Buuggii Xabsiga galay!
Kala irdhoobidda ku dhacday dadka waxa ay sababtay in la dafiro wax isu ahaansha umadeed; waxa ay mugdi naga galisay in dib loo walaaloobi karo, in lays kaasha karo iyo in dad shisheeye xigtaysanno, annaga oo ku xumaynayna garabkayaga kale. Waanu kala baadiyownay oo kala baahnay kolkaas na waan is colaadinnay markaas ayaa fikirkii iyo faallooyinkii na dhaxmari lahaa laga dhigay wax xaaraan ah oo danbi lagu mutasanayo.
Midda an u socdaa waa dhigane xabsigala dhigay!Haa waa buug xabsiga loo taxaabay oo aan danbi galin.
Wali maad aragtay Buug xabsiga loo taxaabay ? Wali maad aragtay Buug gawrac loogu sakuumay/lagubay . Wali ma arag labadaa midna se mid dhawaaq ahaan waan ku maqlay , oo buug aan in badan wax ka faa’iday ayaa in lagubo lagu baaqay kaasina waa “Xadka Riddada Maxaa ka run”, ah oo Cabdisciid Qoray. Aniga waxa aan si cad u arakay buug xabsiga loo taxaabay qofkii sitayna aan laga dhigin maxbuus . “Nin noolow maxaa aragti kuu laaban”
Horta waligay ma galin jeel; mana noqon maxbuus wax loo haysto. Waa markii labaad oo xabsiga loo taxaabo waxyaabaha aan gaarka u leeyahay lana xidho. Mar waa mar hore oo taleefan aan leeyahay ayaa sadex cisho ku xidhnaa xabsi bilaa sabab, marna waa maanta oo waxa xabsiga loo taxaabay Buug magaciisa la ydiahaa ” Midnimada Dalka iyo Ismaamamul Goboleedyada” Haddaba waxa aan u socdaalayey dhankaa iyo suuqqa Waxa aan gacanta midig ku sitay laba buug mid waxa uu ahaa maxbuuska midna waxa uu ahaa noofal oo luuqadda englishta ku qornaa .
Haddaba waxa aan saarnaa basaska bulshadu u adeega , waxoogaa markii aan fuushanaa ayaa waxa dhacday in qof dego anna waxa aan sameeyey in aan dhulka u soo daadago si aan isku dhaafno maadaama an taagnaa, u soo daadagii ba waxa isha qac igu siiyey nin magaciisa igu sheegay Mustafe oo sadex xidigoole ah , waan la socday eegmadiisa qotoda dheer laakiin umaan joojin oo haka bogtaan is lahaa eegmadiisa, iyo adiga kuma soo eegayo mala ha, wax uu ilqoodha iga soo eego daqiiqadihii aan taagnaa ayaa uu kor u qayliyey isaga oo baabuurkiisa fuushan ” Hooy ninkoow , Hooy ninkoow” waan jaleecay waxa aan dareemay in uu askarigu aniga ii yeedhayo waan u tegay .
Inta aan hadalba i odhan ayaa uu buuggii la booday oo iigu halceliyey ” Qaran dumis ayaad tahay ” Hadalkisa wax aan ka dareemay cadho badan , shaadhkiisaan eegay mise garbaha sedex xidigood ayaa ka saaran ,laakiin qalbiga sadexdaasi kama saarna, haddana ilqoodha ayaan ku xaday askar xagga danbe saaran . Waxa aan bilaabay in aan odogay xaalka u dejiyo mise waa cadho ayaa uu jiqyahay . waxa aan ugu jawaab celiyey ” Adeer qaran dumisnimadu ma ereyo la xar-xardhaybaa mise waa wax kale “. Inta uu qosol ka wadhay ayaa uu askartii la saarnayd amar siiyey . Waxa ay la soo booddeen adeecnimo iyo firfircooonaan dheeraad ah , anba kolkii hore waxa aan u arkayey in ay qaadiraysnaayeen haddana waxaaban moodayaa in ay is gamaarinayeen oo ay igu jimicsan rabaan .
.
Kamaan tagin xasiloonaanta iyo degenaanta , waayo, waxa aan ogaa in wax la akhriyaa xaaraan ahayn diin ahaan iyo dadnima ba . tudh lay sii oo gaadhigii lay gali. Maan jeclaysan in aan la sii doodo ama aan hadal wadaag la noqdo waayo waxa aan dareemay in ay ka muuqato caadifad aad u heer sarraysa. waxa aan aayar kala furaty Noofalkii sheekada ahaa kaas ayaan iska dhex muquurrtay oo isagu illeen igama xaaraantimoobin’e sababtoo ah waa luuqad kale . Waxa uu arkayaa in aan wali u jeedin.
Inta uu gaadhigoo qaboojiyey ayaa uu buuggii igala booday , waxa aan ku yidhi ; ” Isaguna waa qaran dumis ee bal eeg ” Inta uu gaadhigii dhaqaajiyey ayaa uu waraysi ii bilaabay ; Qolomaad tahay , ina ayaad tahay, yaa kuu reer abti ah ? Intaas oo su’aalood oo is huwan ayaa hal mar igu habsaday. Intii ba waan u sheegay mid midigtayda fadhiya, ayaa la soo booday ‘ “Oo haddaad ina hebel tahay maxaa wax somaliya ka hadlaya kuu geeyey ” Anna waxa aan ugu halceliyey ;” Waxba is kama-quseeyaan ina ayadayda iyo wax aan akhrinaayo”.
Haddii aan hadalladooda waxoogaa ka sii dhadhminno waxa ka mid ahaa ; “Ma oga waxa ay innoo gaysteen dadkaas(Soomaaliya) , haddii uu ogaan lahaana maantaba ma uu siteen Buuggan wana kaa is galaaftay ee jeelka mutaystay”
Lamaan yaabani waayo heerfikirkooda ayaa halkaa ah , waxa aan yaqiinsanay in aan wax hore u dhacay had iyo jeer aan ku xukumin noloshayda hadda se aan maanta ka soomaali ahaan is xukunno waxa hadda inna dhex yaal, wixii dhacay dhace , calaashaan sidii loo wada dhaqmi lahaa iyo wada noolaanshaha umadeeed . Waxba yaan hadal kugu daaline wax aan si toos ah u qabannay waddada madaarka aadda taas oo ciidan kale laga soo qaadi lahaa ciiddanka labada ahna lagu soo baddalayey. Odaygu sidii uu hayo qof danbi wayn galay ayaa uu u xiiqsanyey , mid askari ah ayaa wajigiisa ka dareemay in ay hawl sookorodhay waa uu waydiiyey ; “Taliye maxaa jira ” Hadal dagaal le ayaa ayaa uu ugu jawaaby , “Wax ba kaama galin ee shaqaddada qabso” . “Haye taliye”. Askarigii kale ayaa sidaa ku jawaaay.
Askartii hore waan dhignay oo qaar kale ayaa hareerahayga iga fadhiistay , dibna u soo baxnay oo u soo dhaqaaqnay dhankaa iyo jeelka dhexe ee suuqa Hargaysa ku dhexyaal . Albaabka ayaan ka soo galnay ,goorahaas aan tallaabsanayo waxa aan ahaa maxbuus aan garbaha la hayn aan tagiinadaysnayn, waayo waxa aan ogay in aan dambi aan galin. Taliye ku xigeenkii ayaa isla markiiba kula boobay ‘ Ninkan waxa uu sitay buuggan ka hadlaya Soomaliya wana qaran dumis sida aan u arko aniga , ee waa in wax laga qabtaa sharcigana la mariyaa ” Markii uu intaa yidhi ayaa Taliye ku xigeenkii qaybtaas ayaa isla su’aalihii haybta ku saabsanaa i waydiiiyey, sidii ay ahaydna wana ugu halceliyey . Illaa uu yimid taliyihii jeelku. Dibadda ayaa uu kursi dhigtay halkii ayaa laygu kaxeeyey kadib waxa loo dhiiibay Maxbuuskii aan sitay “Midnimada Dalka iyo Is maamul Goboleedyada” Kolkii ba waxa uu eegay ciwaanka isaga oo hada ba ayaa uu waxoogaa isha la raacay , markii uu dhamaayey ayaa uu oday shicib ah oo aan is yidhi waa la asxaab ayaa taliyaha, isaguna isha mariyey in yar kadib waxa uu odaygii shicibka ahaa yidhi “Buuggu soomalilaan ayaa uu wax la ogolyahay ee maxaa wiilka lagu haystaa wax dhib ah kua qornee”. Taliyihii waxa uu go’aansaday in uu buugga iga reebo waxa aanu ku dul-qoray magacayga iyo aleenka gacanta aan ku sito. kadib halkaas ayaa anigana laygu fasaxay , xatal aan waa maxbuus buuggii. Allow umaddu waa umaddaadiiye boggooda burcad isku mari.
W/Q: Garaad Yoonis Gajoome