Baadi goob baahi badan!!!
Qaybta 20aad
Waxaa soo caga dhigtay magaalada uu xaashi ku amar taagleeyo Muuse oo u soo muuqda awood aan sinnaba lagu celin karayn oo wax uu ka naxayo aysan jirin, waxaa ka go’nayd in uu si walba ula wareego boqortooyada Xaashi.
Muuse wuxuu doonayay in uu helo dhamaan xiriirada dadka awoodda dowladeed leh ee uu xaashi la xiriiro, sidoo kale ilaha ganacsiga qatarta badan hadana dhaqaalaha badan ee Xaashi
Intaas oo dhan waxay ahayd gorgortan ay xaashi ku wada jireen, xaashi nacas ma uusan ahayn wuu ogaa haddii intaas oo fure laga helo in si fudud awood ahaan looga takhalusi karo maadaama uu waayadan dhaqaala ahaan wanaagsanayn.
Muuse isla markii uu magaalada soo galay is baddal badan ayaa la dareemay wuxuu la wareegay dhamaan xiriiradii gudaha ee dhinaca dowladda dadka Xaashi uu kala xiriir jiray, waxaa u dhiinaa oo kaliya dhanka dibadda taas oo ahayd sir aan si sahlan looga heli karin Xaashi, maadaama uu xaashi xitaa xiriir hoose la lahaa saraakiil ajaanib ah oo xoolahooda isaga ku keydsan jiray.
Culaysa badan ayaa soo wada food saaray kooxda Xaashi, waxaa mid mid uga sii baxay gacantooda xubin walba oo awood lahayd oo dhinaca dowladda ah, ha ahaadaan xildhibaano iyo iyo saraakiil ciidan dhan walbaba.
Xaashi waxaa la soo gudboonaatay go’doomin laga go’doomiyay ilaha dhaqaale ee gudaha, balse waxaa u haray wali dhanka dibadda iyo saaxiibkiisa Ciise doonyaale oo aan looga maarmayn kala wareejinta iyo dhagridda dowladda marka howlaha ganaciga aan sharciga waafaqsanayn lagu jiro.
Ciise wuxuu ahaa Khabiir dhanka gudbinta alaabaha kontorobaanka ku takhasuusay, wuxuuna ahaa il uu ku dhaarto amaba la ‘aanteed xaashi uusan lahaan lahayn awooda uu leeyahay.
Muuse Nin Caqli badan ayuu ahaa, wuxuu ogaaday in xaashi aan looga maarmayn dhiilasha waaween sidoo kale dhagridda saraakiisha dowladda ee la gadan waayay.
Xaashi iyo Muuse kulan ayaa dhex maray lagu gorfeynayo sida lagu sii wada shaqayn karo kaas oo ugu dambayntii lagu heshiiyay in xaashi looga dambeeyo kala wareejinta badeecada kontorobaanka ah.
Xaashi wuxu dalbay alaab ilaa 20 konteenar ka badan oo uu is lahaa markan qarash badan waad ka helaysaa, isaga iyo muusana ay ku heshiiyeen in ay wada qaybsadaan faaidada ka soo bixi karto alaabahaas, haddii dhiilkaas guylulaystana uu noqon doono dhiil taariikhi ah.
Xaashi fiilooyinkiisa ayuu isku xiray dhamaan, wuxuuna heshiis hoose la galay saaxiibkiis Ciise doonyaale isaga oo ku amray alabaata marka uu kasoo kala wareejiyo Badda in uusan toos u keenin bakhaarka la isla ogaa balse uu geeyo bakhaar sir ah oo ay isla ogaayeen.
Xaashi qorshayaal badan ayuu lahaa ma uusan doonayn in ay wada qaybsadaan faaiidada Muuse, maxaa yeelay, muuse naftiisa dhagarta uu xaashi meesha uga saarayo wuu waday.
Xaashi wuu sameeyay qorsha caafimaad, wuxuuna u yeeray Dr Qaasim, wuxuuna marka horr u sheegay in uu ogyahay xiriirka kala dhaxeeyo xaaskiisa balse muhiimadda uu ugu yeeray aysan taas ahayn, walwalka uu arrintaa ka qabana uu iska saaro, farna uusan saari doonin.
Dr qaasin oo awalba cabsi badan qabay ayey mar qura neeftii ka soo fuqday.
Xaashi ayaa bilaabay hadalka “wuxuuna yiri waan ogahay in xaaladdayda caafimaad ay ka sii darayso, ma ahan oo kaliya caafimaadkayga waxa sii shiiqaya ee waa noloshayda oo dhan, cadowgayga awood ayey soo yeelanayaan, qoyskayga wuu sii kala firdhanayaa oo laba is rabta ma jirto, dhaqaala ahaan waan sii dhamaanayaa, asxaabtayda waa sii yaraanaysaa oo qof walba marka uu maqlay xaaladayda caafimaad ayuu mustaqbal ahaan sii tashanayaa, Deyn badan ayaa la igu leeyahay, dhan kasta cadaadis ayaa iga saaran, dadka qaar waxay ii arkaan in aan ahay cadowgooda koowaad iyada oo aysan xaaladdu sidaa ahayn.
Kadib markii aan intaas oo xaaladood qiimeeyay waxaan go’aansaday qorshe aan caawintiisa adiga in aad gacan ka geysato u baahanahay, kaas oo aan doonayo in aan ku kala barto dadka ii dhaw ee isku qasmay, u jeedadayda waa kala garashada qofka dhab u ah noloshayda iyo qofka dhaldhalaal iyo dhaqalaha igula jooga”
Dr qaasim aad ayuu fakarkaas ula yaabay wuuna ku farxay marka uu xaashi yiri haddii siciidadayda aad dhab isu jeceshihiin oo isku fasaxantihiin oo mar walba waad tagi kartaan.
Dar qaasim wuxuu u balan qaaday xaashi in uu ka caawinayo fakarkaas isla markaana maadaama uu dhaqtar yahay uu isagu inta baaritaan sameeyo qorayo warqad ah in xaashi hawada uu ka baxay, hadli karin, dhaqdhaqaaq xubina uusan samayn karayn, micnaha baralays maskaxiyan, xitaa cuntada uusan gacmihiisa ku cuni karayn.
Xaashi inta uusan qorshahahaas ku dhaqaaqin ayuu laba qorsha oo kale kasii hormariyay, kuwaas oo ahaa kow in uu u yeero xaaskiisa Siciido kuna dhaho waad fasaxantahay laakin shardiga aan horay ugu heshiinay fuli.
Qorshaha labaad uu dagayna wuxuu ahaa in uu abaabulay kulan Ganacsi muhiim ah oo Muuse, asiga iyo haajir ay la yeesheen mid ka mid ah ganacsatada uu xaaahi xiriirka dibadeed la lahaa.
Xaashi oo qorshihiisa ka soo shaqayey ayaa kulankii markii la gaaray oo uu kula ballamay ganacsadihii dibadda ka yimid in uu muuse qaddariyo hadda kadibna uu booskiisa ku wareejinayo ayuu ganacsadihii diiday heshiiska nuucaas ah wuxuuna ku dooday nin aysan si wanaagsan isku aqoon maadaama shaqo aan sharci ahayn ay ku jiraan uu sidaas fudud xoolihiisa ugu aamini karin
Wuxuu dalbaday in C/rashiid meesha la soo galsho maadaama uu xaashi cudur daartay caafimaad ahaan.
Muuse oo hadalka qaatay ayaa yiri waa runtiis kana dalbaday xaashi in C/rashiid meesha la soo galsho.
Xaashi oo arrinkaas wax ka dhahayana wuxuu yiri “waayadan iskuma wanaagsanayn c/rashiid, balse waan la hadlayaa wuxuu dhahana waan idiin soo sheegayaa, Mahad oo kulanka dhinac ka joogay qaab dhaqankiisana uusan jeclaysan ganacsadahan dibadda ka yimid ayey mar qura dhinac qaab hadalka isku dhaafeen.
Muuse oo arrinta qaboojinaya ayaa wiilkiisa mahad canaan dhagaha uga shubay wuxuuna ku amray in uu raali galin ka baxsho hadalka uu martidooda kaga xanaajiyay.
Xaashi oo qorshihiisa caafimaad dabaqaya ayaa isla markiiba dhulka ku dhacay oo meesha ku miyir beelay is bitaalka markii la geeyayana waxaa lagu dhawaaqay in wixii awalba la sugayay ee ahaa in uu mar uun maskax ahaan dhiman doono ayna taa dhacday.
Xaashi waxaa la yiri ma hadli doono, iskuma filnaan doono oo in la quudiyaa loona qubeeyaa ayey ahaan doontaa xaaladdiisa.
Muuse magaalada markii uu soo galayba wuxuu baaris ku bilaabay shaqaalihiisa cusub , baaritaan dheer kadibna wuxuu ogaaday in Yaasiin uu yahay Mas qaniinyadiisa la filan karo waqti walba, maadaama taariikh ahaana lagu ogayn u daacadnimada dadka uu u shaqeeyo ,sidoo kalana uu lahaa damac uu ku doonayay in uu mar uun ku noqdo xaashi oo kale balse ay usii dheerayd qalalaase wax ku xallin iyo hagardaamo ayuu go’aamiyay in uu ka takhalluso.
Yaasin oo aanan filayn in noloshiisa uu muuse dul dhigay lacag badan hadana ka sii mid ahaa shaqaalaha muuse ayaa mar qura waxuu ka war helay kulan uu muuse ka codsaday.
Muuse iyo yaasiin shaah ayey wada cabeen, wuxuu muuse waydiiyay yaasiin damiciisa mustaqbaleed, laakin yaasiin oo aan is jirayn ayaa yiri waxaan doonayaa in aan dhisto boqortooyadiina oo kale.
Muuse oo arrinkaa sii daba raacaya ayaa yiri oo xagee jeclaan lahayd in boqortooyadaas kuu saldhigato, waan kaa caawinayaa maadaama aad ka mid tahay shaqalahayga aan ku dhaarto.
Yaasiin oo xoogaa dhoola caddaynayaa ayaa sheegay in uu doonayo in uu isla magaaladan ka alkuma boqortooyadiisa, muuse oo ogaaday in filashadii uu filayay ay dhabowday ayaa kula kajamay yaasin in magaaladan aysan wada qaadi karin xaashi iyo isaga muusa ah iyo yaasiin oo ay ku riyoonaya.
Yaasiin oo qoslayaa yaa yiri “xaashi waaba ka takhalusaynaa anigana adiga ayaan dhaxalka kaa suganayaa”
Muuse oo qoslaya ayaa yaasin ku yiri waa run shaqaale fiican oo baladkan la’aantiis aanan iman lahayn ayaa tahay, waad iga mudantahay intaas iyo ka badanba.
Yaasiin oo markaa ka sii baxayay guriga muuse ayaa bam inta kulanka uu la lahaa muuse socday loogu rakibay gaarigiisa uu waddada kula qarxay halkaasna cad hilibkiisa ah lagu waayay.
La soco 21aad
Qore: Mohamed Musa Sh. Noor
Laashin, waa mareeg loogu talogalay, kobcinta iyo lafogurka, arrimaha ku aaddan; dhaqanka iyo hiddaha.