Dambigaan ka Galay Duniyadaan Dhalay. Q 3AAD
Shalay iyo maanta kala roon, nolosha baalkeeda cusub ee aan guda galnay ayaa i ilowsiisay dhammaan rafaadkaan soo maray. Sida boqorka ayaa la ii koolkoolinayay, ha dhacin, ha kufin, ha jabinta la igu hayay. Dhab ahaantii aad baan ugu riyaaqay illeen waayahu mar buu kuu hiiliyaa, waxaanba soo xasuustay heestii ahayd:
- Marbuu ku wanaajiyaa
- Waqtigu kuu hiiliyaa
- Walaalkiis kaa dhigaa
Nasiib daro farxadu igu kaligey ayey ahayd. Suleeqo waxaan ii muuqan baa u muuqday, si sarbeeb ah ayey dhawr jeer igu tiri meel magaalo xeebeed ah inoo gee dalxiis si aan ugu qaadano bisha malabka, anigana waxaaba dhib igu ahayd joogitaanka maalmaha hore ee aqal galka kadib. Dhaqan ugub igu ah bey iila timid bal qarashka aan ku dalxiisinayo maan dhul raasa-maal ah ku gato, isagaas baan beri u baxsanaynaaye baan si hoose iskula hadlay.
Si aan u hilmaamsiiyo waxa ay tabaneyso waxaan u jiheeyaa hadba dhinac aysan iga filaneyn illeen nin kaa hadal badan dhaxalka aabbahaa ayuu ku dhaafiyaaye, waxaan ku guuleystay inay ila qaadato dhawr qorshe oo aan usoo bandhigay kuwaasoo ku saabsan aayatiinkeenna dhaw iyo kan fogba, waxaana kamid ahaa:-
1-In ay la wareegto maamulka iyo maareynta guriga iyo koriimada Duniyo.
2-In aan ganacsi ka sameeyo dalka Shiinaha iyo Soomaaliya, taasoo xigmadda ka danbaysaa ay tahay inuu badan doono socdaalkeyga dalka dibadiisa ah.
Sidoo kale waxaan kala dardaarmay Duniyo iney u kaxeyso baadiyaha ay ku nooleyd hooyadey, si halkaas loogu soo gudo, waayo waxaan ka biyo diidsanaa dadka magaalada ku sugan oo hiddaha iyo dhaqankeena barxay, Marka gabadheyda si ay u dhawrsanaato waxaan ku qasbay in ay marto hannaanka dhaxaltooyada ah ee dhammaan hooyooyinkeen soo wada mareen haddii ay tahay dhanka gudniinka, guurka, iyo dhaqasho reereedba..
Suleeqo waa ay ogolaatay, waxayna u ambabexeen ayada iyo Duniyo dhanka miyiga, ku dhawaad toddobaad marka ay maqanyihiin ayaa waxaa isoo gaartay farriin ka timid hooyadey oo ay ileedahay gabadhaada gudniinkii bay ku dhiig baxday waana sakaraad. Shallaytadeydiyeey bal maxaan naf Alla uumey dambi uga galayaa? ilma aan ogeyn waxa lagu sameynayo miyeey mudan yihiin in la gawraco sida xoolaha oo kale? Soo Alla wax ma ilaalsho, kuu doonana ma lunsho? Waxaan rumeystay maahmaah dhaqameedkii ahayd “ Caaddo la gooyaa cadho alle leedahay” waxaan falay waxaan wanaagsaneyn, waayo diin ahaan iyo dhaqan ahaan midna kuma haboona, allow yaa dhaqanka inta xun iska dhaqaajiya oo ka madax bannaanada ah.
Hah iyo Caku weydiimahaas ayaa maskaxdeyda ku soo laalaabanayey aniga oo habaarayo dhaqanka guracan oo foosha xun ee aynu leenahay iyo cidda taaba galisayba.
Dib baan u soo celshay gabadhiina waxaan geeyay goob caafimaad halkaas oo lagu daweeyay weyna bugsootay mudo yar kadib. Cashar ayey ii noqotay gaboodfalka aan u geestay
Waqtigu wuxuu is guroba Duniyo waa ay qaangaartay iyadoo dugsiga sare markaas billowday, ayey la timid dhaqan hor leh iyo inay ku amartaagleyso aayadeed Suleeqo, sidoo kale waxaa la ii sheegay in ay billowday kurayo shiris iyo inay waxbarashadii sagsaagtay oo iskuulkii ay ka gaabisay.
Sida ay doontaba ha ahaatee kama aan fiirsan iskamana hubin in arintaas wax ka jira. Caro iyo ciil baan la dhimanayaa oo meeshii la iga saraaba dhiig malahan, waxaan ka joojiyay iskuulkii waxaana ku xukumay in aysan ka bixin guriga , kaaga daran intaas kagama harin ee handaad iyo dhaar baan isugu daray, waxaanan ku iri haddaan kugu arko kuray xun adiga oo la taagan ama aad haweystid ogoow inaan ku qalayo dhiiggaagana aysan jirin cid ii qabsaneysa.
Waan xasuustaa erayadeedii iyadoo igu leh aabbo hubsiino halbaa la siistaa, guriga waan ku dhibbanahay xaaskaagana iima roona, balse, waan idin kala qarshaa, sidoo kale aabbo waan jeclahay waxbarashadeyda inaan heer ka gaaro ilaa aan isku filnaansho ka gaarayoo, ee ha iga reebin faceyga wiilasha ila dhashay ba waad ku dadaashay horumarkooda ee miyaan ka xumahay mise ima jeclid aniga aabbe?
Dhag jalaq uma siin waxa ay inanteydu ii sheegtay, waxaase ila qumanayd oo aan rumeystay gacalisadeydii aan u heystay iney tahay ma qaldanto Eebbe ayaa ceeb idilkeed ka nasahan oo maqaldame ah. Ceeb ka carar ayaan ahaa ma dooneyn marnaba in dhegteyda ay maqasho gabadhaada ayaa ilmo garac ah sida ama wiil food dheere ah halkaas la taagnayd.
Si aan u dhawro magaca iyo sharafta reerkeyga waxaan ku fikiray in aan Daadir iyo Duniyo sida ugu dhaqsiyaha badan aan isku guuriyo. Daadir waa wiilkii uu dhalay saaxiibkey sharma’arke oo intii reerkeygaan danbe uu dhisnaa geeriyooday.
Sharma’arke inta uusan geeriyoon dardaaran iyo balan soo jireen ah baa na dhex taallay, laga soo billaabo maalinta ay adduunka halmar kusoo biireen Duniyo iyo Daadir, wax qarsoona ma ahayn oo ehelkiisa iyo keygaba waa wada ogaayeen in Daadir iyo Duniyo ay isku alkumanyihiin ‘doonanyihiin’.Koriimada carruurta saaxiibkey qeyb lixaad leh baan ku lahaa oo kuweyga ayey iila mid ahaayeen, mana aaminsaneyn adeer aan ani ahayn in ay heystaan.
Daadir hooyadiis iyo aniga waxaan isku duba ridnay qabanqaabada arooska Duniyo iyo Daadir, weyna hirgashay, caruuska iyo caruusadana kuma aysan gacanseyrin guurka loo agaasimay ee aan xaggooda ka imaan.Aqalgalkoodii kadib dhawr cabasho ayaa naga soo gaaray xagooda iyo in ay isku dhaceen, markasta waan heshiisiin jirnay kuna dhiirrigelin jirnay in ay gurigooda dhaqdaan.Muddo Lix bilood mar laga joogay guurkooda isfahmi waagii iyo dagaalkoodiina uu sii batay ayaan wiilka wareystay waxa uuna iisheegay in ay Duniyo jecleyd wiil la yiraahdo Mursal, balse aan afduubay. Fursad uma siin rabitaankeeda in aan ogaado.
Wuxuu Daadir ii sheegay in Duniyo ay rubadda uga go’aysay wiilkaas, farriimaha jaceylkoodana ay iskugu gudbin jireen qaab qoraal ah ama waraaqo baqshadeysan. Waxaana si qarsoodi ah ugu kala gudbin jirtay adeegtada gurigeyga joogtay.Daadir ayaa mar kale igu yiri Adeer Liibaanow xitaa waxaan hayaa xaashidii ugu danbaysay ee loo soo qoray. Wax war ah oo danbena ma aysan kala helin labadoodaba.
Markaas ayaan ku iri ma i tusi kartaa xaashidaas si aan u aqriyo, Daadirna haa ayuu iigu jawaabay wuxuuna jeebkiisa iigasoo baxshay waraaqdii, farta ayuuna iga saaray.
Anna waan kala furay waxayna u dhigneyd sidan:-
- KA: NAF DARTAA U DURUUFAYSAN (Mursal)
- KU: Duniyo Liibaan ”Noloshayda”.
“Abbaayo macaan ugu horrayn waan ku salaamay 114ta qur’aanka caddaddiisa iyo salaanta islaamka Assalaamu caleykum ayaana kugu salaamay.
Salaan kadib, Gacaliso waxa aan maanta ku usoo diray farriin aan filayo inay noqoto ta ugu danbeysay ee xaggeyga kaasoo gaarta, Duniyooy waxaan ku suganahay xaalad samir u badan, rajadii aan ka qabey inaan is hanano, hadda 100% dhinaca kale ayey noqotay waayo maalmo yar kadib waxaad noqoneysaa oori ama xaas ninkale oo waalidkaa kuu dooray.
Abbaayo inaan ku waayey adiga oo noloshayda ah waxaa ii dheer inaanan awood u yeelan karin kusii noolaanshaha magaaladaan, sababtoo ah, ma doonayo inaan maqlo alalaaska arooskaaga, ma doonayo inaan sii ar arko goobihii iyo meelihii aan ku kulmi jirnay xiligii aad iskuulka dhiganeysay iyo waxkasta oo raad kuleh is barashadeenii iyo wada sheekeysigeenii aadka u wacnaa ee gadaal ka aafoobay, waana sababta aan u go’aansaday inaan u bareero Tahriibkii aan ka waanin jiray dhallinyarada.
Duniyooy fadlan u sheeg aabbahaa in uu noo gaystay dhibaato aad u qara weyn, adna ha isku daalin inaad warqad iisoo dirto waayo ma heli doono oo hadda oo aan farriintaan kuusoo qoraayo waxaa bixitinkeyga ka dhimman dhawr saacadood oo kaliya.“Intaan arooskaaga daawan lahaa baddaha aan dacdaro ugu dhinto!! Nabadeey, Noolaada adigiyo ninkaaguba.
Markaan aqriskii xaashida dhammeeyay xaqiiqdii waxaan dareemay inaan Duniyo danbi weyn aan ka galay.Ugu dambeyntii waxay Duniya iyo Daadir si wada jir ah bey iigu sheegeen in dacwada iyo is qabqabsiga xagooda ka imaaneysay ay ahayd baaq ay ku doonayeen in ay is furaan.Duniyo dambi yar kama aanan galin ee dhiiggeeda ayaan galay, nafteeda ayaan ciqaabay, guur aysan raali ka ahayn baan goroda u galshay. Mustaqbalkeedii ayaan ka lumiyay iyo waxbarashadeedi, sidoo kale wiilka aan uguurshay iyo kan jeclaa oo tahriibay ba dambi baan ka galay iyagana.
LA SOCO QAYBTA 4AAD
W/Q: Sagal Jaamac Maxamed.