Biddood Moos ku Dul Baroortay Wq A. M. Yusuf

moo

Biddood Moos ku Dul Baroortay

 

from: Wayeel to: Huda hussain date: Thu, Mar 27, 2014 at 8:10 PM

Akhristow, waxa aan maanta kula soo wadaagayaa dhambaal aan beri dhoweyd u diray Marwo la yiraahdo, Hodan Xuseen Cali (Nuuralcayn), taas oo iiga soo sheekeysay in ay qiirooto, goor walba oo ay dhegeysaneyso, heesihii hore. Misana, waxa ay iiga hadashay in ay ku qiirootay dhegysiga heesta la yidhaahdo “Raaxeeye” [“Raaxeeye,” ka raadso isla Degelkan Gole Wayeel!]. Qaraami weeye uu ku luuqeynayo Maxamed Axmed Kuluc. Kolkaas ayaa an na, waxa igu soo dhacaday, sheeko qoraalkeedii inta aan billaabay, misana, aniga oo aan weli ebyin (dhammeystirin), ay maankaygii si uun ugu dhex luntay. Haddee, aqris wanaasan.

 

Beri hore waxa jiri jiray in dadyow laga soo qaafalan jiray qaarado kala duwan ee adduunka mid ah. Xataa Afrika. Nin biddood ahaa, ee midiidin (adeege) ka ahaa beer lagu baadho, lagu na abaqaalo—geed, ama dad… iwm. oo kale, inta dal hore laga keeno, dabeed dal kale lagu tallaalo—dhir dunida oo idil laga soo rujiyay (xaday), ayaa beerta iyada ahayd, la keenay. Maalin ayuu beertii ku dhex arkay geed moos ( geed muus ). Marka hore inta halkiisii hogtay, ayuu, haddana hadba xaggii geedkii, qunyar qunyar ugu siqay. Madaxdii iyo shaqaailihii ayaa la yaabeen: gedda addoonkii uu ugu dul baroortay geed mooskii; ilmo farahaas ka badannayd na, uu dusha kaga bilbilay!

Aqoonyahan Faransiis ahaa, ayaa is weydiiyay, “Moosku, dhirtii kaleeto, maxuu uga duwanaaday?” An se ila ah, weydiin taas, in aan u hayo, warcelinno, kuwiisii, siyaabo badan uga sii kala sandahan.

Ogow geedku waa geed u eg, geedihii ku yiil, dhulkii isaga laga soo afduuban jiray; ama waa geed u ula ekaaday mooskii ka bixi jiray dhul, kiisii hooyo!

Hodan Ina Xuseen Cali, Nuuralcayn: ma og tahay heesta raaxeeye, ereyadeeda, af Soomaaligeeda, muusiggeeda, luuqdeeda; dareenka ay xambaarsan yihiin, ka soke; gacalooy, ma ahan misana wax lala meeldhigi karayo—muuskii dalkeena ka bixi jiray. Haddii aan heeso, sheekooyinkii Soomaaliyeed, murtidii Soomaaliyeed, dhaqankii Soomaaliyeed… haddii aan ay, t.a., hees qaraamigu i ag tubnaan lahayn; sow anigu ba u ma aan ooyi lahayn, bal moos iska daa e haddii aan arki lahaa: “saalo geel, digo adhi, falti lo’aad, xaar dammeer”—ama waraabihii Garbahaarrey?

Marka bal dib u yare santeecso oo maankaaga la kaasho. Mooddada (hummaagga) mooska bal intii cabbaar ah, si xooggan u ruugruug. Haddii addoon kaas oo kaleeto aad ahaan lahayd; halka isaga laga tusay geed mooska: Maxaad u maleyn lahayd, adinka oo wada xambaarsan harqood gumeysi, haddii si kedis ah, ma ahan aqalkiinnii Hargeesaawiga ahaa; balse Maxamed Axmed beertaas baas oo kale, uu kaaga soo hor bixi lahaa? Miyaad u ooyi lahayd uun, sida addoonka ba uu mooska… ? Mise farxad ayaad la waalan lahayd? Ama se ba, riyaaq awgii ayaa aad u ba dhiman lahayd? Haddii aan tayda kaaga soo hadlo, waalli ama wed ayaa midkood uun i qaadan lahaa. Iska daa wax kale e, Morgankii Hargeysa baduugay (dadkeennii na xasuuqay)—aragtidaalkiisu waxa uu ii kedin lahaa gedda muusku ba, biddoodka saboolka ahaa, uu u kediyay! Hodan, Nuuralcaynaay, “Haddaad dhimato geeridu marbay nolosha dhaantaa e” (Salaan Carrabey: Maayn); walaalo bal ii soo sheeg: geeri iyo murugo, tee ba ayaa ta kaleeto, adiga kaala sii ba’an? Ii soo sheeg, sidee ba ayaad adigu na noqon lahayd, Gacalooy?

Soomaalidu geed-muuska (geed-mooska) waa ay iga la sii wada weyn yihiin. Soomaalidu waa jiritaan kaygii. Haddii uu midkood rufo (dhinto), waxa aan u beelayaa, wax u dhigmiayaa: dalkii addoonku u daltabyooday oo kale; addoonka saboolka ahaa, u ma hiloobin mooska isaga ka hormuuqday e; waxa uu, u boholyoobay, u na buseylay waa xusuusta uu dib u soo geliyay maankiisa loo jebiyay sida neef dakaamo ahaa—fardaha, geela, dadka… iwm., waa la laylyaa, oo loo jarabaraa—si ay xooluhu heeryada u oggolaadaan, dadku na ay u midiidinsamaan (si ay u oggolaadaan addoonsiga). Ogoobey moosku, si kaleeto, yiddidiilo horleh, ayuu u lahaaday asii uusan isagu (addoonku) kala dooraan kari lahayn—dalkiisii hooyo, in uu dib ugu noqdo iyo in kale. Marka se uu wada beelo xasuus kasta oo ku saabsanayd dalkiisii hooyo—iyo nimco kasta oo kale ee lala xidhidhin karayay ba—iyo labaddartaadle, dhalankiisii gobeed; allaylehe, waa gartii, waa na daaw; biddoodku, in uu mooska ku dul ooyo. Walow muus, uu moos uun yahay; haddana, geedka uu midiidinku (addoonku) arkayaa, allaylee, waa moos ah si gooni ah. Sidaas awgeed, ayuu mooskii na u noqon, muuqaal dhaxaltooyo qarameed oo idil ka soo haray. Ifka, shayga, shay oo idil ugu wada qaalisan. Shay aan anigu ku asteyn karayo uun: milgaha iyo sharaftida ay u yeesho qofka Aadamiga ah—GOBNIMADU.

Soomaalida badankeedii, waxa madaxyadooda laga tirtiray: dadjacayl iyo daljacayl. WADDANINIMO. Moos kuu roon e, haddii hortooda la keeno: maalkii iyo macdantii dhulkoodii hooyo; laga ma yaabo, in ay ku qiiroon lahaayeen. Sweden, ta aad joogto, iyo Yurub oo idil ba, waxa ay gaaladu ku naaxeen: kalluunkii, xoolihii, iyo “dhaxalka iyo dooggiyo dhoobadiyo cammuud[dii]” (Maradoon: Waqti) Soomaaliyeed; iyada oo ay Soomaalidii na, mindhaa, ku wada dhex silicsan tahay xeeryo qaxooti, gude iyo dibad ba. Soomaalida iyo bal is barbardhig, addoonka ku qiirooday aragtidaalka geed moos; moos weliba laga yaabo, in uu ahaa mid aan dalkiisa ba, laga ba soo xadin. Bal mar kale na, isu eeg, hadba dhallinyarada Soomaaliyeed, ee uu suudalku dilooday; tahriibka na, weli ba lamadegaan iyo baaxadsoore badweyn, ay nafahooda ugu biimeynayaan—si dhalasho dhalanteed ah ay u qaataan, mayee, si ay jinsiyaddoodii u dooriyaan, iyada oo hal dhaafiye (Cad Waraaq ah Uun) dhaafsanayo—dhulkoodii hooyo iyo dhalyodoodii Soomaalinnimo. Dhegxumo weynaa! Tolow, Yaa inoo Maqan?

Murtida Dhambaalka

Maxay iigu kala duwan yihiin biddoodka isaga ah, iyo Soomaalida “qabyaaladdu ay dalkoodii dumisay”? Addoonku, isagu, is kiisa u ma aan uu iman dal Faranji, oo waa boojimo la soo raafay; Soomaalidu se, iyaga, ayaa is gummeeyay—gobnimadoodii na ku doorsanayo gunnimo. Dhibic.

F.G. Si kale, waxa aan ogsoon ahay in aad tahay Marwo qab Soomaaliyeed leh, taas oo aan laga yaabeyn, mar na ba, laga filineyn, GOBNIMADA “dadkeeda iyo dalkeeda” in ay siisaneyso “halad beeso ah”; oo caydh la qaataa na, waxa ila tahay, in agtaada—ay ka tahay duuf. Ilaahay ha inoo kaa daayo, adiga ilmahaaga na ha isu kiin wada daayo. Cimri iyo caafimad waara, Eebbhay ha idin wada siiyo. Aamiin.
Intaas aan kuu raaciyo qoraal, caawa fiidhoraadkii, la ii soo diray. Aqoonyahan Soomaaliyeed, Faysal Rooble, ayaa qoray. Marka hore cirka iyo caaddaas intuu ku geeyo, oo Soomaali ku jecleysiiyo, ayuu haddana, isla jeer ahaa na, madaxa dhiiqada ku dari. Aqriso goortii aad waqti u heshid: Muuqaal iyo Maqal: Qaran Jabka Soomaaliyeed.

Habeen wanaagsan.

_____________________

Tixgelin weyn ayuu kuu hayaa,
Yusuf Wayeel

.
.
.

● Qormo: “Biddood Muus ku Dul Baroortay”
● Wq A. M. Yusuf

 

SHEEKOOYIN