BOHOSHII BALAATO| WQ; CALI M. DIINI

Bohoshii Balaato

 

Daantaan yar ee dunida waxa aad mooddaa in goorsheegtadu ku istaagtay toban qarni ka hor cahdigii Xamuraabi.

Noloshu waa fudayd haddana adag. waxa aan uga jeedaa ma jiraan hawlo tirabadan oo isku milqan oo qabashoodu u baahan tahay farsamo iyo aqoon, waayo badanna fasallo loogu kallaho.Haddana inta yar ee maalinlaha loo qabtaa ma fududa.

Habnololeedku wax horumar ah ma samayn kumannaan sannadood. Weli sidii baa saddexda meesi: geela, ariga iyo lo’da aroortii loo foofiyaa cawaysinkiina loo soo hooyaa. Waa habkii iyo noloshii xoolaraacatadu door bideen markii walaalahood beeratabcashada u digarogteen, waayo hore oo fogaan badan ka hor. Malaha xoogdaliignimo darteed ayay xoolaraacatadu ku diideen in ay beero fashaan sidii walaalahood yeeleen. Mise mayal’adayg darteed ayay xoolaraacnimada ugu sii dhageen oo isbeddalka ayay necbaayeen? Runtu tan dambe ayay u dhowdahay, waayo sida taariikhdu werinayso xoolaraacato, iyo xoogdaliignimo iyo wahsi hal habeen meel kuma wada hoyan, dadka deegaankanina waa kuwii Gerald Hanley yiri: “there is no one alive as tough as the Somali. No one.”

Yeelkeed’e, qaabka deegaankani xoolaha u dhaqdo ama u raacdo waxba iska ma beddalin tan iyo bilowgii xoolo-rabbaayadaynta. Markaas waxa aan oran karaa deegaankan ka ma jirto wahsi iyo xoogdaliignimo jireed ee waxaa halakeeyay wahsi halabuurnimo iyo curin la’aan.

Dhulkaan xoolaha la ma dhaqdee waa la raacaa. Haa, xoolaha lama dhaqdo ee ayaga ayaa la dhaqaa oo dharaartii dhalataba danta xoolaha un baa laga fekerayaa, looga na fekerimaayo si danta dadka loogu qunsado ee xoolaha qudhooda ayaa dadku u qasban yihiin. Waxa aad mooddaaba in aabbaha dhulkaan deggan ay xooluhu uga qiime iyo mudnaan badan yihiin carruurtiisa iyo xaasaskiisa. Waxaa la arkaa oday leh shan tiro oo ari ah haddana ka masuugaya kabaha foodleyda yar ee tirooyinkaas har iyo habeen dabataagan. Waxaa dhacda in la arko dhawr kadin oo wiilka jiraa cagacad yahay.

Habka biyaha iyo baadka dadka iyo xoolaha waxba iska ma beddalin. Mar waa aaran marna waa aq, hadba sida roobku u da’o ama u di’i waayo ayay ku xiran tahay.

Baahida ugu wayn ee dhulkaan taallaa waa biyaha haddana marka roobku da’o biyihiisa la ma kaydsado ee dhulka angagan ayaa marti looga noqdaa. Waraha iyo balliyadu biyaha ay qabtaan un baa toddobaadyo lagu moodaa marka ay dhammaadaanna dhulka ayaa sabarad lagu faagaa si biyihii roobka ee uu laqay looga dabatago. Lagu ma fekero marka roobku da’ayo in biyaha badan ee badda ku qulqula ama kuwa dooxooyinku fuuqsanayaan la kaydiyo. Haddii roobku imaan waayo ama daaho dad iyo duunyaba halis baa la qurquriyaa.

Hawsha qofku waa aroortii kac, foofi, hargee, hoo, mayrac, seexo, kac, aroori, dhaami, ood, oodqaad iwm. Sidaas ayay ahayd ilaa inta la xusuusto. Wax isbeddal ah haba sheegin. Ma jirto aragti iyo farsamo cusub oo nolosha iyo hawsheeda fududeeya. Qof walba waxa uu sameeyaa ama u nool yahay sidii aabbihiis iyo awoowayaashiis u noolaayeen. Xataa gudinta geedaha lagu gooyo waa sidii ay ahayd qarniyo badan ka hor.

Ma jiro qof hal maalin ama hal daqiiqo u dhugyeeshay in gudinta qaabkeeda isbeddal lagu sameeyo ama la farsameeyo qalab kale oo ka hawl yar ka se waxqabad badan.

Taasi, waa sababta dadyowgii ku mitiday xoolaraacashadu weli u dhaafi la’yihiin halkii ay uga tageen kuwii beerafalashada u digarogtay kumannaan sannadood ka hor, halka asaaggood (beeraleydii) horseedeen horumarka iyo reer magaaloobidda la yaabka leh ee uunku gaaray. Meesha xoolaleydu xoolaha dabajoogeen ayaga oo harraadsan beeraleydu waxa ay hindisayeen farsamo hor leh iyo agab cusub oo u fududeeya hawlaha adduunyada tayada noloshoodana kor u qaada.

Beeraleydu waxa ay dhiseen boqortooyooyin iyo Imbaraaddooriyado la la ashqaraaray. Halka xoolaleydu halgan joogto ah u gashay sidii ay u mooraduugi lahayd mood iyo maal waxii beeraleydii hodantay tabcadeen, taas oo beeraleydii ku qasabtay in ay dhisaan darbiyo dhaadheer oo ay isaga aadiyeen weerarradii kaga imaanayay xoolaleydii dhac doonka ahayd.

Laga bilaabo darbiyadii Shulgi ee Mesopotamia, ilaa Great Wall of China ilaa iyo Hadrian’s Wall-ka ku meegaaran waqooyiga Britain iyo dhammaan waxii darbiyo dunida laga taagay, gebigood waxaa loo dhisay si la isaga difaaco xoolaley bililiqodoon ahayd.

Xataa xeeldheerayaasha sooyaallada iyo kuwa diimaha qaarkood waxa ay sheegaan in qolyihii Dulqarnayn darbiga ku awday (Yuuj iyo Ma’juuj) ay xoolaraacato ahaayeen.

Xoolaleydu waxa ay burburiyeen Imbaraaddooriyado iyo xaddaarado waawaynaa oo dunida soo maray. Waxa ay jilbaha dhulka ugu dhufteen boqortooyooyin kibray oo xukunkoodu baahsanaa laakiin Xoolaleydu mar walba waxa ay hayaan ugu jireen ka mid noqoshaqada iyo ku milanka xaddaaradahaas iyo Imbaraaddooriyadahaas ay weligood iyo waqood gulufka ku hayeen.

Dhallinyarada xoolaleyda ayaa ugu badnaa xoolaraacatadii magaalooyinka u yaacayay tan iyo waagii magaalooyinka la amaamuday. Waayo dhallinyarada xoolaleydu waxa ay arkayeen oo ka quusteen nolosha miyiga ee horumar la’aanta ah, isbeddal la’aanta ah, madadaallo la’aanta ah raaxaduna ku yar tahay ama ayan ka jirinba. Sidaar darteed dhallinyarada xoolaleydu waa ku qasbanaayeen in ay deegaannadoodi ka firxadaan oo magaalooyinka magansadaan. Waa ku qasbanaayeen in ay martiyaan dhaqannada magaalada ee xirxiran haddana bartii-yaqaannimadu tif ka tahay. Sida qoraaga Soomaaliyeed, Ibraahin-Hawd ku qoray buuggiisa “Aanadii Negeeye” noloshu marka ay hal meel ku dhagaxowdo oo wax isbeddel ah samayn waydo, kuwa noloshaas ku nooli waxa ay magan basar xun u noqdaan casriga markaas la joogo.
“Haddii marxalad nololeed lagu dhagaxoobo lagu dhiirran waayo geeddiga xiga waxaa abuurma dhaqan silloon oo casriga la joogo magan iyo marti u ah.” (Hawd, b. 210).

Deegaankaan marka roobku da’o oo xooluhu cayilaan caanahana la lulo, meel walba waxaa laga oogaa siyaarada wadaaddado qarniyo ka hor dhintay, ama oday warasadiisi jilib iyo jujooyin badan noqdeen ama se qabiil dhani maanta ku abtirsado.

Gurigeenna keliya waxaa sannad walba lagu dhigaa siyaarada awoowe Diini, siyaarada awoowe Samatar, siyaasada awoowe Nuur Cawl, siyaarada awoowe Cawl Faarax, siyaarada ayeeyo Caasho Cawl, iyo hooyadeed abooto Dhuuxey. Waxa kale oo qoysku ka qayb qaataa siyaarada awoowe 4aad Lugeey Xasan, siyaarada awoowe 3aad Faarax Gureey (dhanka hooyo), siyaarada awoowe 6aad Cismaan Jibriil (dhanka hooyo), siyaarada Shiikh Cali Samatar, siyaarada Shiikh Cali Cilmi-yare iyo siyaarada Shiikh Cabdalla iyo Shiikh Cawarreerre.

Marka waayeelka iyo wadaaddadu ku mashquulsan yihiin siyaarooyinka iyo Alle-bariga dhallintu na waxa ay habeenkii u guureeyaan gaardiska dhaantada iyo ciyaar-dhaqameedyada kale ayaga oo mar walba u tooghaya weerar culus oo kaga yimaada dhanka waalidka iyo wadaaddada oo waayihii dambe oo dhan waday guluf ka dhan ah kulamada abkasoogaarka ah ee dhallintu habeenkii isugu tagaan.

Marka nurku dhabarka jeediyo jiilaalkuna soo labalixaadsado noloshu kakanaanteedi ayay mar kale la soo kala baxdaa. Waa halgan joogto ah, harraad iyo hantaaqo, hawl iyo hayaan joogto ah.

Nolosha miyiga, geerida iyo nolosha dhexdooda waxaa ah giraan (circle) yar oo u wareegaysa sida qorraxdu dhulka ugu wareegto oo kale (sida deegaanka laga aamminsanaa: in qorraxdu dhulka ku wareegto) joogisteeduna rabto jihaad joogto ah.

Waa meel aadan arkayn oo urinayn wax isbeddal ah. Dharaar walba waxii shalay aad samaysid ayaad samaynaysaa, waxii aad aragtayna waad arkaysaa. Wax dheeraad ah haba sheegin.

Ma jiraan buugaag aqallada yaallaa, maktabado iyo wargeysyana ha sheegin, telafishinno ayagana warkood daa. Koronto, faranjireer iyo qaboojiye ama kululeeye dhaguhu ma maqlin dhaayuhuna ma arag.

Baabuur iyo mootooyin dhulkaan laga ma yaqaan. Haa, arki maysid aqal gaari horyaallo ama oday baabuur wata oo carruurtiisi iskool u wada. Iskool qudhiisa ayaanba laga aqoon deegaankaan kuwa magaalooyinka dhow laga sheegayna wadaaddadu waa ka dayriyeen.

Ma arkaysid hooyo baabuur luudinaysa kursiga dambana 4 carruur ahi u saaran yihiin. Qof walbaa lugtiisa ayuu maalaa.

Waddooyinka dhulkaani waa shaagag taayarada baabuurta magaalooyinka ka yimaadaa jeexeen iyo rastooyin ay faleen Maraykan macdan baarayay beryo hore, ase aad u malaynaysid in ay ku faleen cagafyo aan isteerin lahayn.

Haddii Boqor Darius qabriga ka soo bixi lahaa waxa uu ku dhaaran lahaa in aan hal taako lagu darin intii uu uga tagay jidadka. Roomaaankii hore na waxa ay ku doodi lahaayeen in jidadkii ay dhiseen dhagixii laga fuqsaday.

Ku darso oo halkaan laga ma yaqaanno dukaamo cayn-cayn iibiya iyo moolal saxmad badan.

Isbitaalka wax kale ayaa laga aamminsan yahay deegaankaan. Marka la bukoodo ama roob la waayo waxa loo cararaa dhanka wadaaddada ayada oo laga rejaynayo in uu Eebbe ayaga madaxooda ku diirnaxi doono.

Warka wadaaddadu waa waxyi samada ka soo degay oo kale maal iyo muruq waxii ay dalbadaanna waa loo la degdegaa, markaa ayaa qaar wadaaddada ka mid ahi awooddaan diiniga ah iyo dhagalugnaanta bulshada ganac ka dhex abuureen bulshadiina ka raarideen in wadaad ergeeya la’aantiis aan Alle agtiisa qof na galaas biyo ah ka kabban doonin.
Waxa ayba ku dhawaadeen in tabtii wadaaddadii Fatikaanka ay dambidhaafka Alle tafaariiq ku iibiyaan.

Haddii tahliisha wadaaddadu wax tari waydo ama waxtarmaadkeeda la daahsado waxaa sharad la la galaa duulal qarsoon oo awood badan lagu malaynayo.

Haddii qof bukoodo waxaa lagu yiraahdaa “haddii aad idinkii tihiin iska daaya miskiinka, markii roob da’o ayaa waxiinni la idinka siinayaaye.”
Haddii gabar gashaanti ahi waalato waxaa duulasha qarsoon la ballamiyaa marka la guursado.

Awliyadii geeriyootay iyo culimadii iyo awoowayaashii beryo hore godka galay ayaga qudhooda laga ma maarmo oo xoolo badan baa dartood loo qalaa si karaamadooda barwaaqo iyo baraare loogu helo.

Aniga oo aan deegaankayga wax uga qorayn sidii Joseph Conrad iyo jaallayaashiisi reer Yurub haddana waxa aan filayaa in aanan gefsanayn haddii aan xaalka deegaankaan ku mataalo Bohoshii Balaato ama tolwaynihii reer Umuofia ee Chinua Achebe ku dhaleeceeyay oddoros iyo saadaalin la’aanta saadambe.

 

Naga la soo xiriir:

laashin77@gmail.com

Qoraaga kala xiriir:

Diini42@gmail.com

 

 

SHEEKOOYIN