Baadi goob Baahi badan!!!. Qore: Maxamed Muuse Sh. Nuur

                                                   Baadi goob Baahi badan!!!
Qaybta 2aad
Maryan way ogtahay in aabaheed xaashi xaashina sidoo kale wuu ogyahay in maryan gabadhiisa tahay laakin is faham waa iyo qalaalaase ay ku kala tageen hooyadeed ayaa ka dhigay maryan mid gooni ka ah qoyska reex xaashi, laakin xiriirka ka dhaxeeya maryan iyo daahir oo wiilka xaashi ah aad ayuu u wanaagsan yahay waana walaalo is jecel.

Maryan wax walba oo nolosheeda gooni ayey la noqotay, hooyadeed Hibo oo xanuun ay la miyir beeshay sariirta la saaran geeri iyo nolol midna aan ku dhex jirin ayaa sariirta u saaran oo lagu quudayaa tubooyinka dadka uu haleelo xanuunka maskax dhimashada ee loo yaqaano afka qalaad Dementia, waa xanuun dhinacya badan ku yimaada laakin ka haleelay hibo dhanka maskxada kaas oo ka dhigay qof aan waxba dhaamin qof dhintay balse dunida jir ahaan ku nool.
Maryan waxay sidoo kale walaal la tahay Ilaahan oo ah gabar ku bah ah Daahir hooyadoodna waa Siciido, waa xaaska labaad ee uu la nool yahay Aabahood xaashi, daahir iyo ilhaanba nolosha ladnaanta aabahood ayey kusoo koreen laakin maryan waa ka Duwanayd mar walba.
Maryan waxay aad u jeceshahay Qadar oo ah wiil ay dillootay daroogada laakin aad u shaqsiyad wanaagsan, aad u qaddariya, aadna u dhagaysta warkeeda sidoo kalana aad uga xishooda, waxay u tahay wax walba uu jeclyahay.
Maryan waa gabar lagu soo koriyay hal adayg, waxay ka shaqaysaa Warshad yar oo biyaha soo saarto, iyada oo la ogyahay ninka dhalay ayey hadana tiraahdaa, “aabahay xaashi wuu noqon karaa laakin gabadhiisa ma noqon karo”  hadalkaas oo ay ula jeedo dhiig wuu naga dhaxayn karaa aabahay balse dhabta nolosha ma wadaagno, dhibane noloshu hadba dhinac u ceyrsato ayaan ahay, hooyadey oo nolol iyo geeri midna aan haysan sariirta ayey ii saarantahay.
Xaashi inkastoo maryama iyo hooyadeed hibo xoolihiisa iyo isagaba ay isla dayrsheen hadana ma shaqsiyad xumeen oo mar walba wuu soo booqan jiray, in uu xanuunka hibo ku habsaday ka xun yahayna wuu muujin jiray.
Xaashi iyo Hibo waxaa ka dhaxaysay hanti ma guurto laakin ganacsi kama dhaxayn oo waa waxa ay ku kala tageen.
Xaashi aad ayuu u jeclaa hibo marnaba kuma fakarayn in uu gooni u qaato hantida kala dhaxaysay hibo, tan ay ku diiday ee shaqadana iyada ayaa iska diiday ma ahee isaga uma diidin.
Xaashi hibo haddii ay la joogi lahayd ma uu guursadeen siciidada u dhashay daahir iyo ilhaan, laakin cidlada ay cidlaysay ayaa ku kalaliftay in uu horey usii socdo.
Xaaladda hibo waxay ahayd mid ka sii daraysay maalin walba ilaa ay gaarto heer lagu xiro mashiinada kaalmeeya nolosha (life machine).
Qarashka oo dhan waxaa qabay xaashi oo raja ka qabay in hibo dib nolosha ugu soo laaban doonto, laakin fakar taa ka duwan waxaa qabtay maryama oo doonaysay in hooyadeed laga sii daayo dunida, dhibaato badan in ay maraysana aaminsanayd ayaa aad uga soo horjeeday in mashiinadaas hooyadeed kusii xirnaadaan.
Waa kala fakar duwanaantooda, xaashi jacayl iyo rajo uu ka qabo in ay jaanis u hesho nolosha ayuu sidaas u sameynayay qarashkaasna u bixinayay laakin maryama hooyadeed ayey rafaadka u diidaysay, siyaasad kalana waa ku jirtay meesha oo ahayd in ay diidaysay qarshka mashiinada uu aabaheed bixinayay taas oo aysan awood u lahayn bixintooda.
Maryama nolosheeda waxay ahayd mid ka madax banaan aabaheed, waxaa taageero aysan ku faraxsanayn sii jiray Muxudiin iyo C/rashiid oo aabheed u wada shaqeynayay.
Ilhaan waxay wax kusoo baratay dalka dibaddiisa waxayna aad u jeclayd farshaxanka in ay xirfaddaas ku shaqaysato ayey aad u jeclayd iyada oo riyadaas in ay fuliso u socota ayey dalka  dib ugu soo laabatay.
Ilhaan gabar aad u dagan caqli badan ayey ahayd, waxay lahayd himilo sare, ma rabin in ay raacdo raadka aabaheed in ay mid cusub oo iyada leedahay samaysato ayey rabtay laakin aabaheed Xaashi fakarkaas lama qabin.
Ilhaan markii ay timidba xaflad soo dhawayn heer sare ah marti sharaf kala duwan oo kala heer ahna waa ka soo qayb galeen.
Xaashi oo u diyaar garoobayo xafladda doonayayna in uu hadal ka jeediyo ayey si lama filaan ah Drs Qaali oo dhaqtaraddiisa ahayd usoo wacday uguna sheegtay in baartaano caafimaad ay horey ugu sameeyay mid ka mid ah natiijadiisa ay soo baxday jeclaa lahaydna in ay is hor fariistaan si ay ula wadaagto natiijada soo baxday.
Wuu ka cudur daartay markaas laakin wuxuu la ballamay barri subax saacadaha hore in uu u imaanayo iyana hadalkaba siiima wadinee haye ayey tiri.
Waxaa si lama filaan ah Xafladda uga soo muuqday Maryan isla markiiba waxaa ku cararay muxudiin oo oday xaashi u qaabilsanaan la socodka dhaqdhaqaa maryan iyo hooyadeed Hiba, isaga iyo c/ rashiid ayaa is waydiiyay cidda marti qaaday Maryan, oday xaashi wuu arkayay in maryan meesha timid laakin hadal ma dhihin oo shaqadaas dadka uu u xilsaaray in uu ayaga kala xisaabtamo ayaa u qorshaysnayd.
Maryan isla markiiba Muxudiin ayaa ku yiri “maryan laguma martiqaadin, fadlan meesha isaga tag” maryama iyada oo iska filqaysa gacmihiisa ayey ku tiri gabadhan walaashey ah maadaama aanan muddo arkin in ay timidna waan maqlay ayaan rabay in aan arko muuqeeda ujeedo kalana ma lihi waan tagayaa.
Muxudiin oo in meesha buuq ka sii dhaco iska ilaalinaya ayaa uga mahad celshay qaabka ay wax ula fahmatay banaanka ayuuna usoo dhaweeyay.
Maryama iyada oo sii socta ayaa waxaa ka daba tagay C/rashiid oo naxariis iyo in uu ka xun yahay qaabka loola dhaqmay ama aabaheed xaashi ula dhaqmo muujinaya ayaa ku yiri waxaa kuu wanaagsan in aad qaadato warka aabahaa hooyadaana mashiinka aadan ka furin in ay nolol dib u hesho ayaa laga yaabaa.
Maryama si fiican ayey u ogayd taariikhda C/ rashid in uu aabaheed soo korsoday waxna soo baray, sidoo kale qoyskoodana ay waligood aabaheed u shaqaynayeen ayaa ku tiri “aniga adiga oo kale ma ihi, aabahayna noloshayda ma gadan karo, laakin adiga iyo waalidkaaba isaga ayaa idin leh oo idin samaystay”.
Isaga oo si xikmadaysan ula hadlaya ayuu yiri ,”xirfaddayda waa Qareenimo, mar walbana waxaan daneeyaa oo mas’uuliyad iga saarantahay ilaalinta danaha macaamiishayda, aabahana waa abahay oo kale isaga ayaa i dhistay waa run isaga ayaana difaacayaa maxaa yeelay waxaan ahay wiilkiisa oo kale”.
“Aabahey iyo wixii u shaqeeyaba ma jecli la xiriiriddooda iyo in ay noloshayda lug kusoo yeeshaab ayey maryan oo sii galaysa gaariga ku tiri C/rashiid, laakin xaaladaha qaar in aan aqbalo waan ku qasbanay”.
Saaka waa subixii uu xaashi la ballansanaa Drs Qaali ogaa lahaana natiijada baaritaanadiisa caafimaad ee waayahan uu sameynayay.
Drs qaali aqbaar wanaagsan ma hayso waxay u sheegtay in laga helay cudur lagu magacaabo alzheimer’s.
Alzheimer’s waa cudur burbursha Neerfaha isku xira maskaxda iyo jirka intiisa kale wuxuuna sababa in qofku qabsan waayo shaqooyinka caadiga ah ee jirkiisa sida nuux nuuxinta xubnihiisa qaar, sidoo kale wuxuu adkeeyaa wax calalinta ilaa heer uu qofku is quudin waayo oo in la quudiyo ma ahee isaga uusan is quudin karin.
Cudurku ma ahan mid qofka dilo, laakin dhimashada ayaa dhaanta maxaay qofka wuxuu ka dhigayaa qof aan noolayn oo dhimasho iyo nolol midna haysan.
Waxay u ahayd Aqbaar xanuun badan in uu maqlo, astaamaha qaar ee cudurka mar hore ayuuba isku arkay oo ma ahayn wax uu hadda sugayo, waxaa loo sheegay in xusuustiisa ay tartiib usii lumi doonto, dhaqdhaqaaqa xubnihiisa qaarna uu arki doono ayaga oo howsha gabay.
Waa adiga oo nool ogow in aad nolosha ku silci doonto. Xaashi wuxuu go’aansaday in boqortooyadisa uu u diyaariyo ilmihiisa cidda kala wareegi lahayd.
C/ rashiid oo ahaa wiilka uu soo korsaday ayuu qof walba u saadaalinayay in uu odayga xilka kala wareegayo maadaama aqoonta iyo kartidaba uu lahaa.
Casha qoyseed ayaa la iskugu wacay dhamaan, Xaaji xaashi ayaa hadalka qaatay oo taariikhda qoyska ka sheekayntiisa ayuu marka hore ku hormaray sidoo kale wuxuu iftiimayay sida ay u muhiim u tahay in qoyska uu wax walba ka muhiimsan yahay isaga oo si sarbeeban u samirsiinayay c/ rashiid oo hammi badan ka qabay in uu shaqada kala wareego Xaashi.
Xaashi oo ay garab fadhiday islaantiisa Siciido ayaa ku dhawaaqay in ilhaan iyo Daahir uu midkood noqon doono kan odayga kala wareego shaqada.
Hal mar ayaa la is wada eegay ilhaan iyo daahir ma filayn in C/Rashiid sidaa loola dhaqmi doono.
Xaashi si toos ah uma qeexin ilhaan iyo daahir qofka uu noqon doono laakin midkood ayuu noqon doonaa buu yiri.
Ilhaan riyo ah in ay hirgaliso riyadeeda farshaxanka ayaa ku dhagan oo ma rabin in ay shaqadan soo faragaliso.
Daahir cilladda uu qabay ayaa ahayd in uusan u diyaarsanayn mas’uuliyadea intaas la eg maadaama uu ahaa nin ay balwad dillootay aadna u baaba’sha lacagta.
C/rashiid aad ayuu uga xumaaday, ma ahayn wax uu filayay, qoyska waa qoyska uu la soo koray, waa kuwa uu wax usoo bartay, waa kuwa uu qareenimadiisa ku difaaco, in la dhaho kama mid tihid xilna kama qaban kartid ma ahayn wax laabtiisa markaas ay qaadan kartay.
C/rashiid wixii markaa ka dambeeyay wuxuu bilaabay go’aana ku gaaray in iu sameeyo wax walba oo dhaawaci kara xaaji xaashi iyo qoyskiisa in kan hormoodka u ah uh noqdo, isaga oo la shqaynayo isna qarinayo ayuu howlihiisa laab dillaacinta qoyska waday.
Daahir dadaal badan in uu samaynayo ayuu aabihiis u sheegay isaga oo odayga ka codsaday in lagu wareejiyo howshaas odaygana wuxuu u balan qaaday haddii uu Dahir daroogada ka tanaasulo in uu howshan ka bixi karana muujiyo uu dib u qiimaynayo codsigiisa laakin uusan hadda waxba u balan qaadayn.
C/rashiid xaas ayuu lahaa uu wax walba la wadaagi jiray, arrimahan soo kordahay ee aan farax galina wuu la wadaagay in laga wada tashado xaaladdana si hoose loola socdo ayey ku ballameen.
Ilhaan waxay furatay goobteedi ganacsi ee farshaxan, sawiro badana ayey ku xaradhay, sawirka ugu horeyayna waxaa ka gatay C/ rashiid.
Ilhaan aad ayey ugu faraxday in uu noqdo qofka ugu horeeyay ee sawir kagato waliba sawir uu aabaheed aad u dhaleeceeyay ayuu ahaa iyadana ay is lahayd waaba kan ku jira meesha.
La soco qaybta 3aad 

W/Q : Mohamed Musa Sh.Noor
Ekisyare@hotmail.com
Xabuu8@gmail.com

SHEEKOOYIN