ayaa jeer oo booqasho Moosko ku imaanayay madaxweyne Aadan Cabdulle waxay warqad cabasho u direen safaaradda Soomaalida ayaga oo ka codsaday in Moosko loo wareejiyo maadaama ay naftooda uga cabsanayaan dadka deegaan. Ardayda cabashada diray waxay diideen in ay fasallada xaadiraan. Balse qaar kale ayaa ka soo horjeestay oo ku dooday in cabashada ardaydu aysan sax ahayn. Sidaa oo kale arday badan oo Soomaali ah ayaa qabay in cabashada iyo sheegada ardayda qaarkood aysan wax wayn ahayn, ayaga oo kula taliyay saaxiibbadood in ay fursadda waxbarasho ee ay heleen ka faa’idaystaan aysanna ku mashquulin waxyaabo kale. Cumar M. Axmed oo ahaa safiirka Soomaalida 1966dii ayaa asaguna fikirkaas ardayda dambe qabay waxa uu na soo jeediyay in ardayda Soomaalida laga mamnuuco goobaha cawayska.

Sida qoraalka Ivanova warinayo isfahamwaaga u dhexeeyay ardayda Soomaaliyeed iyo shacabka iyo dawladda Soofiyeetka waxaa sal u ahaa kala duwanaan dhaqan oo wayn oo labada dal u dhaxaysay, takoor iyo cunsuriyad dadka madow kala kulmi jireen bulshada Soofiyeetka, dhiirrani iyo gabbo la’aanta Soomaalidu aysan shisheeyaha ka haybaysan, iyo filashadii ardayda Soomaalidu ay ka filayeen Soofiyeetka oo aad sarraysay iyo wixii ay meesha ugu tageen oo aad u kala duwanaa.

Waxaan kale oo ku doodi karnaa in ardayda Soofiyeetka loo dirayay aysan dawladdii Soomaalidu u samayn tababarro iyo wacgalin ku saabsan dabeecadaha iyo dhaqannada dalka shisheeye ee ay u socdaan aysanna soo saarin oo meelmarin xeerar adag oo ardayda xakamaynaya korjoogto joogto ahna ku samaynaya. Tusaale ahaan waxay ahayd in dawladdu ardayda ku soo rogto xeerar ka mamnuucaya xiriir la yeelashada dumarka Soofiyeetka, cabbidda khamriga iyo aadidda goobaha cawayska, iyo dhexmaquurashada iyo ka hadalka arrimaha siyaasadda.

Waxaa qoray Cali M. Diini

Tixraac

Gerald Hanley. Worriors Life and Death Among Somalis.

Lyubov Ivanova. Somali Students in the Soviet Union (1960-1978).

Maxamed Cusmaan Cumar. The Road to Zero: Somalia’s Self-Destruction.

 

 

 

SHEEKOOYIN

Cart
  • No products in the cart.